Ummad wada wadaad ah!

Ma jirto ama waa yar tahay bulsho ugu dhaggan ama u aamminsan diinta sida ay ugu dhagganyihiin bulshada Soomaalida oo kale, oo aad u mooddo in dadka Soomaalidu wada yihiin dad heer ka gaaray garashada iyo aqoonta diinta, hasayeeshee marka aad si qoto dheer u fiiriso ama isu barbardhigto aamminaaddooda xad dhaafka ah iyo aqoontooda waxaad arkeysaa in aanay isu qalmin.

Maxay tahay sababtu?

Ceelka waxaa laga cabbaa biyaha guntiisa ku jira, marka aad si durugsan u eegto halka ay ka cabbayaa dadku umuuraha ku saabsan diinta, waxaad durbaba arkeysaa in tirada badan ee dadku u fadhiyaan si ay uga qaataan diinta in aanay aheyn kuwii ay aheyd in loo hogto, ma jirto nidaam ama xeer-hoosaad ka yaala qofka ay tahay in uu u istaago si uu diinta dadka ugu sheego, keliya waa in aad safka hore ku sii dhawaato si aad kalimadaadda u tuurto, islamarkaana waa in aad iska sii hormariso cudurdaad waa haddii aad yaratahay nin is og adiga oo leh ” culimadu raali ha iga ahaadeen waan iska gardaroonayaaye” .

waxyar dabadeed ayuu bilaabayaa in uu ka hadlo kuliyaatka iyo tafaasiisha hoose ee diinta isaga oo aanba aheyn ninikii inyar ka hor cudurdaaranayey, muddo gaaban kadib marka ay ka ba’aan cabsidii iyo faro-kannixii waxa uu noqonayaa qofka masjidka iyo xaafadda looga heybeysto lana weydiiyo umuuraha cul culus ee diinta.

hanoqoto kitaabo la akhriyo ama muxaadarooyine inta badan waxa ay gacanta ugu jirtaaa dadka sidaa ku caan noqday oo aan heysan aqoonta diimeed ee xagga jaamacadah ama aqoonta diimeed ee xagga masjidka iyo xernimada, dabadeedna waxa ay soosaaraan bulsho isu heysata in ay heer ka gaartay baahida diinta kuna daysata shiiqooda iyo garashadiisa xaddidan isuna xanaajisa sida shiikhooda, u hadal badan sidiisa laakiin u murti yar sidiis.

Aqoonta diinta maanta iyo isbeddelkii la rabay!

Inkasta oo culimada oo dhammi aysan wada aheyn xaaladda hore oo keliya, oo ay jiraan rag aqoon macquul ah u leh tan masjidka laga barto iyo tan jaamacadaha, haddana waxaa muuqata in biyadhaca caalimka iyo ardaygu isku meel ku shubayaan oo farqiga u dhaxeeyaa uu yahay mid aad isugu dhaw, keliya noqon kara xagga aqoonta laakiin xagga ulajeedada ka mideysan.

Ninkii u ekaada aabbihi dulmi ma samayn!

Culimada aqoonta leh iyo ardadooduba waxa ay u laabanayaan aragti ka fog soo bandhigisteeda iyo kuwa iska leh aragtidaba ( Madaahibta) .

MADAAHIBTA waa hab fahamkii diinta oo u laabanaya qarniyo fog. Dhibtaada jirta ayaa ah sida qof bashar ah fahankiisa iyo garashadiisu si joogto ah ugula saanqaadi karaan fasiraadda naska diiniga ah oo loogu talagalay ilaa qiyaamaha in uu maareeyo. Sida saxda ah ayaa aheyd in markasta ay joogaan kuwo argti durugsan u leh ummuuraha diinta si naska fahamkiisu u noqdo mid la saanqaada socodka nolosha oo uusan u noqon mid u xayiran garashada kuwii tagay oo keliya.

Marka aad baahantahay waxa keliya oo aad rabtaahi waa in lagu siiyo waxaad cunto, laakiin in lagaaga sheekeeyo cuntada macaankeeda iyo nooca ay tahay in aad cunto ma noqon karto mid baahida kaa jarta.

Tusaalaheygu waxa uu albaabada u garaacayaa wadaaddada oo mar kasta dadka uga sheekeeya sheekooyin qurxuun oo ay lahaayeen dadka loo yaqaano Salaf (dadkii hore), dhibaatada jirta ayaa ah marna nolosheena nagama tusaan sheekadaa macaan ee Salafka, noomana oggolaadaan in aan mid cusub innagu abuuranno. Taasi waxa ay keentay in aan ku noolaanno sheekooyin khiyaali ah oo u eg kuwa laga qoro riwaayadaha iyo filimada oo daawashadoodu macaan tahay, balse aan xaqiiq aheyn. Nasiib darro, sheekooyimkaas khiyaaliga ahi intaa kuma eka ee waxa ay u siii gudbaan mustaqbalka fog ee aakhirada iyaga oo u suureysta jannada iyo naarta iyo waliba kuwa galaya sida ay doonaan oo waliba aad u mooddo in ay maamulayaan iyagu ku dar io ka jartaba (=Cidda jannada galaysa iyo kuwa naarta loo dheelmayo).

Masaajiddu wey wada buuxaan, gabdhuhuna waxa ay wataan marya waaweyn, ragga in badan waxa ay ku biireen ama qaateen aragtida wadaaddada majaraha adag ee dadka u sheega in mar haddii sidaa la sameeyo la heli doono barwaaqo iyo nolol cusub,  hasayeeshee waxaan aragna taa cagsigeeda bulsho sii kala huleeshay, musuq baahay, qabyaalad badan, wadaniyad yar iyo himilooyinkii ummadda oo mugdi sii galaya.

Haddaba, su’aasha aan marna indhaha laga laaban karin ayaa ah intii aan wadaaddada la wada noqon oo dadku wadaad iyo waranle u qaybsanaayeen,  diintana u heysteen si caadi ah oo ragga qaarkood salaadda guryaha ku tukan jireen, gabdhahayaga intooda baddana ku labisan jireen baatiga, bulshaduna si daggan u wada noolayd, ilaahey darti sida maanta la yiraahdana aan la isu jarjari jirin la isuguna jihaadi jirin, diintana loo siyaasadeyn jirin, nolosha dadku seebey ahayd sidee bayse tahay maanta, ma wanaag iyo horumar baa la sameeyey mase dhib iyo wareer.

 

Waxaa laga yaabaa in qofi yiraahdo dhibaatada dalka ka dhacaday ha u saarin culimada, laakiin tan aan ka hadlayo ayaa ah kaalintii wadaaddada ee shalay iyo tan maanta tee baa saxsan,  waayo waxaa muuqata in ay hadda yihiin kuwa horjoogaha ka ah siyaasadda socota magaca ay doonaan ha lahaadeene,  sidoo kale ay isla iyaga yihiin kuwa hubeysan oo iyaguna ku cabiray diidmadooda qoraga afkiisa, isla markaana aysan muuqan wanaag aan horay loo haysan oo wadaaddada cusubi ay bulshada ku soo kordhiyeen.

Haddaba ummaddeenu waxa ay maanta u baahantahay in ay ka nasato ol’olaha wadaaddada oo ku dhammaday fashil, ayna isku daydo in ay u noolaato sida ummadaha kale ee dunidu ay u noolyihiin. Waxayna awoodaan in ay sidaa yeelaan iyaga oo aan marna ka tegin diintooda, laakiin ka fogaanaya kuwa heerkulka dhiiggooda sare u qaadaya.

Qore Cabdirisaaq Macallin Axmed

abdirisakmoalim1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code