Unuunkii Daqaqamay!

Coobbo karsan, gaaddo caro la higaagan iyo indho gadaashoodu maran tahay ayay saddexduba ka sinnaayeen. Gararka waxa sida sayaxa uga saarsaarnaa abur yaryar ah, qawlallada xumbo ayey ku lahaayeen, noloshana col bey la ahaayeen. ‘cadowga Ilaahay gawrac!’ ayuu midi ku yiri mid kale.

‘Cadowga Ilaahay’ duubiyadu sifaar bey ka dhuubnaayeen, dhafoorradiisuna intey caato la goteen ayey markii roob da’o xareedda ceshan jireen. Shaarkiisa badhanka ugu korreeya ma ahee inta kale waa go’naayeen, kabihiisana labaduba midig bey ahaayeen. Maalintii uu dunida yimi ilaa iyo maantadaan oo laga kaxaynaayo qadaa-ma-dhergaan buu ku noolaa. Irsaaqadda samada ka soo dhacda gaari-gacan buu u dhigan jirey, maalintii wax u fuulaan habeenkiisa waa cashayn jirey, maalintii kale se , sidii kirli shaah lagu karinaayo isagoo ay calooshiisa biyo kululi is-laba-rogaayaan oo afka hunri ka sii deynaaya ayuu meel dhinaca u daran is-duuduubi jirey. Waxaana geeridiisa tebi doona afar iyo hooyadood uusan wax badan ugu oollayn oo saxariirka marti ugu ahaa.

Midka mindida haystaa markiisii hore nin naxariis badan buu ahaa oo aan jeclayn in uu dadka dhibo. Xataa xanjo uu meel ku tuuray in qof ku joogsado oo dhibsado ma uusan jeclayn. Haddana wuxuu rabaa in uu surka ka jaro nin aan wax dembi ah ka gelin, jirkiisuna dubaaxin iyo diirnax midna ma leh. Ogoobeey waxa sidaa u dooriyey waa arrimo meel ciriiri ah laga tusay iyo seeto maskaxeed oo loo gaabiyey. Dareenkii naxariiseed oo isaga iyo aadanaha kale isu hayn jireyna waxa lagu gooyey fikrado ka xalleefsan mindida uu la soo gariiraayey.

‘Khiikh’ iyo ‘Allahu akbar’ iyo dhiig kalleeti ah dabadeed, mindidii baa ciidda soo taabatay, unuunkiina waa uu hordhigay. Unuunkii xayaabo ayaa indhihiisa laga feydey, xaalad hor leh ayaa isu bannaysay. Muuqaallo hirarkoodu is-riixayaan ayaa maankiisa tooreeyey. Hareeraha ayuu fiiriyey, mise dunidii hoosiis ayey gashay cirkana waxa soo fuulay guulaamo daruuro madmadow ah. Sidii degello beelo abaareed ka ruqeen ayaa dhulkii siigooyin yaryari iska abaabuleen, oo dhawrkiiba inta isdoonteen, iskuna tidcameen, cirka isku shareereen oo iyagoo xawli ku wareegaaya dhirtii man iyo caleen kor uga muruxsadeen.

Isagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa dhacay qarax weyn. Markii uuradii, qiiqii iyo ololkii kor uga feydmeen ayaa waxa meeshii ku soo haray meydad aadane iyo rajooyinkii laga qubay oo isdhex daadsan. Meydad duban, guban oo kogsan ayaa si qabyo ah midba meel u gorofsanaa. Meydad afka xoog u kala haya oo iyagoo qaylinaaya dhintay, welina sii wada qayladii oo ay cod u waayeen!. Wajiyadooduna ay leeyihiin arag laga saso oo uu argaggaxii sagootiyey kaga tegey. Waxaa ka mid ahaa arday shahaadadii oo qaar guban yahay kor u taagaya oo aad mooddid in uu oran lahaa ‘ meel dheer baan u socdey, wax weyn-na waan noqon karey haddii fursadda aan la i waasiiyeen ‘. Dabadeed waxaa la maqlay foori-geeriyaad dhuudhuuban oo ay durbaanka u tumayaan hooyooyinka laabta iska garaacaayey. Unuunkii waxaa u muuqday daaro haawadey oo ay daaqadaha iyo albaabbadu isu fooryeen, daahyada baalbaashanayaana ay dayro soo hurgufayaan. Waxaa dhabatay qarqaryadii gabagabada oo welwel iyo walkadaad uu noolaha beerku la ruxmay. Unuunkii wuxuu is yiri ‘ maanta waa maalintii la hadalhayn jirey, oo ay dunida dhagaatiyadu u go’i lahaayeen, dhardhaarradeedana la kala tuuri lahaa- Maalintii Qiyaame ‘

Unuunkii, arrimaha la soo dersey ayuu indhaha ku hayn kari waayey markaasuu dhinaca kale isu dadbay. Haddii uu cabbaar hiyiga ka daqaqamay ayuu hogtey, oo midig deyey, mise waa cidla’, bidix buu misna deyey mise waa ciirsila’. Dib buu fiirshey mise waa duug iyo dambas. Markaasuu garwaaqsaday in fursadihii waqtigu kaa dhacay aan dib loo caymin Karin, Soomaaliduna haddii ay mustaqbalka ka fekeri lahaayeen in ay mar hore arrintooda xallin lahaayeen, waqtigoodii se ku dhammaaday sidii ay arrimo horay u dhacay hadda u baajin lahaayeen iyagoo tagtada u legdan welina xoqanaya haarihii hore. Markaasuu hor fiiriyey mise waa hir iyo laac, suu xaggoodii buu u daqaqamay.

Wuxuu arkay wiilal xeebta qaarna ku dabaalanayaan, qaarna kubbad ku cayaarayaan. Wiilashii waxaa u yimi wadaad gaggabsan, oo inta la hadlay oo muxaadaro u bilaabay, wuxuu uga sheekeeyey in wiilal iyaga la fac ahaa oo ereyga Alle inuu korreeyo naftooda u huray ay Rabbi marti u yihiin oo uu ku casumey daaro isku qoofalan oo ay ku yaalliin geedo miro la ciirciiraya iyo weliba gabdho sanqaroorka la moodo garanuug ubax daaqeysa, indhahana deero dhalatay. Markii uu sheekada halkaa marinaayey ayaa wiilashii mid ka mid ahi kubbad ku soo didiyey oo gafuurka kala helay. Markaasaa quraaradaha indhaha oo uu sanbuuqada ku watey iyo koofiyad dhalada ka saarnayd midba doc u finiinay, isagiina inta gadaal u dhacay buu qadaadka sidii dubbe dhulka ugu dhiftay. Dabadeed inta ka xaaxaabsaday ayuu isagoo maskaxda ka dhutinaaya, arrimaha Soomaaliyana kala sii baxaaya faro ciddiyahooda xinjiro ka lushaan, wuxuu ka hortegey mugdigii fiidnimo oo soo ekaanayey, dabadeedna mugdidii bey is-yeesheen.

Unuunkii markii uu arkay sida wiilashii ay wadaadka Alshabaab ugu gacan sayreen ayaa wajigiisu hillaacyo bixiyey, oo uu yididdiilada u muuqatay qalbi aan ku oollayn ku guntadey. Dabadeedna inta aayar dhoolbiray ayuu af muggii hamaansadey, oo inta carrabka qawlalka bidix ka lalmiyey samada meesha casar ka soo galo ku dhaygagay. Kolkaasaa qaarkii dambe oo inteedii sii rafanayey isna dhaqaaq joojiyey.

Saddexdii gawracay markay arkeen in uu go’ay ayey iyagoo sidii dhurwaayo u wirxaya waxay jeego-jeego ugu daateen haadaanta doqonniinada oo maskaxdooda ka qodnayd. Markey salka herdiyeen ayaa dhinac walba waxaa kaga soo burqaday dhiig xawli ku butaacaya oo iyagoo weli rafanaya harqiyey. Muddo kooban ayaa guntimo hawo ah oo sambabbadooda ka soo fagmaayey dhiiggii dul sabbaynayey kor uga soo ‘bud-bud’leeyeen. Markey xagga tagaan waxay filanayeen in ay soo dhoweyn doonaan shimbiro qurux badan oo u sii gelbin doona guryo-raaxo oo ay gabdho xadatoonayaa ku sugayaan. Mase noqon ee waxaa soo balleeyey ceeryaamo madow oo ka soo afuufmeysey dululaati weligiisba sii hulan. Kolkaasaa iyaga iyo rajadoodiiba inta dabaysha la raacsiiyey waxay ku shalwadeen dalandawlka illowshaha, markaasey xusuusta ka tirmeen!.

 

Maxamed Aadan Ciiraale

Looga-qaateen@hotmail.co.uk

 

 

One thought on “Unuunkii Daqaqamay!

  • October 20, 2016 at 3:09 am
    Permalink

    In kasto AF somaaligan u yahey mid dad badan on ka mid ahey u erayada qaar macnihisa nagu adag yahey, haddana wan idin mahad celinaya qorayasha maandoon dhamaantin sida aad fikir ugu abuuri kartin akhrista yashinna inta caqligoda macquul yahey, maadama dadkeena ey ku qanacsan yihin fikrado dad hore no fikiren,..

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code