Ustaad Maxamuud Maxamed Taha iyo sixidda fikirka Islaamka (1/3)

Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaan daran

Waxaan lala arkayn baa isaguun u muuqdee!!!

Mawduuca sixidda fikirka Islaamku waa mawduuca ay muslimiintu maanta ugu baahi badan yihiin, inta laga gaarayana abdo lagama qabo in la helo Muslimiin dhexdooda nabad ku wada nool, dunida kalena nabad iyo wax isdhaafsi kula nool. Maxaa yeelay? Isbeddel oo dhan waxaa asal u ah kan ku dhaca fahanka diinta laga haysto, taariikhduna waxay na baraysaa in xoraynta samadu (=diintu) ay ka horrayso xoraynta dhulka- dhaqaalaha, dhaqanka, sayniska, siyaasadda, iqk. Diintu nolosha waxay kaga jirtaa halka beerka iyo wadnuhu ay jirka kaga jiraan, oo haddii fahanka diintu uu wanaagsanaado qaybaha kale ee noloshu waa hagaagtaa, haddii fahanka diintu uu xumaadana nolosha oo dhammi waa xumaataa.

Sidaa oo ay tahay, haddana dadku waxay u ol’oleeyaan in la saxo dhaqaalaha, in la saxo dhaqanka, in la saxo siyaasadda, in la saxo waxbarashada, in la saxo caafimaadka, in la saxo laamaha nolosha oo dhan marka laga reebo diinta. Dadka diimaha kala duwan haysta lagama helayo qolo qaadan karta in diintoodu sixid iyo dib-u-eegid u baahan tahay. Qolo kasta waxay la tahay in diimaha oo dhan marka laga reebo diintoodu ay sixid u baahan yihiin, laakiin toodu ay tahay lama taabtaan aan abidkeed isbeddelayn. Bilmatal, haddaan Muslimiin nahay waxaan isu haysannaa in aan nahay ummad ummadaha kale oo dhan ka duwan, oo iyada Alle ku sharfay in uu ka dhigay ciddii u danbaysay ee uu la hadlo, diintii xaqa ahayd iyo afkii jannadana uu isugu daray. Sidaa darteedna, diinteedu aysan ku jirin diimaha dib-u-eegidda u baahan.

Muslimiinta badankoodu waxay si joogto ah u maqlaan xaddiiska nebiga ee yiraahda: “Ilaah boqolkii sanaba ummaddaan wuxuu u soo saaraa cid diinteeda u cusboonaysa /إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مئة سنة من يجدد لها دينها”. Haddana waa dhif iyo naadir in la helo muslim oggol diinta islaamka ayaa la cusboonaysiinayaa. Weydiinta jawaabta sugaysaana waxay tahay: Muxuu yahay macnaha xaddiiskaani haddiiba aysan suurogal ahayn in Islaamka la cusbooneeyo?

Fikradda cusboonaysiinta ama sixidda diintu waa fikrad tan iyo muddo fog ay muslimiintu ka hadlayeen. Taana qayb ahaan waxaa ugu wacan xaddiiska aan kor ku soo xusnay iyo kuwa la macnaha ah ee dhiirrigelinaya sixidda afkaarta diinta. Tusaale ahaan, Shiikh Cabdi-Mutacaali As-Saciidi (1894-1966) wuxuu qoray buug uu u bixiyey “Kuwii Islaamka cusboonaysiiyey /المجددون في الاسلام”, wuxuuna ku xusay shakhsiyaad noolaa qarnigii 1-aad tan iyo kii 14-aad ee hijrada (100 -1370).

Hor iyo horraan, waa in lagu baraarugsanaado in marka la leeyahay diinta ha la hagaajiyo aan laga wadin diin cusub (=quraan iyo axaadiis) ha la keeno, waayo? Nebi Muxamed (scw) ka dib ma jirto cid quraan iyo axaadiis laga qaadanayaa, laakiin macnuhu waa in la saxo sida dadku diinta u fahmaan iyo sawirka ay ka haystaan. Iyada oo aan nusuuta diintu isbeddelin ayaa fahanka dadku isbeddeli karaa.

Nusuusta diintu (=Quraan iyo xadiis) waa erayo aammusan, dadka ayaana ah kuwa ka hadliya oo macne iyo fasiraad siiya. Macnaha iyo fasiraadda ay siinayaana waxaa xukuma fahankooda ku aaddan koonka iyo nolosha. Fahanka iyo garashadu ma aha wax sugan oo aan isbeddelin, laakiin waagii baryaaba waayihiisa ayuu leeyahay, bulsho kasta iyo fac walbana waxay leeyihiin fahan iyaga u gaar ah. Waayo? Fahanka dadka mar walba waxaa xukuma duruufaha dhaqan dhaqaale ee ka jira meesha iyo waqtiga ay joogaan.

Tusaale ahaan, culumadii hore ee tafsiirka iyo xadiiska badankoodu waxay rumaysnaayeen in onkodka ama gugacu uu yahay malag malaa’igta Alle ka mid ah oo daruuraha wardi ku kaxeeya, biriqduna ay timaaddo kolka malaggaasi uu duruuraha u’leeyo (=الرعد الملك والبرق ضربة السحاب بمخراق من حديد). Fikraddaas culumada islaamka badankooda ayaa qabay, welina kuwo qaba ayaa jira, laakiin aan isweydiinno in fahankaasi ku habboon yahay ubadka muslimiinta ee maanta jooga iyo kuwa timaaddada imaan doona iyo in kale? Suurogal ma tahay in ubad waxaas diin looga dhigay ay aqoon yeeshaan, horumarna sameeyaan???

Fahanka noocaas ahi ma aha diin, laakiin waa arrin ka tarjumaya caqligii Carabtii qarniyadii dhexe noolayd iyo aragtidii ay ka haysteen ifafaalayaasha koonka uga muuqda. Carabtii hore eed kuma leh in ay sidaa wax u arkayeen, laakiin docda kale in diintu dhulkooda ka curatay xaq u siin mayso in aragtidooda laga dhigo diin Muslimiintu weligood ku khasban yihiin in ay rumeeyaan.

Weedha Soomaalidu ku maahmaahdo ee “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yiri” iyo midda la macnaha ah ee Muslimiinta Carbeed ay adeegsadeen ee tiraahda “ما ترك الأول للآخر شيئا”, ma aha weer caadi ah, balse waa sun dilaa ah. Weedhaan iyo kuwa la midka ahi waa kuwa keenay in duul waa fog xijaabtay iyo fikradahoodii ay noqdaan diin la barakaysto oo aan dhanna loo dhaafi karin. Waa midda keentay in taariikh tagtay loo afduubnaado. Waa midda keentay in saxaabada, taabiciinta iyo wadaaddada qaarkood laga dhigo anbiyo macsuumiin ah oo lagu khasban yahay in la qaato wax walba oo ay yiraahdeen ama ay sameeyeen.

Diin hagaajiyihii Jarmalka ahaa ee Martin Luther (1483-1546) kolkii uu bilaabay in uu ku baaqo sixidda diinta Masiixiga dadka Kirishtanka ah wuxuu ku baraarujiyey in ay jiraan shan walxaad oo loo baahan yahay in ay keli ahaadaan oo aan la wehelin (=The Five Solas). Shantaas walxaad waxay kala yihiin;

Buug qura (Sola scriptura = Scripture alone), Masiix qura (Solo Christo = Christ alone), iimaan qura (Sola fide = faith alone), nimcada iyo weynaynta Alle oo qura ( sola gartia, soli Deo gloria). Walxahaas Luther sheegay haddii magaca masiixiyadda laga daayo, waxay noqonayaan kuwo lagu dabbaqi karo diimaha badankooda. Sidaa darteedna, muslimiintu maanta waxay u baahan yihiin in ay helaan quraan keliya oo aan kutub kale –Bukhaari, Muslim, Kaafi…- ku lifaaqnayn, nebi keli ah oo aan saxaabo, taabiciin iyo wadaaddo waxyiga la wadaagin, …iwm.

Danta ugu danbaysa ee laga leeyahay sixidda afkaarta diintu waa in diinta iyo nolosha casriga ahi aysan is diidin. Marka diinta iyo baahida qofka muslimka ahi ay is waafaqaan, diintu waxay noqonaysaa mid la fulin karo, taas oo muslimiinta u sahlaysa in ay fuliyaan waxa diintu farayso, isla markaana keenaysa in maan ahaan iyo nafsad ahaanba ay nabad iyo raaxo ku noolaadaan.

Si sixidda afkaarta diintu ay suurogal u noqotana, waxaa lama huraan ah in nusuusta diinta caqliga la waafajiyo, waayo marka caqliga iyo diintu ay is hardiyaan, dadka badankooda waxaa ku adkaanaya in ay qaataan wax caqligoodu diidayo. Si arrinkaasi u sahlanaadana waxaa khasab noqonaya in la kala garto diinta iyo taariikhda Muslimiinta iyo sidoo kale in la kala garto diinta qaybteeda sugan iyo qaybteeda isbeddesha (=الثابت والمتغير). Diinta qaybteeda sugan ee aan isbeddelin waa mabaadida, qiyamka iyo caqiidada guud oo iyagu bulsho kasta iyo seben walba la jaanqaadi kara, halka diinta qaybteeda isbeddeshaa ay tahay dhanka shareecada oo caadi ahaan ka tarjunta baahida bulsho xilli iyo deegaan go’an ku noolayd. Guud ahaan, waa in diinta iyo dowladda la kala saaro, muuminka iyo muwaadinkuna ay kala duwanaadaan, qaanuunka iyo shareecadana aan la isku walaaqin, masjidka iyo sheybaarkuna ay kala madax bannaanaadaan, xorriyadda iyo xuquuqda qofka iyo bulshaduna ay noqdaan lama taabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamuud Maxamed Taha (1909 – 1985) oo loogu yeeri jirey naynaasta Ustaad Maxamuud, dadka qaarkoodna ay ugu yeeraan ‘Gaandiga Afrika’, wuxuu ahaa waxgarad halabuur badan oo u dhashay dalka Suudaan, waana nin la xasuusto mar walba oo la soo hadalqaado mawduuca ‘dib-u-sixidda ama dib-u-eegidda fikirka Islaamka’. Aqoonyahanno uu ka mid yahay Dr. Saami Aldeeb-na waxay ku doodeen in Ustaad Maxamuud Maxamed Taha uu yahay kan muslimiinta oo dhan ugu hal-abuursanaa tan iyo geeridii nebi Muxamed (scw)(Halkaan ka akhri buugga Saami Aldeeb uu ka qoray Ustaad Maxamuud: http://sami-aldeeb.com/livres/Taha_amazon_ar.pdf ).

Ustaad Maxamuud Maxamed Taha wuxuu dadaal badan geliyey sidii muslimiintu u heli lahaayeen fahan diini ah oo cusub oo ku habboon hadba waqtiga iyo meesha lagu nool yahay. Sida Cornel West uu ku qoray buuggiisa ‘Democracy Matters: winning the fight against imperialism’ Ustaad Maxamuud Taha: “Islaamka wuxuu u haystaa qaab nololeed dhammaystiran oo xoojinaya xorriyadda iyo in laga baxo cabsida, si loo gaaro nolol jacayl iyo xikmad ku dhisan /Taha conceives of Islam as a holistic way of life that promotes freedom –the overcoming of fear – in order to pursue a loving and wise life”.  Si islaamku u noqdo diin jacayl, raxmad iyo xikmad laga helana waxaa lamahuraan ah in lagu eego aragti cusub, laguna akhriyo caqli iyo qalbi caafimaad qaba oo rumaysan in Eebbe uusan uunkiisa qolo gaar u la dhalan. Waana iyada la yiraahdo: “Dagaalku wuxuu ka bilowdaa maanka dadka, haddii nabad la doonayana waa in miraha nabadda maanka dadka lagu beeraa”.

Ustaad Maxamuud wuxuu ahaa aqoonyahan halabuur badan, qorayna dhigaallo tiro badan. Dhigaalladiisa oo dhanse waxaa ugu caansan buugga uu u bixiyey “Dhanbaalka labaad ee Islaamka /The second message of Islam /الرسالة الثانية من الإسلام”. Fikradda dhextaalka u ah afkaarta Ustaad Maxamuud ee dhammaan afkaartiisa kale ay ka duulayso waa fikradda uu ku sheegayo in Islaamku u qaybsamo labo qaybood oo uu tan koowaad  ugu yeeray ‘Islaamka Maka  الإسلام المكي ‘ ama “Dhanbaalka koowaad ee Islaamka/ الرسالة الأولى للإسلام ’ tan labaadna ‘Islaamka Madiino الإسلام المدني أو إسلام المدينة’ ama “Dhanbaalka labaad ee Islaamka الرسالة الثانية للإسلام”.

Islaamka Maka waa quraankii soo degay 13kii dabshid ee nebigu uu ku sugnaa magaalada Maka Al-Mukara. Islaamka Maka waxaa u taagan 86 suuradood oo ka mid ah quraanka kariimka oo nebiga ku soo degay sanooyinkii u dhaxeeyey 610-622 ee taariikhda miilaadiga. Quraanka Maka waa asalka quraanka iyo nuxurka diinta islaamka, wuxuuna ku habboon yahay nolosha aadamiga casriga ah, waayo? Wuxuu ku baaqaa caddaalad, nabad iyo sinnaan, wuxuuna ka maran yahay xeerarka jideeya addoonsiga, liididda haweenka iyo wixii la mid ah. Waana quraan farriimihiisu aalaaba aadamiga oo dhan ku socdaan oo ugu yeera: “War dadow /يا أيها الناس” iyo wax la mid ah.

Qaybta labaad ee uu u bixiyey Islaamka Madiino isaguna waa suuradaha quraanka ah ee nebiga ku soo degay wixii ka danbeeyey markii uu u qaxay magaalada Madiino. Waa 28 suuradood oo nebiga ku soo degay sanooyinkii u dhaxeeyay 622-632CD. Aalaabana quraankaasi wuxuu si gaar ah u la hadlaa bulshadii Madiino ku sugnayd, baaqiisuna wuxuu ka bilowdaa: “War kuwa rumeeyow /يا أيها الدين آمنوا” iyo baaqyo kale oo aan ka fogeyn.

Ustaad Maxamuud Taha waxay la tahay in islaamka waaraya ee meel kasta iyo goor walba ku habbooni uu yahay islaamka Maka. Islaamka Maka waa nuxurka diinta islaamka wuxuuna sidaa farriimo ku baaqaya dulqaad, naxariis, wada-noolaansho, caddaalad, sinnaan iyo xorriyad, waana farriimo jiraya inta aadamigu ifka saaran yahay, oo meel walba iyo goor kasta aadamigu u baahan yahay. Tusaale ahaan, quraanka Maka waxaa ka mid ah aayadaha oranaya: “Diintu khasab ma aha /لا إكراه في الدين”, “Diintiinna ayaad leedihiin, anna diintayda ayaan leeyahay /لكم دينكم ولي دين”, “Waxaad tiraahdaa xaqu Rabbigiin buu ka ahaaday ee kii doonaa ha rumeeyo kii doonaana ha ku gaaloobo / وَقُل الحَقّ مِنْ رَبِّكُم فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ”, “Ugu yeer jidka Rabbigaa si xikmad iyo waano wanaagsan ah, kulana dood sida ugu wanaagsan /أدع إلى سبيل ربك بالحكمة والموعظة الحسنة وجادلهم بالتى هي أحسن” iyo aayadda oranaysa: “Waani –dadka- waxaad tahay waaniyee. Mana tihid mid xoog ku leh / فذكر إنما أنت مذكر لست عليهم بمصيطر ” iyo qaar kale oo badan oo xanbaarsan xorriyad, caddaalad, sinnaan iyo wada noolaansho.

Halka Islaamka Madiino uu yahay islaam xanbaarsan nacayb, gacan ka hadal iyo is-maquunin, waana islaam xilli go’an leh, oo ku habboonaa sebenkii nebiga iyo waqtiyadii la midka ahaa ee aadamigu muruqa isku maquunin jirey. Islaamka Madiino waxaa tusaale u ah aayadda tiraahda: “Marka ay dhammaadaan bilaha xurmada leh –ee dagaalka la idinka xarrimay- gaalada meeshaad ka heshaanba ku dila, qafaasha, oo go’doomiya, una fariista meel kasta oo gabasho leh, haddayse toobad keenaan, oo oogaan salaadda, sakadana bixiyaan faraha ka qaada Eebbe waa denbi dhaafe naxariistee / فَإِذَا انسَلَخَ الْأَشْهُرُ الْحُرُمُ فَاقْتُلُوا الْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَاحْصُرُوهُمْ وَاقْعُدُوا لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ ۚ فَإِن تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَخَلُّوا سَبِيلَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ”.

Sidaa darteed, Ustaad Maxamuud wuxuu rumaysnaa in Islaamkii Madiino ku soo degay uu xilligii nebiga ku eg yahay, oo wixii intaa ka danbeeyey uusan shaqayn karin, taa awgeedna Ustaadku wuxuu  diiday aayadaha quraanka ah ee ka hadla jihaadka, qafaalashada, dhaxalka, xuduudda, kala sarraysiinta ragga iyo dumarka iyo aayado kale oo uu sheegay in ay shaqayn kareen waqtigii nebiga laakiin aysan la socon karin wacyiga aadanuhu maanta ku noolyahay.

Maxamuud muslimiinta wuxuu ugu yeeray in ay ku dhaqmaan islaamka Maka, isla markaana ay faraha ka qaadaan islaamka Madiino ee aan noloshooda ku habboonayn. Waxba kama uu qabo in la akhriyo quraanka Madiino ku soo degay, laakiin wuxuu ka digay in la isku dayo in lagu dhaqmo qaybtaas quraanka ka mid ah oo uu u arko in aysan nolosha casriga la jaanqaadi karin. Wuxuuna sheegay in isku dayga hirgelinta quraanka Madiino uu keenayo nacayb iyo in ay abuurmaan muslimiin xagjir ah oo doonaya in ay dunida oo dhan xoog ku maquuniyaan sida maanta xaalku yahay ee Daacish, Qaacido, Alshabaab, Boko-Xaraam iyo ururro badan oo kale oo diini ahi ay isugu dayayaan in ay dhisaan dowlad magac islaam sidata oo dunida oo idil aragtidooda ku khasabta. Fikradda Ustaad Maxamuud la yaab yeelan mayso, haddii xisaabta lagu darsado fikradda muslimiinta badani ay qabaan ee quraanka u qaybisa qayb wax-tirtirtay (=naasikh) iyo qayb la tirtiray (=mansuukh). Nuxurka dhabta ah ee naasikha iyo mansuukhuna waa in la iska daayo ku dhaqanka aayadaha quraanka ee lagu qanco in aysan la socon karin waayaha lagu noolyahay. Waxaana xusid mudan in Saxaabo Cumar bin Khaddaab ugu horreeyo ay fikraddaan fuliyeen, oo ay faraha ka qaadaan aayado badan oo ay u arkeen in aysan xilliga ku habboonayn, iyada oo aan ognahay in nebiga iyo Cumar ay isku waqti ahaayeen oo ay kala nolol danbeeyeen dhowr dabshid oo qur ah.

Doodda Ustaad Maxamuud ee Islaamka u qaybinaysa Islaam Maka iyo mid Madiino waxay na xasuusinaysaa sababtii Martin Luther shan boqol oo dabshid ka hor ku dhalisay in uu ku baaqo in dib-u-sixid lagu sameeyo diinta Masiixiga.

Luther wuxuu ka sheekeeyey dhacdo noloshiisa oo dhan beddeshay, muddo ka dibna nolosha reer Galbeedka saamayn weyn ku yeelatay. Luther isaga oo naftiisa ka warramaya ayuu wuxuu sheegay in uu muddo dheer ku wareersanaa fahanka macnaha caddaaladda Eebbe ee Baybalku tilmaamayo. Baybalku wuxuu leeyahay: “Caddaaladda Alle waxaa lagu muujiyey Injiilka /The righteousness of God is revealed in it”, waxaan nacay erayga “Caddaaladda Alle /the righteousness of God”. Marka aan maqlo weedha “caddaaladdaada igu badbaadi” caro iyo naxdin ayaa wejigeygu la beddelmi jirey. Waxaana isweydiin jirey su’aasha ah: sidee baan nimcada Alle ugu mudan karaa saxnaantayda iyo shaqadayda? Muxuu yahay Ilaahaan ila xisaabtamaya, igana aargoosanayaa? Maxaa yeelay, wadaaddada Kirishtanku erayga caddaalad waxay ku macnayn jireen  ciqaab iyo qisaas. Aan dhegaysanno Martin Luther oo xaaladdiisii nafsadeed nooga war bixinaya:

“Waxaan bilaabay in markii labaad aan fasiro Sabuurka, waxayna ila ahayd in aan taa si wanaagsan diyaar ugu ahaa ka dib markaan ardayda u sharraxay farriintii St. Paul uu u diray reer Rooma, ka dibna Galatiya, ka dibna Cibraanida. Waxaan doonayey in aan ogaado macnaha erayga ku jira warqaddiisa dadka Rooma ee uu ku leeyahay: “Caddaaladda Alle waxaa lagu muujiyey Injiilka.” Kolkaan eraygaas maqlo ama aan ka fekerana baqdin baan la gariiri jirey. Eraygaas waa necbaa, waayo macnihiisa caanka ah ee wadaaddada Masiixigu ay ku fasiraan wuxuu ahaa in Eebbe caddaalad ku xukumo kuwa denbaaba. Inkasta oo noloshayda wadaadnimo aan wax mugdi ahi ku jirin, haddana had iyo goor waxaan dareemi jirey in Alle hortiisa aan denbiile ka ahay. Si weyn baana wacyigeygu u wareersanaa. Markaan eraygaas arkana waa wareeri jirey. Waxaana bilaabay in aan aad uga fekero eraygaas St. Paul, aniga oo abdo ka qabay in maalin un aan macnihiisa gaari doono.

Ugu danbayntii, Ilaah waa ii naxariistay, waxaana bilaabay in erayga aan u fahmo si ka duwan sidii hore. Mar kale ayaan akhriyey weedha caddaaladda Alle ee lagu xusay Baybalka, sida loo dhigay: “Baarrigu iimaan buu ku noolaanayaa /The righteous shall live by faith”. Waxaana bilaabay in erayga aan u fahmo sidaan: Injiilku wuxuu na tusayaa caddaaladda Eebbe oo laga wado naxariistiisa iyo denbi dhaafkiisa, ma aha ciqaabtiisa iyo qisaaskiisa. Haddii aan muuminiin dhab ah nahay, Eebbe wuxuu nagu galladaysanayaa caddaaladdiisa iyo raxmaddiisa, jiritaankayaguna wuxuu noqonayaa mid macno leh, denbiyadana wuu naga mayrayaa. Cabsi aan ka qabno in aan denbi galnaana ma noqonayso mid hurdo la’aan nagu ridda noloshana na nacsiisa. Kolkii aan weedha sidaa u fahmey, waxaan dareemay sidii in aan dib u dhashay. Waxaa iga ba’ay naxdin iyo murugo, waxaana dareemay sidii in aan jannada ka galay albaabadeeda kan ugu ballaaran. Durbadiibana buugga barakaysani (=Baybalku) wuxuu ii yeeshay macne si buuxda uga duwan kii hore.”

Luther wuxuu sheegay in waqti dheer ay isaga khaldanaayeen shareecadii |(=xeerarkii) Yahuudda iyo Injiilku. Laakiin markii uu ogaaday in shareecada Yahuudda iyo Injiilku ay yihiin labo shey oo aan shaqo isku lahayn waxaa dumey derbi weyn oo ku hor gudbanaa, wuxuuna bilaabay in uu qaab cusub u fahmo diinta Masiixiga, wuxuuna kala gartay caddaaladda shareecada Yahuudda iyo caddaaladda Baybalka. Caddaaladda Yahuuddu waxay ku qotontaa xudduud, qisaas, ciqaab iyo cabsi gelin, caddaaladda Baybalkuse waxay ku dhisan tahay jacayl, denbi-dhaaf iyo iimaan xorriyad iyo istikhyaar lagu qaato.

Hal eray oo aan maanta dad badan macne weyn u samaynayn (=Caddaaladda Alle) ayaa sabab u ahaa isbeddelka weyn ee ku dhacay fahanka diinta Masiixiga iyo nolosha dadyowga reer Galbeedka. Macnaha cusub ee erayga la siiyey wuxuu si buuxda u beddelay fahankii qarniyadii dhexe laga haystay iimaanka iyo xiriirka Alle iyo aadamiga ka dhexeeya. Halkii xiriirka ka dhexeeya Alle iyo qofka Masiixiga ahi uu ka ahaa mid ku dhisan cabsi, ciqaab iyo aargoosi, wuxuu ka noqday mid ku salaysan kalsooni, jacayl iyo denbi dhaaf. Halkii diintu ka ahayd wax culus oo la isku khasbo waxay ka noqotay arrin qofku istikhyaarkiisa ku doorto. Halkii diintu ka ahayd duquus iyo qalfoof dusha sare ah waxay ka noqotay nuxur hoose oo qofku qalbigiisa ka dareemo. Luther wuxuu caddeeyey in cibaadada waxtarka lihi aysan ahayn midda loo sameeyo cadaab laga cabsado ama janno la damco, balse ay tahay midda loo sameeyo gacalada Alle darteed. Wuxuu kaloo caddeeyey in kaniisadda dhabta ahi aysan ahayn dhismayaasha wadaaddadu dadka ku baartaan, balse ay tahay tan ka jirta qalbiga qofka- wuxuu ugu yeeray magaca ‘kaniisadda qarsoon’.

Kacdoonkii Luther garwadeenka ka ahaa ee ku dhacay diinta Masiixigu wuxuu horseeday isbeddel baaxad weyn oo ku dhacay dhammaan laamaha nolosha –akhlaaq, dhaqaale, dhaqan, diin, siyaasad- ee qaybo badan oo ka mid ah ummadaha reer Galbeedka.

La soco qaybaha danbe

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code