Ustaad Maxamuud Maxamed Taha iyo sixidda fikirka Islaamka (2/3)

Ustaad Maxamuud Maxamed Taha iyo sixidda fikirka Islaamka (2/3)

Qof xor ah iyo bulsho caddaalad ah:

Ustaad Maxamuud iyo xisbigii uu sameeyey ee uu u bixiyey “Xisbiga Jamhuuriga ama Walaalaha Jamhuuriyiinta /The Republican Brothers /الحزب الجمهوري أو الإخوان الجمهوريين”, waxay xoogga saareen in ay ku baaqaan helidda bulsho qof kastaa uu xor yahay iyada oo idilna caddaalad iyo sinnaan ku wada nool. Iyaga oo dareenkaas ka duulayana waxay oran jireen waxaan u baahannahay bulsho leh labada dhaqan ee dimoqoraadiyad iyo hantiwadaag. Waa bulsho qofku ka fog yahay cabburin iyo dayac labadaba. Ustaad Maxamuudna waxaa halhays u ahaa in uu yiraahdo: “Xorriyadda annaga iyo cid kasta ayaa xaq u leh /الحرية لنا ولمن سوانا”.

Ustaad Maxamuud marka uu sharraxayo macnaha erayga towxiidka ee “لا إلة إلا الله” wuxuu oran jirey: ruuxa muwaxidka ahi waa kan akhlaaqdiisa iyo habdhaqankiisu ka tarjumaan in uu xor yahay, aadamiga oo idilna u arka in ay yihiin xor siman. Wuxuuna yiri: “Ruuxa si buuxda qof ahaantiisa xorta u ahi waa qofka u fekera sida uu doonayo, una hadla sida uu u fekero, kuna shaqeeya waxa uu sheego,  .. shardiga qura ee laga doonayaa waa in waxa uu qabanayo oo dhammi ay yihiin wanaag, samafal, daacadnimo iyo nabad dadka lagula noolaado .. ujeeddada towxiidku waa in aad Eebbe la heshiiso, si aad naftaada ula heshiiso, si aad noolaha iyo walxaha kaleba ula heshiiso .. haddii aad sidaa yeesho xor baad tahay /إن الرجل الحر حرية مطلقة هو ذلك الرجل الذي يفكر كما يريد، ويقول كما يفكر، ويعمل كما يقول على شرط واحد هو أن يكون كل عمله خيرا، وبرا، واخلاصا، وسلاما، مع الناس. إن غاية التوحيد أن تكون في سلام مع الله، لتكون في سلام مع نفسك، لتكون في سلام مع الأحياء والأشياء .. فإذا كنت كذلك فأنت الحر” (Halkaan ka eeg buugga Ustaad Maxamuud ee ‘لا إله إلا الله’: https://www.alfikra.org/book_view_a.php?book_id=18 . sidoo kale halkaan ka dhegayso isaga oo sharraxaya macnaha towxiidka: https://www.youtube.com/watch?v=zlqR7ij_i2E ).

 

Dowlad Islaam ah:

Ustaad Maxamuud iyo xisbigiisu waxay ka biyo-diideen jiritaanka waxa loogu yeero dowlad Islaam ah oo shareeco fulisa. Waxayna ku doodeen in marka loo yimaado arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo sayniska ay muslimiintu u baahan yihiin wax ka ballaaran, kana duwan wixii ay u baahnaayeen muslimiintii qarnigii 7-aad ku noolaa Jasiiradda Carabtu.

Ustaad Maxamuud mar uu qodobkaan ka hadlayey wuxuu yiri: “ Waa diidnay doonista xisbiyada qaarkood ay ku raadinayaan dowlad Islaam ah, waayo? Waxaan hubnaa in aysan aqoon u lahayn waxa ay ka hadlayaan. Dowlad Islaam ah oo lagu dhisay jahli looga sugan yahay xaqiiqada dhabta ah ee Islaamku horumarka waa uga dhib badan tahay dowlad calmaani ah…”

Kolkii madaxweynihii Suudaan ee Jacfar Numeyri uu bishii Sibteembar 1983, uu ku dhawaaqay fulinta waxa loogu yeeray ‘Xuduudda shareecada تطبيق حدود الشريعة”, Taha wuxuu si cad oo geesinimo leh ku yiri: “Anigu marar badan baan caddeeyey aragtidayda ku aaddan qawaaniinta Sibteembar 83, waxaana sheegay in ay khilaafsan tahay shareecada iyo islaamka, waxaa intaa dheer in ay foolxumaynayso shareecada, dadkana ku dirayso .. waxaa intaa dheer in loo dejiyey loona adeegsaday si shacabka loo cabsi geliyo, laguna khasbo in uu dulliga iyo addoonsiga qaayibo .. waxaa intaa sii dheer in ay khatar ku tahay midnimada qaranka.. intaasi waa dhanka aragtida. Laakiin marka loo yimaado dhanka fulinta, waxaa caddaanaysa in garsoorayaasha maxkamadaha joogaa aysan aqoon ahaan u carbisnayn fulinteeda, akhlaaq ahaanna aysan awoodin in ay iska caabbiyaan cadaadiska awoodda fulinta ee doonaysa in ay u adeegsato si ay ugu tagrifasho xuquuqda dadka, islaamkana u foolxumayso, dadweynahana u dulleysato, garashada iyo waxgaradkana u quursato, mucaaradka siyaasaddana u liiddo / أنا أعلنت رأيي مرارا في قوانين سبتمبر 83، من أنها مخالفة للشريعة وللإسلام.. أكثر من ذلك، فإنها شوهت الشريعة وشوهت الإسلام ونفرت عنه..  يضاف إلى ذلك، أنها وضعت، واستغلت، لإرهاب الشعب وسوقه إلى الاستكانة عن طريق إذلاله.. ثم إنها هددت وحدة البلاد.. هذا من حيث التنظير.. وأما من حيث التطبيق، فإن القضاة الذين يتولون المحاكمة تحتها غير مؤهلين فنيا، وضعفوا أخلاقيا عن أن يمتنعوا عن أن يضعوا أنفسهم تحت سيطرة السلطة التنفيذية تستعملهم لإضاعة الحقوق، وتشويه الإسلام، وإذلال الشعب، وإهانة الفكر والمفكرين وإذلال المعارضين السياسيين.” (Halkaan ka daawo Ustaad Maxamuud oo maxkamadda horteed sidaa uga doodaya: https://www.youtube.com/watch?v=wmu3hpnjVX4 ).

Sida hadalkiisa ku cad, Ustaad Maxamuud qawaaniinta loogu yeeray fulinta shareecada wuxuu ku dhaliilay shan arrimood oo waaweyn:

  1. In ay khilaafsan yihiin shareecada ayna foolxumaynayaan, guud ahaanna ay islaamka foolxumaynayaan dadkana ka didinayaan.
  2. Danta loo dejiyey ma aha in diin iyo shareeco loogu adeego balse waa in mucaaradka iyo guud ahaan dadweynaha lagu cabsi geliyo.
  3. In ay khatar ku tahay midnimada qaranka Suudaan.
  4. In qaaliyaasha la doonayo in ay hirgeliyaani aysan aqoon iyo karti u lahayn fulinteeda.
  5. Iyo in ay meel ka dhac ku tahay madaxbannaanida garsoorka.

Ustaad Maxamuud iyo teegaarayaashiisu fikradda dowlad islaam ah iyo fulinta shareecada waxay u arkayeen mid khatarteedu badan tahay, dal iyo diinna aan dani ugu jirin. Waxay yiraahdeen shareecadu markii ay timid qarnigii 7-aad, waxay u timid bulsho bidaa’i ah oo baahideeda iyo xiriirradeedu ay aad u kooban yihiin, waxayna xal u ahayd dhibaatooyin badan oo ay qabeen, waxayna horay-u-marisay dhinacyo badan oo nolashooda ka mid ah, laakiin isbeddallada  waayuhu waxay keeneen in dhan aadamigu horumar badan sameeyey, dhanka kalena dhibaatooyinka ka hor imaanayaa ay cuslaadeen, sidaa awgeedna aysan xal u noqon karin shareeco qarnigii 7-aad timid. Waxayna rumaysan yihiin in isku dayga fulinta shareecadu uu keenayo oo keliya in la foolxumeeyo shareecada iyo guud ahaan diinta Islaamka. Qaababkii ay ku muujiyeen diidmadooda ku aaddan fikradda fulinta shareecadana waxaa ka mid ah in ay soo saareen qoraal yar oo ay u bixiyeen “Sidaan .. Ama Duufaan هذا.. أو الطوفان” (Halkaan ka eeg:  https://www.alfikra.org/article_page_view_a.php?article_id=54&page_id=1 ).

Ustaad Maxamuud wuxuu u hawlgalay sidii lagu heli lahaa dal dadkiisa oo dhammi ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq iyo waajibaad isku mid ah, iyaga oo aan loo eegayn af, dhaqan, diin, midab iyo lab iyo dheddig midka ay yihiin. Ayaandarro, Suudaan fikraddaas ma qaadan, taasina waxay dhaxalsiisay in Suudaan kala daadato, oo Koonfurtii ka go’day Waqooyiga, Waqooyiguna gudahiisa ka dagaallamayo.

 

Islaamka iyo haweenka:

Ustaad Maxamuud Taha wuxuu ahaa muslim Suufi ah, sida la ogyahayna fikirka suufigu si ka duwan kan salafiga wuu soo dhaweeyaa haweenka, haweenkuna qayb libaax bay ka qaateen curashadii iyo horumarka fikirka Islaamka ee suufiga. Tusaale ahaan, Suufiyada badankoodu ma qabaan in caqliga iyo diinta haweenku ay liitaan (=النساء ناقصات عقل ودين). Suufiyaduna iyaga oo muujinaya qiimaha haweenka ayay waxay yiraahdaan: “Meel kasta oo aan la dheddigeyn macne ma yeelato /وكل مكان لا يؤنث لا يعول عليه”, oo ah oraah asal ahaan uu yiri suufigii weynaa ee Ibnu Carabi.

Sidaa awgeed, la yaab ma leh, in Ustaad Maxamuud uu si weyn u qiimeeyo kaalinka haweenku diinta iyo nolosha ku leeyihiin, uuna ku baaqo in ragga iyo dumarku wax walba u sinnaadaan, oo ay si buuxda xuquuqda iyo waajibaadka u wadaagaan.

Tusaale ahaan, wuxuu ku dooday in labka iyo dheddigu ay u siman yihiin dhaxalka iyo markhaatiga, aysanna sax ahayn in labku leeyihiin labo-laab dheddiga sida laga fahmayo aayadda quraanka ah ee oranaysa: “Labku wuxuu leeyahay waxa labo dheddig ahi ay helaan /وللذكر مثل حظ الأنثيين” (Suurat An-Nisaa, 11).

Wuxuuna sheegay in aayaddaan oo ka mid ah quraankii Madiino ku soo degay ay tahay nusuusta diinta ee xilliga go’an ku habboonayd, ayna ka mid tahay aayadaha quraanku ugu gogol-xaarayey sidii haweenku ku heli lahaayeen xuquuq buuxda oo u dhiganta tan ragga- seben haweenku in ay xuquuq yeeshaan ha joogtee nolosha lagu aasi jirey, waa sida ay isaga la tahaye. Sidoo kale wuxuu diiday guursiga haween hal ka badan, wuxuuna deedifeeyey in furriinku noqdo xaq ragga u gaar ah.

Ustaadku wuxuu na weydiiyey su’aal oranaysa: “Haweenaydu waxay la siman tahay ninka, waxay tagtaa jaamacadaha, wayna shaqaysaa, haweenayda casrigaan joogtaa waxay u baahan tahay sharciyo cusub, weydiintuna waxay tahay, Islaamku diyaar ma u yahay in uu haweenka maanta jooga uu siiyo qawaaniinta ay u baahan yihiin, mise waxaan ku khasbannahay in aan haweenka u celinno qarnigii toddobaad oo aan ula dhaqanno si ka hoosaysa ninka???” Waa weydiin jawaabteeda muslimiinta oo dhan weli looga fadhiyo!

Ustaad Maxamuud afkaartiisa ku aaddan xuquuqda dumarka wuxuu si faahfaahsan ugu soo bandhigay buug uu u bixiyey “Hormarinta xeerka qoyska /تطوير شريعة الأحوال الشخصية”. Waxaana la sheegaa in buuggaani ka mid yahay qoraallada bulshada reer Tuunis ay uga faa’iideysteen dhanka hormarinta xuquuqda haweenka (Halkaan ka eeg buugga: https://www.alfikra.org/books/bk023/book.htm ).

Dhanka kale, Ustaadka iyo taageerayaashiisu waxay diidaan fikradda xijaabka iyo indho-shareerka haweenka loo xiro, iyaga oo ku doodaya in aysan ka mid ahayn asalka diinta. Taas oo jirta, haddana Ustaadku haweenka wuxuu aad ugu waanin jirey in ay ku dadaalaan asturka iyo xishoodka, wuxuuna ku oran jirey: qiimahiinnu wuxuu ku jiraa caqligiinna iyo xishoodkiinna. Raggana wuxuu maqashiin jirey xadiiska nebiga laga wariyo ee yiraahda: “Dhawrsada haweenkiinnu ha dhawrsadeene /عفوا تعف نساؤكم”.

La soco qaybta 3-aad

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com