Ustaad Maxamuud Maxamed Taha iyo sixidda fikirka Islaamka (3/3)

Ustaad Maxamuud Maxamed Taha iyo sixidda fikirka Islaamka (3/3)

Ustaad Maxamuud iyo macnaha salaadda:

Ustaad Maxamuud si weyn buu u rumaysnaa salaadda iyo waxtarkeeda, laakiin wuxuu qabay in qaabka loo tukadaa uusan muhiim ahayn balse waxa muhiimadda lihi uu yahay nuxurka salaadda. Sidaa darteed, taageerayaashiisa iyo guud ahaan dadka oo dhan wuxuu ku waanin jirey in ay bartaan sida ay u tukanayaan, wuxuuna ku doodi jirey in salaadda muslimiinta badankoodu ay maanta tukadaan ay tahay meyd aan ruux lahayn, oo caado ahaan loo sameeyo. Ustaad Maxamuud wuxuu jeediyey muxaadaro uu cinwaan uga dhigay “Barta sida aad u tukanaysaan /تعلموا كيف تصلون”, sidoo kalena wuxuu qoray dhigaal uu u bixiyey “Farriinta ama dhanbaalka salaadda /رسالة الصلاة” (Halkaan ka eeg: https://archive.org/details/7896549 ).

Nuxurka salaaddu waa in xiriir dhexmaro qofka iyo Allihi, nebigana waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Salaaddu waa xiriir u dhexeeya addoonka iyo Rabbigi /الصلاة صلة بين العبد وربه”, nebigu wuxuu kaloo yiri: “salaaddu waa gaaridda addoonku rabbigi uu gaaro /الصلاة معراج العبد إلى ربه”. Marka meel ama cid loo tagayana muhiimaddu ma aha qaabka iyo wasiilada isgaarsiineed ee la adeegsanayo, balse waxaa muhiim ah in loo tago.

Ustaad Maxamuud salaadda wuxuu u qaybiyey labo heer oo kan hore yahay salaadda marxaladda ku dayashada oo uu u bixiyey ‘صلاة المعراج’ , kan labaadna yahay salaadda marxaladda asalka oo ugu yeeray ‘salaadda xiriirka صلاة الصلة’. Marxaladda hore qofku wuxuu u tukadaa si la sheegay in nebigu (scw) uu u tukan jirey, marxaladda labaadna wuxuu u tukadaa si uu qof ahaan ugu qanacsan yahay in ay Alle ku xirayso. Salaaddu ma aha dhaqdhaqaaq la sameeyo, balse waa in Alle la la xiriiro, laguna qanco in Eebbe raalli ka yahay waxa aad qabanayso, sidaana lagu helo naf raalli ah, lagana raalli yahay (=النفس الراضية المرضية)

Ma jirto hal waddo oo Alle tagta, ama hal qaab oo loola xiriiro, ama af keliya oo uu fahmo. Waddooyinka, qaababka iyo afafka Eebbe lagu gaaraa way fara badan yihiin, ruux kastaana wuxuu adeegsan karaa midda uu u arko in ay Alle gaarsiinayso. Waxaa jira xadiis aan aad ugu khushuuco, aanna jeclaysto in muslimiinta oo dhammi ay dhuuxi lahaayeen macnihiisa. Waa xadiiska nebigu kula hadlayo saxaabigii Waabisa bin Macbad (RC), oo uu ku leeyahay: Waabisow “ma waxaad iigu timid si aad wax iiga weydiiso samaha iyo xumaha? Wuxuu yiri haa …wuxuu yiri: Waabisow la tasho qalbigaaga, naftaadana wax weydii … samuhu waa waxa naftu ku xasisho, xumuhuna waa waxa nafta dhiba ee laabta ku soo noqnoqda (=kaa degi waaya) si kasta oo dadku kuugu fatwoodaan (=wax kuugu sheegaan) /جئت تسألني عن البر والإثم، فقال نعم فجمع أنامله فجعل ينكت بهن في صدري ويقول: يا وابصة استفت قلبك واستفت نفسك ثلاث مرات البر ما اطمأنت إليه النفس والإثم ما حاك في النفس وتردد في الصدر وإن افتاك الناس وأفتوك”.

Waxaa dhacda in qofku muuqaal ahaan uu tukado, laakiin tukashadaasi aysan ahayn mid dhab ahaan Alle ku xiraysa oo dantii laga lahaa laga helayo. Danta iyo waxtarka ugu horreeya ee salaadda laga helaana waa deggenaan iyo raaxo qalbiga ah. Haddii aad sujuud iyo rukuuc samayso, laakiin aadan akhlaaq wanaagsan yeelan, deggenaan iyo raaxo qalbiga ahna aadan ka helin, sujuudda iyo rukuucdu maxay waxtar leeyihiin? Eebbe quraanka wuxuu ku yiri: “Salaaddu waxay ka reebtaa –dadka- xumaanta iyo waxa la naco /إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر”, wuxuu kaloo ku yiri: “Waxaa hoogay kuwa tukan, ee haddana tukashadooda hilmaansan … /فويل للمصلين، اللذين هم عن صلاتهم ساهون …”. Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Badanaa mid tukada oo salaaddiisu in ay Alle ka fogeyso mooyee aysan wax kale u tarin /رب مصل لم تزده صلاته من الله إلا بعدا”. Wuxuu kaloo yiri: “Badanaa mid tukada oo aan tukashada oogin /رب مصل لم يقم الصلاة”. Si taa la mid ah nebigu isaga oo soonka ka hadlaya wuxuu yiri: “Badanaa mid sooma oo aan soonkiisa ka dheefayn waxaan gaajo iyo harraad ka ahayn /رب صائم ليس له من صيامه إلا الجوع والعطش”. Xadiis caan ahna waa kan nebigu noogu sheegaya in Salaadda dhabta ahi aysan ahayn qubqub iyo wejiga oo dhulka la la dhaco, balse ay tahay niyad joogta iyo fahanka nuxurka iyo qiimaha waxa la qabanayo. Sida la wariyo nebigu wuxuu arkay nin wejiga dhulka la dhacaya laakiin aan wax u dheerayn, markaana ninkii wuxuu ku yiri: “Ma aad tukane noqo oo tuko/ارجع فصل فإنك لم تصل”.

Cibaadaadka iyo guud ahaan wanaagga aan qabannaa Eebbe waxba uma kordhiyaan, balse ujeeddada weyn ee ka danbaysaa waa in aan nafteenna ku carbinno in aan Alle jeclaanno abuurkiisana qaddarino, waxtarna u yeelanno oo wanaaggooda ku faraxno dhibkoodana ka danqanno. Cibaadada dhabta ahi waa midda nagu carbisa hufnaanta iyo akhlaaq wanaagga.Haddii taa la waayo salaad, soon, sako iyo xaj toona wax sheegi maayaan. Nebiguna waa tuu saxaabada ku yiri: “Abuu Bakar idinkagama hormarin soon iyo salaad badni toona, balse wuxuu idinkaga guulaystay arrin laabtiisa ku sugnaaday /ما سبقكم أبو بكر بكثرة صوم ولا صلاه، وإنما سبقكم بشيء وقر في صدره”.

Ku Allahoode, sheekooyinka Soomaalidu kaftan ahaanta u wariyaan waxaa ka mid ah mid sheegaysa in Mudane Maxamed Siyaad Barre uu mar booqasho ku tagay gobol ka mid ah gobollada dalka, muddadii uu gobolka ku sugnaana uu odayaashii gobolka waydiiyey in ay u sheegaan sida ay u arkaan guddoomiyaha gobolka. Odayaashii waxay yiraahdeen: Jaalle madaxweyne hebel waa nin wanaagsan oo aan la heli karin, ceebta qura ee lagu xantaa waa in uusan tukan. Markaana madaxweynuhu wuxuu guddoomiyihii ku yiri: war ba’! war hebel maxaa ka jira waxa la sheegayo? Guddoomiyihiina wuxuu ku jawaabay: Jaalle madaxweyne salaaddu waa hawl gaar ah ee xil gudasho xumo ma la igu hayaa? (waxaa kaloo la wariyaa in uu yiri: Jaalle madaxweyn taasi waa inta aan ku cayntay, waayo? haddii aan la tukan lahaa, masaajidda gudahooda ayaan dadka kula xaman lahaa!!). Odaygii Mahatma Gandi (1869-1948), isaguna Hindida wuxuu ku oran jirey: “Hal ficil oo hal qalbi looga farxiyo ayaa dhaama kun madax oo salaad madaxa la ruxa.”

Erayga Carabiga ah ee ‘Salaad الصلاة’ macnihiisu waa duco ama Alle bari, mani jirto hal duco ama hal qaab oo Alle loo baryo oo dadka oo dhan ku habboon. Sidaa awgeed, qof walba waxaa la gudboon in uu u tukado qaabka ugu wanaagsan ee uu ku qanco in uu Allihiis xiriiri u la samayn karo. Hana u qaadan in Eebbe –sida aadanaha oo kale – uu wax ku bixiyo afmaalnimo, hadal tiro iyo dhaqdhaqaaqyo gaar ah oo la sameeyo. Eebbe adiga oo aan hadal iyo dhaqdhaqaaq samayn buu og yahay waxa aad damacsan tahay ee niyaddaada ku jira. Intaa waxaa dheer, in kaniisadaha, macaabidda, masaajidda iyo mowlacyadu aysan ahayn cinwaan Alle loogu hagaago, balse ay yihiin meel dad ku kulmaan, waxtarkooduna uu ku xiran yahay hadba waxa lagu dhex qabto.

Dabshidkii 1885, qoraagii Ruushka ahaa ee Leo Tolstey (1828 – 1910) wuxuu qoray sheeko gaaban oo qurux badan oo uu cinwaan uga dhigay ‘Saddexdii Saahid / The Three Hermits / النساك الثلاثة’. Wuxuuna u tebiyey sidaan soo socota;

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wadaad weyn oo Ruush ahi wuxuu ka safray xaruntii kaniisaddiisu ku tiil si uu u soo booqdo mawlac awliyo caan ah lagu siyaarto. Wadaadka doonta waxaa la saarnaa dad badan oo sidiisa oo kale xaj u socday. Intii doonta la saarnaa ayaa wadaadkii wuxuu maqlay koox ka mid ah dadkii doonta ku weheliyey oo ka sheekaysanaya jasiirad badda dhexdeeda ku taal oo ay ku nool yihiin saddex nin oo u go’ay cibaado iyo Alle bari.

Wadaadkii wuxuu jeclaystay in uu booqdo jasiiradda la sheegayo si uu wax uga ogaado xaaladda saddexda nin oo la sheegay in aysan hadlin – xataa haddii ay dhacdo in ay iyagu wax isweydiiyaanna ay isdhaafsadaan erayo kooban- waqtigooda oo dhanna ay salaad iyo Alle bari ku qaataan.

Wadaadkii naakhuudihii doonta watay ayuu wuxuu u ballanqaaday inuu hanti badan siinayo haddii uu geeyo jasiiradda la sheegayo, naakhuudihiina taa waa ka yeelay. Kolkii jasiiraddii la gaaray, saddexdii ninna la arkay, ayaa wadaadkii wuxuu nimankii ku yiri:

“Warkiinna ayaa I soo gaarey, waxaana maqlay in aad jasiiraddaan cidlada ah ku nooshihiin aadna u go’deen salaad iyo Alle bari si aad u badbaadisaan naftiinna iyo nafta walaalihiinna kale ee ilmo Aadan. Anigana Alle ayaa naxariistiisa igu galladaystay iina doortay in addoomadiis aan diinta baro, sidaa darteed baan u jeclaystay in aan idin arko, wixii aan idinku dhaamana aan idin baro.”

Saddexdii saahid iyaga oo muusoonaya bay is eegeen, laakiin midkoodna eray ma oran. Kolkaana wadaadkii ayaa hadalkii sii watay oo wuxuu yiri: “ Bal waxaad ii sheegtaan waxa aad qabataan si aad naftiinna u badbaadisaan, sidee baadse Eebbe ugu adeegteen idinka oo jasiiraddaan jooga?”

Saddexda saahid kii ugu weynaa baa wuxuu yiri: “ Annagu ma naqaan si Alle loogu adeego, naftayada oo qura ayaan u adeegnaa, waxaan nahay addoommo Alle.”

“Laakiin sidee baad u tukataan?”

“Waxaan ku tukanaa in aan niraahno: Rabow saddex baad tahay, annaguna saddex baan nahay, ee noo naxariiso  /Three are ye, three are we, have mercy upon us.”

Kolkii saahidkii ugu weynaa uu sidaa yiri, ayaa saddexdiiba hal mar samada eegeen, iyaga oo sacabada kor u hayana ku ducaysteen: “Rabbow saddex baad tahay, annaguna saddex baan nahay, ee noo naxariiso.”

Wadaadkii isaga oo muusoonaya ayuu wuxuu ku yiri: “Shaki kuma jiro in aad wax ka maqasheen saddex-xagalka muqadaska ah (= Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxda muqaddaska ah /The holy trinity: the Father, the Son and the Holy Sprit), laakiin ducadiina iyo salaaddiinnu ma waafaqsana sida saxda ah ee Rabbi Injiilka noogu sheegay. Waxaana diyaar u ahay in aan idin baro sida Alle dadka baray in ay ugu tukadaan oo u baryaan.”

Dabadeed wadaadkii wuxuu saacado badan ku lumiyey sidii uu ugu laqimi lahaa salaadda iyo Alle bariga wadaaddadu buugta ku qoreen. Inkasta oo ay ahaayeen erayo waaweyn oo ay qabashadooda dhib badan kala kulmeen, haddana ugu danbayntii waxay u qaateen in ay dusha ka xifdiyeen. Markaana wadaadkii oo ku faraxsan dacwada uu gutay ayaa doontii ku noqday, safarkiisiina dib u bilaabay. Hayeeshee, muddo ka dib ayaa dadkii doonta saarnaa waxay ku baraarugeen saddexdii suufi oo biyaha ku dul ordaya, doontana soo gaarey. Wadaadkii bay waxay ku yiraahdeen: “Adeegaha Allow ducada intii aan ku celcelinaynay waan xasuusnayn, laakiin markii aan wax yar joojinay akhrinteeda wixii oo dhan waa illownay! Fadlan mar kale na bar!”

Wadaadkii macatabka ayuu jirkiisa ku sawiray, xoogaana luqunta ayuu hoos u dhigay, wuxuuna ku yiri: “Awliyada Alloy salaaddiinna ayaa Rabi gaaraysa. Ma aha in aan idin baro sida aad u tukanaysaan. U duceeya intayada denbiilayaasha ah /Your own prayer will reach the Lord, men of God. It is not for me to teach you. Pray for us sinners.”

Tolstoy sheekadaan wuxuu hordhac uga dhigay aayad ku soo aroortay Injiilka Matthew oo oranaysa:

“Goorta aad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinnina sida dadka aan Ilaah aamminin ay yeelaan, waayo waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis. Sidaa darteed ha yeelina sidooda oo kale, waayo? Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin, ka hor inta aydaan weydiisan.”

Iyada oo kooban, farriinta sheekadu gudbinaysaa waa in Alle uusan afmaalnimo wax ku bixin, balse niyad iyo fal wanaagsan uu wax ku abaalmariyo. Soomaaliduna waa tii horay u tiri: Nebi Allow ninba afki kugu ammaan (sheekada oo faahfaahsan halkaan ka eeg:  https://www.theculturium.com/leo-tolstoy-the-three-hermits/ ).

 

Ustaad Maxamuud sidoo kale wuxuu diiday macnaha muslimiinta badankoodu ay siiyaan sakada, jihaadka iyo ummuuro kale.

Ayaandarro, farriinta Ustaadku dunida Islaamka kuma aysan faafin, sababtana waxaa loo aaneeyaa Ustaadka oo ah nin Afrikada madow ka soo jeeda. Sida la ogyahayna, muslimiinta Afrikada madoobi weligood saamayn la sheego kuma aysan yeelan afkaarta muslimiinta, oo had iyo goor waxay ahaayeen kuwo iyaga afkaar loo keeno, laakiin aan hal-abuurkooda la danayn. Aqoonyahanno badannina waxay qabaan in haddii Ustaad Maxamuud uu cid kale ka soo jeedi lahaa- siiba haddii uu Carab ahaan lahaa- in afkaartiisu ay heli lahayd fursad ay ku faafto.

Afkaarta Ustaad Maxamuud oo wadaaddada muslimka badankoodu- siiba wadaaddada Sacuudiga iyo kuwa jaamacadda As-har-ay u arkeen kuwo diinta liddi ku ahi waxay keentay in wadaaddadaasi ay fatwoodeen in Ustaad Maxamuud uu diinta islaamka ka baxay, iskuna dayayo in uu faafiyo afkaar diinta Islaamka liddu ku ah, sidaa awgeedna uu riddoobay ayna waajib tahay in la dilo. Fatwooyinkaasi waxay fursad siiyeen siyaasiyiin danaystayaal ah oo jecel in ay diinta dantooda ku qunsadaan. Ustaad Maxamuudna waxaa la deldelay subaxdii Jimcaha ee taariikhdu ahayd 18kii Jannaayo 1985, isaga oo lix iyo toddobaatan jir ahaa. Waxaana lagu duugay meel laga qariyey qoyskiisa, taageerayaashiisa iyo dunida oo dhan.

Maalintii taariikhdu ahayd 14kii Janawari 1985, madaxweyne Jacfar Al-Numeyri wuxuu dadweynaha kala hadlay taleefishinka dalkiisa wuxuuna ku yiri: “Anigu waxaan daalacday buugta Maxamuud Maxamed Taha, waxaana u akhriyey si deggen oo u fiirsi leh, ugu danbayntiina waxaan gaaray in uu murtad yahay .” Isla markaana wuxuu ansaxiyey xugunkii lagu deldelay. Numeyri  dilkii Ustaad Maxamuud ka dib wuxuu talada Suudaan sii hayey 76 casho oo qura.

Dilka Ustaad Maxamuud waxaa ka qayb qaatay siyaasiyiin, wadaaddo, hey’ado diini ah oo ay ka mid yihiin As-har iyo Raabidada Caalamka Islaamka iyo guud ahaan ururrada diinta ku wareeray sida Ustaad Maxamuud qudhiisu uu ugu yeeri jirey (جماعات الهوس الديني) oo Salafiyiinta iyo Ikhwaanu Muslimiinku ugu horreeyaan. Ragga sida gaarka ah magcaantooda loo xusana waxaa ka mid ah Dr. Xasan Turaabi (1932- 2016) oo qudhiisa mar danbe ay wadaaddo badan fatwoodeen in uu riddoobey, oo diinta ka baxay. Waxaana xusid mudan in saxaafadda caalamku ay canbaaraysay ama ay ka aammustay dilka Ustaad Maxamuud marka laga reebo saxaafadda dalka Sacuudiga oo si weyn u soo dhawaysay falkaas fooshaxun.

Wax yar ka hor intii aan la deldelin Ustaad Maxamuud waxaa la weydiiyey in uu doonayo in uu madaxweynaha cafis iyo naxariis weydiisto, wuxuuna ku jawaabay: “Ruuxa doonaya in la cafiyo waxaa la gudboon in uu hooyadi la joogo /الداير استرحام يقعد مع امه”. Dadkii joogey meeshii lagu deldelayna waxay sheegeen in isaga oo muusoonaya la deldelay. Fannaaniin iyo suugaan yahanno uu ka mid yahay gabyaaga Cabdullaahi Atayib ayaa suugaantooda ku muujiyey muusoodkii Ustaad Maxamuud. Cabdullaahi Atayib gabayadiisa midkood wuxuu ku yiri:

كشفوا وجهه ليعرف أن هذا
هو الشخص عينه محمود

قرئ الحكمُ ثم صاح به القاضي
ألا مثله اقتلوه، أبيدوا

كبّر الحاضرون للحدّ مثل
العيد إذ جمعهم له مشهود

وأراهم من ثغره بسمةَ الساخر
والحَبْل فوقه ممدود

وعلى وجهه صفاء وإشراق
أمام الردى وديع جليد

 

Akhristaha danaynayaa halkaan ha kala dego buugga Ustaad Maxamuud Maxamed Taha ee “Dhanbaalka labaad ee Islaamka الرسالة الثانية من الإسلام”:

file:///C:/Users/User/Downloads/%D8%A7%D9%84%D8%B1%D8%B3%D8%A7%D9%84%D8%A9%20%D8%A7%D9%84%D8%AB%D8%A7%D9%86%D9%8A%D8%A9%20%D9%85%D9%86%20%D8%A7%D9%84%D8%A5%D8%B3%D9%84%D8%A7%D9%85%20-%20%D9%85%D8%AD%D9%85%D9%88%D8%AF%20%D9%85%D8%AD%D9%85%D8%AF%20%D8%B7%D9%87.pdf

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com