Waa Geesinimo in aad ka Faanto Dhaqankaaga intiisa Xun kuna Faanto intiisa Wanaagsan.

Laga soo bilaabo 1970, geyiga Soomaalida waxaa ku fidayey dhaqanka Carabta. Diinta baa loo soo marinayey. Dhallinyaro dhaqankooda Soomaaliyeed malaha yasayey oo ka Carabtu kala wacnaa baa isku deyeysay in ay bulshada dhankaas u jeedshaan. Haddana, dhaqanka ay bulshada ku baahinayeen ma wada wanaagsana. Dhallinta dhaqanka Carabta u xaglinaysay waxa ay bilaabeen in ay carruutooda u bixiyaan Shucayb, Xamsa, Xafsa, Hudda, Caaisha, Sundus, Saariya, Shucayb, Ayuub, Bahja, Suheyba, Sumayo, Xudayda, Haaruun, Safwaan iyo kuwo kale oo magacyo Carbeed ah.

Hase yeeshee, in bulshada lagu dirqiyo dhaqanka Carabta waxa ay karaar sii qaadatay Kalaguurkii Xamar, 1991, oo xaajo noqotay “Nin buka boqol u talisay.” Gaf ma aha haddaba in la isweyddiiyo in Carabtu ku maalgelinaysay iyo in wax kale istuseen. Waa la isweyddiin karaa iyana bal in dhallinta dhaqanka reer galbeedka u janjeerta ay iyana jeclaayeen in reer galbeedka lagu daydo. Mid uu yahay toona, waa geesinimo in aad ka faanto dhaqanba intiisa xun kuna faanto intiisa wanaagsan. Waayo? “Wanaag diintiisu waa wanaag, midabkiisu waa wanaag, bulshadiisa ama dalkiisuna waa wanaag.” __Abaal, 2016, bog 260, Amazon, ISBN: 9781530791712, Cali Cabdigiir (Caliganay).

 

Haddana, dadaal Carabaynta lid ku ahaa baa isna socdey. In yar oo kuwa aqoonta guud leh u badan baa iyana carruutooda u bixinayey magacyada salka ku haya dhaqanka Soomaalida, sida Sarmaan, Idil, Ladan, Ladane, cawo, Deeqa, Ebyan, Keynaan, Geeddi, Dalmar, Saxarla’, Ceebla’, Saluugla’, Waasuge, Sugaal, Rooble, Samaale, Sooyaal iyo inta la hal maasha.  Waxa ay ku mintidayeen dhaqankooda Soomaalinnimo intiisa fiican.

Muddadaas dhan oo labaatameeyaha dabshid ah, dad baa qaylinayey oo lahaa: Carab ma nihin ee Soomaalidu ha iimaansato dhaqankeeda. Kuwa sidaas ku qaylinayey carruutooda uma bixinayn John, Charles, George, Sara, Michell iyo kuwo kale oo aan dhaqanka Soomaalida sal ku lahayn. Waxa ay ku adkaysanayeen Jeerin, Docol, Xoosh, Sagal, Bilan, Cosobo, Fiidow, Kaahiye, kuwa aan hor u soo sheegnnay iyo waxa soo raaca.

Haddana duufaanta Carabayntu heerkaas waaba ka sii gudubtay. Kalaguurkii Xamar, 1991 waxaa dardar sii galay in irdaha ganacsiga loo baxsho Al-Bushra, Al-fadxi, Al-Baraka, Al-Mustaqbal, Al-Nakhiil, Al-Towfiiq, Al-Towxiid, Al-Tawakal iyo kuwo kale oo “AL” horta laga dhigay. Duufaantaas dhaqanroggu waxa ay soo gaartay 2010, welina si wanaagsan faraha looga ma xalan.

Haddaba, May 1, 2019 ilaa Juun 26, 2019 waxa aan isu maray magaalooyinka Hargeysa, Berbera (Saacado), Sheekh oo aan habeen seexday kana shaaheeyey aroortii Juun 21, 2019, Burco, Buuhoodle, Galdogob, Gaalkacyo iyo Garoowe. Dhammaan magaalooyinkaas fiiro baan midba in ku deeqay.

Magacyadii irdaha ganacsiga oo “AL” laga hor marin jirey duufaan baa ku kacday. Waxa aan dhige iyo xaashi gaar ula tuxaashay Garoowe iyo Hargeysa. Waxa aan dhigaha la gaaray magacyada Aflax, Maammuus, Garsoor, Aaran, Degel, Rays, Ramaas, Liibaan, Faras, Hanad, Maansoor, Maandeeq, Horseed, Qaran, Hilibsan, Soorsame, Nasiye, Haldoor, Gaafane, Garsoor, Iimaan, Sareedo, Habsame, Harwanaag, Kaah, Ayaxle, Sahan, Bixin, Horyaal iyo kuwo kale oo iyana salka ku haya dhaqanka Soomaalida.

Waxaa maqaale igu ah in nin lagu oran jirey “waa aad waalan tahay.” Muddo kolkii sidaas loo haystay baa maalin lagu yiri, “Hebel waa aad buskootay.” Inta qosol jagac ka siiyey buu yiri, “Maya. Ma buskoon ee bulshada baa badankeed waasheen oo kobtaydii iigu yimid.”

Haddaba, ma dadkii jeclaa in aan dhaqanka Carabta qaadanno baa miyirsaday oo ogaaday in aannaan Carab ahayn Carabna na doonayn, mise bulshada guud baa ka soo istaagtay in loo nuglaado hanuuninta ururo-diimeedyada dhaqanka Carabta jecel?

Warcelin waa meesheeda e’, ugu yaraan 2 malyan oo Soomaali ah baa ku dhaqan dalalka ka baxsan Afrikada bari (1.5 malyan waxa ay ku nooshahay Yurub, Australia, New Zealand iyo Waqooyi-Ameerika). Marka, ma la saadaalin karaa saamaynta intaasi ku yeelan doonto dhaqanka Soomaalida?

Doodda la wadaag Cali cabdigiir, caliganay54@hotmail.com