Waa maxay Islaam? Yaase Muslim ah?

maxay Islaam? Yaase Muslim ah?

Tan iyo dhacdadii 11 Sibteembar 2001, waxaa laga hadlaa inuu dunida ka taagan yahay isku dhac u dhexeeya Islaamka iyo qiyamka reer Galbeedka. Siyaasiyiinta iyo saxaafadda reer Galbeedkuna waxay isweydiiyaan su’aal ah: Maxay Muslimiintu u soo saari waayeen Fatwo si loo tirtiro argagixisada oo dhan?

Hayeeshee, waxaa habboonaa in weydiimahaan laga hormariyo weydiimo kale oo ah: Waa kuma Islaamka loollanka kula jira qiyamka reer Galbeedka? Waa kuma muslimka metala Muslimiinta oo dhan oo ay tahay in ay u wada hoggaansamaan fatwadiisa?

Labada eray ee Islaam iyo Muslim, muddo 1000 dabshid ka badan waxay ahaayeen kuwo dad badan adeegsadaan, sanooyinkaan danbana waxay safka hore ka galeen erayada dunida oo dhan loogu adeegsiga badan yahay. Taasoo jirta, haddana waxaa la rumaysan yahay in dadka awooda in ay qeexaan macnaha labada eray ay aad u yar yihiin – waaba haddii ay jiraane?

Waxaa jira erayo iyo afkaar loogu yeero in ay yihiin ” Kuwo fudud oo haddana aan la hollin karin/ السهل الممتنع”. Waa kuwo marka la maqlo fagta hore loo qaato in ay yihiin wax aad u dhib yar, laakiin marka hoos loogu daadego, la ogaado in ay aad uga adag yihiin sidii markii hore loo qaatay. Waana hubanti, in erayada Islaam iyo Muslim ay jaadkaa yihiin.

In ay adkaato qeexidda eraybixinta la siiyo diin iyo dadka ku abtirsadaa ma aha arrin ku gaar ah Islaamka iyo Muslimiinta, balse waxaa la wadaaga diimo badan sida Masiixiyadda iyo Yahuudiyadda. Waxaabase lagu doodi karaa in arrinku yahay dabeecad ay wadaagaan badi aydiloojiyadaha iyo caqiidooyinka dunida ka jira. Tusaale ahaan, Yaa Yahuudi ah? Ma ruuxii aabbihiis Yahuudi yahay, oo arrinku waa abtirsi qabiil? Mise waxaa Yahuudi ah kan hooyadi Yahuudiyad tahay? Mise waxaa Yahuudi ah qof kasta oo waallidiisu gaarsiisan tahay inuu sheegto inuu Yahuudi yahay, siduu ku dooday Mudane David Bin-Gurion? (Akhristow Yahuudiyadda waxaa lagu tilmaamay in ay tahay diin ka bixiddeedu ay ka fududdahay soo geliddeeda, halka Islaamka lagu tilmaamay in uu yahay diin soo geliddeedu ay ka sahlan tahay ka bixiddeeda). Dhanka Masiixiyadda, dadka ku abtirsada diinta Masiixiyaddu, wax kale ha joogee iskuma raacsana dabeecadddii uu lahaa nebi Ciise (NKH).

Dhab ahaantii, in Islaamka loo sawiro wax fudud, oo caddaan iyo madow midkood lagu sheegi karaa, waa waxa horseeday mowqifka xagjiriintu -Muslimiin iyo qeyrkoodba- ay maanta taagan yihiin iyo in ay qiil u raadiyaan aragtidooda iyo afcaashooda gurracan.

Waa maxay Islaam?

Dhallinyaranimadaydii – sida in badan oo ka mid ah dhallinyarada Muslimiinta, gaar ahaan kuwa ay carbiyaan Ururka Ikhwaanu Muslimiinku- waxaa la ii sheegay inuu jiro buug si dhib yar u qeexa erayga ” Islaam”. Buuggaas waxaa lagu magacaabaa “Qeexidda guud ee diinta Islaamka/ تعريف عام بدين الاسلام “, waxaana qoray (Aun) wadaadkii Suuri-Sacuudiyaanka ahaa ee Shiikh Cali al-Tantaawi (Halkaan ka eeg: http://iqraa.com/pdf/iqraabooks/definitionOfIslam.pdf ).

Shiikh Cali oo ahaa nin lagu yaqiin garaad, waayo-aragnimo iyo kaftan badan, wuxuu xusaa sababta ku bixisay inuu buuggaan qoro, wuxuuna sheegay inuu mar ardaydiisa weydiiyey su’aal ahayd: “Ka warrama haddii uu idiin yimaado qof ajanebi ah (= aan Muslim ahayn) uuna idinku yiraahdo: waxaan haystaa hal saac oo qura, waxaana doonayaa in saacaddaas gudaheeda aan ku fahmo Islaamka. Sidee baad saacaddaas Islaamka ugu fahamsiin lahaydeen? Waxay yiraahdeen: taasi suuroobi mayso, waayo wuxuu u baahan yahay inuu barto Towxiid iyo Tajwiid, iyo Tafsiir iyo Xadiis iyo Fiqi iyo Usuulu Fiqi, iyo mashaakil iyo mas’alooyin uusan  Shan dabshid ku bogi karin.”

Shiikh Cali wuxuu yiri: dabadeed waxaan isweydiiyey halka wax ka khaldameen, miyaan rag reer baaddiye ahi nebiga (NNKH) u imaan jirin, oo la joogi jirin maalin gelinkeed ama wax ka yar, dabadeedna aysan ka tegi jirin si ay dadkooda diinta u gaarsiiyaan, macallimiinna ugu noqdaan? Taana miyeysan ka sii xeeldheerayn in Rasuulku diinta oo dhan uu ku sharraxay xadiis saddex weerood ka kooban (= Xadiis Jibriil), oo diinta oo dhan uusan ka dhigin Iimaan, Islaam iyo Ixsaan. Maxaa diidey in maanta saacad gudaheed lagu sharraxo?

Dhab ahaantii, doodda Shiikh Cali marka dhan laga eego waa mid gar ah, laakiin dhanka kale marka mawduuca aragti falsafadeed lagu fiirsho, waxaa caddaanaya in arrinku intaa aad uga culus yahay, oo qeexid walba oo Islaamka la siiyo ay qolo ka biyo-diideyso. Waayo? Sunniga iyo Shiiciga, Suufiga iyo Salafiga, faqiiha iyo fannaanka, reer miyiga iyo reer magaalka, caddaanka iyo madowga, labka iyo dheddiga,, mid kastaa il goonni ah oo isaga u gaar ah ayuu Islaamka ku eegaa. . Talaal Asad-na waxaa laga hayaa inuu yiri: “Islaamku waa dhaqan aan mid qura ahayn/ Islam is a discursive tradition.”

Dalka Tuunis waxaa ka jirta hey’ad daabacda buug taxane ah, oo ay u bixiyeen “Islaamka oo mid ah kalana  duwan/ الاسلام واحدا ومتعددا”. Tan iyo haddana taxanahaas waxaa laga daabacay buug tiradoodu labaatan ka badan tahay, waxaana ka mid ah:

(Islaamka fuqahada/  (إسلام الفقهاء, iyo (Islaamka casriyadii hoos-u-dhaca/ إسلام عصور الانحطاط), iyo (Islaamka Suufiyada/ إسلام المتصوفة), (Islaamka Sunnada/ اسلام السني), iyo (Islaamka Shiicada/ اسلام الشيعي ), iyo (Islaamka Khawaarijta/ اسلام الخارجي ), iyo (Islaamka Mujadidiinta/ اسلام المجددين ), iyo (Islaam Muslixiinta/ اسلام المصلحين), iyo (Islaamka culumada caqiidada/ اسلام المتكلمين ), iyo (Islaamka falaasifada/ اسلام الفلاسفة ), iyo (Islaamka Kurdida/ اسلام الأكراد  ), iyo (Islaamka dadweynaha ama caamada/ اسلام الشعبي ), iyo (Islaamka dhaqdhaqaaqyada/ اسلام الحركي ), iyo (Islaamka Aasiya/ اسلام الأسيوي ), iyo (Islaamka madow/ اسلام الأسود ), iyo (Islaamka Carabta/ اسلام العرب ), iyo (Islaamka magaalada/ اسلام المدينة ), iyo cinwaanno kale.

Taa macnaheedu ma aha in Islaamku yahay bado kala duwan, oo qof kastaa ka ugaarsan karo nooca kalluunka uu jecel yahay. Maxaa yeelay, Islaamku waxyi ahaan waa mid qura, laakiin dhanka fahanka iyo fulinta waa faro badan yahay. Tusaale ahaan, muslimiinta oo dhammi quraan mid ah bay akhriyaan, laakiin macnaha aayadaha quraanka la siinayo aad bay ugu kala tagsan yihiin. Taana waxaa ugu wacan kala duwanaashaha garaadka aadamiga iyo kala duwanaanta waqtiga iyo meesha la joogo, oo muslimiinta ku nool meelo kala duwan ama xilliyo kala geddisani, waxay naska u akhriyaan siyaabo kala duwan. Waayo fahanka nasku wuxuu la falgalaa duruufaha lagu noolyahay, waxaana saameeya caadooyinka iyo dhaqamada bulshada. Marar badanna kala duwanaanta waxaa keena dano la kala matalayo.

Waxaa jirta sheeko suugaanta iyo dhaqammada dunida oo dhan ku jirta, oo ay wada xusaan. Waa sheekada tebisa indhoolayaashii maroodiga midba xubinta ka taabtay, dabadeedna mid kastaa maroodiga u sawirtay dareenkii uu kala baxay xubintii uu taabtay. Maroodigii indhoolayaashu taabteen muuqaal qura buu lahaa, laakiin fahankoodu wuxuu u kala duwanaa sida ay u kala duwanaayeen xubnihii maroodiga ee ay taabteen. Si taa la mid ah inkasta oo Islaamku waxyi ahaan mid yahay, haddana fahanka dadku wuxuu u kala duwan yahay, hadba duruufta ay ku qaabbilaan diinta iyo dhanka ay ka abbaaraan, waana adagtahay in la helo labo ruux oo isku si u fahansan Islaamka .

Eebbana quraanka kariimka wuxuu noogu caddeeyey in aysan jirin cid si dhab ah u taqaan tafsiirka iyo ta’wiilka aayadaha quraanka, oo Eebbe aayadda 7-aad ee suuradda Aali-Cimraan wuxuu ku yiri: “ Cid og ta’wiilka kaas (=quraanka) ma jirto Eebbe mooye/وما يعلم تاويله إلا الله “. Dhanka kale, aayaddaan oo wadaaddada qaarkood ay dhibsadaan in sidaa lagu macneeyo, waxay daaqad naga tusaysaa macnaha oraahda Islaamiyiintu ay aadka u adeegsadaan ee sheegaysa in Islaamku ku habboon yahay seben kasta iyo meel walba. Si Islaamku u noqdo mid ku habboon seben kasta iyo meel walba waa inuu noqdaa mid fahankiisu la saanqaado isbeddelka ku dhacaya duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshooyinka dunida oo iyagu mar walba saameeya garaadka qofka iyo bulshada.

Tusaale ahaan, addoonsiga kumanyaal dabshid ayaa dunida looga dhaqmayey, diimuhuna banneeyeen, waqti aan fogayn ka horna dadku kuma dhicin in ay addoonsiga xumaan iyo xaaraan ku sheegaan, hase ahaatee si taa ka duwan maanta waa adagtahay in la helo cid ku dhiirrata in ay addoonsiga xalaal ku sheegto. Haddaba, maxaa isbeddelay? Ma naskii baa isbeddelay mise fahankii iyo macnihii naska la siinayey? Waxa isbeddelay waa aragtida dadka iyo sida ay ula dhaqmayaan naska.

Waxaa jira xaddiis nebiga laga wariyo oo si un u muujinaya in islaamku wajiyo badan leeyahay. Xaddiiskaas nebiga laba si baa looga weriyaa. Labada siyood midda hore ayaa caansan, oo Muslimiintu maalin walba maqlaan, laakiin waxaa macaan, raxmadda iyo dulqaadka Allena u dhow wejiga danbe.

Qaabka hore ee loo Weriyo xaddiisku waa midka sheegaya in nebigu (NNKH) uu yiri: “Ummadaydu waxay u qaybsamaysaa dhowr iyo toddobaatan kooxood, dhammaantood waxay galayaan naarta marka laga reebo hal firqo.”

Qaabka labaad ee xaddiiska loo wariyey, oo culumada qaar ay qabaan inuu yahay midka saxda ah, waa mid nuxur ahaan ka soo horjeeda kan hore, wuxuuna sheegayaa in nebigu uu yiri: “Ummadaydu waxay u qaybsamaysaa dhowr iyo toddobaatan firqo, dhammaantoodna jannada ayay galayaan marka laga reebo hal firqo.”

Marka la qiro in ummadda Islaamku ay u qaybsamayso kooxo faro badan, oo kala duwan, balse dhammaantood Islaamka ku abtirsanaya, waxaa ka dhalanaya in la qiro in Islaamku wajiyo badan leeyahay, siyaabo kala duwanna loo arki karo.

Islaamku waa nusuus iyo astaamo mar walba iyo meel kasta oo la joogo yeesha macne iyo muuqaal goonni ah. Maxaa yeelay, waxay la falgalaan afkaara iyo duruufaha dhaqan-dhaqaale ee xilligaas deegaankaas ka jira. Islaamku ma kan meel walba dhiigga ku daadinayaa? Mise waa kan Maxamed Cali Kalaay iyo malaayiinta la midka ah ee ku qaylinaya “Anigu argagixiso ma ahi!” Labada halkudheg ee ” Islaamku waa diin argagixiso” iyo “Islaamku waa diin nabadeed” keebaa runta ka tarjumaya? Yaase xaq u leh in ay u garnaqdo labadaas aragtiyood ee isdiiddan?

Jaamacadda As-har, Hey’adda Culumada Waaweyn ee Sacuudiga, Qum, Najaf, Ikhwaanu Muslimiinka, Xisbu Laah, Qaacida iyo Daacish mid waliba waxay isu aragtaa in iyadu Islaamka saxda ah ay wakiil ka tahay, laakiin ma jiro qof ama hey’ad ay Muslimiintu isku raacsan yihiin in ay keligood diinta saxda ah metasho. In aysan jir cid qura oo loo aqoonsan yahay in ay metasho islaamka saxda ahna waxaa isku mar ku jira awoodda iyo iinta Muslimiintu leeyihiin.
Barafisoor Shahaab Axmed (1966-2015), oo ku takhasusay maaddada taariikhda, barena ka ahaa Jaamacadda Princeton, wuxuu dhawaan qoray buug uu ugu magac daray “Islaam waa maxay?/ What is Islam? The Importance of Being Islamic”. Marka uu ka hadlayo sababta ku bixisay inuu buuggaan qorana wuxuu sheegay in sababta ku bixisay ay tahay dhacdada ku caanbaxday magaca “Sheekada Garaaniiqda/ قصة الغرانيق”, oo dadka qaar hadda ugu yeeraan “Aayadaha Sheydaanka/ Satanic verses”.

Sheekada taariikhda Islaamka ku caanbaxday magaca ” “Sheekadii Garaaniiqda”, oo taariikh-yahannadii iyo culumadii hore ee tafsiirku ay xusaan kolka ay macnaynayaan aayadda 52-aad ee suuradda al-Xaj, waxay ku saabsan tahay war sheegaya in nebigu (scw) mar uu joogey fadhi qureeshi leedahay uu akhriyey aayado ka mid ah suuradda al-Najmi, intii uu aayadaha akhrinayeyna uu Sheydaan nebiga waswaasiyey, carrabkana ugu ridey erayo uu ku ammaanay saddex ka mid ah Ilaahyadoodii, oo kala ah: Laata, Cusaa iyo Manaata. Waxayna wariyeen in nebigu yiri: “Kuwaasi waa Garaaniiqda sare, shafaacadoodana waa la fishaa/ تلك الغرانيق العُلى وان شفاعتهن لترجى”, markaana nebigu uu sujuudey, ayna la sujuudeen dhammaan dadkii meesha joogey, Muslimiin iyo Mushrikiinba.

Sheekadaan oo ah midda Salmaan Rushdi uu ka qaatay cinwaanka buuggiisa “Aayadaha Sheydaanka”. Shahaab Axmed wuxuu ku doodayaa in Muslimiintii noolaa labadii qarni ee Islaamka ugu horreeyey (632-800) ay rumaysnaayeen in arrinkaasi uu sidaa u dhacay, laakiin Muslimiintii waagaas ka dib yimid uu arrinkaasi la foolxumaaday, ayna isku dayaan in ay dafiraan Sheekada (Waxaa xusid mudan, in Shahaab Axmed uu leeyahay buug uu si gaar ah qodobkaan ugaga hadlayo, oo la sheegay in la daabacayo sannadkaan 2016, cinwaankiisuna yahay “Before Islamic Orthodoxy: The Satanic Verses in the Thought of the Earliest Muslim Community (ca 632-800)”.

 

Marka la maqlo Erayga “Islaam”, saddex arrimood midkood ayaa maanka qofka ku soo dhacaya, waxayna kala yihiin:

Kow: Nusuusta muqadaska ah ee diinta Islaamka asalka u ah, oo ka kooban quraanka iyo sunnada saxda ah. Noocaas Islaamka ahna waxaa loogu yeeri karaa “Islaam 1”.

Labo: Sharraxaaddii culumada kala duwan ee Islaamku ( Mufasiriin, Muxadisiin, Mutakalimiin, Fuqaho, falaasifo iyo culumada akhlaaqda) ay 1400-kii dabshid ee la soo dhaafay ay ka bixiyeen nusuusta waxyiga. Muslimiintu inkasta oo ay si guud isugu raacsan yihiin erayada quraanka iyo qayb yar oo sunnada ka mid ah, haddana badanaa iskuma waafaqaan macnaha la siinayo erayadaas. Sidoo kale, waxaa habboon in lagu baraarugsanaado in hal-abuurkaani uu diinta u adeego, balse uusan sida nusuusta diinta muqaddas u ahayn. Yeelkadeede, qaybtaan oo mararka qaarkood loogu yeero “dhaxalka dhaqanka ee Muslimiinta/ التراث الثقافي للمسلمين”, iyadana waxaan u bixin karnaa “Islaam 2”.

Saddex: Taariikhdii iyo habdhaqankii Muslimiintu ay sameeyeen muddada ka badan 1400-ka dabshid ee diintu jirtey. Qaybtaan ah wixii Muslimiintu faleen iyo mirihii ka dhashay, iyana waxaa lagu magacaabi karaa “Islaam 3”.

Waa muran ma doonto, in saddexdaan qaybood ay isku xiran yihiin, haddana mid kastaa goonnidiisa ayuu macne u sameeyaa, loona tilmaami karaa. Sidaa awgeed, marka la leeyahay Islaamkaa sidaa ah ama sidaa qaba, waxaa habboon in la xuso islaamka laga hadlayo midka uu saddexdaas ka yahay (Is1, Is2, Is3).
Yaa Muslim ah?

Dunida waxaa ku nool dad tiradooda lagu hillaadiyo 1.8 bilyan oo ruux, oo lagu tilmaamo  in ay Muslimiin yihiin. Hase yeeshee, marka loo yimaado  halbeegga la adeegsanayo si loo kala garto in qof Muslim yahay iyo in kale, waxaa caddaanaya in uusan jirin halbeeg noocaas ah oo la isla oggol yahay. Bilmatal, marka la leeyahay qofkaasi waa Muslim, muxuu yahay halbeegga la adeegsadey? Ma waxa uu rumaysan yahay baa? Mise waa deegaanka iyo qoyska uu ka soo jeedo? Mise waa magaca uu sito? Mise intaas iyo in kale oo lagu daray? Sideedaba yaa xaq u leh in ay bixiso shahaadada Muslimnimada, oo ay dadka u qaybiso mid Muslim ah iyo mid aan ahayn?

Tusaale ahaan, dalka Bakistaan markii uu ka go’ay dalweynihii Hindiya ka dib, waxaa ka bilaabatay dood xoog badan oo nuxurkeedu ahaa in Bakistaan tahay dal Muslim ah, loona baahan yahay in shareecada lagu dhaqo.

Dooddii caynkaas ahayd waxay abuurtay qulqulatooyin, waxayna lagama-maarmaan ka dhigtay in la sameeyo hey’ado iyo guddiyo baaritaanno dheeri ah mas’alada ku sameeya. Guddiyadii heerka qaran ah ee la sameeyey waxaa ka mid ahaa guddi ku caanbaxay magaca “Guddigii Muniir”. Guddigaasi baaritaan dheer iyo waraysiyo badan oo ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ka dib, sannadkii 1954-tii waxay soo saareen warbixin loo yaqaan “Warbixintii Guddiga Muniir / Munir Commission Report.” (Warbixinta oo dhan halkaan ka eeg: http://www.satp.org/satporgtp/countries/pakistan/document/papers/Munir_Report_1954.pdf ).

Warbixintaas Guddiga oo dhinacyo badan taabanaysa, waxyaabaha lagu xusay waxaa ka mid ah in aan la hayn halbeeg la isku raacsan yahay oo qofka muslimka lagu baadi sooco. Waayo? Qof kasta oo Muslim sheegta waxaa jira dad kale oo aan Muslimnimo u qirayn. Bilmatal Bakistaanida Sunnada ah badankoodu ma oggola in Shiicada muslimiin lagu sheego, si taa ka horjeedda Bakistaanida Shiicada badankoodu ma aqbali karaan in Sunnada muslimiin lagu tilmaamo. Marka loo yimaado qolo kasta gudaheedana waxaa la ogaanayaa in ay u qaybsanto firqooyin iyo madaahib midiba kuwa kale Islaamka ka saarayso. Waxaana xusid mudan, in dalka Iiraan Sunnada looga aqoonsan yahay in ay yihiin dad laga tiro badan yahay oo haysta diin kale, sidaas oo kale Shiicada Bakistaan iyo Sacuudiga dalalkooda waxaa looga arkaa dad tiro yar oo diin kale haysta. Xaalkuna wuxuu gaarey in la yiri: ma jiro Muslim aan qof ama qolo kale gaal u arkin.

Si kastaba ha ahaatee, aayadda 14-aad ee suuradda al-Xujuraat, waxaan ku arkaynaa reer miyigii Carabta oo sheeganaya in ay Alle rumeeyeen, Allena ku leeyahay: ma aydin rumayne waxaad tiraahdaan waa islaamnay ” قالت الأعراب:آمنا . قل لم تؤمنوا , ولكن قولوا أسلمنا . ولما يدخل الإيمان في قلوبكم . “.
Halkaana culumada islaamku waxay ka qaateen in islaamka iyo iimaanku ay kala duwan yihiin. Waxayna yiraahdeen: Islaam waa in carrabka wax laga qiro, iimaanna waa in wixii carrabka laga qiray uurka laga rumeebyo, addinkana laga fuliyo. Haddii si kale loo dhigo, islaamnimadu waxay ka dhalataa in shahaadateynka la qiro, laakiin iimaanku wuxuu u baahan yahay in qiridda wax lagu daro. Sidaa awgeed, erayada Islaam iyo Muslim waxay leeyihiin macne ka ballaaran kuwa erayada iimaan iyo mu’min, oo muumin walbaa waa Muslim, laakiin Muslim walbaa muumin ma aha.
Culumada bulshada qaarkoodna waxay qiraan in sababaha keenay in Islaamku muddo yar uu ku fido Jasiiradda Carabta oo dhan ay ka mid tahay in qaadashada diintu ay aad u fududdahay, oo ay qofka ka xigto eray lagu dhawaaqo oo keli ahi. Taasina waxay keentay in bulsho iyo deegaan dhan islaamnimo loogu qiro eray ay ku dhawaaqeen darti, iyada oo aan wax intaa dhaafsiisan lagu shardin.
Waxaa kaloo xusid mudan in marka la leeyahay “Ummad Islaam ah” ama “Ilbaxnimo Islaam ah” ama “Aqoon Islaam ah”, aan macneheedu ahayn in xubnaha ummaddaasi ka kooban tahay, ama dadka ilbaxnimadaas abuuray, ama aqoontaas curiyey ay dhammaantood muslimiin yihiin. Balse erayadu waxay tusayaan oo keliya in dadkaasi u badnaayeen muslimiin. Waayo, waxaa la ogyahay in ilbaxnimada iyo aqoonta Islaamka ay ka qayb-qaateen dad aan Muslimiin ahayn, laakiin la noolaa Muslimiinta.

Waxaa la yiri: waagii hore ummadaha reer Galbeedka badankoodu erayga “Muslim” ama “Carab” waxay ku qeexi jireen “Qofka iska leh dukaanka xaafadda ee subaxda Axadda furan”, laakiin hadda erayadaas waxay ku qeexayaan “qof dhiig u oomman”. Haddaba, weydiintu waxay tahay: labadaas qeexitaan kee baa qurxoon, oo ay tahay in Muslimiintu ku mintidaan.

 

Gunaanad

Muslimiintu kolka ay gartaan in uusan jirin macne qura oo la siiyo eraybixinnada Islaam iyo Muslim ayay garwaaqsanayaan qallooca afkaarta isgaalaysiinta, kana waantoobayaan in ay diin darteed dhexdooda isugu dhibaateeyaan ama uunka Alle ee kale dhiiggooda ku daadiyaan

In ay isu dulqaataan, uunka Allena nabad iyo iskaashi kula noolaadaan.

Dhinaca kale, bulshooyinka dunida – siiba kuwa reer Galbeedka- ee maanta ku wareersan Islaamka, iyagana waxaa la gudboon in aysan isku hawlin in ay Islaamka jantaan ama ay necbaadaan, balse waa in ay isku taxalujiyaan sidii ay ku fahmi lahaayeen Islaamka iyo muslimiinta.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com

 

 

 

One thought on “Waa maxay Islaam? Yaase Muslim ah?

  • June 27, 2016 at 3:21 pm
    Permalink

    Ac
    prof : ilaahay ajar iyo xassanaad ha kaa siiyo macluumaadkaan aadka wax tarka u leh ee aad noo faa,idaysa waxaana xussid mudan in eaqtideedii aad haleeshay
    waxaan wax iska waydiiyay axaadis farabadab oo aan akhrin jiray kuwaas oo tilmaamay in afraad ama jamaaco hadii islaamka loo so bandhigo ay isla markiiba haday qaateen ay u kici timi jireen dhankaas iyo inay sii fidiyaan
    su,aashu waa hadii islaantinimadu saas ay u sahlanayd in la soo galo durbadiine daaci horay laga noqonayo miyaan la is oran karin jaha wareerku xagaas ayuu ka soo bilawday islaantinida maantay haysta thnks just an idea

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code