Wadaad Dawakhsan iyo Waranle Deyaysan!

Qiima-dhaca ku yimi dadyawga Muslimiinta ah waxa sida cadceedda looga dhex arki karayey qulqulatooyinka feker iyo baaxaa-degga sawrac ee ilbaxnimada Muslimiinta ku soo taxnaa tan iyo maalintii ay duntey dawladdii Cusmaaniyaddu, ayna samaysantay Boqortooyada Sacuudigu. Qiima-dhacaasi haddii uu dab ahaa, waxa xaabada iyo gaasta sii holcisay u ahaa labo duul. Qolo waxa ay ahayd kuwo diintu ku qalloocatay, oo sidaa ku dawakhay, in yarna u jirsaday in ay faraha iskula sheekaystaan; qolada kalana waxa ay ahayd kuwo diintu ka qalloocantay, oo sidaa ku deyaysmay, in yarna u jirsaday in ay faraha ka qaadaan!

Qoraalkan kooban waxa aynu ku eegaynaa saamaynta ay labadaa kooxood ku yeesheen sidii Islaamka loo arkayey, iyo eesha ay ka tageen. Ka dibna waxa aynu isla eegi doonnaa sida looga samata-bixi karo Islaamkan laga dhigay dheri labada dhinacba ka karaya!

Marka aynu eegno xilligii Loo-naxariiste Nebi Maxamed, waxa judhaba aynu arki karaynaa in aanay jirin cid gaar ah oo u qaabbilsan ummadda aqoonta diinta iyo fatwadeeda. (=Wadaaddo). Qofku in uu qalbigiisa la tashado (fatwo-wayddiisto) ayaa uu nebigu dadka amrayey, si uu qiyaastii inoo dareensiiyo muhiimad-yarida cid ku suntan fatwa-ka-bixinta diinta ka dhexaysa dadka. Sidaas oo kale markii ay talada la wareegeen jaallayaashii nebigu, waxa halkeedii laga sii haystey jidkaa qurxoon ee uu ka tegay Loo-naxariiste Ergaygii Eebbe. Dhaxal-dhigaaleedka taariikhda kama soo helayno ‘khaliif’ unkay wax la dhaho, “Hay’adda Culimada.” Wixii ka danbeeyay intaa, waxa taladii u wareegtay qaab aan la jeclaysan, waxa ayna raacday jid qarfo ah. Waxa samaysmay wadaaddo gaar ah oo hadba cidda talada haysa u fududaysa wixii amar ah ee ay soo saaraan, kana dhigta mid Xagga Sare laga oggol yahay. “Wadaad Guulwade” ah ayaa taariikhdu diiwaangelisay markii u horraysay. Wadaaddo sidaa ugu raxleeya xaakinka iyo kuwo mucaarid ku ah ayaa ‘hiriggoo’ iyo food-isdaridi dhex martay. Dayaankii ka dhashayna waxa uu xoogeeyay iskooxaysi iyo in la kala tukado.

Burburkii sababay in Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyaddu dunto, waxa uu fursad laba-kaclayn ah siiyay wadaaddadii diinta ku maxaafsanayey. Waxaana soo shaacbaxay kuwo aan qarsan faragelinta qaawan ee ay ku hayaan diinta. Waxa dogobyo la sii saaray kooxo “Muxaddisiin” la dhahayey, oo abuurmay xilliyadii imbaraadoorriyadaha, kuna dooday in xadiiska nebigu leeyahay derajo ku dhawdhaw, marmarna la siman, midda Qur’aanka. In xadiisku yahay waxyi kale oo ay garba siman yihiin waxyigii Qur’aanka ayay ‘fatwoodeen.’ Waxa halkaa fursad ku helay deraasiin xadiisyo la dhoobdhoobay ah oo nebiga ka danbeeyay, iyo hadallo dusha ka qurxoon gudahase ka qaabdaran oo Suubbanaha lagu nabayey. Waxaana yaraaday awoodda lagu naqdin karo been-abuurkaa xadhkaha goostay; ciddii hadashana waxa haystay, ‘ma xadiiska iyo waxyiga ayaa aad afka la gelaysaa, ku go’yey afku e!’ Muxaddiska oo sidaa u botorinaya, ayaa waxa falcelin ahaan u abuurmay qolo “Qur’aaniyiin” la dhaho oo lid ku ah wax kasta oo ay sheegayeen Muxaddisiintu. Waxa ay kuwan danbe kaga sanqadhiyeen doodo ah in Qur’aanka ma ogi’e aanay diintu lahayn tixraac kale oo loo noqdo, iyo in xadiisku yahay keli ah hadal wanaagsan oo nebigu yidhi; balse aanu gaadhsiisnayn heer sharci-dejin loo adeegsado. Wadaaddadaa diinta u fasirayey qaabka ay jeclaystaan, ayaa ka tagtay eel xun oo dadkii ku qaadday in sidii Ina Xagaa-dheere ay noqdaan ‘Duul culimo qastay!’

Burburka Cusmaaniyadda waxa si daraamaatig ah ugu xigay samaysanka Boqortooyada Sacuudiga. Taariikhda marka aad akhrido, ee aad u fiirsatid qaabka uu ku yimi heshiiskii Sykes-Picot, waxa aad dareemaysaa in gabbaldhaca Cusmaaniyadda iyo soo-ifbaxa Sacuudigu ahaayeen walaalo qorshe ahaan isku dhalasho xigay. Sacuudigu waxa uu la yimi xaabo badan oo sii holcisay dawakhaaddii dadku ka qaadeen isdiiddooyinka danaha salka ku haya ee wadaaddada. Waxa samaysmay dhaqdhaqaaqa maanta ugu fididda og ee uu Aabbaha u yahay Maxamed Cabdiwahaab. Waxa abuurmay maanhag (attitude) dadkii u kala qaaday qolo Ilaahay cibaadada saami-qaybsi kala dhexaysiisay cid kale iyo qolo cibaado qumman ku taagan. Dhaqdhaqaaqaa Cabdiwahaabaysan isaga oo isku hallaynaya awoodda boqortooyadan reer Galbeedku taageersan yahay, ayaa ay ku fidday qaab hillaac (dynamic) ah. Faafidda dhaqdhaqaaqani faafay waxa ay keentay in Muslimiin badani keeb-la-yuurur noqoto, oo u aragto dhaqdhaqaaqan cadaw soo duulay, oo soo xasuusinaya sababta ay u duntay, ama loo dumiyey, dawladdii Cusmaaniyadda ee ay ku indha-kuulan jireen Muslimiintu.

Waxa dhanka kale socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Islaamka siyaasadeeyay, ama siyaasadda islaamiyay. Ikhwaan Muslimiinka ayaa u weynaa dhaqdhaqaaqan. Waxa ay abuureen aragtida: Islaamka siyaasiga ah. Waxa sidaa oo kale sida daadka u soo fatahay aragtida islaaminta aqoonta; oo wax kasta la jeclaystay in la raaciyo eray biya-dhacay markii danbe, ‘Islamic.’ Wax kasta in xagga hore lagaga kabo eraygaa ayaa si u eg in la isla ogaa u bilaabatay.

Yurub iyo Galbeedku, xilliga waxaasi ka dhacayaan dhulalka Muslimiintu u badan tahay, waxa ka socday maanfuf markaa qarni-iyo-rubuc jirsaday, iyo isballaadhin dhuleed iyo mid mabda’eedba. Waxa horumarkaasi indha-daraandar ku riday Muslimiin qaab uun ay u soo gaadhay waxa ka socda Yurubta intan u jirta. Muslimiin badani waxa ay qaateen aragti ah in horumarkaa Yurub si loo gaadho, loo baahan yahay in tallaabo-tallaabo loo canjilo hanaqaadkii Yurub. Xorayntii maanka u xayirnaa makaniisadda, xakamayntii saamaynta makaniisadda iyo diinta Kiristanka, iyo ugu danbayn kala-saariddii aan laga daba hadlin ee la kala saaray diintii fara-faraysnayd ee Kiristanka iyo nolosha siyaasadeed ee dalalkaa. Marka ay derseen isbeddelladaa, waxa Muslimiin badani xiisaysay in ay noqdaan dheeg (copy) Yurub ah. Waxa ay iska xiiseeyeen in ay gebi ahaanba soo liqaan hababka cilmaaniyadda, laybaraaliyadda, hantigoosiga iyo dimuqraaddiyadda ee Galbeedka xaraashka ka ahayd. Waxa durbaba samaysmay dhaqdhaqaaq falcelin u ah midkii Sacuudiyaysnaa ee arlada ka oognaa. Waxa daarmay filim aan dhammaad iyo dhadhan lahayn oo laga fiirsado dalalka Muslimiinta ah, siiba kuwa Carbeed. Markan waxa dadku dareemeen dhanka kale ee kulaylka. Dabkii waranlayaasha ayaa taabtay. Waxa unkamay deyaysnaan iyo wareer weyn oo ay horkacayaan kooxahaas Yurubaysani. Waxa iyaguna jiray kooxo aan la yaraysan karin oo soo uriyay nidaamka shuuciyadda iyo hantiwadaagga ee Midawga Soofiyeet u ahaa aas-aasaha.

Doqonnimada iyo xilkasnima-darrada halkaa ka bilaabantay waxa ay soo gaadhay qarnigan 21aad oo bilaabmay iyada oo Midaw burburay (Midawgii Soofiyeet), Midaw kalana ballaysinmay (Midawga Yurub). Ilaa maantadaa aynu qorayno qoraalkan waxa laga dareemayaa gibilka dadyawga Muslimiinta qaaca kulul ee ka soo butaacaya labadaa dhaqdhaqaaq ee ay kala hoggaaminayaan wadaaddo dawakhsan oo diinta ku danaysanaya, iyo waranlayaal deyaysan oo diinta dacaayadaynaya. ‘Islaamku waa dhib,’ oo ay waranlayaashu meel kasta kaga qaylinayaan, iyo ‘Islaamku waa xal,’ oo ay wadaaddada dawakhsani kaga qaylinayaan luuq kasta ayaa dhulgariir iyo fulkaano mataanaysan ku noqday Muslimiinta; waa la waayay cid garata oo ku baaqda, ‘Islaamku waa diin!’

Fahanka diinta haddii loogu noqdo Qur’aanka oo ah waxyiga keli ah ee jira, iyo jidka nebiga oo ah waaxyaha keli ah ee waxyigaa, waxa ay u badan tahay in wareer badani yaraan lahaa. Haddii la kala garto Qur’aanka iyo fasiraha; xadiiska iyo sharxaha; taariikhda iyo taariikh-weriyaha; horumarka iyo qofka horumaray; iyo asalka iyo faraca, waxa la awaali karaa in dabku intan ka qaboobi doono, murankuna intan ka yaraan doono. Waxa uu qoraalkani ku baaqayaa in dadku ka xoroobaan wadaadka dawakhsan ee diinta u adeegsanaya ujeeddo gaaban, iyo waranlaha deyaysan ee diinta dabraya, kana dhigaya tuuris. Waxa kale oo qoraalkani ku baaqayaa in la cusboonaysiiyo fahanka iyo aqoonta diinta; lagana takhalluso caqliyadda asalraaca ah iyo midda asaltirka ah ee labada dhinac kaga yuutaamaya diinta. Asalku, sidiisa bannaanba, waxa uu u qalmaa in la dhigo madxafyada e xaq uma laha in maskaxaha la dhigo!
Qoraalkani ma dafirsana in ay jiraan dad diinta yaqaan oo aan dawakhsanayn. Sida oo kale ma dafirsana in ay jiraan dad Yurub inta ay derseen casharro naf leh kala soo dhex baxay. Balse labadaba in laga xoog iyo xeelad badan yahay ayaa uu u arkaa. Waxa kale oo uu u arkaa in saamayntoodu ku hoos dhimatay daruurta aan roobka sidin ee wadaadka dawakhsan iyo waranlaha deyaysan.

 

Cabdicasiis Guudcadde

aguudcade@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code