Wadaad Iyo Dumar

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, haddiiba loo dhan yahay oo aysan sheegashooyinkii waayadaan caadiga noqday ahayn, waxaan ka marag ahay – markii aan dhegeystey bayaankoodii  – in aysan waxba ku biirin karin bulsho casriga hadda ah nool. Waxay ka soo horjeesteen tirada gaarka ah oo loo qoondeeyey dumarka oo ah 30% xubnaha baarlammaanka iyo aqalka sare. Waxay ku doodayaan in ay tahay arrin shisheeye wato, iyo in kuwa wata laftigoodu aysan tiro gaar ah u qoondayn dumarka ee ay si caadi ah tartanka u galaan marka waddammadooda la joogo.

Haddaba, labadaa qodob aynnu isla fiirinno:

a) Sideedaba in dumarka siyaasadda laga garbiyo ama xuquuqdooda aan la dhawrini waa arrin khalad ah oo dalbata faragelin. Dadku haddii ay ummuurahadooda ku filnaadaan oo si macquul ah u dhaqmaan badanaa goldaloolo laga ma helo in la saxana uma baahna. Laakiin, haddii ay u dhaqmaan si garashada fiyoobi diideyso, waxaa imaneysa in ciddii markaas ka ag dhowi ay isku daydo in ay wax la toosiso.

Ka soo qaad haddii aad iska deyso in aad dharkaaga nadiifiso. Bulshada  kaa ag dhowi  waxay kuu soo jeedineysaa in aad sida isu dhaanto. Kolkaas na wax lagaa aqbalayo noqon meyso in aad tiraahdo arrimahayga yaan la faragelin, maxaa yeelay adiga ayaan arrimahaaga ku filnayn. Jawaabta aad heleysaa na waxay noqoneysaa mid la mid ah gabaygii Sayidka ee ahaa:

Qaydadaan ku barayaa haddaad qaayo leedahaye
Qalfoof maran haddii adan ahayn qaado taladayda
Haddii kale se qayl qayl dhalow deyso qurunkaaga

b) Waddamada reer galbeedka oo ay culimadu leeyihiin iyaguba dumarkooda uma qoondeeyaan tiro go’an waa runtood. Laakiin, adduun’araggeenna ku saabsan dumarka ayaa kooda ka duwan. Innaga haddii gabari siyaasad u istaagto waxaa tiraweynta bulshadu u arkeysaa in ay tahay mid ka ambatay dawgii ku habboonaa. Laakiin iyaga haddii gabari isu soo taagto jago siyaasadeed, badanaa dadku ka ma fekeraan dheddignimadeeda ee waxaa loo kuurgalaa kartideeda.

Sababtaas ku salaysan aragtida bulshadeenna ee ku aaddan siyaasadda iyo kaalinta dumarka uga bannaan, ayaa diideysa in dumarkeennu – sida kuwa reer galbeedka – iyagoon wax loo qoondayn ragga ula tartamaan jagooyinka, maxaa yeelay waxaa ka hiillinaya bulshada. Taas ayaana ka dhigtay lagamamaarmaan in wax cayiman loo qoondeeyo. Ogoobeey 30% waayadaan iyo waayo ku dhow toonna dumarku heli mayaan oo waa la og yahay, ee tiradaasu waa iska hiigsi la doonayo in uu sababo in ay kaalin muuqata ka helaan xubnaha siyaasadeed 10% ba ha ahaatee.

Marka ay culimadu leeyihiin gabdhuhu si siman ragga ha ula tartameen, waxa ay og yihiin, rabaanna  in ay hungo ku soo dhacaan gabdhuhu. Waayo arrintaasi waxay la mid tahay iyadoo la yiri: rag lixaadkoodu dhan yahay iyo kuwo  naafo ahi orod ha ku tartameen. Waa na caddaalad darro. Marka aan leeyahay ‘naafo’ ma aha in dumarku abuur ahaan naafo yihiin ee walaalahood, aabbayaashood, say-yadooda ayaa wiiqaya xaqooda, dadnimadoodana naafaynaya.

Dhaqanka ah in dumarka ay raggu isu quturaan ( male domination) oo hoos u riixaan, ma aha mid diin gaar ahi keentay  ama cirka ka yimi ee noolaha noocyadiisa kala duwan badankooda ayaa waxaa dhaqan u ah in labku hoggaamiyo. Inkastoo ay jiraan noocyo ay dheddigu isu quturaan, sida dhurwaayada, shinnida ikk. Haddaba aadanuhu isagoo caqligiisa kaashanaya ayuu isku dayaa in uu samaysto xeerar nololeed oo ka fogeynaya astaamaha uu la wadaago xayawaannada kale. Waxaa ka mid ah in uu samaystay in aan sida loo kala xoog weyn yahay la isu boobin, in aan kuwa kaa duwan la nebcaan ikk. Xeerarkaas  aadanahuhu dhigtay ayuu ka mid yahay kan ilaalinaya xuquuqda dumarku ay u leeyihiin in aysan wax iska jooga noqon ee ay kaalin buuxda ka qaataan nolosha iyo dedaalkeeda.

Qaar ka mid aha wadaaddada bayaanka soo saaray ayaa sheegayey in aysan dumarku jagooyinka sare soo hunguriyeyn. Waxay badanaa daliishadaan war sheega in ay halaagsameen qoonkii ay dumar u taliyaan. Run ahaan arrintaas waxba ka ma jiraan, maxaa yeelay waxaynnu aragnay waddammo ay dumar u taliyaan wax dhibaato ahina aysan gaarin. Hadda waddanka aan ku noolahay haweeney baa u talisa. Cid ka welwelsan in dalku baabba’o haweenta u talineysa darteed  ma ay jirto. Kolkaas, waxaa inoo cad in dumar inta waddan u taliyaan aan wax khasaare ahi dhicin, oo weliba in waddankaasi bulmo iska daaye uu bulaali karo. Taas indheheenna aynnu ku aragnay ayaa ka muhiimsan runtana uga dhow war si taa ka duwan sheegay. Maahmaah carbeed baa ahayd:  ليس الخبر كالمعاينة oo afsoomaali ahaan u dhow “sheeko iyo shaahid ma eka.”

Asal ahaan ba, dad sooc ah ( dumar, rag, caddaan, madow, muslin, gaalo) lagu ma doodi karo in aysan qaban karin shaqo ama jago. Marka kaalin shaqo ama jago la buuxinayo waa in la qiimeeyaa shakhsiga kartidiisa ee aan kooxda uu ka tirsan yahay lagu calaamadin. In la yiraahdo dumarku jagada u sarraysa ee dal ma qaban karaan, waxay la mid tahay in la yiraahdo:  qabiilkaas, midabkaas, diintaas, nin u dhashay ma qaban karo jagada u sarraysa ee dal.

Waxaa in aan sheego mudan in ay wadaaddadu xaq u leeyihiin ka hadlidda dalkooda sida loo maammulayo iyo arrimihiisa kale ba,sida ay intaas oo kale xaq ugu leeyihiin ururka haweenku. Laakiin, culimada iyo dumarka midkoodna warkooda wax laga soo qaadi maayo haddii sida ay wax u rabaani tahay mid dastuurka dalka khilaafsan. Sababtoo ah, sida badan dastuurradu waa ka wanaagsan yihiin dhaqan bulsho leedahay, illeyn dad xishoonaya oo caqli leh baa dejiyey oo ka baaraandegey e. Tusaale ahaan, dastuur lagu ma qori karo in qolo gaar ahi hoggaaminta waddanka leedahay, qolo kale na ay ka reebban tahay. Laakiin, dhaqan ahaan bulsho aragtiyo gurracani waa ka suurtoobaan, sida tii ay culimadu ummadda horteeda is la soo taageen oo liddiga ku ahayd dumarka Soomaaliyeed oo kaalinta buuxda kaga jira dedaallada nololeed ee bulshadeenna.

Maxamed Aadan Ciiraale

looga-qaateen@hotmail.co.uk

4 thoughts on “Wadaad Iyo Dumar

  • October 7, 2016 at 6:40 pm
    Permalink

    si fiican ayaan u akhriyey maqaalkan. waxa aan jeclaan lahaa in ‘Maxamed Aadan Ciiraal’ oo isagu qoray sida kor ku cad uu iga qanciyo labo shey:

    1- Hadii dhaqanka umadda soomaaliyeed uu qabo in eysan gabdhuhu wax hoggaamin, cidda ugu hiilineysa in 30% loo qoondeyso ma Soomaali baa? waxa ey ila tahay MAYA. Oo xagey bey ka helayaan mise umadda Soomaaliyeed wax eysan raali ka aheyn baa lagu qasbayaa? sow fara-galinta ey culimadu sheegayaan ma ah?

    2- sida aad ku sheegtay paragraph-ka 9aad sadarrada u horeeyo

    “Qaar ka mid aha wadaaddada bayaanka soo saaray ayaa sheegayey in aysan dumarku jagooyinka sare soo hunguriyeyn. Waxay badanaa daliishadaan war sheega in ay halaagsameen qoonkii ay dumar u taliyaan………………..”oo aad been ku sheegtay adiga oo daliishanaya maahmaadan’ليس الخبر كالمعاينة’ …. waxa aan u maleynayaa inuu ahaa xadiith rasuulka SCW mise anaa qaldan?

    Reply
  • October 8, 2016 at 11:49 am
    Permalink

    yaabay oo afka gacanta saaray markaan aqriyay qoralkaan waxyabaha iga yabiyay waxaa ka mid ahaa markaan aqriyay qoralkaan waxa kamid ahaa marku yiri (Waxay badanaa daliishadaan war sheega in ay halaagsameen qoonkii ay dumar u taliyaan. Run ahaan arrintaas waxba ka ma jiraan, maxaa yeelay waxaynnu aragnay waddammo ay dumar u taliyaan wax dhibaato ahina aysan gaarin. Hadda waddanka aan ku noolahay haweeney baa u talisa) waa xadiis oo nabigeena yiri,
    qoralka iska sax.

    Reply
  • October 8, 2016 at 3:42 pm
    Permalink

    Assalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu…

    Waan ku salaamey Maxamed Aadan Ciiraale, waadna ku mahadsan tahay maqaalkan “Wadaad Iyo Dumar”… Inkastoo mawduucan uu aad u ballaaran yahay oo aanan lagu soo koobi karin hal maqaal, waxaan ra’yigeyga ku biirin lahaa, markan wadaadada waxey u hadleen si dimoqaraadiyadda iyo nolosha casriga ka tarjumeysa, waxeyna ka dhiidhiyeen in naloo meeriyo yaan soo dooraneynaa oo wakiil nooga noqonaayo dawladdeena, dumarka haddii ay soomaalida wax u diidan yihiin maxaa wadaadada lagu maagaa?.. Waxaa waajib nagu ah inaan difaacno wadaadadeena makey si xaq ah wax u bayaamiyeen.

    Reply
  • October 29, 2016 at 1:44 pm
    Permalink

    sxb xadiis ayaad beenisay marka hoore Alle unoqo,kadib dumarko islaamku maqaam saare ayuu geeyay ee halkooda udaa. Tan xigtana Alle wuxuu yiri “waqarna fii buyutakuna” ee adiga xageed dumarka guryaha aad oo ka soo saareysaa.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code