Wadaaddada Iyo Diinta: Jinkii Bariiska Xabadda Ku Darsaday!

 

Oraahda “jinkii bariiska xabadda ku darsaday”, waa oraah Soomaaliyeed oo caanbaxday, oo la wada yaqaan, loona adeegsado marka la arko qof mashruuc ama hawl dad lahaayeen oo dhameystiran intuu gadaal kasoo gaarey ku darsaday wax yar, kadibna isa siiya ama isu arka mulkiilaha mashruuca oo dhan, iskuna daya inuu garwadeen ka noqdo oo hadba dhankuu doono ujeediya ama danihiisa gaarka ah ku saangooya, kana xigsada kuwii asal ahaan mashruuca iska lahaa.

Wadaaddadu maxay diinta ku darsadeen?

Islaamku wuxuu yimid isagoo dhameystiran oo baraxtiran, wuxuuna u yimid inuu banii’aadamka  noloshiisa wanaajiyo, danihiisana ka shaqeeyo uuna tuso tubta toosan, waana il kheyrka laga qaato, Ilaaheyna loogu dhawaado ku dhaqankiisa.

Wadaad waa qof diinta si uun xiriir ula leh, bartay, dadka bara, u shaqeeya ama ku shaqaysta. Maadaama diintu tahay xirfadda wadaadka, wadaadkana kheyr badan laga fisho, bulshada diintaas haysata oo ah macaamiisha ku xiran wadaadku, waxay ku kalsoonaadaan waxkastoo wadaadku u sheego, warkiisana waxay u qaataan diin ahaan, sababta oo ah cidina isma tiraahdo wadaad baa wax khaldan sheegaya, lamana dareemin inuu jiri karo wadaad diinta ku shaqeysta ama wuxuu rabo ku darsada.  Xaaladdana waxaa ku rumoobaysa murtida tiraahda: “Burkaba miyaan bahal ka fishay!”

Sidaas darteed wadaadku wuxuu u arkey iney diintu ka mid tahay hantidiisa gaarka ah dadkana uu ka xigo, waxayna u noqotay shaqo maal iyo maamuus lagu helo, ayna muhiim tahay in laga faa’iideysto. Taasoo abuurtay hardan iyo xifaaltan wadaaadada dhexdooda ah iyo kala riixashada macaamiisha, waana sababta soo saartey firqooyin magacyo badan oo dadkii kala jabsaday, mad-habyo la kala raacay iyo urur diimeedyo kala mashruucyo ah intubana ay wataan astaamo diimeed, iyadoo qofkii awal Muslim keliya la oran jirey, hadda uu sheegto magacyo badan intuusan muslim sheegan, luguna xirey inuu sii maro jidgooyooyin badan oo lugu baaro intuusan diinta gaarin, waana halka uu ninkii Soomaaliyeed ee kor ukaadshey ka yiri: “waxaan nahay qolo culimo wareerisey”.

Akhristow marna ma isweydiisey meesha ay ka yimaadeen magacyadan, Sunni, Shiici, Salafi, Suufi? Sow ma aha mirihii ka dhashay shaqadii wadaaddada? Kuwani ma aha magac-u-yaallo macno darro ah, ee waa magacyo ka saramarey oo qariyey magicii asalka ahaa ee Muslim, dhaawacayna dheehii iyo dhadhankii diinta.

Waxaa jirta oraah dhahaysa dhacdooyinka ugu wanaagsan ee dhaca waxaa sabab u ah diin, sidoo kale dhacdooyinka ugu xun ee dhaca waxaa sabab u ah diin la aaminsan yahay. Taas macneheedu wuxuu yahay diinta hadii si toosan loo turjumo waxaa laga dhaxlaa caddaalad iyo horumar, hadii si khaldan loo fahmana waxaa laga dhaxlaa dulmi iyo baaba’. Weliba saameynta xad dhaafka ah ee diintu leedahay oo gaari karta inuu qofku naftiisaba u bixiyo diinta uu aamisanyahay darteed, diinta oo si qalloocan looga faa’iideysto waxay dhali kartaa in aysan waxba reebin, ayna noqoto dab faraha looga gubto, waana midda keentey inuu qof nool ismiidaamiyo oo naftiisa halligo isagoo fulinaya diin uu aaminsanyahay. Weligaa ma isweydiisay waxa qofkaas ku kallifaya inuu isdilo? Ma waxaa jira qof jecel inuu naftiisa dilo? Dadka qaar baa ku jawaaba diinta ayaa si khaldan loogu fasirey, waa jawaab saxan, laakiin su’aasha kale waxay tahay: yaa diinta sida khaldan ugu fasirey? Marna ma isweydiisey diimihii hore yaa baddelay?

Xaggee salaaddu iska qaban la’dahay?

Waxay ila tahay salka mushkiladu iney tahay wadaadka oo xarigla’ ah oo aysan jirin cid la xisaabtami karta, ama shuruuc hagta awoodiisa iyo amarradiisa -sida madaxweynaha, booliska iyo qaadiguba u leeyihiin shuruuc awooddooda xaddidda oo lugula xisaabtamo. Xarig la’aanta wadaadku waxay keentey inuu yeesho awood xad dhaafa ah, aragtida uu ku shaqaysatana uu ka dhigo mabda’ muqaddas ah, afkaartiisuna qayb diinta ka mid ah, sidaana dadku ku noqdaan lahaystayaal u afduuban afkaarta iyo danaha wadaadka.

Tan macneheedu ma aha in wadaad kastaa uu xunyahay, ee ujeeddadu waa in xad loo yeelo awoodda wadaaddada. Sababta oo ah khaladka wadaadku waa ka saameyn badan yahay khalad qof caadiya galay, sababtoo ah aalaaba wadaadku aragtidiisa wuxuu huwiyaa harag diimeed, sidaa darteedna hadduu hagaago bulshadu wey hagaageysaa, hadduu habaabana umad dhan buu marin habaabinayaa. Marna ma isweydiisey sababta wadaaddada noocyadooda kala duwan aysan heshiis u ahayn oo kooxba tan kale u colaadiso iyagoo diin wada akhrinaya? Ma kula tahay culimada iyagu heshiin waayey iney bulshada la heshiin karaan haddaan qaabka shaqadooda wax laga baddelin?

Tusaaleyaal:

1: Wadaaddada Shiicadu waxay dheheen: Cali Bin Abii Daalib baa xaq u lahaa inuu qabto talada Muslimiinta Nebiga (CSW) gadaashiis, ayna ahayd mabda’ diini ah oo laga leexdey, wadaaddada Ehlu Sunnaduna waxay ugu jawaabeen: mayee Abubakar baa xaq u lahaa, taas ayaana diin ahaan saxan.

2: Wadaaddada Shiicadu waxay dheheen xukunkaba waxaa iska leh oo uu gaar u yahay Aalu Beytka (Qoyskii Nebigu ka dhashay), kuwa Sunniguna waxay ku dheheen: mayee Aalu Beytku ma lehee waxaa iska leh qabiilka Qureesh.

3: Shiicadu waxay dheheen hadalka Aala Beytku waa diin waana waajib in la raaco.

4: Sunniguna waxay dheheen hadalka Salafku waa diin waana waajib in la raaco.

5: Qaar ka mida culimada madaahibtu waxay dheheen qof aan mad-habi ahayn ( aan mad-hab gaar ah raacsaneyn) diinta ma fahmi karo.

6: UruÙ‚neyn)diinta ma fahmi karo, uruu ku darsadeen qof aan mad-habi ahayn ( aan mad-had gaar ah raacsaneyn)diinta ma fahmi karo, uruur diimeedyada qaarkood waxay dheheen qof aan xarako ka tirsaneyn mutadayin (ehlu diin) ma aha.

Tusaaleyaashaas kor ku xusan iyo kuwa kaloo badanba markii hore waxay ku bilowdeen aragtiyo wadaaddo diinta ku darsadeen kadibna waxay isu baddeleen axkaam diini ah oo lama taabtaan ah, iyadoo qolo walba Islaamka saxda ah u aragto waddada ay iyadu hayso, taasoo ah dariiqa keliya ee jannada gala, dadka kalena ay hayaan wadiiqooyin raf ah oo luuqluuqyo mugdi ah ku baaba’a, waana midda keentey in kooxaha qaarkood isubixiyaan magacyo qurxoon sida; kooxda badbaadey, kooxda loo naxariistey, kooxda la dhawray, qolyaha ay is hayaanna ugu yeeraan naaneyso xunxun sida; kuwa lumay, kuwa hawadooda raacey, ehlu naar iwm.

Weligaa ma isweydiisey diinta kooxahaan qaarna takoortay qaar kalena taabsatay? Marna maka fakertey cidda salafiyada siisey kaarka jannada lugu galo ama suufiyada looxu maxfuudka tustey? Ma kuu muuqataa tani iney tahay isbaaro soojireen ah oo macallimiin hore dhigteen?

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code