Wadaaddadu dhaqan kululaa ma dac bay ka soo cabbeen!

Feylasuufkii Jean-Jacques Rousseau (1712-1778) buuggiisa “Emile ama Tarbiyada/ Emile, or On Education/ إميل أو تربية الطفل من المهد إلى الرشد” wuxuu ku bilaabay oraahda ah: “Walax kastaa gacante Alle waxay ka soo baxdaa iyada oo wanaagsan, laakiin waxay xumaataa kolka ay gacanta aadanaha ku dhacdo/ Everything is good as it comes from the hands of the Maker of the world, but degenerates once it gets into the hands of man.” Waxyaabaha iyaga oo wanaagsan xagga Alle ka yimaada ee aadanuhu fasahaadiyo waxaa ugu horreeya aadanaha qudhiisa iyo diimaha. Ilmaha iyo diimuhu labaduba waxay xagga Alle ka yimaadaan iyaga oo saafi ah, laakiin waxaa wax badan ka hallaabaan marka ay gacanta aadanaha ku dhacaan oo ay damacooda iyo danahood ku daartaan.

Run ahaantii labo shay marka ay isku khaldamaan  waxaa dhacaya waxa loo yaqaan “ aafo cilmiyeed” oo ayana sababta madhalaysnimo dhanka maanka ah, labadaas walxood waxa ay kala yihiin;

A: Nuxurka ama ujeeddada looga  gol leeyahay marka fal la samaynayo ama la farayo

B :Wadiiqada (wasiilada\ menas) lagu gaarayo nuxurka ama ujeeddada.

Bulshada uu ku dhaco aafo cilmiyeedkaas ah kalasaarid la’aanta nuxurka iyo wadiiqada lagu gaarayo nuxurka, waxaa lagu gartaa waxaa ka luma halbeegga wax lagu miisaamo kadibna waxaa xagaldaaca qaab nololeedkeeda.

Ummad walba oo kala saari wayda muuqaalka sare iyo macnaha hoose ee diintu leedahay waxaa soo wajaha gurracnaan dhanka dhaqanka ah.

isku dheeli tir la’aanta nolasha iyo hallowga bulsho  waxa uu ka dhashaa labo waddo mid kood

kow  Nuxurka iyo hiigsiga oo lagacan bidixeeyo

labo  wadiiqadii maqsadka loo marilahaa oo laga marin habaabo

Si leeda fuulka iyo gacan bidixaynta looga ilaaliyo sharaceeda Islaamka  Alle axkaamta marka uu soo dajiyey waxa uu ku xiray xikmad iyo macne laga leeyahay ee kuma uusan  xirin muuqal iyo magac,  waana meesha culimadu ka dhahaan xukunku waxa uu raaacaa cillada iyo xikmadda loo jideeyey darteed: “ alxukmu yaduuru maca cillatihi wujuudan wacadaman/الحكم يدور مع علته وجودا وعدما”.

Waxaa kaloo wareer iyo walaahow keena, marka la isku barxo ama la isku khaldo mabda’a iyo shakhasiga mabda’a xanbaarsan. Qofku waa adeege  u adeega mabda’a uu rumaysanyahay, sidaas darteed mabda’a waa loo adeegaa ee lama adageegsado. Dhanka kale mabda’a diiniga ahí inta badan waa  muqadas magafe ah meesha adeeguhu yahay bashar ay ka suurta gasho khalad iyo sax labaduba, sidaas darteed kalasaarida labadaas walxood waa arrin lama huraan ah.

Hasayeeshee waayahaan danbe waxaa aad u soo if baxday in la isku barxo diinta iyo adeegaha diinta { culimada},  danta laga leeyahayna waxa ay u muuqataa in diinta laftigeeda la adeegsado, lagana  dhigto faas surta lagu jabsado التدين النفعي.

Waxaa gayiga Soomaliya aad ugu soo batay wadaaddo magacooda ku lamaaniya magaca  Eebbe, tusaale ahaan  waxaad maqlasayaa wadaad leh “ Diinta Alle iyo ehelkeeda”, waxa uu uga gol-leeyahay waa in isagu  uu diinta ka dhigto gaashaan uu isku difaaco. Qofka markaas ay isaga is hayaana uu ka dhigo qof diinta Alle weerar ku ah.

Tilaamaha lagu yaqaan dadka diinta ku ugaarta waxaa ka mid ah, in ay tixgalin dheeraad ah siiyaan muuqaalka sare iyo shakliga, ayaga oo baal maraya  gunta hoose iyo nuxurka diinta.

Akhristuhu  waxa uu is waydiin karaa maxay tahay sababta  wadaadaddu  ay muhiimadda u siiyaan  dhanka muuqaalka sare sida dharka, garka iyo sacaada oo midigta lagu xirto, ayadoo dhanka kale halbowlihii diinta labbaal marayo??

Dhab ahaantii jawaabta is waydiintaasi waa mid cid walba dareemi karto waxayna ku soo biya shubanaysaa rigaysi la rabo in caamada lagu giraysto muuqaal maran, waana arrinta uu ka hadalay caaqilkii waynaa ee Ibnu Rushdi markii uu yiri: “ haddii aad rabto in aad jaahil xukunto baadil walba ugu yeel magac diineed”. Sidoo kale waxaa laga sheegay in uu yiri: “ diintu waa ganacsiga  ugu fiican Ummadaha jahligu ku faafay  dhexdooda”.

Waxaa muuqata in iyada oo wadaaddadu ay ka anbaqaadayaan weedhaas ay caamada  ku hubsadeen dabinka is adoonsiga silloon, ama dadban.

Waxaa jirta weedh aad u qiima badan oo uu leeyahay wadaadka Sacuudiga ah ee Ustaad Xaatim Alcowni, isaga oo ka hadlaya marka diinta dulucda iyo nuxurka laga siibo laguna ekaado muuqaalka sare waxa uu yiri: “Diin dhaqameedka  ku yimaada laab xaarnaan waa midka ahmiyada siiya dulucda iyo nuxurka diinta, aananna  buunbuunin  muuqaalka sare asaga oo ka tagaya dulucda hoose”.

Shiikhu muuqaalka sare waxa uu tusaale uga dhigay garka oo la la baxo iyo hoos guntiga oo la gaabsado.

Gobollada Soomaalida qaarkood waxa ay u yaqaannaan gar-xawaaladeed, oo waxaa la baxa qofka shaqo ka raadinaya xawaaladaha Soomalida sababtuna waxa ay tahay muuqaalka sare ayaa waxa uu noqday halbeega lagu qiimeeyo xumida iyo samaanta qofka.

Wadaaaddadu dhallinta maankoodu caafimaadka  qabo ee si un uga biyadiida hab dhanqanka gurracan ee wadaaddada, waxa ay ku dhahaan iyaga oo afjigaya: wiilow ruux anbanaya ayaad u egtahay ee joog, dacwadaan dad baa u soo murxay oo nafta agdhigay. Aan is weydiinnee  tolow ma waxa ay ujeedaan gacan ka hadalkii ay sanooyin ka hor ku gabagabeeyeen gayiga Soomaaliyeed intiisa badan.

Arrintani waxa ay u egtahay dagaal maskaxeed ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta barata culuumta diinta oo waddaaddadu waxa ay rabaan in aanayn  gacantooda ka bixin.

Wadaaddadii hore ee Suufiyada waxa ay ku rigaysan jireen ardadooda in ay cilmiga maqan (=Geybiyaatka) wax ka yaqaannaan iyo in ay karaamo awliyo leeyihiin, laakin kuwani waxa ay ardadooda u addoonsadaan qaab kaas ka hor marsan oo aan si degdeg ah loo fahmi karin.

DR Cali Shareecatii ayaa tusaale aad u qurux badan ka bixiyey is adoonsiga silloon,waxaana ugu sii daran marka lagugu addoonsado wax agtaada muqaddas ka ah sida salaadda oo kale waxaaan uu yiri sidatan:

“Marka uu dab qabsado guri deedna intuu qof kuu yimaado uu ku dhaho walaal ina keen masaajidka aan galnee si aan u tukano Allena u barino, ogow kaasi waa khaa’in sababtoo ah danta uu salaadda ka leeyahay ayaa waxay tahay in uu kaa mashquuliyo waajibka markaas kaa saaran daminta guriga iyo u gargaarida dariska, ogow markaas wuxuu kugu addoonsaday shay wacan”. Akhirstow ogow in baaqa noocan ahi uu yahay  duullaan maskaxeed dadban.

Run ahaantii aqoonyahanada adduunku waxa ay isku waafaqsanyihiin weerta oranaysa aqoontu waa dhaqaajiyaha maanka sidoo kalena  waxa ay isku raacsanyihiin is waydiintu in ay tahay  baraarugga wacyiga barashada. Hasa ahaatee waxaad mooddaa dunida saddexaaad oo caalam Al-islaami hormuud ka yahay in ay dhagaha ka furaysteen in is waydiintu tahay furaha hormarka ee bulsho walba, sidoo kalana ay tahay waddada kaliya oo looga badbaadi karo inay bulshada ku dhexfaafto sheeko xariir lagu xardhay magac diineed. Laakin waddaadada  ku caanbaxay la dagaalanka wacyiga, hoggaankana u haya dagaal maskaxeedka ka dhanka ah bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa ay xaarxaar teen jabad waa hore laga guuray, bulashadana waxa ay ka dhaadhiciyeen in ay iyagu hayaan furaha jannada iyo qufullada naarta.

Marka dhabta laga hadlo wadaaddadu waxay aad u fududaysteen maanka ummadda, waxayna bixiyeen sawir ah in caamadu  tahay bukaan socod, marna aan ka maarmin dhaqtar, dabcan dhakhtarkuna waa iyaga. Waxay gaareen heer ah in shuko carbeed loo soo gashado kadibna la dhaho aniga kaliya ha la i dhagaysto, ninkii yiraahda war annagu rag ayaan nahay ee afka hanaqabaninna ay ku dhahaan: “akhri waxaad ka heshana wax ha iga sin, berri adoo wareersan oo dalanbaabinaya haddii  lagu arki waayo been baan kuu sheegay”.

Ma istiri wadaadku waxa uu rabaa in aan weligi laga dabahadlin, dadkuna ay ugu xaraysnaadaan moorada saboolnimada iyo maan gaabnimada. In ay arrintu sidaa tahay waxaa daliil u ah garta joogtada ah ee ka tagaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee ku saabsan wadaad hebel cajaladihiisa yaan la daarin iyo waan daaraynaa, mararka qaarkoodna  gaarta in  booliska dalka loo habar wacdo.

Waxaa is waydiin mudan wadaadku ma cilmi qaybka ayuu ogyahay? Waxaa muuqata in talo uga soo idlaatay aniga ha la i soo maro. Wadaadku dhaqan dhanaanaa ma dac buu ka soo cabay!

Akhyaarta lafagurta hadallada maqaawiirtu waxa ay leeyihiin hadalkani waxa uu leeyahay tilmaamihii hadalladii Fircoon. Sida aan wada ogsoonahay,  Fircoon  waxa uu ahaa Boqor ilaahnimo sheegtay, dadkii hoos joogayna ku xukumijiray  hanjabaad iyo cagajuglayn, isaga oo marwalba sheegi jiray in uu ka aragti dheerayahay, danahoodana ka yaqaan, tilmaamahaas oo iyaga oo kale laga dheehan karo hadalka wadaaddada maanta.

Eebbe oo ka waramaya qaabkii Fircoon uu ula hadli jiray raciyadiisa waxa uu yiri sidatan: “Idiin ma arko waxaan arko mooyee, idinkuna hanuunin  maayo waxaan ahayn waddada wanaagsan/ maa uriikum illaa maa araa wamaa ahdiikum illa sabiil alrashaad”.

Fircoon waxa uu ku caan baxay in uu ka dhaadhiciyo raciyadiisa in cidda isaga ka soo horjeedda ay waddo fasaad iyo inay beddalaan diintii xaqa ah ee ay haystaan, wuxuuna oran jiray: “waxaan ka baqayaa in uu diintiina idinka baddalo fasaadna uu keeno dhulka aad deggantihiin/ Innii akhaafu an yubadila diinakum wa’an yudhira fil ardi alfasaada”.

Dhaqamada lagu yaqaan dadka dhanka maanka ka qooqay waxaa ka mid ah in ay u sawiraan cid walba oo ayaga maan dhaafsan in ay yihiin qoom baadiyoobay,  bidcana ku dhacay kuna howlan burburinta diinta waana dhaxal uu katagay Fircoon. Eedaynta noocan ah waxaa aad u isticmaala wadaaddada  oo marka wadaad uu wadaad kale qoonsado waxa ugu horreeya oo uu kula dagaallamo  waxa ay tahay in uu dhaho waa diinlaawe cid kale u shaqeeya. Run ahaantii  wadaaddadu waa duul gardarrada sokeeye malab loogu tiray.

Waxaa jira maqaal aad u xiiso badan oo uu qoray Ustaad Xaatim Alcowni magaciisuna yahay “Caqliga oo la sharo”. Wadaadku waxa uu tilmaamay calaamada lagu garto wadaaddada   dagaal maskaxeedka ku haya Ummadda ay horjoogan,  wuxuuna yiri sidatan:

1: Waxa ay u diidaan  ardadooda iyo atbaacdooda in ay akhriyaan  kitaabada ay qoreen dadka ayaga aysan isku fikirka ahayn,  haddii ay u ogolaadaanna waxa ay ku xiraan shuruudo adag. Bal aan dib u xusuusano qaabkii loola dhaqmay buuggii “Xadka ridada maxaa ka run ah?”.

2: Waxa ay diidaan  in la dhagaysto ama lala doodo cidda  ka aragti duwan , iyaga oo qiil ka dhiganaya in Salafku sidaas samayn jireen.

3: Qolyaha ayaga ka fikir duwan marka ay daliil xoog badan keenaan waxa ay ku tilmaamaan

{ Shubho ama daliil daciif ah oo aan xoog badnayn }, iyaga  oo ka duulaya in  dadweynuhu aysan lahayn aqoon ay isku barbardhigaan daliilaha kala duwan ee la adeegsanayo.

4: Cidda iyaga maan dhaafsan way ku been abuurtaan si ay sumcadda uga dilaan,  markuu haadaanta ka dhacana ay u dhahaan cidii waddadaas marta af libaax ayuu ku dhacaa .

5: Waxa ay diidaan in la faafiyo ama la’iibsado buugaagta ay qoreen dadka aysan isku aragtida ahayn .

Gabagabadii iyo gunaanadii wadaadku waxa uu yiri: “arrimaha noocaas ahí marka ay kugu  dhacaan waxaad ogaataa  in aad nooshahay adiga oo caqli sharan  maankaaguna naafoobay.”

Akhristow shantaan calaamadood ma ku soo xusuusiyeen qaylo dhaantii wadaaddada qaarkood ay ka horgeeyeen qoraa Cabdisiciid  iyo buuggii “Xadka riddada maxaa ka run ah?”.

Dhibaatooyinka ka dhasha marka la isku khalado diinta iyo adeegayaasha diinta waxaa ka mid ah in adeegayaashu ay isu sharraxaan in ay naqdaan wakiillada Eebbe. Kacdoonkii 2006 wadaadu hormuudka ka ahaayeen kadib carriga Soomaliya waxaa harqiyey halkudhegyo ay ka mid yihiin; waxaan dabaqaynaa shareecada Islaamka, waxaan hirgalinaynaa awaamirta Alle, waxaan fulinaynaa xuduudda Rabbi, …iqk.

Afduubka magaca Alle waxaa ka dhashay in la yiraahdo xabadda iyo madfaca la ridayo ilaahay darti ayaa loo ridayaa, dabcan qofkii ay ku dhacaanna ilaahay dartiis bay ugu dhaceen, maatada la gumaadayana ilaahay dartiis ayaa loo gumaadayaa!

Ugu danbayntiina, leeda fuulka magaca Alle waxa ay ku biyoshubanaysaa suura xumaynta diinta Islaamka iyo in wadaaddada qaarkood ay ku noqdaan maalin taajir.

Burhan Ahmed Mohamed

feerofitig@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code