Wahaabiya: diin iyo dowlad!

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu ku dhashay tuulada Cuyeyna ee aagga Najdi oo ka tirsan dalka maanta loo yaqaan Sacuudi Carabiya taariikhdu markii ay ahayd 1703. Waxa uu diinta islaamka wax ka mid ah ku bartay tuuladaas uu ku dhashay, ka dibna waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay Maka iyo Madiina. Dabadeed waxa uu aqoonkororsi u aadey magaalada Basra ee dalka Ciraaq. Xilligii uu Ciraaq joogey waxa uu la soo baxay aragtiyo xagjirnimo ah oo aan u cuntamin muslimiintii dhulkaas ku dhaqnaa, aragtiyihiis diineedna waxa ay keeneen in laga eryey Basra, waxa uuna ku laabtay dhulkii Najdi ee uu ka soo jeedey. Isaga oo uu filkiisu afartan u dhawaadey buu tuulada Xureymala waxa uu ka bilaabay halgan xagjirnimo oo uu ra’yigiisa ku baahinayey, sababtaas darteedna waxa uu qarka u fuulay in la dilo. Waxa uu ku laabtay tuuladii uu ku dhashay ee Cuyeyna, oo uu amiir ka ahaa nin la oran jirey Cismaan Xamad oo wadaadka soo dhaweeyey.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu muddo ka dib isu arkay in uu yahay maxkamad islaami ah oo Cuyeyna xukunta, waxaana amarkiisa lagu fuliyey dil arxan darro ahaa oo qof dumar ah dhagax lagu medey. Haweeneyda la diley waxa uu Maxamed ku andacoodey in ay dhillaysatay, oo ay qiratay in ay sino ku dhacday iyada oo guur soo martay. Falkaas iyo aragtiyihiisa diineed ee bulshada la qalloocnaa waxa ay sababeen in wadaadka laga saaray tuuladii uu ku dhashay, waxa uuna u qaxay tuulada Dirciya. Waxa uu xulafo la noqday Maxamed Sacuud oo ahaa ninkii ay boqortooyada Sacuudigu ka soo farcameen, oo aan markaas dhul weyn iyo bulsho badan haysan.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu bulshadii la degaanka iyo xilliga ahayd u arkey in ay gaalo mushrikiin ah ahaayeen, waxa uuna wadaadku Maxamed Sacuud u iftooday in mushrikiinta geyiga deggan lagu duuli karo oo xoolohooda la bililiqaysan karo. Taasi waxa ay keentay in reer Sacuud ay dhul weyn boobeen, hanti badanna ay dhaceen. Markii uu Maxamed Sacuud geeriyoodey waxaa amiirnimadii ama boqornimadii reer Sacuud ka dhaxlay Cabdicasiis Maxamed Sacuud, oo qabey gabar uu Maxamed Cabdiwahaab laftiisu dhalay. Waxa ay reer Sacuud iyo ina Cabdiwahaab isku bahaysteen in diinta looga danbeeyo wadaadka iyo faraciisa, amiirnimadana ay ka la dhaxlaan qoyska reer Sacuud.

1792 ayuu Maxamed Cabdiwahaab ku dhintay tuulada Dirciya, halkaas ayuuna ku aasan yahay. Wadaadnimadii dadka lagu gaalaysiinayey waxaa ka dhaxlay warasadiisii oo weli diinta qaabkii ama habkii gaalaysiinta ahaa ugu dheggan, Maxamed Sacuudna waxaa dhaxlay dhashiisii oo maanta boqortooyada kelitaliska ah ee Sacuudi Carabiya xoog ku haysta.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu xagga aragtiyaha aad ugu ekaa wadaad isaga qarniyo ka horreeyey oo la oran jirey Axmed Cabdixaliin Taymiya. Axmed 1263 markii uu miilaaddigu ahaa buu waxa uu ku dhashay meel Xarraan la yiraahdo oo ku taal xadka Turkiya iyo Suuriya. Waxa uu ahaa nin hadallo cadcad oo marar badan xabsiyo galay, waxa uuna qoray buugaag badan. Waxa uu aad u necbaa falsafadda oo uu aad u riddiyi jirey, isla markaasna waxa uu aad u aamminsanaa in dowladnimada iyo diinta aan la ka la saarin. Waxa uu dhab uga hadli jirey in shirkiga iyo gaalnimada laga fogaado, oo sida Maxamed Cabdiwahaab buu dadka muslimiinta ah qaarkood mushrikiin u haystey. Suuriya iyo Masarba Axmed waa uu ka hawlgalay, waxa uuna ku dhintay xabsi 1328 markii uu miilaaddigu ahaa.

Maxamed Cabdiwahaab waxaa la hubaa in uu akhristay qoraalladii Axmed Cabdixaliin Taymiyah oo ay ku reebeen saamayn weyn, maxaa yeelay sida uu Maxamed hadalka u dhigi jirey waxa ay hayd sidii Axmed, waana qaab ka duwan hababka ay wadaaddada kale u fakaraan. Waa qaab muslimiinta badankooda caqiidadooda lagu durayo, oo towxiidku waxyaalo uu ku buro la buunbuuninayo. Maxamed Cabdiwahaab waxa uu qoray buugaag dhawr ah oo uu ugu magac dheer yahay kitaabka towxiidku, waxaana kitaabkaas sii faahfaahiyey nin faraciisa ka mid ahaa.

Haddii towxiidka lagu saleeyo sida kitaabkaas iyo kutubta la midka ahi ay qorayaan qof aan mushrig ahayni waa uu yaraanayaa, maxaa yeelay waxyaalaha ay dadka badankoodu sameeyaan ama ay ka fakaraan shirki ayey ku sheegayaan. Maxamed sidii Axmed Cabdixaliin u ma uu qoraallo badnayn, laakiin inta yar ee uu qoray baa aad u dhiirran oo fidmo abuuri karta. Waxa kale oo ay labada wadaad ee isku dayday ku ka la duwanaayeen in uu Maxamed amiirro ama madax la xulafoobey halka uu Axmed iskiis u taagnaa.

Wadaaddada caadiga ahi dadka ashahaata oo dhan waxa ay u arkaan muslimiin oo dadka ma ay gaalaysiiyaan. Waxa ay sheegaan in ay jiraan shan tiir oo ay islaamka iyo hoggaansamidda diintu cuskan yihiin oo ka la ah ashahaadada, tukashada, sakada, soonka iyo xajka. Waxa kale oo ay sheegaan lix tiir oo ay rumaynta diintu ku taagan tahay, oo ka la ah in Ilaahay la rumeeyo, in malaa’igta la rumeeyo, in kutubta samaawiga ah la rumeeyo, in rasuullada Eebbe la rumeeyo, in qiyaamaha la rumeeyo iyo in qaddarka la rumeeyo. Wahaabiyadu kow iyo tobankaas arrimood muhimmad ma siiyaan, ee waxa ay culayska saaraan saddex waxyaalood oo ay sheegaan in ay towxiid yihiin, oo ka la ah in la qiro in uu Eebbe wax kasta abuuray oo uu maamulo, in la qiro in Eebbe keligiis la caabudi karo iyo in la qiro tilmaamo iyo magacyo uu Eebbe leeyahay.

Dadka Maxamed Cabdiwahaab ceelkiisa mintidnimada ah ka cabbey in ay muslimiinta ku sheegaan mushrikiin waxaa u dheer xukunjacayl ay in diin la isku xukumo u dhimanayaan. Waxaa yaab leh dalka Sacuudi Carabiya oo ay intooda badani hargabka ka soo qaadaan waxaa haysata boqortooyo aan diin danayn ee qori caaraddiis xukunka ummaddaas ku haysta, ka mana ay hadlaan Wahaabiyadu in dalkaas diin lagu soo rogo. Waxa ay xukunka diinta ama siyaasadda diinaysan ku la meeraystaan waddanno sabool ah oo caalamka islaamka ka mid ah. Dadkaas mintidiinta ahi waxa ay geystaan khasaarooyin badan oo ay dad muslimiin ah laayaan ama waxyeelleeyaan, oo cid aan muslimiin ahayn waxa u ma ay geystaan.

Marba marka ka danbaysa waxaa soo badanaya qaraxyo ay dad maankooda la dooriyey naftooda qarxinayaan si ay dad u galaaftaan iyo shirqoollo dad aan wax galabsan lagu khaarajinayo. Tuuladii ay wahaabiyadaasi qabsadaan waxaa ku badan dad carrabka laga gooyo, dad addimada laga jaro, dad dhagxan lagu medo, dad la jeedlo iyo dad rasaas lagu laayo. Waxa ay isu haystaan in uu Ilaahay iyaga u doortay in ay muslimiinta ku soo rogaan xukun diineed oo sirgaxan, cid doorataana ma ay jirto ee iyaga ayaa naftooda boqra.

Diinta iyo dowladdu waa labo arrimood oo aan isxanbaari karin, la mana arag taariikhda dad diin isku xukumay ama diin siyaasadeeyey oo liibaaney. Cumar Khidaab, Cismaan Cafaan iyo Cali Abuudaalib saddexdaba waa la diley, waxa ayna taasi caddayn u tahay in ay nabadgelyadu liidatey oo aysan diintu ammaanka sugi karin. Meel madax lagu laayey shacabku ku ma ay nabadgelayaan. Meel ay dad addoonsadaan dad kale la ma oran karo caddaalad baa ka jirta. Midda kale haddii ay diintu naxariis iyo khayr tahay maxaa ku badiyey dhibaatooyinka? Qofka diinta riman oo siiba diinta wahaabiyada la kardhanayaa nafsad ahaan ciriiri buu ku jiraa, dadka kalena waa uu dhibaa, waayo sida maskaxdiisu u doorsoontay baa halis iyo halaag ah. Dawada keli ah oo ay dadka noocaas ahi leeyihiin waa in la ciribtiro oo meeshii ay ka soo baxaanba laga dabargooyo, maxaa yeelay waa kanser ama kaankaro.

Dal ay wahaabiya joogaan in uu degaa suurtegal ma aha, macquulna ma aha in haddeer dad diin lagu xukumo. Diin la siyaasadeeyaa waxay la mid tahay dawo dhacday oo lagu sumoonayo. Waxa ay qaarkood muujiyaan in ay qunyarsocod yihiin oo aysan raalli ka ahayn gaalaysiinta, qaraxyada iyo dagaalka, ha yeesho ee manhajkoodu waa isku mid Ashabaab iyo kuwooda kale, oo waxa ay wada rumaysan yihiin in diin siyaasadda lagu barxo.

Waxyaalaha ay Wahaabiyadu sheegaan waxaa ka mid ah in la liibaanayo haddii diin la qaato. Waxaa arrintaas beenin ugu filan in dalalka diimaha iyo siyaasadda ka la fogeeyey ay liibaaneen, halka wadannada diin iyo dowlad la isku walaaqaa ay guuldarraysteen. Wax la iska sheegsheego oo qarsoon waxaa ka muhiimsan wax muuqda. Haddii uu xaddiis sheego in aan cudurrada la ka la qaadin waa in la beeniyaa, waayo waxaa cad in cudurrada la ka la qaado. Waxa kale oo ay xagjirku sheegaan in aysan liibaaneyn qoladii ay haweeney u talisaa, sidaas darteedna waxa ay ku andacoodaan in haweenka laga dheereeyo madaxninmada. Waxa aynu maanta aragnaa dalal ay dumar boqorro ka yihiin oo liibaaney iyo waddanno ay ra’iisulwasaare haween ka yihiin oo liibaaney. Sanaddadii danbe waxaa la sheegaa in Norway ay tahay dalka ugu horreeya liibaanta nolosha, waxaana ra’iisulwasaare ka ah qof dumar ah.

Waxa ay wadaaddadu sheegaan in kitaabka Muslim uu ku qoran yahay xaddiis uu nebigu sheegay in qoladii haweeney madax ka dhigtaa aysan liibaaneyn. Xaddiiskaasi waxa uu ku yimid in nebiga oo duullaan ah loo sheegay in qoladii uu ku duullanaa xukunkooda ay naagi qabsatay, ka dibna nebigu waxa uu sheegay in qoladii ay naagi u taliso laga adkaado. Nebigu ciidankiisa ayuu niyadda u dhisayey, xaddiiskuna dhacdadaas ayuu ku koobnaa oo innaga maanta i na ma uu khuseeyo. In hadal xilli hore ay rag dagaal ku jirey oo ilmo adeer ahaa niyadda isugu dhiseen 2016 soomaalida lagu la dhex meeraystaa waa maangaabnimo.

Waxyaalaha ay wahaabiyada iyo culimadii soo jireenka ahaa ku ka la duwan yihiin waxaa ka mid ah in ay wadaaddadii hore ku hadli jireen af Soomaali barax la’ oo ay sida bulshadu u hadasho u hadli jireen. Wahaabiyadu waxa ay barakaystaan afka carabiga oo tobankii erey ee uu Wahaabi ku hadlo shan baa carabi ah. Ku hadalka ka sokow siyaalo kale ayey carabiga u barakaystaan. Nin soomaali ah baa waxa uu buug ku qoray ”Nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?”, ka dibna qaar Wahaabiyo ah baa waxa ay qoraagaas u eedeeyeen in uu qaniimo ku sheegay bililiqo. Run ahaantii ereyga carabiga ah ee qaniimo af soomaali ahaan waa bililiqo ama boob ama dhac ama hoosh.

Waxaa afka ama codka wahaabiyada ku badan ”Qofkii sidaas iyo sidaas yeela naagtu waa ay ka furan tahay, qabuuraha muslimiinta lagu duugi mayo, meydkiisa lagu tukan mayo, dhiiggiisu waa xalaal iwm”. Naag iyo nin isla deggan in la ka la furo wax murti ahi ku ma ay jirto, waxna laga dheefi mayo.. Qofku haddii uu dhinto meel lagu aasayo dan ka ma uu laha oo hadalkoodu waa laqwi aan macne lahayn. Dad dhiiggood marna xalaal ma aha oo xataa qofkii qof dila waxaa fiican in aan la dilin ee si kale loo ciqaabo.

Xilligii ay diintu timid dhaqanka xabsiyadu Xijaas ka ma uu jirin, oo taas ayaa keentay qofkii la ciqaabayo in jirdil ama qurgooyo lagu samayn jirey. Qisaastu in ay nabad keentaa waa been qayaxan, oo waddannada dunida ugu nabad badani waa kuwa aan lahayn ciqaabta qurgooyada. In uu gaalo dhiiggood bannaan yahay waa aragti gurracan oo aan xilligan ku habboonayn. Dadku waa isku mid, waana isku dhaqan. In ay aadamigu isku dhaqan yihiin waxaa caddaynaya in ilmo marka uu dhasho magac loo bixiyo iyo waxyaalo kale oo badan.

Shaafici Xasan Maxamed

Dhalaandhuux@hotmail.com

9 thoughts on “Wahaabiya: diin iyo dowlad!

  • August 16, 2016 at 1:29 pm
    Permalink

    alla maxaa jahli diinta iyo macaankeeda kaa haya ,shaki igagama jiro inaad diin meel lagu hayo aadan habeen fariisan ,cilmaaniyadna ku indho tirtay,waxaad ka hortimi ayaad qur’aan ah oo ku soo arooray qisaasta,suubanahana waad u gaftay ,wahaabi kaliya maad durin ,si guud baad diinta u durtay. waan hubaa in cidkasta oo muslim kooxduu doono ha ahaadee kugu ciqaabi lahaa qoraalkaan maalaayacniga ah,caqli yaraan iyo aragti aan dheerayn weeye

    Reply
  • August 27, 2016 at 9:25 am
    Permalink

    Dawada keli ah oo ay dadka noocaas ahi leeyihiin waa in la ciribtiro oo meeshii ay ka soo baxaanba laga dabargooyo, maxaa yeelay waa kanser ama kaankaro.

    xaaji adigaa ku jira wixii aad ku maagtay duulkaas ,waxaa tiri waxbay galaysiiyaan dhiigana waa banaystaan waxaadna sheegtay in loo baahanyahay in la adabar ama la laayo , jaro maxaad adigu ku dishay ama ku dubarjaratay ileen iyaba waa ashahaataan hadaan hadaaye ku haystay dad ashahaadanaya ayay laayaan

    Reply
  • August 27, 2016 at 9:31 am
    Permalink

    In hadal xilli hore ay rag dagaal ku jirey oo ilmo adeer ahaa niyadda isugu dhiseen 2016 soomaalida lagu la dhex meeraystaa waa maangaabnimo.
    ____________________________________________________

    raga ilama adeerta ahaa ee hadalka niyada iskugu dhisay dabacan waa nebiga iyo saxaabada oo ileen hadalka aad sheegayso waa xadiiska nebiga e waxaanse iswaydiiyay in aad nabi maxamed ka aminsantahay nin ilama adeertii loo soo diray ee uusan ahayn nebi dunida oo dhan u siman weliba inta dambe ee hadalkaaga ayaa cadaynaysa inaad aaminsatahay in ay somalidu shuqul ku lahayn hadalka nebi maxmed scw taasi sheki ayay igu abuuraysaa in aad si dhaba u aminsanayn nebi maxamed scw

    Reply
  • August 27, 2016 at 9:37 am
    Permalink

    midkale oo jahli badani kaaga jiro waxay tahay ,ma ahan khasab in wax kasta oo guul horseeda ay qaacido u tahay wax wanaagsan oo lagu baraarayo taas waxaa kuugu daliila sucuudiga aad keligii talisnimada ku tilaamayso waa wadan haysta amini dhaqaale iyo nolol u dhiganta mida norwey aad sheegatay in ay ku horomartay haweenay xilka u haysa

    mida kale amini darada aad ka dhawaajisay in uu cumar binu khidaab u dhintay waa tii isla isaga geedka seexisay oo ay ruum iyo furusba qireen in uu amni dartii iyo cadaalada geed la hoosjiifo

    isku soo duuboo biyaha dhinaca aad diidanayd ayaad ka dhooqaysay dhanka aad doontayna waad ka maaxisay

    Reply
  • September 30, 2016 at 11:25 am
    Permalink

    Gaalo Cilmaaniyiin ah baa meesha isugu soo gashay oo rabta inay dadka khaldaan somalidu ab ka ab waa dad muslim ah kuwiina shilimaadka gaaladu siisay diintooda dhaafsaday waxaa la arki iyadoi alle subxaana watacaalaaye callaamooyin ka muujiyay, Gacantii aad ku qortay iyo caqligii aad kaga fikirayba alle wuu ku qalajin ee toobad keen shilimaad aakhiro iyo aduun meelna kuuma wadayaane.

    Reply
  • September 30, 2016 at 1:19 pm
    Permalink

    Sxb aad ayaa umahadsantahay! Waddankaan diintiisii iyo dawladnimadii waa labiloqaystay. Waxaan arkijirnay wadaad karaamo leh oo laxurmeeyo. Waxaan aragnay wadaad siyaasi ah oo kaahunguri jecel, kaa naago jecel, kaa adduunyo jecel, kaaxukun jecel! Kaa been badan, kaa aqoonyar, kaa laangaabsan!

    Reply
  • October 1, 2016 at 11:45 am
    Permalink

    WAHAABI IYO WAXUU DOONO HA AHAADEE WADAAD DADKA KALA FIRDHIYA OO ISLAAMKA GAALEYSIIYA WAAN NECBAHAY WAHAABIBA HA UGU HORREEYEE
    -LKN ADIGA AYAABA KA DARAN IYAGA WAAYO AAYADO QURAANKA KAMID HA AYAAD KU JES-JEESTAY UMANA MALAYNAYO INAAD TOOS U AAMINSATAHAY ,
    -NABIGA NNKH WAAD KU GAFTEY TILMAANTA AAD KA BIXISEY IN UU AHAA WIIL ILAMA ADEERTII DHIIRI-GELINAYA EE WAA NEBI RASUUL AH UNA AH DHAMMAAN DUNIDAN DADKA KU NOOL CIDIIDA IYO CID DOONTABA.

    ANUGU ADIGA KU GAALAYSIIN MAYO LKN WAXAAN KU ODHANLAHAA ILAAHAY USOO NOQO GEFKA AAD HADALKA ALLAAH C W IYO NABIGA NNKH KA GASHAYNA KASOO NOQO,

    Reply
  • November 15, 2016 at 11:27 pm
    Permalink

    Run ahaantii ninkaaga qoraalkan sameeyey innaba wax diin ahi kaama muuqato waayo quraankana marumaysnid oo qisaastii baad diiday rasuuulkana waad ku gaftay marka illaahay hakugu abaalmariyo waxaad kagalabsatay

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code