Wahaabiyada, Riyaalka Sucuudiga iyo Siyaasadda Maraykanka

Dalalka Maraykanka iyo Sucuudigu waxay hadda ka hor ku heshiiyeen in ay Muslimiintu la diriraan Midowgi Soofiyeeti, sidaana Reer Galbeedku uga nastaan cabsidii joogtada aheyd oo ay kala kulmi jireen ciidamadii casaa. Si taa u suurta gasho, waxaa la isla gartay in dhulalka Muslimka, gaar ahaan kuwooda faqriga ah, loo diro wadaado jeebabku u buuxaan halkaana ay ku baaqaan jihaad laga galo Afgaanistaan. Maraykanku wuxuu doonayay in uu dumiyo Midowgi Soofiyeet, laakin asagu kuma uusan dhicin in uu si toos ula dagaalo waayo waxay haysteen awoodda hubka Nukleerka. Taa bedelkeed waxaa la is tusiyay in muslimiinta la isticmaalo, ayadoo loogu soo gabanayo jihaad iyo diin. Barabagaando-diimeedki waxaa ka qayb qaatay dowlado hoos kala shaqaynayay Maraykanka iyo wadaado la adeegsaday, qaar ogaa iyo qaar la gaadayba! Dagaalki Midowga Soofiyeet wuxuu ku dhamaaday dhaqso iyo hab lama filaan ah, waxaana xigay Burburkii Soofiyeedka, halkaana waxaa ku soo af-jarmay mashruucii jihaadka oo awalba ahaa ajando Maraykan. Ragii Jihaadka loo diray iyo wadaadadii la howl geliyay oo howsha run u mooday waaga ayaa ku baryay, kadib markii ay arkeen in aan dan laga lehayn ayaga iyo jihaadkooda. Usama Bin Laden ayaa dowladdiisi ugu baaqay in ay ayaduna ka beri noqoto Ameerika ama dagaal u diyaar garowdo asagoo yiri: أكفاركم خير من أولئكم. Sheekadu intaa kuma ekaan oo Alqaacida ayaa xarumo ka samaysatay Iraq, Yamen, Somalia iyo meelo kale.

Dowladihii Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa mar kale dareemay khatar kale oo kaga imaan karta Muslimka jihaad-doonka ah, haddii aan arinta si dhaqso ah wax laga beddelin. Waxaa si tartiib ah u bilowday in mar kale la howl geliyo wadaado jeebabku u buuxaan oo dadka ka shuba wixii horay loogu shubay. Waxaa durbadiiba bilwoday in kooxihii “jihaadka” waday loogu yeero “Khawaarij”. Wadaadadii awal dadka ku boori jiray dagaalka iyo galaa iska-dhicinta ayaa bilaabay in ay dib u gurtaan oo barakaystaan demoqoradiyada iyo dastuurkii ay awal gaalnimada ku sheegi jireen. Tusaale, wadaado badan oo Soomaali ah oo dhowr sano ka hor ku baaqi jiray in lagu jihaado AMISOM iyo Itoobiya haatan ma ogola in dhagax lagu tuuro shisheeyaha, jihaadna warkiisaba daa. Sababtu ma aha in diin cusubi u soo degtay e, waxaa dhankaa iyo Sucuudiga uga yimid fariimo sheegaya in ay arinta wax ka beddelaan haddii ay rabaan in uu Riyaalku socdo. Hadda Maraykanku wuxuu ka dalbaday dowladda Sucuudiga in ay si dhab ah dadka kaga shubto fikirka Wahaabiga ah ee dhowrkii toban sano ee la soo dhaafay ay ku faafisay dunida Muslimka. Si taa u taaba gasho, meelo badan oo kamid ah dunida Muslimka waxaa bilaabatay in laga laabto arimihii ka beri noqoshada gaalada الولاء والبراء, diidida dastuurada dadku qoro, demoqoradiyada iyo jihaadka, oo ahaa arimo ay waagi hore Wahaabiyadu dadka ugu baaqi jireen. Isbeddel baa dhici doonaa, Riyaalkuna qayb libaax buu ka qaadan doonaa, sidii uu waagii horaba uga qaatay.

adaanimail@ gmail.com

W/Q: Mohamed Adaani

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code