Wax iswaydiini ma xumee wax is waydaaris baa daran!

Had iyo jeer waxaan maqalnaa dad ka hadlaya liibaanta iyo khayrkadadka kale iyo sidii lagu gaari lahaa wanaagga. Dadkaas qaar badan oo ka mid ah waa la’ aamminay, waxay sheegaanna run ayaa dad badan u qaataan. Waxyaabaha ay ka hadlaan oo ay dadka kale ka gadaan waxaa ka mid ah arrimaha MAQANTA (Geybka) oo aakhiro iyo nolosha danbe ku saabsan. Dabcan, khidmadaasi bilaash ma aha ee waxay ku baddashaan wax-yaabo nacfi u leh, sida lacag, qaddarin iyo fulin amarkooda la fuliyo. Waxaas oo dhan waa wax dabeeci ah oo waligeed bulshooyinka aadanuhu lahaan jireen. Waa wax dadku nafsad ahaan iyo ruux ahaanba u baahan yahay. Mana filan karno wakhti aan aadanuhu lahayn dad howshaas u qabta.

Waxaase muhiim ah, oo aan marna laga maarmayn in khidmadaas arrimaha maqanta ku saabsan ay la socoto marba xaaladda bulshada khidmadaas loo qabanayo iyo baahideeda. Waa in la qadariyo koritaanka caqliga bulshada iyo baahidooda xilligaas jirta. Waa in loo keenaa marba badeecadda (=Afkaarta) ay u baahanyihiin oo laga gadi karo markaas, islamarkaasna la ixtiraamo caqligooda iyo

baahidooda xagga ruuxda iyo diinta ku saabsan. Marka khidmadaasi waa suuq wayn oo jira laakiin u baahan nidaamin iyo aadaab xagga akhlaaqda iyo anshaxa ku saabsan.

Hadda ummadda Soomaalida waxaa jira Wadaaddo arrimaha diinta iyo qaybka ka hadla oo khidmadaas bulshada Soomaaliyeed u qabta. Wadaaddadaasi, waxay ku jiraan suuq ayna si fiican ugu tababarnayn. Waxay u baahanyihiin la taliyaal xagga cilmu-nafsiga iyo bulshada ku takhasusay. Midda kale, waxay u baahanyihiin in loo sheego in badeecadda ay suuqa ka gadayaan la eegayo tayadeeda iyo dhibteeda xagga caafimaadka bulshada ku saabsan. Haddii waxa ay suuqa ka gadayaan ay noqdaan wax u daran ummadda oo caafimaadkooda wax u dhimayana waa in laga joojiyaa suuqa.

Hadda suuqa diinta iyo ruuxda ee Soomaalida waxaa looga baahan yahay: JACAYL, SAAMAXAAD, CAFI, SAMIR, DULQAAD, NAXARIIS, CEEB ASTUR, DAWLADNIMO, WAX BARASHO, WAX BIXIN, WAX SOO SAAR.

Hadda loogama baahna badeeco xanbaarsan nacayb, umal, dagaal, kala qaybin iyo gaalaysiin. Badeecadda noocaas ah hadda ka hor ayaa suuqa la keenay waana lagu le’day. Dalkii iyo dadkii waxaa baabi’iyay badeecaddaas oo dadka loogu sheegay in Alle iyo Rasuulkiisu soo saareen oo dadka ugu tala galeen. Mar haddii la tijaabiyay hadda ka hor, oo xataa ay dishay kuwii waday oo loo soo dhiibay laftigoodii in hadda la sii xayeysiiyo waa arrin laga fiican yahay.

Qofka doonaya inuu dadka diin ka gado oo waxuun khidma ah uga helo, waxaa ku filan inuu xagga khayrka u jeesto. Duruusta samirka, dulqaadka, cafiga iyo fikirka wanaagsan aad ayay diinta uga buuxaan. Duruusta ruuxda, jannada, jacaylka iyo khayrka aad ayay u badanyihiin. Marka waa in ay fahmaan wadaaddada ka fa’iidaysta khidmada xagga diinta, arrimahaas muhiimka ah; oo ay ka hadlaan wax yaabaha loo baahan yahay hadda iyo wakhtigaan adag ee Soomaalidu marayso.

Waxaa la sheegaa qiso ku saabsan SAYIDD MAXAMMED CABDILLE XASAN. Sayid Maxammed wuxuu ahaan in halgaama ah oo xaq u dirir ah. Waxaa ka soo horjeeday gumaysigii reer Yurub. Wuxuu doonayay dad iyo dal xor ah. Laakiin wuxuu ahaa nin aad u dhiig kulul oo si fudud u khaarijiya qofkii XUJOOBA. Haddii uu mar dhaho habel waa xujoobay waxay u dhigantay wuu gaaloobay. Mar haddii uu xujoobana waa in la dilaa. Wuxuu isticmaali jiray erayo fo’gayn iyo fongorid ah sida: CIIDANKA IIGA DHEXBAX. Maalintii danbe ayuu mid Daraawiishtii ka mid ah ku yidhi: Ciidanka iiga dhexbax. Darwiishkiina wuxuu ku jawaabay: anigaaba u danbeeya ciidankii!!! Hadda wadaaddada Soomaaliyeed ee maalinba FATWO GAALNIMO QOF KU SOO SAARAYA, oo ma’saa’il yar-yar oo aan muhiim ahayn marba qof hadlay ku qabsanaya, waxay suuqa ku gadayaan badeeco dhacday oo la soo tijaabiyay ilaa wakhtigii SAYDI MAXAMMED CABDILLE XASSAN.

Ka warran haddii culumadu u yeeri lahaayeen ninkii qoray buuga “Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” oo ay waydiin lahaayeen sida wax u jiraan, si walaalnimo iyo qaddarin lehna u la hadli lahaayeen! Ka warran haddii ay noqon lahaayeen aabbayaal ruuxi ah, oo qof walba u nasteexeeya oo aad u jecel dadkooda iyaga oo aan kala saarin. Ka warran haddii iyaga lagu soo carari lahaa, halka hadda laga cararayo. Ka warran haddii culumada Fat’wadoodu halis galisay dad badan noloshooda iyo ammaankooda sida: Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil, Faysal Cabdi Rooble,  Maxamed Cabdi, Cabdullahi Cismaan Xiireey iyo kuwo kale oo badan oo si guud loo xukumay sida Kooxda Isbaddaldoon iyo kuwo la mid ah. Ka warran haddii Culumadu dadkaas oo dhan daacad u noqon lahaayeen oo si deggen oo walaalnimo iyo mas’uuliyad ku dheehantahay loo wadahadli lahaa. Raggaas culumada diintu ka hadleen waa wax garadkii iyo maskaxdii ummadda Soomaaliyeed. Waa dadkii loo baahnaa in la’ilaaliyo oo la ixtiraamo. Waa dadkii la shaqayn lahaa culumada diinta Islaamka sidii dalkooda iyo dadkooda loo dhisi lahaa. Iskaashigu wuxuu aad uga fiican yahay is faquuqa.

Hadda ka hor, wadaad Soomaaliyeed oo kutubta axkaamta Islaamka aad u yaqaan ayaa mas’alo diini ah xukumay. Markaas ayaa loo sheegay in Imaam Shaafici uusan sidaas qabin. Markaas ayuu ku Jawaabay: “SOOMAALI ANAA SHAAFICI UGA WAR ROON”. Haddii culumada Soomaaliyeed ogaan lahaayeen in ay Soomaali uga war roon yihiin, Qurdubi iyo Ibnu Majah oo ay iyaga kala hadli lahaayeen danahooda iyo sida ay u fikirayaan aad ayay u fiicnaan lahayd. Waxaan qabaa in sida hadda wax u socdaan aysan danteennu ku jirin. Danteenu kuma jirto muran iyo is gaalaysiin iyo dagaal diineed. Aan joojinno sida deg-deg ah ee arrimuhu ku socdaan iyo isticmaalka warbaahinta ee loo adeegsanayo sida aan habboonayn.

Maah-Maah Soomaaliyeed ayaa oranaysa “REER NABAD AH LOOMA TALIN WAAYO”. Reer-kaan Soomaali la dhaho oo taladiisa iyo wanaagiisa adduun iyo aakhiro- la’isku haysto ma reer nabad ahaa mise waa reer mar hore halaagsamay oo lagu kala tagay? Anigu waxaan qabaa inuu yahay reer mar hore la halaagay oo aan waxba u dhaqnayn. Su’aasha aan qabo- dabcan dad bandanna qabaan- waxaa weeye maxaa halaagay ummaddan oo dulleeyay? Waxaa halaagay oo dulleeyay hoggaan xumada madaxdooda siyaasadda iyo dhaqanka iyo fatwada diinta ee aan laga fiirsan.  Waxaa halaagay isla qummanaanshaha qof walba tiisu la toosan tahay tan kalana uusan tixgalinayn, iyo wadatashi la’aanta dhaqanka noqotay. Qaar ka mid ah wadaaddada Soomaaliyeed waxaan ku tuhmayaa in aysan ku cibro qaadan wixii Soomaaliya ku dhacay, oo ay wali u malaynayaan in ad’adayg diineed iyo fatwo la soo saaro ay wax kordhinayso. Waxaan ka codsanayaa culamada Soomaaliyeed ee hadalkooda ka dhigaya sawaariikhda qaaradaha ka gooshta oo wax halaagta in ay joojiyaan dhaqanka noocaas ah, oo ay aabbayaal ruuxi ah u noqdaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee maanta u baahan gacan qabashada hoggaamiye-yaasheeda.

Waad mahadsan tihiin.

Shiikh Cabdiraxmaan Maxammed Jibriil.

Email: Jibriil1950@gmail.com

 

One thought on “Wax iswaydiini ma xumee wax is waydaaris baa daran!

  • October 22, 2016 at 5:29 pm
    Permalink

    asc dhamaan walaalaha qiimaha iyo qaayaha badan ee wax ka qora Web ka aad ayaad u mahadsantihiin sida xikmada leh ee aad wax u qoraan
    talo guud waxaa iga ah inaan culimada dhamaan wax laga sheegin kuwii wax hore qoray iyo Kuwa hadla intaba.
    waxaan aad ula dhacay sida wanaaga badan ee uu walaalka La yiraahdo abdirahman jabriil uu article ka u qotomiyay mahadsanidiin dhamaan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code