Xadiiska firqada badbaadaysa .. Culumooy jannadu ma ciriiri baa?

Alle (sw) isaga oo qeexaya sababta uu Nebi Maxamed (scw) u soo diray wuxuu quraanka kariimka ah ku yiri: “Kuuma aannan dirin in aad naxariis u tahay dunida mooyaane/وما أرسلناك إلا رحمة للعالمين”. Weydiinta jawaabta u baahanina waxay tahay: sidee bay suurogal ku tahay in diintii raxmadda loo soo diray ay  cadaab ku noqoto noolaha? Diinta islaamku haddii aysan ahaan lahayn mid la timid caddaalad, cafin, kheyr iyo nabad dunida oo dhan kuma faafteen, ilbaxnimo weynna ma samayseen.

Axaadiista nebiga (scw) carrabka loogu tiro kuwa ugu dhibka badan waxaa ka mid ah midka sheegaya in nebigu yiri: “Yaduuddu waxay u kala baxeen kow iyo toddobaatan kooxood, koox qura ayaa jannada galaysa toddobaatanna naarta, Nasaaraduna waxay u kala baxeen labo iyo toddobaatan kooxood, kow iyo toddobaatan naarta ayay galayaan kooxina jannada, kan nafta Muxamed gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye ummaddayduna waxay u kala bixi doontaa saddex iyo toddobaatan kooxood, midi jannada ayay galaysaa labo iyo toddobaatanna naarta, waxaa la yiri: rasuulkii Allow waa kuwama? Wuxuu yiri: waa jamaacada/ افترقت اليهود على إحدى وسبعين فرقة فواحدة في الجنة وسبعون في النار، وافترقت النصارى على اثنتين وسبعين فرقة فإحدى وسبعون في النار وواحدة في الجنة، والذي نفس محمد بيده لتفترقن أمتي على ثلاث وسبعين فرقة واحدة في الجنة واثنتان وسبعون في النار، قيل يا رسول الله من هم؟ قال الجماعة !!!”.

Dhammaan xagjiriintu – meel kasta iyo xilli walba oo ay joogaanba- waxay ku sheeggan yihiin isla qummanaan iyo in ay keligood xaqa iyo wanaagga isa siiyaan, aadanaha kalena ka qadiyaan. Tusaale ahaan, Yahuuddu waxay ku caanbaxeen in ay ku andacoodaan in ay yihiin: “Shacab Ilaah doortay/شعب الله المختار”, sidoo kale Naasiyiintii Jarmalku waxay ku been-hawaaseen in shacabka Aaridu uu dadka oo dhan ugu dhaladsan yahay. Si taa la mid ah, ayaa Muslimiinta xagjirka ahi- Sunno iyo Shiicaba- had iyo goor isugu dayaan in ay Alle aadamiga oo dhan ka xigsadaan iyaga oo ku andacoonaya in ay yihiin “Firqdada badbaadaysa ee nebiga ku bahda ah/ما أنا عليه وأصحابي”.

Xadiis ku sheeggaan loo bixiyey “firqada badbaadaysa”, wuxuu safka hore uga jiraa nusuusta diiniga ah ee loo adeegsado kooxaysiga, argagixinta iyo in la bannaysto dhiigga dad aan wax denbi ah galabsan. Waayo? Duulka adeegsanayaa waxay ku andacoonayaan in keligood ay yihiin muslimiinta waddada xaqa ah ku taagan, dadka wixii iyaga ka soo harayna ay ku sugan yihiin baadi, bidco, shirki iyo gaalnimo cad, ayna waajib tahay in la la dagaallamo oo la bannaysto dhiiggooda, sharaftooda iyo maalkoodaba. Tusaale ahaan, Salafiyada, Suufiyada, Shiicada iyo dhammaan firqooyinka badan ee muslimiiintu u sii kala baxaan mid kastaa waxay ku andacootaa in iyadu tahay firqada badbaadaysa ee xadiisku sheegay.

Waxaana muuqata in dadka wariya xadiiskaan iyo kuwa la midka ahi ay Alle u haystaan sidii in uu yahay ugaas beeleed ka damqada koox tiro yar oo ka mid ah dadyowga Bariga Dhexe, laakiin aan waxba la wadaagin aadanaha intooda badan (Buudo, Hinduus, Nasaaro, Yahuud, Mulxidiin, Cawaan iyo ummadda nebi Muxamed intooda badan ee aan badbaadayn).

Xadiiskaani wuxuu ka mid yahay axaadiista faraha badan ee gacan-ku-rimiska ah ee diinta lagu daray, muslimiintuna tan iyo maanta dhibkooda ka sawaaqsan la’ yihiin. Sida aan ognahay, qoridda axaadiista nebigu waxay si dhab ah u bilaabatay labo boqol oo sano ka dib geeridii nebiga (scw). Xilliga la bilaabay qoridda axaadiistuna waxay ahayd mar muslimiinta uu ka dhex taagnaa khilaaf weyn oo fikir iyo siyaasadba leh. Khilaafkii muslimiinta u dhexeeyeyna wuxuu horseeday in qolo kastaa isku dayday in ay carrabka nebiga adeegsato, oo ay ka yeeriso hadal iyaga iyo danahooda u hiillinaya. Sidaa darteedna, axaadiista iyo guud ahaan nusuusta diintu waxay ku noqotay hub culus oo danaha siyaasadda loo adeegsado.

Culumada islaamkuna inkasta oo ay dadaal badan ku bixiyeen kala hufidda axaadiista, haddana kuma aysan guuleysan in ay si buuxda u kala hufaan. Waxaa taa dheer in culumadu xoogga saareen dhanka sanadka axaadiista (= dadka xadiiska wariyey), laakiin dadaal kaas la mid ah aysan ku bixin dhanka matniga ama macnaha iyo farriinta xadiisku gudbinayo.  Shakina kuma jiro in xadiis ku sheeggaani uu ka mid yahay kuwa nebiga carrabka loogu tiray, uuna sabab u noqday in koox kastaa ku andacooto in iyada oo keli ahi ay tahay midda badbaadaysa ee xadiisku sheegay, taageerayaasha kooxduna ay kolkaas bilaabaan in ay iska weynaysiiyaan muslimiinta kale iyo guud ahaan aadamiga oo dhan!.

Waxaa xusid mudan, in culumada islaamka qaarkood ay mar hore ku baraarugeen in xadiiskaani uu bug yahay, isla markaana waayadaan danbe laga qoray buug iyo daraasado badan oo muujinaya in uu yahay mid nebiga lagu been-abuurtay.

Xadiis ku sheeggaani xagga ragga wariyey (=sanadka) iyo xagga macnaha uu xanbaarsan yahay labadaba cillad buu ka leeyahay, mana aha mid cid miyir qabtaa ay qaadan karto. Tusaale ahaan, iimaha xadiisku leeyahay waxaa ka mid ah;

Kow: Xadiiskaani wuxuu ka hor imaanayaa quraanka kariim ah, maxaa yeelay? Quraanku wuxuu noo sheegayaa in Alle aadanaha abuuray iyaga oo kala duwan (=diin, caqiido, mad-hab, dhaqan), oo Eebbe quraanka wuxuu ku yiri: “Hadduu doono Eebbahaa dadka wuxuu ka yeeli lahaa ummad keliya, kamana suulayaan in ay kala duwanaadaan, cid Eebbe u naxariistay mooyee, sidaas baana Eebbe u abuuray / ولو شاء ربك لجعل الناس أمة واحدة، ولا يزالون مختلفين، إلا من رحم ربك، ولذلك خلقهم”. Eebbe ayaana ah kan keligiis dadka kala xukminaya oo janno iyo naar u kala diraya.

Labo: Xadiiskaan in kasta oo uu carrabka dadka caan ku yahay, oo aad loo yaqaan, haddana ma aha xadiis mutawaatir ah (=fac kasta ay ka wariyeen dad badan oo ay adagtahay in ay been isku raacaan), laakiin waa xadiis keli-wari (=Aaxaad) ah. Axaadiista aaxaadka ah ee dadka yari wariyeenna caqiido laguma dhiso. Arrinka xadiiskaan uu ka hadlayaana waa caqiido, oo janno iyo naar buu ka warramayaa.

Saddex: Xadiiskaan Bukhaari iyo Muslim midkoodna ma warin, sababta ay u warin waayeenna waa in uusan waafaqsanayn shuruudahooda. Bukhaari iyo Muslim wax kasta oo ay wariyeen sax ma aha, laakiin taas oo jirta haddana waxaa la rumaysan yahay in shuruudda ay ku xiraan axaadiista ay buugtooda ku wariyaan ay ka adagtahay shuruudda culumada kale, taa awgeedna looga kalsooni badnaan karo.

Afar: Xadiiskaan waxaa loo wariyey qaabab kala duwan, oo si cad u muujinaya in dadka warinayaa aysan warinayn wax cad oo ay hubaan. Qaababka faraha badan oo loo wariyana waxaa ka mid ah;

  • Yahuuddu waxay u kala baxeen kow iyo toddobaatan -ama labo iyo toddobaatan- Nasaaraduna waxay u kala baxeen kow iyo toddobaatan kooxood- ama labo iyo toddobaatan kooxood- Muslimiintuna waxay u kala baxayaan saddex iyo toddobaatan kooxood”. Halkaan waxaa ka muuqda in tirsigu uusan ahayn wax la hubo, oo hadba si loo dhigayo. Arrinkaas oo shaki keenaya.
  • Weeraha kale ee shakigu ka muuqdo waxaa ka mid ah weedha siyaabaha kala duwan loo wariyo ee oranaysa: “dhammaantood naarta bay galayaan koox ma ahane”, “dhammaantood naarta bay galayaan, koox keliya ma ahane oo ah jamaacada”, “dhammaantood naarta bay galayaan, dadka badankooda marka laga reebo”, “dhammaantood jannada bay galayaan mid ma ahane”. Shiicaduna dhankooda waxay u dhigeen: “Caliyow waa adiga iyo taageerayaashaada kuwa badbaadayaa”. Qaababkaan kala geddisan, oo mararka qaarkood iska hor imaanayaa waxay caddaynayaan in hadalka la warinayo uu yahay wax aan la hubin.

Culumada Islaamka ee wax ka qoray  taariikhda firqooyinka Islaamku waxay qabaan in firqooyinka islaamku ay ka badan yihiin inta xadiisku sheegay ee saddex iyo toddobaatanka ah. Tusaale ahaan, Abuu Xasan al-Ashcari buuggiisa “Maqaalaat al-Islaamiyiin/مقالات الإسلاميين” tirada kooxaha Islaamka ah wuxuu ku sheegay in ka badan boqol. Sidoo kale Shahristaani buuggiisa “Al-Milal Walnixal/الملل والنحل” tirada kooxahaan wuxuu gaarsiiyey lix iyo toddobaatan kooxaad. Xilliga wadaaddadaani ay kooxaha Muslimiinta tiradaan siiyeen waa boqollaal sano ka hor, weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: kooxaha islaamka ku abtirsada ee maanta jira tiradoodu immisa ayay gaaraysaa???

Si taa la mid ah, culumada diimaha Yahuudiyadda iyo Masiixiyadda midkoodna ma qabo in firqooyinka diimahoodu ay yihiin tirsiyada xadiisku sheegayo. Sidoo kale, culumada Islaamku ma sheegin firqooyin tiradoodu intaas le’eg tahay oo diimahaasi ay leeyihiin (Faahfaahin xadiiskaan ku saabsan halkaan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=oJ-JGCORIpk ).

Akhristow dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay mar kasta oo aan maqlo xaddiiskaan iyo kuwa la macnaha ah waxaan isweydiiyaa su’aasha ah: war wadaaddada xaadiis ku sheeggaan buunbuuniyaa ma waxay la tahay in jannadu tahay meel ciriiri ah, oo waxay ka baqayaan in ay boos ka waayaan???

Dhab ahaantii, sanooyinkaan dambe mawduuca jannadu wuxuu ka mid noqday mawduucyada loogu hadal haynta badan yahay. Taana waxaa ugu wacan sawirka wadaaddadu jannada ka bixiyaan oo dadku siyaabo kala duwan uga falceliyaan. Tusaale ahaan, wadaaddada Salafigu jannada waxay u sawiraan sidii in ay tahay oo keliya meel laga helo cunnooyin faro badan, khamro iyo 72 gabdhood oo bikro ah, sida ugu mudan, uguna dhaqsiyaha badan ee lagu hanan karaana ay tahay in miino dhexda lagu xirtay lagu muto tilmaanta shahiid. Matalan, filim soosaaraha u dhashay dalka Jasaa’ir ee Mirsaaq Calwaash wuxuu dhawaan soo saaray filim uu u bixiyey “Baaridda jannada/ investigating paradise/تحقيق في الجنة” oo ruuxa daawada ku bixinaya in uu isweydiiyo su’aalo badan oo la xiriira jannada iyo naarta (qaybo yar oo filimka ka mid ah halkaan ka daawo:

http://cineuropa.org/vd.aspx?t=video&l=en&rdID=322080&did=322800

Isku soo xooriyoo, xadiis ku sheeggaani in uu bug yahay waxaa u daliil ah cawaaqib xumada uu nolosha aadanaha –Muslimiin iyo qeyrkoodba- ku leeyahay. Xadiiskaani Muslimiinta wuxuu u qaybiyey kooxo dagaallamaya oo mid kastaa ay sheeganayso in ay iyadu tahay “firqada badbaadaysa”, Muslimiinta iyo ummadaha kalena wuxuu dhexdhigay nacayb iyo colaad joogto ah. Firqada badbaadaysaa ma aha midda keligeed jannada isa siisa, balse waa midda ka shaqaysa in aadamiga oo dhammi ay adduun iyo aakhiraba ku liibaanaan. Suufigii Ibnu Carabina run buu sheegay markuu yiri: “diinta meel kama gaaraysid jeer aad ka qaddariso abuurka Alle oo dhan/ لن تبلغ من الدِّين شيئاً حتى توقِّر جميع الخلائق”.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code