Xarafkii saxaabiga dili lahaa!

Dad badan baa marka ay akhriyaan cinwaanka maqaalka waxay isweydiin karaan su’aasha ah: Horta xaraf wax ma dilaa?

Waa weydiin meesha ku jirta, jawaabteeda oo koobanna waa ‘haa’, oo wuu dilaa. Suugaanta Masiixiga waxaa ka mid ah oraah tiraahda: “Xarafku waa dilaa, laakiin ruuxda ayaa noolaysa /The Letter kills, but the Spirit gives life.” Oraahdaan waxaa loo adeegsadaa si loo muujiyo in dulucda dhabta ah ee hadalka aan la fahmi karin haddii eray kasta goonnidiisa loo qaato, laakiin la fahmi karo marka la tixgeliyo macnaha ka dhalanaya isu geynta erayada iyo weeraha. Hayeeshee, annaga halkaan xaraf waa noo xaraf, oo waxaan qabnaa in xaraf wax dilo, waxna badbaadiyo. Kolka hadalka xaraf lagu kordhiyo ama laga dhimo ama meel uusan ka gelin laga geliyo, hadalku wuxuu yeelan karaa macne cusub oo ka duwan kii asal ahaan looga dan lahaa, xarafkaasina wuxuu keeni karaa in darti qof loo dilo ama xataa uu dhaco dagaal dad badani ay ku hoobtaan. Haddii Alle idmo, halkaan waxaan ku xusi doonnaa dhacdo nin ka mid ahaa saxaabadii nebiga kuwooda caanka ahi uu xaraf darti u god geli lahaa.

Dabshidkii 1983, aniga oo ah arday dhigta dugsiga sare baan maalin waxaan akhriyey maqaal af Carabi ku qornaa oo ka hadlayey wax qoraagu ugu yeeray ‘Cilmiga dhaqaalaha Islaamka’. Maalintaas waxaan go’aansaday in timaaddada haddii aan kansho u helo waxbarasho jaamacadeed aan barto labo cilmi midkood; cilmiga caafimaadka oo aan horay u xiisayn jirey ama cilmiga dhaqaalaha Islaamka oo maqalkiisu maalintaas ii ahaa. Fadlan, ha la yaabin degdegga go’aan qaadashadayda, waayo xilligaas waxaan ahaa barbaar ku jira marxaladda qaangaarka, waana tii la yiri: “Labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa.”

Yeelkadeede, dabshidkii 1990kii ayaan fursad u helay in aan ku biiro xerta barata waxa loogu yeero ‘cimiga dhaqaalaha Islaamka’. Labaatankii dabshid ee ka danbeeyeyna waxaan dadaal badan ku bixiyey ka gun gaaridda cilmigaas. Hase ahaatee, ugu danbayntii waxaan si buuxda ugu qancay in uusan jirin wax la yiraahdo dhaqaale Islaam, sida uusan u jirin cilmi kale oo Muslimiintu gaar u leeyihiin, oo ka baxsan aqoonta Islaamka ee taqliidiga ah sida; tafsiirka, xadiiska, fiqiga, usuulu-fiqiga, caqiidada, siirada iyo wixii la hal maala –(dabcan, ummadaha kalena waa leeyihiin aqoon diineed tan muslimiinta u dhiganta).

Waxa loo bixiyey ‘dhaqaalaha Islaamku’ ma aha cilmi leh aragtiyo iyo qawaaniin isaga u gaar ah, balse gebi ahaanba wuxuu ka kooban yahay dhaqaalaha caadiga ah ee dunida oo dhan laga yaqaan oo cusbo iyo xawaaji looga dhigay aayado quraan ah iyo axaadiis, in ay wax kala dhacaan mooyee aan waxba ku kordhinayn (aayadaha quraanka iyo axaadiista marka khasab looga yeersiiyo macne aysan yeelan karin, nuxurka ayaa ka dhumaya, fikradda la doonayo in loo daliishadana waxba uma tarayaan). Marka aragtiyaha iyo qawaaniinta dhaqaalaha caadiga ah meesha laga saarana ma jirayo wax haraya oo la oran karo waa dhaqaale ama waa dhaqaale Islaam. Waxaana lagu dooday in dhaqaalaha Islaamku uu ka kooban yahay cilmiga dhaqaalaha ee aadamiga oo dhammi uu wadaago oo dulsaarka (=interest rate) magaca loo baddelay, laguna daray qaadista sakada.

Wadaaddadu dadka waxay si joogto ah ugu wacdiyaan in haddii la helo dowlad islaam ah oo muslimiinta hantida haysta sakada ka aruurisa, ay aad u fududdahay in muddo gaaban bulshada faqriga looga ciribtiro. Waa hadal marka dhanka caaddifadda laga eego ay dad badani u riyaaqaan, laakiin marka cilmi ahaan loo qiimeeyo aan waxba ka jirin. Maxaa yeelay, heerka sakada ee caadi ahaan hantida laga qaadaa waa 2.5%, waana wax aad u yar marka loo fiirsho duruufaha ku gadaaman maalka sakadu ay ku waajibto iyo baahida iyo adeegyada faraha badan ee bulshada casriga ahi ay u baahan tahay.

Cilmi ku sheeggaani gebi ahaanba wuxuu ku dhisan yahay been iyo damac iskaashaday (=beenta wadaaddada iyo damaca ganacsatada). Wuxuu ku dhisan yahay mala’awaalka wadaaddo xamaasad badan laakiin aan dhaqaale aqoon u lahayn iyo ganacsato u arka in ay hanti ka samayn karaan dadweynaha wacdiga wadaaddada la godladay ee diyaarka u ah in la maalo. Laakiin su’aashu waxay tahay: ilaa goorma ayaa sheeko-xariirtu sii jiri doontaa? U malayn maayo in ay jirto cid taariikh go’an sheegi karta, laakiin waxaan ognahay in beeni aysan raad lahayn, oo waxaa na hortaal murtida tiraahda: “Been waa lagu cabbaa lagumase rakaato.” Goor ay noqotaba waa hubaal in la gaari doono maalin la isla qiro in waxa loo bixiyey dhaqaalaha islaamku uu yahay been la dhoodhoobay, cod dheerna lagu oran doono: been iyo khuraafo intaas baa noogu filan.

Weydiin kale oo meesha ku jirta ayaa waxay tahay: dhaqaalaha iyo diinta kee baa kan kale saameeya? Wadaaddada diimaha badankooda waxay la tahay in diintu saamayso laamaha nolosha ee kale, laakiin laamaha kale ee noloshu- dhaqaale, dhaqan, saynis, siyaasad, iqk- aysan diinta saamayn, oo diintu tahay wax sugan oo aan isbeddelin. Dhab ahaantiise, diintu waa ifafaale bulsho (=social phenomenon /ظاهرة اجتماعية), waxayna isa-saameeyaan dhammaan laamaha kale ee nolosha, oo diintu waxay saamaysaa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee bulshada, nidaamka dhaqan-dhaqaalena wuxuu saameeyaa diinta ama fikirka diiniga ah. Tusaale ahaan, Karl Marx iyo xertiisu waxay rumaysan yihiin in maaddadu saamayso fekerka, taa oo macneheedu yahay in dhaqaaluhu saameeyo diinta (=Base and Superstructure). Halka Max Weber (1864-1920) uu ka tilmaamay in isa-saamaynta ka dhaxaysa diinta iyo dhaqaaluhu aysan ahayn saamayn hal dhan u socota, balse ay tahay saamayn laba geesood ah oo dhaqaalaha iyo diinta midba kan kale uu saameeyo.

Dhanka kale, waxaa aad looga hadlaa, qoraallo fara badanna laga qoray wax loogu yeeray “Nidaamka Dhaqaale Ee Islaamka /Islamic Economic System/النظام الاقتصادي الإسلامي”. Marka la damco in la qeexo nidaamkaanna waxaa la yiraahdaa: waa nidaam u dhexeeya labada nidaam ee dugaagga ah ee hantigoosiga iyo hantiwadaagga. Sida la wada og yahay, maanta dunida kama jiraan wax la yiraahdo hantiwadaag buuxa iyo hantigoosi soocan midna. Dhammaan waddamada dunidu waxay ku dhaqmaan nidaam dhaqaale oo ah isku-qas (=cocktail) heerar kala duwan ugu dhexeeya hantigoosi iyo hantiwadaag. Nidaamka dhaqaale ee u dhexeeya hantigoosiga iyo hantiwadaagga ee loo yaqaan ‘dhaqaalaha isku-qasan ama dhexdhexaadka ahi/ mixed economy’, ma aha nidaam cusub ee waa fikrad aadanuhu xal biday ka dib markii lagu qancay in labada nidaam mid kastaa uu goonni ahaantiisa dhaliil u leeyahay, sida qura ee dhaliilahaas lagu yarayn karaana ay tahay in lagu barxo wax laga soo ammaahday nidaamka kale. Tusaale ahaan, Shiinuhu ma aha hantiwadaag buuxa, sidoo kalena Maraykanku ma aha hantigoosi ay si buuxda uga shaqayso fikradda suuqa xorta ah ee “Daa ha shaqeeyee, daa ha maree! /Laissez-faire, laissez-passer! /دعه يعمل، دعه يمر”.

Waxaa xusid mudan, in marka laga hadlayo nidaam dhaqaale aan cilmi dhaqaale laga hadlayn. Maxaa yeelay? Nidaamku waa falsafad iyo mabaadi’, halka cilmigu uu ka yahay aragtiyo iyo xeerar. Nidaamyada dhaqaale waa kala duwanaan karaan, laakiin cilmiga dhaqaaluhu ma kala duwanaan karo, oo cilmi mar walba iyo goor kasta waa cilmi. Waa dhacdaa in horumarka cilmigu uu keeno in aragti mid kale lagu beddelo ama xeer qaab cusub loo dhigo, laakiin ma dhacdo in cilmi dhan la beddelo, ama in ummad kastaa ay cilmi iyada u gaar ah samaysato. Sida kimisteriga, xisaabta iyo caafimaadku aysan u kala duwanayn oo kale baan cilmiga dhaqaaluhuna u kala duwanayn.

Waxaa kaloo xusid mudan, in sanooyinkii kontomaadkii iyo lixdamaadkii qarnigii tagay markii mowjadda fikirka hantiwadaaggu ay dunida Islaamka ku soo faalashay, ay wadaaddada Islaamku isku khilaafeen sida loo arko nidaamkaan. Tusaale ahaan, Shiikh Mustafe Subaaci (1915-1964) oo ahaa madaxa ururka Ikhwaanu Muslimiinka Suuriya wuxuu qoray buug uu cinwaan uga dhigay “Hantiwadaagga Islaamka /إشتراكية الإسلام”. Xasan al-Bannaa (1906-1949) oo ah ninka aasaasay ururka Ikhwaanu Muslimiinkuna hordhac uu u sameeyey buug lagu magacaabo ‘أبو ذر الغفاري’, oo uu qoray suugaanyahan Masri ahaa oo la oran jirey Cabdixamiid Jawdat Saxaar oo la daabacay sannadkii 1946, wuxuu ku yiri: “Waa cilmibaarid hufan oo lagu sameeyey hantiwadaagga Islaamka /بحث علمي دقيق في الاشتراكية الإسلامية”. Saxaar hordhaca buuggiisa wuxuu ku daliishanayaa meeriska gabayga ah ee gabyaagii Axmed Showqi uu nebi Muxamed (scw) ku tilmaamay in uu ahaa hoggaamiyaha hantiwadaagga. Waa meeriska caanka ah ee Ummu Kaltuum ay ku heestay ee oranaya: “الاشتراكيون أنت إمامهم … لو لا دعاوى القوم والغلواء”. Hase ahaatee, Ikhwaanu Muslimiinka iyo guud ahaan wadaaddadu gadaal danbe waxay bilaabeen in ay dhaleeceeyaan hantiwaadagga, ayna ilxaad iyo gaalnimo ku tilmaamaan, halka ay nidaamka hantigoosiga ka soo dhaweeyeen. Taana waxaa ka qaybqaatay xurguftii u dhaxaysay Jamaal Cabdinaasir iyo boqor Faysalkii Sacuudiga iyo in waddamada reer Galbeedku ay dhaqaalihii Khaliijka u adeegsadeen in ay kula dagaallamaan Midowgii Soofiyeet iyo nidaamka hantiwadaagga.

Waxba yaan qalinku ila sii taraarixine, aan dib ugu noqdo meeshii ujeedkaygu ahaa. Muslimiintu muddo dheer waxay ka doodayeen nooca xuquuqda qofka Muslimka ahi uu ku leeyahay xoolaha gacantiisa soo gala?

Aayadaha 34 iyo 35 ee suuradda al-Towba, waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin aayadaha quraanka ee saamaynta culus leh. Waa aayado qofka akhriya ee sidooda ugu dhaqma uu noqonayo hantiwadaag Karl Marx u soo xeraysanayo. Waa aayado ka digaya in qofku kaydsado hanti ka badan inta uu dhab ahaan ugu baahan yahay. Waana aayado Muslimiintu ku murmaan tan iyo sebankii saxaabada. Waxaana la wariyaa in saxaabadii nebiga (scw) iyo taabiciintii ka danbeeyey ay aayadahaan ugu qaybsameen labo kooxood oo mid ay hoggaaminayeen labada saxaabi ee Jundub bin Junaadah oo ku magac dheer ‘Abu Dar al-Gafaari’ iyo Rusbah al-Asfahaani -oo Muslimiinta Sunnadu ay ku garan og yihiin magaca ‘Salmaan al-Faarisi’, Shiicaduna ‘Salmaan al-Muxamadi’. Kooxda kalena ay hoggaaminayeen rag maalqabeen u badnaa oo uu ka mid ahaa Mucaawiye bin Abii Sufyaan. Khilaafkii ka dhashay macnaha la siinayo aayadahaani, wuxuu keenay in saxaabigii Abu Dar al-Gafaari loo diidey in uu ku noolaado magaalooyinkii Muslimiintu degi jireen, oo uu dadka ku dhex jiro. Sidaana wuxuu ku mutay in Muslimiinta qaarkood ay ku tilmaameen in uu ahaa hantiwadaaggii ugu horreeyey ee xukuumaduhu ay cayrsadaan (=أول إشتراكي طاردته الحكومات).

Abuu Dar wuxuu ku doodi jirey in qofka Muslimka ahi uusan hantidiisa ku lahayn xuquuq ka badan baahidiisa qof iyo qoyseed, iyo wixii uu martidiisa ugu talogalo ama uu dan guud u qorsheeyo. Buugta Islaamku waxay qortaa in uu ku lugayn jirey suuqyada Shaam (=Dimishiq) isaga oo leh: “Kuwa dahabka iyo qalinka kaydsada ee aan Alle darti u bixin waxaad ugu bishaaraysaa kaawiyad dab ah oo lagu feerayn doono wejigooda, dhinacyadooda iyo dhabarkooda, sidaas buu samayn jirey ilaa saboolkii taa uga daydeen oo maalqabeenka ku waajibiyeen /بشر الذين يكنزون الذهب والفضة ولا ينفقونها في سبيل الله بمكاو من نار تكوى بها جباههم وجنوبهم وظهورهم، فما زال حتى ولع الفقراء بمثل ذلك وأوجبوه على الأغنياء”. Wuxuu kaloo oran jirey: “Waxaan la yaabay midka aan haysan nolol maalmeedkiisa waxa u diidaya in uu dadka u tago isaga oo seeftiisu gal la’dahay /عجبت لمن لا يجد قوت يومه كيف لا يخرج على الناس شاهرا سيفه”.

Muslimiintii hantida badan ka sameeyey dhulalkii la qabsaday, kolkii ay dhegaysteen doodihii Abuu Dar, ayna arkeen sida uu saboolka u kicinayo ayay waxay ku ashtakeeyeen Mucaawiye, Mucaawiyena wuxuu u musaafuriyey magaalada Madiino oo uu joogey khaliifkii Cusmaan bin Cafaan. Cusmaanna wuxuu ku amray in uu joojiyo wacyigelinta uu wado, Abuu Dar oo aan amarka Cusmaan ku qancinna wuxuu ugu jawaabay: “Cusmaan ma wuxuu ii diidayaa in aan akhriyo kitaabka Alle /أينهاني عثمان عن قراءة كتاب الله”. Markaana Cusmaan wuxuu amar ku bixiyey in loo musaafuriyo dhul geeri go’an ahaa oo lagu magacaabi jirey ‘Ribda’, oo 200 oo km Waqooyi-Bari ka xiga magaalada Madiina al-Munawara.

Taabici la oran jirey Seyd bin Wahab (=dhintay 83 hijrada) wuxuu yiri: “Waxaan maray Ribda, waxaana ku arkay Abu Dar, waxaan ku iri: Meeshaan maxaa ku dejiyey? Wuxuu yiri: waxaan joogey Shaam, dabadeed aniga iyo Mucaawiye ayaa waxaan isku qabannay aayadda “Kuwa kaydsada dahabka iyo qalinka oon ku bixinayn jidka Eebbe ugu bishaaree cadaab daran.” Mucaawiye wuxuu yiri waxay ku soo degtay Ahlu-kitaabka, aniguna waxaan iri iyaga iyo annagaba way nagu soo degtay /مررت بالربذة فإذا أنا بأبي ذر رضي الله عنه فقلت له ما أنزلك منزلك هذا؟ قال كنت بالشام فاختلفت أنا ومعاوية في (الذين يكنزون الذهب والفضة ولا ينفقونها في سبيل الله)، قال معاوية نزلت في أهل الكتاب فقلت نزلت فينا وفيهم”.

Waxaa la tebiyaa warar sheegaya in Cusmaan iyo Mucaawiye labaduba ay isku dayeen in ay laaluushaan Abu Dar si uu faraha uga qaado hawsha baraarujinta ee uu saboolka ku kicinayo, laakiin aysan ku guulaysan. Tusaale ahaan, waxaa la wariyey in Cusmaan mar addoon uu lahaa uu u dhiibay lacag, uuna ku yiri: lacagtaan Abu Dar u gee, haddii uu kaa qaatana xor baad tahay. Abuu Dar waa diiday in uu qaato lacagtaas, kolkaasna addoonkii lacagta loo soo dhiibay baa wuxuu ku baryootamay in qaadashada lacagta ay ku jirto xorriyaddiisu, Abuu Darna wuxuu ugu jawaabay: “Haddii adiga xorriyaddaadu ay ku jirto, aniga addoonnimadayda ayaa ku jirta /إن كان فيه عتقك فإن فيه رقي”.

Abuu Dari al-Gafaari oo nebigu ku tilmaamay in uu yahay kan ragga oo dhan ugu run sheegga badan, wuxuu ku dhintay lama-degaankaas cidlada ah ee loo musaafuriyey, nebigana waxay ka sheegeen in uu yiri: “Eebbe ha u naxariisto Abu Dar, keligi buu soconayaa, keligi buuna dhimanayaa, maalinta qiyaamahana keligi baa la soo saarayaa /رحم الله أبا ذر يمشي وحده ويموت وحده ويبعث يوم القيامة وحده”.

Dhanka kale, marka aad akhrido taariikhda saxaabiga Ubaya bin Kacab waxaad ku arkaysaa isaga oo lagu tilmaamayo in uu ahaa “Qof dabci qallafsan / وكان امرأ فيه شراسة ”. Haddaad u sii kuurgasho waxa laga wado dabci kulaylkana waxaa kuu soo baxaya in uu ahaa nin laalaabka iyo wax isdabamarinta neceb, oo marka uu arko arrimahaas oo kale durba dhirfa.

Dhacdooyinka arrinkaas laga dheehan karana waxa ka mid ah in kolkii Cusmaan bin Cafaaan (RC) uu amray in Musxafka la qoro, guddigii qoridda loo xilsaaray markii ay soo gaareen aayadda tiraahda “(و)الذين يكنزون الذهب والفضة”, ay damceen in ay xarafka wowga ka tuuraan aayadda, markaana macnaha aayaddu uu isbeddelo. Hase ahaatee, Ubaya bin Kacab oo ka mid ahaa guddiga, baa inta istaagay oo seef dhuunta iska saaray wuxuu ku dhaartay: “Ama waad ku daraysaan ama seeftayda baan dhuunta isaga jarayaa, markaas bay ku dareen / قال لهم أبي: لتلحقنها أو لأضعن سيفي على عاتقى، فألحقوها”. Haddii aayaadda xarafka (wowga) laga tuuri lahaa waxaa si toos ah loogu fasiri lahaa sidii Mucaawiye iyo dadkii ku aragtida ahaa ay jeclaayeen, laakiin marka wowga la daayo aayaddu waxay noqonaysaa mid isku si u la hadlaysa Muslimiinta iyo ehlu-kitaabka kaleba –Yahuudda iyo Masiiixida, waana sida Abuu Dar iyo Ubaya ay qabeen.

Siday ahaataba, maanta aayadda waxaa loo macneeyaa sidii Mucaawiye iyo raggii ku jaalka ahaa ay rabeen. Sababtuna waxay tahay in ay faaftay fikradda sheegaysa in xukunka aayaddaan lagu nasakhay aayadda sakada waajibinaysa. Waxaana lagu dhaqmay in hanti kasta oo sako laga bixiyaa aysan kayd noqonayn, cadaab iyo ciqaabna lagu mudanayn. Sidaana Mucaawiye ayaa kaga guulaystay kooxdii Abu Dar, waana tii la yiri: ‘Kuwa guulaysta ayaa taariikhda qora’.

Guud ahaan, Muslimiinta badankoodu waxay isla qiraan in xoolaha Eebbe leeyahay, waxayna adeegsadaan eraybixinta ‘maalka Alle /مال الله’. Meelo badan oo dunida Islaamka ka mid ahna saboolku marka ay dawarsanayaan waxay yiraahdaan: “War yaa Alle wax u dhiibay oo wax noo dhiiba! /صدقة لله! اعطونا من مال الله!” ama weero kale oo la mid ah. Laakiin Muslimiintu waxay isku qabtaan su’aasha ah: maalka Alle maxaa gaar loo yeelan karaa maxaanse loo yeelan karin?

Qof ahaan, ma qabo in Islaamka lagu sheego hantigoosi ama hantiwadaag ama wax kale oo la macne ah. Waayo? Waxaan rumaysnahay in Islaamku yahay diin ka mid ah diimaha dunida ka jira, hadafka dhabta ah ee diimuhu higsadaanna uu yahay in ay hagaajiyaan xiriirka ka dhexeeya qofka iyo ilaahiis, aysanna si toos ah shaqo ugu lahayn siyaasad, dhaqaale, saynis iyo guud ahaan sida bulshadu ummuuraheeda adduunyada u maaraynayso. Nebigana waa iyada laga wariyo in uu yiri: “Ummuuraha adduunyadiina idinkaa ugu ogaal badan /أنتم أعلم بشؤون دنياكم”.

Dhab ahaan, Abuu Dar qudhiisu hantiwadaag iyo hantigoosi midna shaqo kuma uusan lahayn, laakiin wuxuu ka dhiidhiyey caddaalad darro bulshada lagu dhaqo, iyo in madaxda iyo maalqabeenku ay hantida ummadda si xun ugu tagrifalaan. Caddaaladda islaamkuna kama duwana caddaaladda diimaha iyo ummadaha kale, oo caddaalad waa caddaalad goor walba iyo meel kasta oo la joogo.  Ibnu Qayimna run buu sheegay markii uu yiri: “Meeshii kasta ee caddaalad laga helo baa sharciga Alle ka jiraa /أينما وجد العدل فثم شرع الله”.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com