Xiisaddii Aan Dhammaadka Lahayn!

 Dhawr iyo toban sanno ka hor ayaa la i keenay galaaskan, welina waa aan dhigtaa! Ardayda iiga sii horeysay galaaska, da’ kasta waa isugu jiraan; Carruur iyo Cirroole. Casharada la noo dhigaa cashar bay noo sii dhigaan ah in aanu fahmi wayno waxba ba, si aanaan u garan khaladaadka macalimiinta.

 Goobta, macallinka iyo ardaydu ba ma aha joogto; shalay halkaan  ku dhiganey waxa suuragal ah in aanan maanta ku dhigan; barihii noo dhigayey in uu isna meel kale tago ayaa dhici karta; iyo ardaydii aan xiisaddii hore wada dhiganayney lagama yaabo in aanu wada dhiganno xiisaddaa xiisadda ku xigta. Sidaas oo ay tahay, hadana ardayna xiisadi ma dhaafto oo galaasyada kale ayaa uu ka dhigtaa.  Ma fahantey?… xiisaddii shalay kawaran?… mid na lana ma weydiiyo, annakuna waxba ma su’aalno. Waanu baqanaynaa, maya waa lanaga bajiyaa! Bahda ayaa la naga saarey.

 

Xiisadaha la noo dhigayo ma laha Silibis oo maalin ba macalinka noo dhigaya ayaa waxa uu jecel yahay dhiga. Manhajkan in si ku talogal ah sidan loogu galay ayaa ay u dhawdahay marka aad eegto sida macalimiintu iskaga warhayso ee ay hadhaw iskaga warsadaan xiisadahooda.

 

Tusaale yar aan kuugu sheego sida maskaxdayada loogu ciyaaro: waxa bilawgii aanu fasalka ku cusbayn la noo dhigey “U qaybi” iyada oo aan tiradu sidii ay u qormaysay la noo dhigin. Maalinkii xigtey na “Jajabkii, dhufsane yarihii…” ayaa la na baray, tii ku xigteyna “1,2,3,4, 5…”. Galaaska su’aaluhu waa ka xaaraan, mid maqdac ah weliba! Waa la dhegaystaa oo keliya!

 

Muddadaa, sidaan sidaa ugu soo dhiganaynay, aakhirkii se aan waxyara bowsanney, ayaa waxa aanu soo gaadhney “Algebra-dii”. Aniga iyo malaha ardaydii kaleba, waxa aan aad uga heli jirney raadinta qiimaha “X iyo Y”. Inkastoo ay jirtay, illaa hadana jirto, la nooma ogolayn in aanu qiimaha “Y” helno, balse “X” waa la noo ogolaa. Haddii mid naga mid ah uu helo, oo la ogaado, waxa macalimiinta oo dhami ka galayaan xiisad-wadareed lagu burinayo jiritaanka qiimaha “Y” iyo in heliddeedu tahay denbi laga galay xisaabta!

Si la nooga ilaaliyo in aanu mardanbe jiritaanka iyo qiimaha “Y” raadinno ayaa la nagu celiyaa “Ku dar, Ka jar, Ku dhufo…”, annakuna waa aanu dhigannaa walaw aanu garanayno casharkan kuceliska ah. Waxa kale oo la joojiyay in xisaabta  “Algebra” la dhaafo. Waayo su’aalo badan oo madaxayaga ku wareegaya in aanu jawaab u helayno haddii “integration, deravative, index…” la noo dhigo ayaa ay sii ogyihiin, sidaas aawadeedna waa in kolba cashar la nagu celiyaa.

 

Intan haddii aad fahmi kari waydey, waxa aad ka mid tahay ardaydii ay rabeen macallimiintaasi in manhajkoodu soo saaro. Waa ay kugu farxayaan ee hore u gaadh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code