Xijaabku caado iyo cibaado waa kee?

Xijaabku wuxuu ka mid yahay mawduucyada doodaha badani ay ka taagan yihiin. Waayo Muslimiin badan ayaa waxay u haystaan in xijaabku yahay waajib diintu ay amartay, halka ummadaha dibeddu ay u arkaan in uu yahay astaan liddi ku ah isdhexgalka bulshada. Xasaasiyadda mawduucu leeyahayna waxaa dunida oo dhan si weyn looga dareemay ka dib markii dowladda Faransiisku ay soo saartay qaanuun mancinaya in astaamaha diimaha u taagan lagu xirto dugsiyada waxbarashada dhexdooda.

Badanaa dadku dhar xirashada waxay ka qaataan labo arrimood oo isbiirsaday, waxayna kala yihiin: nooca cimilada ka jirta deegaanka ay ku nool yihiin ( kulayl, qabow iyo dhexdhexaad midda ay tahay) iyo caadada (=dooqa iyo moodada) bulshada ay la nool yihiin. Isbeddelka cimilada ku dhaca oo waqti dheer qaata darteed saamaynta cimiladu dhar xirashada ku leedahay waqitaga dhow lama dareemo, laakiin waxaa la dareemaa saamaynta caadadu ay ku leedahay.

Arrinka saddexaad ee labadaas hore soo raacaa, waa in wadaaddada kala metala diimaha kala duwani ay leeyihiin noocyo kala duwan oo lebbis ah iyo qaabab ay u xirtaan, oo ay astaan uga dhigaan diinta ay metalyaan. Laakiin si ka horjeedda xaaladda wadaaddada, dadyowga diimaha kala duwan ku kala abtirsadaa uma kala dharxirasho geddisna sida ay diimahoodu u kala duwan yihiin.

Dadka taageera fikradda xijaabku waxay ku doodaan in xijaabku yahay waajib diintu fartay, la’aantiisna haweenayda Muslimka ahi aysan iimaan dhab ah yeelanayn. Dadkaas waxay la tahay in xijaabku yahay diin waxyi sheegay, laakiin dhab ahaantii xijaabku waa dhaqan taariikhda laga bartay.

Fikradda xijaabku waxay ku xiran tahay fikrad kale oo ah fikradda “Cawrada”. Xijaabka waxaa loogu baahdaa si loo qariyo wax loo aqoonsan yahay in uu yahay cawro ay waajib tahay in la asturo (= Erayga xijaab macnihiisu waa qarin). Si loogu guuleysto in haweenka lagu qanciyo in ay xijaab xirtaanna, waa in marka hore lagu qanciyaa in timahooda, wajigooda, indhahooda iyo guud ahaan jirkoodu uu yahay cawro loo baahan yahay in la qariyo. Tusaale ahaan, bishii Jannaayo ee sannadkii 2012, wadaaddada ka hawlgala “Hey’adda sama faridda iyo xumo reebidda” ee dalka Sacuudigu waxay soo saareen wareegto sheegaysa in ay khasab tahay in haweenku indhahooda qariyaan – siiba haweenka indhaha qurxoon ee ay raggu ku fidnoobayaan indhahooda.

Isla beryahaas, ayaa Shiikh Abuu Isxaaq al-Xuweyni oo ah wadaad Salafi ah oo u dhashay dalka Masar wuxuu meel fagaare ah kaga andacoodey in wejiga haweenku uu la mid yahay xubintooda taranka, wuxuuna yiri: “haweenayda wejigeeda muujisaa waxay ka dhigan tahay in ay qaawisey xubinteeda taranka!”. Arrinkaas oo buuq badan ka dhaliyey dalka Masar.

Fikradda cawradu waa fikrad dhaqanka bulshadu uu abuuro. Macnaha la siinayo cawrada iyo xadka ay leedahayna bulshooyinka adduunku weligood waa ku kala aragti duwanaayeen, oo wax bulsho cawro u taqaan ayaan bulsho kale sidaa u arkin, ama xataa waxaa dhacda in isla bulshadu wax ay xilli go’an cawro u taqiin aysan xilli kale cawro u aqoonsan.

Sida laga garan karo sheekooyinka ay ka midka tahay sheekada buugga Towreedka ku soo aroortay ee loo yaqaan “Samson iyo Delilah”[i], ummadihii hore ee dunida badankoodu waxay rumaysnaayeen in timuhu awood iyo saamayn badan leeyihiin, Sidaa awgeedna, waxay yaqaanneen dhaqan ah in timaha madaxa la asturo. Sidaa darteedna raggu waxay qaadan jireen koofiyad ama cimaamad ama walax la mid ah, dumarkuna waxay xiran jireen gambo. Tusaale ahaan, saxaaraha carabta oo kulaylka iyo habaas caan ku ah, ayna adag tahay in ruuxa joogaa uu madaxa bannaysto darteed, ragga carabtu islaamka ka hor waxay qaadan jireen cimaamad, haweenkooduna waxay xiran jireen gambo (=khimaar) marka madaxa la saaro ka dib ay garbaha gadaal uga raaricin jireen, arrinkaas oo keeni jirey in haweenayda luqunteeda iyo qayb ka mid ah laabteedu ay muuqdaan.

Dhanka kale, dhaqanka xijaabka haweenku waa mid kumanyaal sano Islaamka ka hor dunida laga yaqiin. Ummadihii adeegsan jireyna waxaa ka mid ah; Aashuuriyiintii, Baabiliyiintii, Masaaridii, Beershiyaankii, Hindidii, Yahuuddii, Giriiggii iyo qaar kale. Carabtuna ummadahaas bay ka qaateen fikradda xijaabka. Waxaana la rumaysan yahay in inta la ogyahay ay Ashuuridu ahaayeen ummaddii ugu horraysey ee haweenka xijaab u geliya, isla markaana maqabiyo ahaan guryaha ugu haya (= alxariim). Isla Ashuuriyiintu waxa yaqaanneen in xijaabka loo xiro haweenka xorta ah, weliba xijaabka waxaa si gaar ah u xiran jirey gabdhaha qoysaska ladan. Waxaana loo diidi jirey, oo lagala dagaallami jirey dumarka addoonta ah iyo kuwa jirkooda ka ganacsada. Taa awgeedna xijaabku wuxuu ahaa astaan lagu garto dabaqadaha bulshada midda haweenaydu ay ka tirsan tahay.

Dhaqankaasna carabtu waagii danbe waxay ka qaateen ummadihii ay deriska ahaayeen, gaar ahaan Yahuudda oo deegaanno magaalada Madiino ay ka mid ahayd ay deris ku ahaayeen, isi-saamayn culus oo dhanka dhaqanka ahna ay wadaageen. Guud ahaanna, dumarka carabtii islaamka ka horreeyey waxay xiran jireen dhar asturan, oo ugu badnaa jirkooda waxaa ka muuqan jirey wejiga, dhegaha, luqunta, wax yar oo laabta ah, gacmaha inta jinjimaha lagu qaato iyo cagaha ilaa anqawga laga gaarayo. Asturka dumarkana waxay u heysteen astaan tusisa dhaladnimada gabadha.

Kolkii islaamku uu yimid qarnigii 7-aad ee miilaadigana, ma uusan ahayn mid taariikhda iyo duruufaha jira iska indho-tiri kara, sidaa darteedna waxaan arkaynaa in arrimaha dhaqan-dhaqaale ee haweenka la xiriira –marka lagu daro arrinka xijaabka- uu iska taagey mowqif aan si buuxda uga hor imaanayn caqligii iyo duruufihii bulshadii uu u yimid. Tusaale ahaan, saxaabadii rasuulka ee casrigii jaahiliyadda soo gaarey waxay u hasyteen in indho-shareerku uu yahay calaamad lagu garto sharafta iyo dhaladnimada gabadha. Waxaana la wariyaa in Cumar bin Khaddaab iyo Cumar bin Cabdicasiis labaduba ay diidi jireen in dumarka addoonta ahi ay wajigooda qariyaan. Weliba waxaa la wariyaa in Cumar bin Khadaab (RC) uu ulayn jirey gabdhaha addoonta ah haddii ay xijaab xirtaan. Jirka gabadha addoonta ah iyo midda jirkeeda ka ganacsata waa jir la wadaago, sidaa darteed in la qariyo uma baahna, waayo waxa la wadaago ee loo siman yahay yaa laga qarinayaa? Aayadda quraanka ah qudheeda ayaana laga fahmayaa in sababta ay ku soo degtay ay ahayd si aan dumarka muslimiinta ee xorta ah ee magaalada bannaankeeda u kortagaya aan  ragga ardaallada ahi u dhibin, inta u maleeyaan in ay tahay addoon ama kuwa jirkooda ka ganacsada oo iyaga cid waliba gacanta u haatiso (Akhristow waayadaan reer Madiino ma aqoon in guryaha dhexdooda suuliyo ama musqulo laga qodo, waxayna u baahnaayeen in rag iyo dumarba ay magaalada bannaankeeda u kor tagaan).

Meesha qura ee erayga “xijaab” quraanka looga xusay waa aayadaha 53-aad ee  suuradda Al-Axsaab, oo oranaysa sidatan:

“ Kuwa (=xaqa) rumeeyow ha gelina guryaha Nebiga in cunno la idinku yeero mooyee, idinka oo aan sugayn bislaadkeeda, hayeeshee marka la idiin yeero gala, markaad cuntaanna socda, hana sugina sheeko, illeen taasi waxay dhibi Nebiga wuuna idinka xishoone, Eebbase xaqa kama xishoodo, haddaad wax weydiisaan haweenka (Nebiga) ka weydiiya xijaab gadaashiis, sidaas baa u daahirnimo badan quluubtiinna iyo quluubtoodaba, xaqna uma lihidin in aad dhibtaan Rasuulka Alle ama aad guursataan haweenkiisa gadaashiis weligeed, arrintaasina waa ku weyn tahay Eebbe agtiis /ياأيها الذين آمنوا لا تدخلوا بيوت النبي إلا أن يؤذن لكم إلى طعام غير ناظرين إناه ولكن إذا دعيتم فادخلوا فإذا طعمتم فانتشروا ولا مستأنسين لحديث إن ذلكم كان يؤذي النبي فيستحيي منكم والله لا يستحيي من الحق وإذا سألتموهن متاعا فاسألوهن من وراء حجاب ذلكم أطهر لقلوبكم وقلوبهن وما كان لكم أن تؤذوا رسول الله ولا أن تنكحوا أزواجه من بعده أبدا إن ذلكم كان عند الله عظيما”

Sida muuqatana, xijaabka halkaan aayaddu ka hadlayso lagama wado dhar la xirto, balse halkaan macnaha xijaabku waa “daah”, waayo aayaddu waxay ka hadlaysaa guryaha nebiga (scw) waxayna la hadlaysaa saxaabadii nebiga oo ay barayso edebta laga doonayo martida, siiba martida  guryaha nebiga imaanaya. Aayaddu waxay faraysaa in daah loo dhexaysiiyo haweenka nebiga u dhaxa iyo ragga martida ah ee guryaha nebiga imaanaya. Guud ahaanna, aayadda waxaa lagu xusay saddex qodob oo kala ah;

1- Hab-dhaqanka looga baahan yahay ragga martida ah ee guryaha nebiga imaanaya

2- In daah loo dhexaysiiyo haweenka nebiga iyo ragga guryaha ugu imaanaya

3- In haweenka nebiga aan rag kale guursan karin nebiga ka dib.

Aayadduna xaaladdaas bay ku gaartahay, oo waa mudnaan si gaar ah loo siiyey nebiga, waxaana la oran karaa waa mudnaan u dhiganta midda la siiyo qoysaska reer boqor iyo madaxda qaranka xilalka waaweyn u haya.

Dhanka kale, quraanka labo meel ayaa arrinka asturka si cad loogu xusay, waxayna kala yihiin aayadda 31-aad ee suuradda An-Nuur oo oranaysa: “Waxaad ku dhahdaa (=haweenka) mu’minaadka ah ha laabeen indhahooda, hana dhowreen xubintooda taranka, yaysanna muujin quruxdooda inta muuqata mooyee, ganbadoodana xabadka ha ka raariciyeen/ وقل للمؤمنات يغضضن من أبصارهن ويحفظن فروجهن ولا يبدين زينتهن إلا ما ظهر منها وليضربن بخمرهن على جيوبهن” iyo aayadda 59-aad ee suuradda al-Axsaab oo oranaysa: “Nebiyow ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta isku astura jilbaabkiinna, taas baa idiinku dhow in la idin garto oo aan la idin dhibine/ ياأيها النبي قل لأزواجك وبناتك ونساء المؤمنين يدنين عليهن من جلابيبهن ذلك أدنى أن يعرفن فلا يؤذين

Halkaan aayaddu waxay ka hadlaysaa maro ballaaran oo si buuxda u asturaysa haweenayda saxaraha u kor tagaysa, waxayna lahayd duruuf gaar ah oo ay ku soo degtay, oo culumada tafsiirku waxay isku waafaqsan yihiin in ay ku soo degtay haweenkii reer Madiino oo marka ay magaalada dibaddeeda u kor tagaan ay barbaartu khashkhashaadi jireen, iyaga oo ku khaldaya haweenka addoonta ah iyo kuwa jirkooda laga ganacsado oo iyaga faduulintooda aan bulshadu dhib weyn u arki jirin.

Macnaha dhabta ah ee xijaabka la siinayana culumada islaamku tan iyo taariikh aad u durugsan waa ku kala aragti duwan yihiin, oo qaarkood waxay ku qeexaan in xijaabka la faray uu yahay in haweenka xorta ahi ay qariyaan jirkooda oo idil, halka qaar kale ay ku macneeyeen inuu yahay in ay qariyaan laabtooda. Sababta khilaafka dhalisayna waa macnaha la siinayo erayada carabiga ah ee aayadaha ku soo arooray. Tusaale ahaan, erayga “Jilbaab” oo macnaha aayadda la siinayo dhextaal u ah, dhowr macne oo aad u kala duwan ayaa la siiyey, oo culumda qaar waxay ku macneeyeen in loola jeedo gambo ama malkhamad, qaar kalena waxay ku macneeyeen garbasaar, qaar kalena waxay yiraahdeen waa maro ganbada ka weyn garbasaartana ka yar, kuwo kalena waxay ku sheegeen in uu yahay marada qarisa jirka haweenayda oo dhan, kuwo kalena jilbaabka waxay ku macneeyeen in uu yahay maro kasta oo haweenku dusha saartaan. Hayeeshee muddooyinkii danbe waxaa faafay macnaha ah in jilbaabku yahay “marada asturta dhammaan jirka haweenayda, oo asal ahaan al-Qurdubi uu ku xusay buuggiisa Axkaam al-quraan

Taariikhda bulshada ee Muslimiintu waxay noo sheegaysaa in dhaqanka qarinta wejiga dumarka iyo in dumarka guryaha maqabiyo ahaan  loogu hayo  ay muslimiintu bartaan sebenkii dowladdii Cabbaasida, laakiin wixii intaa ka horreeyey muslimiinta badankoodu aysan aqoon weji la qariyo iyo haween maqabiyo ah. Sebenkaan waxaa aad u kordhay dhaqaalaha yiil magaalooyinka waaweyn ee dunida Islaamka (Baqdaad, Basra, Dimishiq, Maka, Madiina,,,,,,), arrinkaas oo qaybo badan oo bulshada ka mid ah fursad u siiyey in ay ka maarmaan shaqada haweenka, oo ay waxsoosaarkooda ku soo koobaan dhanka taranka oo keliya.

Teeda kale, hantidii badnayd waxay dhalisay in qaybo badan oo bulshada ka mid ahi ay u leexdaan nolosha dabacsan ee raaxada iyo tumashada wadata, waxaana faafay dhaqamo badan oo xun-xun. Arrinkaas oo markiisa keenay in bulshada qaybaheeda muxaafidka ah –oo ay wadaaddadu ugu horreeyaan- uu buufis ku dhaco. Waana xilligaan marka ay baahdey sheekada tiraahda: “indhaha haweenku labo jeer bay iftiin arkaan, marka ay ka baxayso guriga reerkooda ee loo gelbinayo guriga ninkeeda, iyo marka laga qaadayo guriga ninkeeda ee qabriga loo wado.”

Xilligaan ka hor haweenka carabtu waxay ahaayeen kuwo ragga martida ah guryahooda ku soora, laakiin wixii xilligaan ka danbeeyey waxaa loo sameeyey dalool yar oo albaabka guriga ku yaal oo ay ragga ka eegaan, kalana hadlaan. Sebenkii nebiga iyo saxaabadiisa ragga iyo haweenku suuqa iyo waddooyinka ayay ku kulmi jireen, iskuna salaami jireen, waxna isku weydiin jireen, balse waagaan ka dib in lab iyo dheddig salaan iska qaadaan xaaraan maqdhac ah bay noqotay. Inanka iyo inanta shukaansi ka dhexeeyo in ay is arkaan wax dhib ah looma arki jirin, laakiin waagaan ka dib waxaa bilowday in inanta oo indho shareeran habeenka aqal-galka wiilka qolka jiifka loogu geliyo. Guud ahaan, qaar badan oo ka mid ah dadka u dhuundaloola taariikhda bulshada carabtu waxay rumaysan yihiin in Islaamka ka hor dumarka carabtu ay xorriyad badan haysteen, laakiin xuquuqdu ku yarayd, balse si taa ka duwan islaamka ka dib dumarka xorriyaddoodii ay yaraatay laakiin xuquuqdoodii ay korodhay.

Sidoo kale, taariikhda Islaamka badankeeda xijaabku wuxuu ahaa dhaqan ku kooban haweenka magaalada, siiba dabaqadda ladan ee carabtu haweenkooda ugu yeeraan magaca “Barqo seexato/نؤمة الضحئ”. Barqo seexato waa haweenayda ka dhalatay ama u dhaxda qoys ladan oo haysata dad u adeega, maxaa yeelay bulshada Carabta oo badankoodu nolol adag la harjadayey, haweenkoodu ma heli karin fursad ay goor barqo ah ku seexdaan. Deegaannada miyiga iyo tuulooyinkana xijaabka macnaha maanta loo yaqaan lagama aqoon, laakiin dumarku waxay ku lebbisan jireen dhar astur leh. Faafidda xijaabka teendhada ah ee waa danbe Khaliijka laga bartayna batroolka kama horrayn.

Akhristow bal waxaad sawirtaa iyada oo haweenkii Soomaaliyeed ee boqol sano ka hor miyiga ku dhaqnaa la dhihi lahaa waa in ay xirtaan xijaab u eg midka ay hadda xirtaan haweenka Soomaaliyeed ee magaalooyinka ku nooli. Ma kula tahay in fikraddaasi Soomaaliya boqol sano ka hor ay ka shaqayn lahayd?

Waxaa lagu doodaa in sababta haweenka xijaabka loo faray ay tahay si quruxdooda indhaha ragga looga qariyo, laakiin dhab ahaantii haddii xaalku sidaa yahay bulshadii Carabta ee quraanku ku soo degay iyo boqollaalkii sano ee ka danbeeyey, waxaa xijaabka la fari lahaa dumarka addoonta ah halka laga faray dumarka xorta ah, waayo waayadaas dumarka addoonta ah ayaa ka qurux badnaa, kana cusbur iyo cillaansi badnaa dumarka carbeed ee xorta ah. Maxaa yeelay dumarka addoonta ahi waxay u badnaayeen kuwo laga keeno dhulal Jasiiradda Carabta ka baxsan, oo dumarkoodu ka ilbaxsanaayeen, kana aqoon badnaayeen kuwa Carabta, isla markaana gabdhahaas addoonta ah iyo kuwa jirkooda laga ganacsadaba waxaa la bari jirey fanka soo jiidashada ragga (= The art of seduction), sida is qurxinta, isa suuraynta, ciyaaraha, heesaha, muusigga,….iwm.

Weydiin muhiim ah oo u baahan in la isweydiiyaa waxay tahay: xijaabku ma haweenka ayuu ragga ka ilaaliya mise ragga ayuu haweenka ka ilaaliyaa? Midkee buu kan kale ka ilaaliyaa? Marar badan waxaa lagu andacoodaa in haweenku yihiin kuwa tabarta daran, ee anshaxa xun, ee qooqa badan ee loo baahan yahay in la ilaaliyo. Xaqiiqada jirtaase waxay tahay in cidda tabarta daran, ee basarka xumi ay tahay ragga aan awoodin in ay naftooda xakameeyaan. Tabar darridaas ragga baana keentay in haweenka wejiga loo qariyo, indhahana la tiro, caqligana laga awdo. Ujeeddada dhabta ah ee xijaabka loogu baahday waa in ragga laga ilaaliyo fidnada dumarka. Miyeysan Xaawo ahayn middii duufsatay Aadan ee ku qalqaalisay in uu cuno geedkii Alle ka xarrimay, falkaa dartiina aan labadoodaba jannada looga soo raacdayn.

Sheeko xariirta Tawreedku waxay sheegaysaa in haweenku yihiin aaladda sheydaanku u adeegsado baadiyeynta ragga, sidaana ragga waxay uga dhigaysaa in ay yihiin “aadami”, haweenkana waxay u sawiraysaa in ay yihiin qaybta qalloocan ee aadamigaas, oo had iyo goor u baahan cid toosisa qalloocooda. Waxaana xusid mudan in quraanka kariimku uusan noo sheegin in Xaawo ahayd midda duufsatay Aadam iyo in haweenka feer qalloocan laga uumay toona. Sidaas oo ay tahay, haddana muslimiintu –rag iyo dumar- meel ay joogaanba waa rumaysan yihiin sheeko xariita Towreedka, taana waxaa ugu wacan wadaaddada Islaamka oo sheekadaas si weyn Muslimiinta ugu dhex faafiyey.

Midda kale, inkasta oo xijaabka la la xiriiriyo xishoodka iyo dhawrsiga, haddana marag looma hayo in bulshooyinka haweenkoodu ay xijaabka xirtaan uu dhawrsigu uga badan yahay kuwa aysan xiran. Waxaana lagu dooday in xijaabka qudhiisu uu ragga qaar dareenkooda shido, oo ay jeclaystaan in ay ka war doonaan jirkaan baas ee laga qariyey. Gabyaagii Carbeed ee afareyda ku tuuray gabadhii garbasaarta madow xiratayna waa kii ku lahaa: Naa lagu qaadye, Awliyada masaajidda ha ka didin, ajarka salaadda iyo soonkana ha u qoonsan!!!

Guud ahaan, xijaabku waa dhaqan tan iyo taariikh aad u durgsan- oo diimaha dunida badankooda ka horraysey- ay ummado badan yaqaanneen, laakiin dunida Islaamka badankeeda – marka lagu daro Soomaalida- dhanka Carabta ka soo galay.

Dhulmareennadii muslimiintu marar badan qoraalladooda waxay ku xuseen in dhulalkii ay booqdeen qaarkood oo ay ku jiraan kuwo ay muslimiin ku nool yihiin, aan laga aqoon xijaabka. Tusaale ahaan, dhulmareenkii Marookaanka ahaa ee Ibnu Batuuta buugga uu ka qoray socdaalkiisa marka uu ka hadlayo socdaalkii uu ku tagay Maaldiif wuxuu sheegay in haweenkoodu aysan xijaab iyo astur toona aqoon, uuna aad ugu dhibtooday sidii uu xijaabka ku bari lahaa, laakiin uu ka quustay. Ugu danbayntiina uu ku kaaftoomay in kuwa maxkamadda ugu imaanaya uu ku khasbo in inta ay isaga la joogaan ay is asturaan.

Isku soo duuboo, Islaamku xijaab kuma waajibin haweenka, balse wadaaddada ayaa Islaamka xijaab ku waajibiyey, oo ka dhigay dhar Islaamku leeyahay oo isaga iyo salaaddaba ka tegiddooda lagu gaaloobo.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com

[i] Sheeko xariirtaan loo yaqaan Samson iyo Daliilah oo Hollywoodku filmaan ka sameeyey, waxay ku saabsan tahay loollanka soo jireenka ah ee u dhexeeya Falastiinida iyo Israa’iilida. Sheekada oo lagu xusay kitaabka Towreedka, lagana dhigo in ay ka dhacday magaalada Gasa, waxay ka warramaysaa jacayl dhexmaray Samson oo ahaa wiil Yahuudi ah iyo Daliila oo ahayd gabar Falastiiniyad ah, waxaana loo wariyey sidatan:

Samson hooyadiis ka hor intii aysan isaga uurkiisa qaadin waxay ahaan jirey ma dhalays, Laakiin Alle ayaa wuxuu u sheegay in ay dhali doonto wiil Yahuudda ka xorreeya dulliga iyo gumeysiga ay Falastiinidu ku hayaan. Dabadeed kolkii ay uurkiisa yeelatay, oo ay dhashay waxay u bixisay Samson, wuxuuna noqday wiil Alle ugu deeqay itaal aan wax loodin kara dunida lagu arag, wuxuuna bilaabay in uu laayo Falastiinida, beerahana ka gubo, xoolahana ka dhaco.

Samson wuxuu degay magaalada Gasa, wuxuuna ku bartay gabar Falastiiniyad ah oo la yiraahdo Daliilah, oo uu jeclaaday, isla markaana guursadey, inkasta oo labadiisa waalid aysan guurka Daliila raalli ka ahayn. Hase ahaatee, Falastiinidu waxay Daliila ku qanciyeen in ay kala shaqayso sidii ay ku ogaan lahaayeen sirta awoodda Samson. Daliilana jacaylkii waa khayaantay, oo kaaga daranta beeso ayay dhaafsatay. Muddo ka dib, Daliila waxay ogaatey in sirta itaalka Samson ay ku jirto timihiisa. Kolkii ay sirtaas reer tolkeed la wadaagteyna, waxaa lagu tashaday in Samson inta uu hurdo ay Daliila timaha ka jarto, dabadeedna ay u baaqdo Falastiinida si ay u qabtaan. Daliila waxay ku guulaysatey in Samson oo dhabteeda ku hurda ay timaha ka jarto, raggiina u baaqdo. Samsonna waxaa la isugu daray garaac, il laga ridey iyo silsilad lagu katiinadeeyey. Intaa ka dib, Falastiinidii waxay u qaateen in ay ka xoroobeen dagaalkii iyo dhibkii uu ku hayey, wayna isdhigteen. Nasiib wanaag, timihii ayaa u soo baxay, waxaana u soo noqotay awooddii, wuxuuna u tagey Falastiinidii oo iyaga oo tiradoodu ka badan tahay saddex kun oo ruux,  macbadka ku xusaya Ilaaha qamadiga ee Dagon. Dabadeed, Samson wuxuu dumiyey macbadkii isaga oo ku qaylinaya “Aniga iyo cadowgeygaba ha nagu dunto!!!”.

Sida aan ognahayna,  tan iyo maanta xaawaleydu marka ay dagaallamaan ee ay isku  duufaan/boodaan, mid waliba waxay ku taantaa in ay mar gacanta la hesho tan kale timaheeda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code