Yaa sumeeyey hilibka culumada?

Yaa sumeeyey hilibka culumada?

Sheekaa waxay tiraahdaa: Nin faras la haadaya oo u muuqda in uu tiigsanayo meel uu dano muhiim ah ka leeyahay oo uu ka daahay, baa wuxuu soo ag maray nin waddada qarkeeda taagan. Ninkii baa markaas cod dheer wuxuu ku weydiiyey: halkee baad ku degdegaysaa? Ninkii faraska la haadayeyna isaga oo weli faraskii la xiimaya ayuu wuxuu ku qayliyey: “Ma garanayo, ee faraska weydii.”

Ninka faraska ku taagani wuxuu matalayaa habdhaqanka aadamiga dunida ku nool badankooda. Badankayagu waxaan ku hadalnaa ama samaynaa wax aynaan aqoon macnaha ay leeyihiin iyo maslaxadda ku jirta. Waxaan iska qaadanaa waxa waalidka, deriska, macallinka, wadaadka, warbaahinta iyo guud ahaan bulshadu noo sheegaan, annaga oo aan isweydiin waxa run ka ah iyo waxa aan ahayn. Waxa aan ku hadlayno iyo waxa aan qabanayno badankoodu ma aha wax ka fiirsi ka dib naga soo fula, laakiin waa wax aan ka maqalnay ama aan ka aragnay duul kale.

 

Weeraha la yaabka leh ee Muslimiintu isaga hadaaqaan waxaa ka mid ah weedha tiraahda “Hilibka culumadu waa sumaysan yahay /لحوم العلماء مسمومة”. Waa oraah si joogto ah loo adeegsado iyada oo aan cidi isweydiin sidii ay ku baxday iyo nuxurka farriinta ay gudbinayso toona.

Oraahdaan waxaa si ballaaran loogu adeegsadaa in lagu afjigo qof kasta oo isku dayi lahaa in uu si dhiirran wadaad wax u weydiiyo ama gef wadaad galay uu farta ku fiiqo. Waa oraah xanbaarsan cabsi gelin weyn. Waayo? Ma jirto cid ku dhacda in ay ruddo hilib sumaysan, oo weliba Alle sumeeyey, kaaga darantana ceeriin -sababta oo ah lama sheegin meel hilibka culumada lagu bisleeyey.

Culumada haddii dhiiggoodu sumaysan yahay mar hore bay dhiman lahaayeen. Waxa sumaysani ma aha dhiigga culumada, laakiin waa fekerkooda muddada kunka sano ah aan isbeddelka arkin ee sida biyaha fadhiya u qurmay.

Dadka badankoodu oraahdaan si fudud bay ku liqaan, taana waxaa ugu wacan in ay u haystaan in ay tahay hadal nebi yiri, laakiin oraahdu xadiis ma aha, nebina shaqo kuma laha. Oraahda asal ahaan waxaa yiri aqoonyahan Suuriyaan ahaa oo la oran jirey “Abu Qaasim ibn Casaakir al-Dimishiqi” (499-571H/1105-1176), laakiin waa danbe ayaa la allifey sheeko isku xiraysa oraahda Ibnu Casaakir iyo nebiga (scw).

Taariikhyahan Turki ahaa oo la oran jirey Axmed Mustaf, kuna magac dheeraa ‘Taashkubra Saadah’ (901-968H/1495-1561) ayaa wuxuu qoray in wadaad lagu magacaabi jirey ‘Yacquub al-Karmaani’ uu riyo ku arkay nebiga, uuna ku yiri: “Rasuulkii Allow waxaa lagaa sheegay in aad tiri: hilibka culumadu waa sun, ruuxii uriyaa waa jirradaa, kii cunaana waa dhintaa, ee sidaa ma tiri? Rasuulkuna wuxuu yiri: Hilibka culumadu waa sumaysan yahay /إن يعقوب الكرماني رأى فى المنام رسول الله، فقال يا رسول الله نقل عنك أنك قلت لحوم العلماء سموم، من شمها مرض، ومن أكلها مات، أهكذا قلت؟ فقال الرسول: لحوم العلماء مسمومة”. Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: ummad dhan oo tiro ahaan ka badan afar meeloodow meel dadka dunida ku dhaqan ma mudan tahay in riyo diin looga dhigo, dabadeedna lagu dhaqo?

Sidaan soo tilmaannay oraahdu xadiis ma aha ee waa hadal uu yiri ninkaas lagu magacaabo ‘Abuu Qaasim ibn Casaakir’. Ibnu Casaakir isaga oo difaacaya Shiikh Abuu Xasan al-Ashcari – oo ah ninka loogu magac daray mad-habta Ashcariyada ee Muslimiinta sunnada ah badankoodu ay dhanka caqiidada ku abtirsadaan, balse Salafiyadu ay neceb yihiin- ayuu buuggiisa “Caddaynta been-abuuradka loo tiiriyey al-Imaam Abi Xasan al-Ashcari /تبيين كذب المفتري فيما نسب إلى الإمام أبي حسن الأشعري” wuxuu ku yiri sidatan:

“واعلم يا أخي وفقنا الله وإياك لمرضاته وجعلنا ممن يخشاه ويتقيه حق تقاته، أن لحوم العلماء رحمة الله عليهم مسمومة، وعادة الله في هتك أستار منتقصيهم معلومة، لأن الوقيعة فيهم بماهم منه براء أمره عظيم، والتناول لأعراضهم بالزور والافتراء مرتع وخيم… والارتكاب لنهي النبي صلى الله عليه وسلم عن الاغتياب وسبّ الأموات جسيم، فليحذر الذين يخالفون عن أمره أن تصيبهم فتنة أو يصيبهم عذاب أليم”.

Sida hadalka shiikha ku cad oraahda uma uusan adeegsan macne la mid ah midka hadda loo adeegsado ee ah in doodaha looga hortago, dadkana lagu cabburiyo. Laakiin wuxuu u adeegsaday si uu u muujiyo in aysan bannaanayn in culumada shakhsiyaddooda meel looga dhaco, iyada oo lagu been-abuuranayo, oo wax aysan oran ama aysan samayn lagu masabbidanayo. Taasina waa arrin dadka inta garaadka iyo damiirka leh oo dhammi ay isla oggol yihiin, oo ma jirto cid qiil u heli karta in shakhsiyadda qof bani’aadam ah gardarro wax loogu dhimo, laakiin shakhsiga iyo fikraduhu waa labo shey oo kala duwan, oo aan loo baahnayn in la isku khaldo.

Waxaa taa dheer, in wadaaddada maanta adeegsada oraahdu ay u badan yihiin wadaaddada Salafiga, oo isku difaaca. Sida la ogyahana wadaaddada Salafigu waa kuwa ugu badan ee dhaleeceeya dugsiga Ibnu Casaakir uu ku abtirsan jirey ee Ashaacirada. Salafiyadu Ibnu Casaakir iyo idil ahaan dadka ku abtirsada mad-habka Ashaacirada waxay ku sheegaan in ay yihiin bidcooley dhunsan oo sunnada nebiga khilaafay. Ibn Casaakir kolka uu hilibka culumada sunta ku sheegayna cidda uu culumada ka difaacayey waxaa u horreeyey raggii waagaas Ahlu-xadiiska sheegan jirey, haddana Salafiyada sheegta oo markaas ay isaga is hayeen, uuna ku tilmaamay in ay yihiin waxmagarad xaabo-qaad ah (=الحشوية الأوباش الرعاع). Marka waxaa habboon in wadaaddada Salafigu ay kala daayaan cayda Ashaacirada iyo in ay jeclaystaan iskuna difaacaan doodihii Ashaacirada, mise waxay ku dhaqmayaan sheekadii Abuu Hureyra iyo Ibliiska ee ahayd: “Run buu kuu sheegay been badanuhu /صدقك وهو كذوب”. Haddii ay sidaa la tahay, ha ogaadeen in iyagana ay ku rumoobayso sheeko Soomaalida tiraahda: Wadaadow kala daa gorgor shinbir ku sheegga iyo sidaan sarar u saafidda!

Shiikha oraahda bixiyey ma qeexin cidda uu ka wado culumada hilibkoodu sumaysan yahay, waxaase la qiyaasi karaa in uu ka wado wadaaddada diinta bartay, waayo? Guud ahaan, wadaaddadu cilmi waxay u yaqaannaan diinta iyo culuumta kale ee diinta u adeegta sida afka Carabiga iyo wixii la mid ah oo keliya. Had iyo goor, wadaaddada Muslimiinta ahi marka ay adeegsadaan erayada cilmi iyo culumo caadi ahaan waxay ulajeedaan diinta iyo wadaaddada diinta bartay, maxaa yeelay aqoonta kale oo dhan cilmi uma aqoonsana, waxayna u arkaan aqoon liidata oo aan loo baahnayn in lagu sheego cilmi iyo in lagu dhereriyo diinta.

Dhibka haysta dunida Islaamka xooggiisu wuxuu ka dhashay isbahaysi aan barakaysnayn oo tan iyo taariikh fog dhexmaray labo qolo oo kala ah madaxda dowladda iyo wadaaddada diinta oo labaduba sheegta in wax ka sheeggoodu uu yahay xaaraan lagu denbaabayo. Isbahaysigaan oo midba kan kale xoojiyo, wadaaddadu waxay fatwoodaan in ay waajib tahay in la addeeco madaxda dowladda, ayna xaaraan tahay in la mucaarado xataa haddii ay na dilaan, xoolahana naga dhacaan (=تسمع وتطيع للأمير وإن ضرب ظهرك وأخذ مالك، فاسمع وأطع), madaxda dowladduna dhankooda waxay ku andacoodaan in hilibka wadaaddada danahooda taageera uu sumaysan yahay, oo ay xaaraan tahay in fatwadooda iyo fikirkooda wax laga sheego. Waxaana xusid mudan in hilibka culumada aan dowladda taageerin uusan sumaysnayn oo dowladdu sida ay doonto ay u ciqaabi karto –cabburin, xarig, jirdil, dil. Isbahaysigaani waa kan curyaamiyey Muslimiinta ee xorriyadda iyo horumarka u diiday, cid kasta oo Islaamka iyo Muslimiinta wanaag iyo horumar la jecelna waxaa la gudboon in ay toosh ku ifiso isbahaysigaan xaaraanta ku dhisan ee dad, dal iyo diinna midna aan dantu ugu jirin.

Rumaynta oraahdaan waxaa ka dhalanaya arrimo badan oo khatar ah, oo ay ka mid yihiin;

Kow: wadaaddadu ma gafaan, loomana baahna in la saxo haddii ay qalad ku hadlaan ama sameeyaan. Taasina ma ah arrin uu aqbali karo qof wuxuun garasho ah lihi, maxaa yeelay haddii fikraddaas la qaato wadaaddadu waxay noqonayaan sidii nebi qalad ka nasahan, hadalkooda iyo ficilkooduna waxay noqonayaan diin quraanka la mid ah.

Labo: kolka hilibka culumada si gaar ah loo difaaco, dadku waxay u qaadanayaan in dadka kale xantooda iyo wax ka sheeggoodu ay yihiin xalaal malabka ka macaan! Taasina waa fikrad waalli ah, waayo? Haddii ay noqoto in culumada iyo caamada midkood wax laga sheego, waxaa wax ka sheegga ku horraynaya culumada, maxaa yeelay iyaga ayaa fagaaraha is keenay, oo ummuraha bulshada shanta la galay. Soomaaliduna waa tan tiraahda: “Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.” Hilibka culumadu kama duwana hilibka xammaaliga, hilibka hiliblaha, hilibka geeljiraha, hilibka gabdhaha iyo guud ahaan hilibka qaybaha kala duwan ee bulshada. Marka, ikhyaareey hilibka dadka oo dhan ha la iska xarrimo, haddiise ay lagama-maarmaan noqoto in qaar la cuno,  ha la cuno kan siyaasiyiinta, wadaaddada iyo idil ahaan inta dadka hortooda is keena (=public figures).

Isku soo duuboo, ruux kasta oo bani’aadam ahi wuxuu leeyahay dhiig iyo sharaf dhawran, oo aysan bannaanayn in marna lagu xadgudbo, wadaaddaduna taas dadka oo dhan bay kala siman yihiin, oo sina dhiiggooda iyo sharaftooda looguma xadgudbi karo, waxna loogama sheegi karo, laakiin afkaartu taas waa ka duwan tahay oo qof fikraddiisu muqaddas tahay ma jiro, wadaad iyo waranle kuu doono ha ahaadee.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com