Xagga barataye bal xaggana baro: Geela Carabta iyo Lo’da Hindida kee baa ku leh?

Haddii la damco in aadamiga hal sifo oo qura lagu tilmaamo, sifada ugu habboon ee ay tahay in lagu sheegaa, waa in uu yahay “Noole diin leh oo wax caabuda”. Aadamigu markii uu garaadsaday wuxuu dareemay in uu leeyahay cadow badan oo welwel iyo baqdin ku abuuray, sida; col, cudur, gaajo, gabow, geeri iyo qaar kale. Wuxuuna ku qancay in uusan lahayn awood uu isaga difaaco cadowgaas faraha badan ee gabowga iyo geeridu ugu culus yihiin. Aqoonyahanno badan oo kuwa bulshada iyo aadami-baarku (=Anthropologists and Sociologists) ay ugu horreeyaan waxay isweydiiyaan su’aasha ah: Alle iyo aadamiga kee baa kan kale uumay oo jiritaankiisu horreeyey? Qaar culumadaas ka mid ahina waxay qabaan in aadamigu yahay kan Alle abuura, jacaylka nolosha adduunyada iyo baqdinta laga qabo geeriduna ay yihiin kuwa keenay barashada fikradda Abuuraha weyn iyo curashada diimaha kala duwan.

Qomada oo dhamaystiran halkaan ka dheego ayadoo PDF ah

 

Xagga barataye bal xaggana baro .

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code