Bixidda Amisom iyo kulanka Ictisaam

Amisom waxa ay isu diyaarinayaan in ay dalka ka baxaan. Ka bixiddaasi waa dhacdo weyn oo is badallo waaweyn ka dhalanayaan. Marka la eego awoodda Alshabaab ee sii liicaysa iyo cududda ciidanka dowladda ee ciidda taalla, waxaa soo baxaya firaaq ballaaran oo si taban  looga faaiidaysan karo. koox walba oo dano shisheeye, mid kooxeed, tu diineed iyo mid reereed xambaarsaniba waa xilli ay suuragal ka dhigi karaan damacooda.
Shirka Ictisaam ee Kimaayo wax uu ku soo beegmay xilligaa xasiisaga ah. In dadku isha ku hayaan oo suaalo badan iska waydiiyaanna waa feejignaan weyn oo bulsheed. Kaliya in kismaayo noqoto xulashada goobtii u horraysay ee koonfur ku taalla ee ay isugu yimaaddaan ayaa suaalo waaweyn dhalinaysa. Kismaayo wax ay gacanta ugu jirtaa amiir xigeenkii u horreeyay ee Alshabaab Axmed Madoobe oo lix sano ka hor awood shisheeye kula wareegay magaalada. Axmed waa xubin sare oo Ictisaam ah, waana wadaad siyaasi ah oo aragti ahaan iyo siyaasad ahaan aad uga duwan siyaasiyiinta saaxadda kula jira.
Burburka siyaasadeed iyo bulsheed ee dalka ka dhacay wax uu meesha ka saaray is aaminaaddii, taa oo gaarsiisan heer in wax la wada yeesho aan kalsooni badan lagu qabin. Dagaal diimeedyada, halaagga Shabaab iyo foolxumada magaca diineed lagu gaystay wax uu meesha ka saaray kalsoonida lagu qabay Wadaadka Soomaaliga ah. Kala shakigaa ayaa keenaya xasillooni darrada siyaasadeed ee muddada dheer jirta, taana waxaa ka dhashay fowdo iyo xasillooni darro ammaan. Suuragal maaha in iyada oo aan siyaasaddu saldhigan amnigu saldhigto oo nabad la ahaado. Waa mushkiladda haysata dowladihii hore iyo ta maanta joogta, waayo badqab jireed ayay raadinayaan iyada oo uu maqan yahay badqabkii nafsadeed.
Bixidda Amisom wax ay dib u soo celinaysaa xaaladdii jirtay markay imaanayeen, waayo ma jiro wax baajinaya in ay sidaasi dhacdo. Laba amuurood ayaa Amisom dabadeed imaan doona, waa Alshabaab oo dib isu habaysa dalkana la wareegta iyo mid taa fashilkeeda ka dhalanaysa oo ah in dib loogu laabto dagaalladii qabaailka ama in kooxo diimeedyo cusub oo awood ciidan lihi soo baxaan. Dhammaanna waa fowdo iyo dib u laabasho hor leh.
Ictisaam in kasta oo ay saaxadda siyaasadda ku fashilmeen oo magacooda ay aad u dileen garabka hubaysan ee Shabaab haddana wali waa awood dhaqaale iyo mid diineed oo mar kale saamayn siyaasadeed iyo mid ciidan yeelan karta.
Kooxdu hadda wax ay la dhacsantahay dowladda Farmaajo oo ay hoggaaminayaan qurbejoog aan urur diimeed ka tirsanayn oo ay u arkaan mid dabacsan oo la sii dhexmari karo, haddii loo baahdana wax lala qaybsan karo taa oo keenaysa in si fudud siyaasaddoodu u hirgasho. Sababahaa ayaa qasab ka dhigaya in shaki weyn laga muujiyo kulanka kismaanyo.
Ictisaam haddii ay wali rumaysanyihiin fikirka xagjirka ee Shabaab iyo halaagga dhalay waxaa hubaal ah in ay salka dhulka ku dhufan doonaan oo si foolxun saaxadda uga bixi doonaan, haddiise waayaha iyo waqtigu wax baray oo ay diinta Soomaaliyeeyaan, fikirkooda Soomaaliyeeyaan, damacooda Soomaaliyeeyaan oo qaladkoodii dib u saxaan waa niman wax badan qaban kara oo xaaladdan murugsan in laga baxo qayb weyn ka qaadan kara.

W/Q Faisal Hussein

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code