Hagaha Muslimka murugeysan!

Dabshidkii 1983-dii, Xuseen Axmed Amiin (1932-2014) oo ahaa qoraa iyo diblomaasi ruugcaddaa ah oo u dhashay dalka Masar, wuxuu daabacay buug uu cinwaan uga dhigay “Ku hagaha muslimka murugaysan habdhaqanka ku habboon qarniga 20-aad/ دليل المسلم الحزين إلى مقتضى السلوك في القرن العشرين“. Buuggaan oo lagu tilmaamay in uu la mid yahay dubbe ama buris adag oo muslimiinta madaxa la gala dhacayo, xilligaas wuxuu dhaliyey dood culus oo loogu qaybsamay koox aad u yar oo u aragtay in uu fure u noqon karo sidii lagu furdaamin lahaa dhibaatooyinka muslimiinta haysta iyo duul aad u badan, una qaylo iyo sawaxan dheeraa oo u arkay in uu ka mid yahay badeellada loo adeegsanayo duminta islaamka. Buugga waxaa loo aqoonsaday in uu yahay kan u wanaagsan buugtii sannadkaas afka carabiga lagu qoray, waxaana la guddoonsiiyey abaalmarintii bandhigga buugta ee Qaahira ee sannadkaas 1983.

 

Qof ahaan buugga waxaan akhriyey 25 sano ka hor, waagaasna dhan waxaan la hayey duulka buugga sharaystay, dhanka kalena waxaa I jiidanayey nuxurka doodda qoraaga iyo asluubka qoraalkiisa. Intaa waxaa dheeraa in qoraagu uu ka soo jeedo qoys magac dheer oo lagu yaqaan difaaca ummuuraha Carabta, Muslimiinta iyo guud ahaan saboolka dunida saddexdaad. Bilmatal Xuseen aabbihi waa Shiikh Axmed Amiin oo qoray buug badan oo ay ka mid yihiin taxanaha caanka ah ee uu ku falaanqeeyey taariikhda dhaqanka iyo fikirka Muslimiinta ee “Fajri al-Islaam, Duxaa al-Islaam, Tuhru al-Islaam, Yoomu al-Islaam”.

Waxaana xusid mudan, in Shiikh Xasan al-Bannaa (1906-1949) oo ah ninka aasaasay urur-diimeedka “Ikhwaan al-Muslimiin” uu dabshidkii 1926kii qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Dhambaal furan oo ku socda Ustaad Axmed Amiin/ خطاب مفتوح إلى الأستاذ أحمد أمين”. Xasan Bannaa maqaalka wuxuu ku ammaanay Axmed Amiin iyo afkaartiisa, wuxuuna u soo jeediyey in uu xubin ka noqdo ururka Ikhwaanu Muslimiinka. Hase ahaatee, waxaa la sheegay in Axmed markii uu akhriyey maqaalka uu si edeb leh uga cudurdaartay xubinnimada Ikhwaanka, isla markaana uu ururkaas u soo jeediyey in ay ku gaabsadaan faafinta diinta iyaga oo xoojinaya dhinacyada akhlaaqda iyo adeegyada bulshada, kana fogaanaya siyaasadda. Waayo? Diintu waa ka weyntahay siyaasad. Siyaasadaynta diintuna waxay keentaa in diinta iyo siyaasadda labaduba ay xumaadaan. Marka dib loo milicsado wixii dhacay sagaashankii gu’ ee la soo dhaafaynaya waxaa caddaanaysa in Axmed uu arrinkaas ku saxsanaa.

Sidoo kale, Xuseen Amiin waxay waloolo yihiin Dr. Jalaal Amiin oo ah qoraa iyo dhaqaale-yahan aan muddo dheer jeclaa akhrinta qoraalladiisa, aanna ogaa in walaalnimada ka sakow ay fikir wadaag yihiin, qaab qoraalkooduna uu aad isugu eg yahay.

 

Xuseen bilowga buuggiisaan wuxuu yiri: dunidii hore marka doonta dhib soo wajaho, dabaysha iyo hirarka baddana loo babac dhigi waayo,  badmaaxyadu waxay oran jireen: “shaki kuma jiro in meyd lagu qariyey santuukhyada badeecadaha midkood!”, waxayna bilaabi jireen in ay meyd ka raadiyaan santuukhyada doonta saaran. Waxayna rumaysnaayeen in ka takhalusidda meydkaasi ay ka badbaadinayso nacalad ay darteed la halaagsami lahaayeen. Wuxuu intaa ku daray, in uu muddo sanooyin ah ku mashquulsanaa baadigoobka meydka muslimiintu sitaan ee dhibka haysta ka mas’uulka ah. Meydka muslimiintu xanbaarsan yihiin ee uu helayna wuxuu noqday waxyaabo aad u badan oo muslimiintu maanta diin u haystaan, laakiin asal ahaan aan diinta ka mid ahayn amaba ka mid ahaa balse si khaldan loo fahmey.

 

Tusaale ahaan, waxyaabaha diinta lagu daray waxaa ka mid ah axaadiista faraha badan ee kooxii siyaasadda ku loolamayey ay nebiga (scw) carrabka ugu tireen. Bilmatal, taageerayaashii Cali bin Abii Daalib (RC) waxay allifeen axaadiis mowqifkooda taageeraya oo ay ka mid yihiin kuwa yiraahda: “Ruuxii aan weli u ahay Calina weli buu u yahay,”, “Ruuxii Cali dhibaa anna waa I dhibay.”, “Haddaad aragtaan Mucaawiye oo manbarka ka khudbayna dila.” Taageerayaashii Mucaawiye iyaguna dhankooda waxay falkiyeen axaadiis ay ka mid yihiin kuwa oranaya: “ Ilaahow ka dhig midka dhulka hanta, cadaab xunna ka badbaadi.”, “Maalmo iyo habeenno soo mari maayaan jeer Mucaawiyo uu boqor ka noqdo.”, “Mucaawiye waa muuminiinta abtigood.” Iyo qaar kale oo badan.

 

Fikradda buuggu ka duulayo waxaa lagu soo koobi karaa in muslimka casrigaan ku nooli uu yahay ruux murugaysan, sababta uu la murugaysan yahayna ay tahay isaga oo is waafajin la’ waxa uu rumaysan yahay in diintiisu farayso iyo habdhaqanka nolosha casriga ah ee uu ku noolyahay ay ku dirqinayso (Dhaqaale, dhaqan, siyaasad, saynis, waxbarasho, …iwm). Wuxuu dareemayaa in haddii uu qaato waxa diintiisu ku waajibinayso uu noqonayo mid aan la socon karin habdhaqanka bulshada casriga ah, haddii uu qaato habdhaqanka bulshada casriga ahna wuxuu dareemayaa in uu ku caasinayo mabaadi’da iyo waxyaabaha diintiisu dhigayso. Sidaa awgeed, waa ruux naftiisa dhexdeeda uu dagaal kululi ka socdo, oo is heli la’ama is diiddan.

 

Guud ahaan, mawduuca buuggu ka hadlayaa waa midka aadka looga hadlo ee loogu yeero iswaafajinta soo jireenka iyo casriga ama heshiisiinta Islaamka iyo casriga (=modernity /الحداثة). Qoraaguna wuxuu rumaysan yahay in islaamka iyo nolosha casriga ahi aysan dhab ahaan is diidayn, laakiin waxa isdiidayaa ay yihiin fahanka muslimiintu diinta ka haystaan iyo casriga ay ku nool yihiin.

 

Si Muslimku murugada uga baxana, qoraagu wuxuu xal u arkaa in la kala saaro mabaadi’da diinta nuxurka u ah oo iyagu aan marna isbeddelin iyo arrimaha aan nuxurka ahayn oo iyagu ku xiran duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada, oo had iyo goor u hoggaansama duruufaha ka jira deegaanka lagu noolyahay iyo sebenka la joogo. In la kala garto waxa diinta asalka u ah iyo waxa muslimiintu diinta waayo danbe gadaal uga dareen ee ka dhashay dadaalkii Muslimiinta (=الاجتهاد).

Haddii si kale loo yiraahdo, qoraaga waxay la tahay in murugada muslimka casrigaan nooli ay abuurantay ka dib markii muslimiintu ku fashilmeen in ay kala gartaan waxa asalka ah iyo waxa aan asalka ahayn, waxa isbeddela iyo waxa sugan (=جدلية بين الثابت والمتغير أو الصراع بين الأصالة والمعاصرة). Kala saaridda labadaasi waxay muslimka fursad u siin lahayd in uu joojiyo dagaalka nafsadeed ee gudihiisa ka holcaya, ka dib marka uu iswaafajiyo waxa diintiisa muhiimka ugu ah iyo waxa adduunyadiisa muhiimka ugu ah, si uu u noqdo ruux aakhiro iyo adduun labada ku liibaana. Kala saaridda noocaas ahina waa mid ka duulaysa xadiiska nebiga (scw) ee yiraahda: “Idinka ayaa umuuraha adduunyadiinna ugu ogaal badan/أنتم أعلم بشئون دنياكم”.

Waana laga wada dheregsan yahay halgankii dheeraa ee reer Galbeedku, gaar ahaan reer Yurub ay ka soo mareen kala saaridda labadaan aag -ee diinta iyo dowladda ama adduun iyo aakhiro- oo waa loo haystey in xataa aan lagu fekeri karin in la kala saari karo.

Xuseen wuxuu buuggiisa ku yiri: “Waxaan u baahannahay siirada nebiga oo aan dhacdooyinka tirtirayn isla markaana aan abuurayn, in la tuuro axaadiista la falkiyey xataa haddii arrinkaasi uu keeno in axaadiista badankooda la tuuro, in loo noqdo tafsiirka muuqda ee quraanka oo aan yeelayn Suufiyad, Hantiwadaag iyo Hantigoosi, isla markaana aan isku dayeyn in uu isu muujiyo sidii in uu kulansaday miraha cilmiga casriga ah, in taariikhda Islaamka dib-u-qorid lagu sameeyo iyada oo aasaas cusub laga duulayo, in dib-u-hubin lagu sameeyo firqooyinka iyo madaahibta huwaday huga diinta iyaga oo dhab ahaan ka duulaya sababo dhaqan-dhaqaale oo qur ah,……. / نحن فى حاجة الى سيرة نبوية لا تطمس الوقائع و لا تخترعها،والى استبعاد المخترع من الحديث و لو أدى الى اسقاط جله،الى العودة الى تفسير ظاهرى للقرآن لا يقر تصوفا ولا اشتراكية و لا رأسمالية و لا يحاول الايهام بانه يحوى نتائج العلم الحديث،و الى اعادة كتابة التاريخ الأسلامى على أسس جديدة،والى التدقيق فى دراسة الفرق و المذاهب الأسلامية التى خلعت على نفسها سمت الدين لتغطية دوافع اجتماعية و اقتصادية بحته،والى تنمية نظرة الى الدين و التراث لا باعتبارهما وسيلة للهرب الى الماضى من المشكلات و الى الاحساس بالأمن الزائف،و انما كوسيلة للتصدى لمشكلات الحاضر و المستقبل،والى غرس ايمان فى الناشئة قائم على الحقائق الثابته لا الاكاذيب التى ان افتضحت و دُحضت ذهب معها الايمان كله،والى تطهير هذا الايمان من الخرافات التى ظلت دائما و لا تزال من دواعى حيرة كل من نال حظا- و لو يسيرا- من العلم” (Baalasha 27-28).

 

Si kastaba ha ahaatee, farriinta ugu weyn ee buuggu xanbaarsan yahay waa baahida loo qabo mawduuca waayadaan danbe aadka looga hadlo ee loogu yeero “dib-u-habaynta ama dib-u-qaabaynta Islaamka/Islam reform”, waana mawduuc aan jeclahay- haddii Alle idmo- in timaaddada aan wax ka iraahdo. Intaas ka horse, akhristaha danaynaya akhrinta  buugga “Hagaha muslimka murugaysan” lingixa hoose ha kala dego .

 

https://cu.edu.eg/userfiles/1-t1.pdf

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code