Intaan Fidno Dhicin!

“Tagtadu abidkeed ma dhimato, oo xataa tagto ma aha /The past is never dead. It’s not even past.” William Cuthbert Faulkner (1897-1962).

Markii toddobaadkii hore dhaxal sugaha Sacuudigu uu sheegay in Sacuudigu la dagaallamayo xagjirnimada, kuna laabanayo islaamkii dhexdhexaadka ahaa ee ay haysteen wixii ka horreeyey 1979, bulshada Sacuudiga waxaa ka dhex aloosmatay dood qodobkaas ku saabsan oo badankeeda baraha bulshada la isku weydaarsanayo. Qayb doodda ka mid ahi waxay ku saabsan tahay buug yar oo 27 dabshid ka dib sheekadiisu mar kale soo cusboonaatay. Buugga waxaa lagu magacaabaa “Intaan fidno dhicin /حتى لا تكون فتنه”, waxaana qoray Sacuudi aqoonyahan, gabyaa, ambaasadoor iyo wasiir intaba ahaa oo la oran jirey Gasi Cabduraxmaan Al-Quseybi (1940-2010).

Dabayaaqadii siddeetanaaka iyo bilowgii sagaashanadaakii qarnigii tagay, Sacuudiga waxaa ka aloosnayd dood u dhaxaysay wadaaddada baraarugga iyo aqoonyahanno lagu tilmaamay in ay calmaaniyiin yihiin. Dooddaasi waxay ku saabsanayd wadaaddada oo ka cabanayey in waddanka afkaar gaalnimo ah lagu faafinayo, afkaartaasna waxaa laga xusay wax loogu yeeray calmaaniyad iyo casri ahaansho (= Secularism and modernity /العلمانية والحداثة).  Dooddaas dhanka wadaaddada waxaa ugu cadcaddaa culumo ay ka mid yihiin; Shiikh Salmaan Cowdah, Shiikh Naasir Al-Cumar, Shiikh Caa’id Al-Qarni iyo Shiikh Cawad Al-Qarni,  dhanka ragga calmaaniyiinta lagu tilmaamayna waxaa ugu xusid badnaa Dr. Gasi Al-Quseeybi, Dr. Turki Al-Xamad iyo  Dr. Cabdullah Al-Ghathami. Aaladaha doodda la isku dhaafsanayey waxay ahaayeen cajallado iyo muxaadarooyin ay jeedin jireen wadaaddadaan loo bixiyey magaca ‘hoggaamiyeyaasha baraarugga Islaamka/قادة الصحوة الاسلامية’ oo xilligaas shacbiyad badan lahaa iyo raggaan kale oo dhigaallo –buug iyo maqaallo- adeegsan jirey.

Waxaa xusid mudan, in wixii hadda ka horreeyey erayga ‘calmaani’ uu bulshada Sacuudiga u la mid ahaa erayga ‘gaal’ ay waajib tahay in luqunta loo dheereeyo. Sidaa darteed, way adkayd in la helo Sacuudi diyaar u ah in lagu sheego calmaani. Laakiin hadda arrinkaas wax badan baa iska beddelay, oo waxaa jira Sacuudiyiin badan oo si bareer ah ugu ol’oleeya calmaaniyadda. Waxaa kaloo xusid mudan, in waddamada carabta waqti aan fogayn erayada ‘dimoqoraadi iyo dimoqoraadiyad’ ay la macno ahaayeen ‘gaal iyo gaalnimo’. Waxaana jirta qiso dalka Masar ka dhacday, laakiin dunida carabta oo dhan caan ka ah oo oranaysa sidatan;

Axmed Ludfi Sayid (1872-1963) oo ahaa aqoonyahan siyaasi ah oo u dhashay dalka Masar, laguna naynaaso ‘macallinka iyo feylasuufka faca /استاذ وفيلسوف الجيل’, ayaa dabshidkii 1913kii wuxuu isu sharraxay xubinnimada baarlamaanka dalka Masar, waxaana lagu yaqiin in uu aad ugu ol’oleeyo dimoqraadiyadda iyo xuquuqu insaanka. Ninkii la tartamayey oo ogaa in Axmed dadka dimoqoraadiyad ugu baaqi doono, isla markaana ka faa’iideysanaya bulshada oo xilligaas akhris-qoraalku ku yaraa, wuxuu faafiyey in Axmed rumaysan yahay dimoqoraadiyad, dimoqoraadiyadduna tahay ilxaad iyo diin la’aan. Isaga iyo taageerayaashiisii oo dadka luqaddooda kula hadlayaana waxay meel walba ku faafiyeen oraah oranaysa: “Ilaah baan ka magan galnaye Axmed waa dimoqraadi /احمد لطفى -و العياذ بالله- ديموقراطى”. Dadkiina wuxuu ka dhaadhiciyey in ay ogaadaan haddii ay Axmed doortaan in ay doorteen gaal Alle iyo nebi beeniyey oo dimoqraadiyad aamminsan. Dimoqoraadiyaddana wuxuu ku qeexay in ay tahay in dumarka loo fasaxo in ay afar nin guursadaan iyo in ninku saaxiibkiis ku yiraahdo: “xaaskaaga I ammaahi xaaskaygaan ku ammaahinayaaye /سلفني مراتك وأسلفك مراتي”.Ma doonaysaan in haweenkiinnu hal mar afar nin guursadaan iyo in xaasaska la is dhaafsado???

Wuxuuna ku yiri: haddaad hadalkayga been moodaysaan Axmed qudhiisa weydiiya in uu dimoqoraadiyad rumaysan yahay iyo in kale?

Kolkii Axmed yimid deegaankii laga dooran lahaa, dadkii waxay weydiiyeen su’aasha ah: Axmed maxaa ka jira in aad dimoqoraadi tahay? Axmedna wuxuu ku jawaabay: dimoqoraadi waa ahay, weligayna waa ahaan doonaa.

Markaana dadkii waxay u qaybsameen qaar iska dareeray iyo qaar u qalab qaatay in ay gubaan golihii loo diyaariyey inuu dadka uga khudbeeyo (Halkaan ka eeg qayb yar oo ka mid ah filin sheekadaan lagu xusay: https://www.youtube.com/watch?v=m6x7sv2ztu0 ).

Dhab ahaantii, macnaha calmaaniyaddu diin la’aan ma aha, balse waa in dowladdu dhexdhexaad ka noqoto diimaha, firqooyinka, madaahibta iyo guud ahaan afkaarta ay kala taageeraan qaybaha kala duwan ee bulshadu. Hubantidii, calmaaniyaddu diinta waa u roon tahay ee uma darna. Arrinkaasna waxaa tusaale u  noqon kara calmaaniyadda Hindiya –iyo dabcan waddamo kale- oo muslimiinta dalkaas fursad u siisay in ay noqdaan muwaadiniin xuquuq buuxda ku leh dalkooda. Haddii aan calmaaniyaddu jiri lahayn Hindidu waxay isu xasuuqi lahaayeen si la mid ah ama ka xun sida maanta muslimiintu meel walba Sunno iyo Shiico isugu xasuuqayaan.

Yeelkadeede, iyada oo dooddii  Sacuudida u dhaxaysay ay weli taagan tahay, ayaa dabshidkii 1990 Saddaam Xuseen wuxuu qabsaday Kuweyt, dhacdadaasina waxay keentay in Amiirkii Kuweyt iyo Boqorka Sacuudigu ay dowladda Maraykanka ka codsadeen in ay u soo gurmato. Amiirka Kuweyt na si bareer ah ayuu wuxuu u yiri: “sheydaanba Allaha ka dhigee waa kaashanaynaa ciddii dani noogu jirto /سنتحالف ولو مع الشيطان”.

Markii ay yimaadeen ciidamadii isbahaysiga ee Maraykanku garwadeenka ka ahaa, waxaa canbaarayn iyo diidmo kala hortagey wadaaddada baraarugga oo ay ugu caansanaayeen saddexda wadaad ee Naasir Al-Cumar, Salmaan Al-Cowda iyo Caa’id Al-Qarni oo masaajidda muxaadarooyin ku qabtay, cajillado badanna duubay. Markaana Gaasi Al-Quseybi ayaa wuxuu ugu jawaabay maqaallo taxane ahaa oo qayb ka mid ah loo bixiyey ‘Isha duufaanta /في عين العاصفة’. Dabadeed, waxaa bilaabatay dood cusub oo u dhaxaysay Quseybi iyo saddexda wadaad oo markii danbe qaarkood ay gaalaysiiyeen. Quseybi na wuxuu ugu jawaabay buuggaan yar ee ‘Intaan fidno dhicin /حتى لا تكون فتنة’.

Dadka u dhuundaloola ummuuraha gudaha ee dalka Sacuudiga qaarkood waxay sheegaan in xilligaan dalka Sacuudigu uu qarka u fuulay in ay ka bilowdaan gacan ka hadal iyo qulqulatooyin u dhexeeya dhallinyaradii faraha badnaa ee ku xirnaa wadaaddadaan iyo ciidamada dowladda. Hase ahaatee, arrinkaas waxaa looga badbaaday mawqifkii uu qaatay muftigii xilligaas ee Shiikh Cabdicasiis ibnu Baas (AUN) oo ahaa nin bulshada Sacuudigu –culumo iyo caamaba- ay qaddarin jireen. Fatwadii Ibnu Baas ku taageeray kaalmaysiga ciidamada shisheeye waxay hoos u dhigtay xamaasaddii faraha badnayd ee loo hayey baaqyadii ka dhanka ahaa ciidamadaas ee ay wadaaddada saxwadu soo saareen.

Dabshidka buugga la daabacay ee 1990kii, wuxuu ku beegnaa toban guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii Juheymaan Al-Cuteybi iyo saaxiibbadi ay Xaramka ku qabsadeen 1979. Dhacdadaan oo ah fidnada buuggu ka digayo in ay mar kale soo noqoto, waa isla midda toddobaadkii hore uu tilmaamay Amiir Maxamed bin Salmaan marka uu leeyahay waxaan ku noqonaynaa islaamkayagii ka horreeyey 1979. Waana sababtaas midda soo cusboonaysay hadalhaynta buuggaan oo markii uu soo baxay dowladda Sacuudigu ay mamnuucday maktabadahana laga aruuriyey.

Buugga oo xooggiisu yahay raddin ku wajahan saddexda wadaad ee kala ah; Naasir Al-Cumar, Caa’id Al-Qarni iyo Salmaan Al-Cowda, wuxuu ka kooban yahay shan dhanbaal oo saddex ka mid ahi ay ku kala socdaan saddexdaan wadaad, labo dhanbaalna ay si guud u la hadlayaan ummadda iyo wadaaddada muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. Dhanbaalladuna waxay kala yihiin sidatan;

  • Dhanbaalka 1-aad oo ku socda Shiikh Naasir Al-Cumar waxaa cinwaan looga dhigay ‘Walaalkay Naasirow Alle ka cabso! Si wanaagsanna ha loo doodo /يا أخي ناصر العمر اتق الله! مجادلة بالتي هي أحسن’.
  • Dhanbaalka 2-aad oo si guud ugu socda muslimiinta waxaa cinwaan looga dhigay ‘Haa fatwadu waa isbeddeshaa /نعم تتغير الفتوى’.
  • Dhanbaalka 3-aad oo ku socda Shiikh Caa’id Al-Qarni waxaa lagu magacaabaa ‘Walaalkay Caa’id Qarniyow .. Alle darti dhiigga muslimiinta ha la isaga ilaaliyo! /يا أخي عائض القرني! ..الله..الله في دماء المسلمين !’.
  • Dhanbaalka 4-aad oo ku socda Shiikh Salmaan Al-Cowda waxaa lagu magacaabaa ‘Walaalkay Salmaan Cowdow ..Naga raalli ahow .. dowladda wadaaddadu agtayada boos kuma leh! /يا أخي سلمان العودة .. اعدرنا .. لا مكان لولاية الفقيه عندنا!’.
  • Dhanbaalka 5-aad oo ku socda guud ahaan culumada islaamka, waxaa cinwaan looga dhigay ‘Culumada Islaamkow .. Caddeeya waxa ay bannaan tahay in Muslimiintu isku khilaafaan /يا علماء المسلمين .. بينوا ما يجوز فيه الخلاف بين المسلمين’. Maqaalkaan Quseybi wuxuu ku xusay Juheymaan Al-Cuteybi, isaga oo tusaale ugu soo qaatay dhibka ka dhalan kara marka dadka runta laga qariyo. Quseybi wuxuu isku xiray dhacdadii Juheymaan Al-Cuteybi iyo saaxiibbadi ay Xaramka ku qabsadeen iyo siyaasadaynta diinta ee loogu yeeray “Baraarugga Islaamka /الصحوة الإسلامية”, oo uu sheegay in haddii aan laga hortagin ay ugu danbaynta keenayso in muslimiintu seefta iska aslaan.

 

Wadaaddadaan oo la xiray wax yar ka dib soo  bixiddii buuggu kama aysan jawaabin buugga, laakiin waxaa ka jawaabay wadaad kale oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Saciid Al-Qaxtaani oo qoray buug yar oo uu u bixiyey ‘Diinta oo dhanna uu Eebbe yeesho /ويكون الدين كله لله’. Sida muuqatana Dr. Quseybi iyo Shiikh Qaxtaani labaduba cinwaanka buugtooda waxay ka soo qaateen qayb ka mid ah aayadda quraanka ah ee suuradda Al-Anfaal ee tirsigeedu yahay 39-aad.

Dr. Gaasi Quseybi oo sida dad badan oo xog-ogaal ahi ay sheegeen muddadii wadaaddadu xirnaayeen ka gaabsaday in uu wax ka sheego, wuxuu qoray buug uu si guud uga hadlay dhibaatadii Gacanka, uuna u bixiyey ‘أزمة الخليج محاولة للفهم’, waxaana ku jira cutub uu u bixiyey ‘Waxaa yimid kuwii dhaxalka lahaa /وجاء الورثة’ oo uu si guud ugu weeraray wadaaddada saxwada meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Toddobo iyo labaatan sano ka dib dhacdadaan iyo doodihii ka dhashay, ayaa maanta mar kale buuggaan la soo xusuustay iyada oo ninkii qoray uu qabri ku jiro. Taana waxaa ugu wacan in ay weli taagan yihiin wixii uu ka digayey ee ahaa xagjirnimada, gaalaynta iyo gacan ka hadalka. Nasiib wanaag, wadaaddada badankoodu hadda ma taagna meeshii ay waqtigaas taagnaayeen, afkaartoodana waxa  badan baa iska beddelay. Wadaadka qura ee aad mooddo inuu mawqifkiisii weli taagan yahay waa Shiikh Naasir Al-Cumar.

Dabshidkii 2001, markii la daabacay buuggayga “العولمة والعالم الإسلامي: أرقام وحقائق” ayaa Shiikh Naasir al-Cumar wuxuu maqaal ka qoray isla mawduuca buuggu ku saabsan yahay ee cowlamada (=Globalization العولمة), maqaalkaasna wuxuu marar badan soo xigtay buuggaas oo ay muuqatay in uu si un u xiisaynayey. Maalmo ka gadaal ayaan arrinkaas waxaan u sheegay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan (AUN) oo ay Shiikh Naasir saaxiibbo ahaayeen. Markaana Dr. Axmed wuxuu xoogaa ka sheekeeyey shakhsiyadda Shiikh Naasir oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin dabci macaan, laakiin ay adagtahay in uu ka tanaasulo wax uu xaq u arko. Wuxuu yiri: wuxuu leeyahay wanaagga iyo madax-adayga badowda.

Shiikh Axmed oo Shiikh Naasir ka sii sheekaynayaa wuxuu yiri: Naasir wuxuu ii sheegay in maalin isaga oo xabsi ku jira uu aabbihiis xabsiga ku soo booqday, uuna ku yiri: “In aan maqlo wiilkaagii waa la toogtay baan ka jeclahay in aan maqlo wiilkaagii baqdin darteed buu mowqifkiisii u beddelay!”

Sidaa awgeed, mar walba oo aan ka fekero sida Shiikh Naasir had iyo goor ugu dheggen yahay afkaartiisii dhallinyaronimada waxaan xasuustaa qisadaan, waxaana iraahdaa: malaha wadaadku wuxuu diidayaa in odaygu qabriga ka soo tooso.

Dhanka kale, Dr. Quseybi oo intii uusan dhiman ka hor saxaafaddu wax ka weydiisay doodihii dhexmaray isaga iyo wadaaddadu wuxuu ku jawaabay erayo kooban oo ahaa: wax kale ma jirin ee wadaaddadu “shacabkay nagu direen annaguna dowladdaan u baaqnay.” Shiikh Salmaan Cowdah oo la weydiiyey sida uu u arko weedha Quseybina wuxuu qiray in sida Quseyb sheegay ay wax u dhaceen.

Qof ahaan, xilligii doodahaani socdeen -oo aan badankeeda waddanka Sacuudiga ku noolaa, afkaarta wadaaddadana aad u la dhacsanaa- Gaasi Quseyb iyo Cabdullah Ghathami agtayda waxay ka ahaayeen labo sheydaan oo laga cuudu bilaysto, sababtuna waxay ahayd aniga oo –sida dhallinyarada saxwada badankooda- rumaystay waxa wadaaddadu ka faafiyeen ee ah in ay islaamka iyo muslimiintaba cadow u yihiin.

Quseybi iyo Ghatami midkoodna si toos ah uma arag, laakiin waayadii danbe labaduba waxay noqdeen qoraayaasha Sacuudiga kuwa aan qoraalladooda ugu jeclahay. Waayo? Waxaan ka helaa fikrado caqligal ah oo ku habboon dunida aan maanta ku noolnahay, isla markaana lagu gudbinayo kaftan iyo luqad aad u sarreeya.

Gasi Quseybi (AUN) wuxuu oran jirey: “ Waxaan jeclaan lahaa in culumadayada kheyrka qabaa ay ku ekaadaan ka hadalka laamaha ay aqoonta u leeyihiin, aysanna isku tuurin badda siyaasadda ee aysan dabaasheeda aqoon, si aysan u qarqoomin dhallinteenna wareersanna u qarqin”. Runtiina maanta waa muuqataa in wadaaddadu badda siyaasadda ku qarqoomeen, muslimiinta iyo dunida oo dhanna qarqiyeen.

Akhristaha danaynayaa halkaan buugga ha kala dego:

http://www.gulfkids.com/pdf/C_Fetnaah.pdf

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code