Jihaadka jacaylka iyo masayrka diimaha!

Sida la sheegay, waxaa  jirey wiil tan iyo yaraantiisii ay dadku– aabbihi, hooyadi, walaalihiis, deriska iyo dadka tuuladiisa oo dhammi- ay doqon ku sheegi jireen. Wax walba oo uu yiraahdo ama uu sameeyo waxba lagama soo qaadi jirin oo waa hadal iyo ficil dabbaal, murtiduna waa tan tiraahda: “dabbaalnimo daawo ma leh”. Wiilkii wuxuu ku  sigtay in uu ku qanco in uu doqon yahay, waayo? Haddii uusan doqon ahayn maxaa dadka oo idil isugu raaceen in uu doqon yahay? Si kasta oo uu isugu dayey in uu tuhmada iska difaacana kuma uusan guulaysan. Arrinkaasina wuxuu ku beeray qulub iyo isfahan la’aan dhexmartay isaga iyo bulshadii uu la noolaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa tuuladii wiilka waxaa booqasho ku yimid nin xakiim ahaa, wiilkiina wuxuu uga warramay wareerka isaga iyo tuulada kala haysta. Xakiimkii wiilka wuxuu ku yiri: waxba ha ka welwelin, ee hal shey oo keliya samee- mar kasta oo ruux wax sheego si cad u diid waxa uu sheegayo. Bilmatal, haddii qof yiraahdo ‘ubaxaani waa qurxoon yahay’, ku dheh: ‘maxaad tiri? Yaa yiri ubax baa qurxoon? Ma caddayn kartaa in uu qurxoon yahay?  Si taa la mid ah, haddii qof ka hadlo qiimaha jacaylka, durba si buuxda u beeni, oo ku dheh ‘Jacayl? Waa maxay doqonnimada aad ku hadlaysaa? Maxaa u daliila jiritaanka jacaylka aad sheegayso? Sidaas wax walba u deeddifee, oo yuusan jirin wax qura oo aad aqbashaa. Ma jirto cid wax kasta caddayn karta. Marka ay caddayn waayaanna doqommo ayay u muuqanayaan. Adigana -maadaama aad wax walba weydiin gelinayso- waxay kuu aqoonsanayaan caaqil belo ka dhacday.

Wiilkii talada xakiimka ayuu sideedii u qaatay. Muddo ka dibna xakiimkii ayaa mar kale tuuladii yimid, dadkii tuuladuna waxay u sheegeen in gadaashiis tuulada arrin mucjiso ah lagu arkay, oo wiil weligi iyo waaqii doqon ahaa uu mar qura fariid caqli badan noqday. Xakiimkii waa gartay wiilka laga hadlayo, wax yar ka dibna barbaarkii ayaa salaan ugu yimid, kuna yiri: “Taladii aad I siisay waa ku liibaanay. Dadka tuulada oo dhammina hadda waxay ii arkaan caaqil garasho badan.” Xakiimkii isaga oo muusoonaya ayuu wiilkii wuxuu ku yiri: “Waa gartay, laakiin sirta cidna ha u sheegin.”

Nuxurka sheekadu ma aha in la diido caqliga iyo mandiqa, laakiin waa in aan loo qaadan in ay wax walba yihiin. Caqliga iyo mandiqu nolosha iyo horumarka waa u lama huraan, laakiin keligood wax walba laguma ogaan karo, oo nolosha waxaa lagala kulmayaa xaalado ay tahay in qalbiga la dhegaysto. Xaaladaha lagu khasban yahay dhegaysiga qalbigana waxaa ka mid ah marka laga hadlayo ummuuraha jacaylka iyo iimaanka. Jacaylka iyo iimaanka diimaha midkoodna caqli ma xukumo, balse waxay u hoggaansamaan caadifadda iyo dareenka qofka.

Iimaanka laguma hanto aqoon, falsafad, saynis iyo mandiq toona, jacaylkuna waa la mid. Iimaanka iyo jacaylku ma aha aragtiyo la qeexo ee waa tajribo lagu noolaado. Iimaanka iyo jacaylku ma aha calaf dadka oo dhan isku si loo siin karo, balse waa dareen shakhsi ah oo ruuxba si u fahmo. . Iimaanku waa nooc caashaqa ka mid ah, caashaq kastaana wuxuu leeyahay xiiso iyo xamaasad u gaar ah. Iimaanka iyo jacaylka waxaa ku rumoobaysa oraahdii Shiikh Maxamed bin Cabdijabbaar Al-Nafri ee ahayd: “Mar walba oo aragtidu ballaarato erayadu waa yaraadaan /كلما اتسعت الرؤيا ضاقت العبارة”. Dadku uma kala iimaan badna sida ay u kala aqoon badan yihiin, oo bilmatal aqoonyahannada iyo falaasifada kuwooda ugu waaweyni kama iimaan badna ayeeyooyinkooda aan akhris-qoraalka aqoon, balse waxayba u badan tahay in ayeeyooyinku ka iimaan badan yihiin. Waxaana la sheegaa in hadal haynta badan ee diintu ay diinta qudheeda qurmiso.

Si kastaba ha ahaatee, jacaylka iyo nacaybku waa labada dareen ee ugu culus waxyaabaha qalbiga aadamigu uu dareemo. Suufigii weynaa ee Muxyadiin Ibnu Carabi na waxaa laga hayaa in uu yiri: “Jacaylku waa geeri yar/الحب موت صغير”[i].

Oday Hindi ah ayaa  waxaa laga wariyaa in uu yiri: maalin maalmaha ka mid ah, goor milicda qorraxdu ay dhinbil ka kululayd aniga oo tafaya buuraha Himalaya, dushana ku sita jawaan weyn, daalka iyo dhibka socodkana la hiinraagaya, ayaa si kedo ah hortayda waxaa uga muuqatay gabar yar oo xanbaarsan wiil walaalkeed ah, culaabta awgeedna saanta nuuxin kari la’. Aad baan ugu diirnaxay, dabadeedna inta u dhawaaday baan waxaan ku iri: Gabadhayda qaaliga aheey, waxaad u baahan tahay in aad xoogaa nasato, culaab weyn baad dusha ku siddaa!

Gabadhii yarayd markii ay maqashay hadalkayga way carootay, waxayna u qaadatay in aan u gafey. Waxay tiri: Awoowe adiga oo raalli ah erayadaada u fiirso, adigu waxaad siddaa jawaan waana gartaa in aad culays dareento, laakiin kani culays ma ah ee waa walaalkay. Odaygu wuxuu sheegay in uu xikmad weyn ka bartay erayada kooban ee gabadha. Waxa aan jecelnahay ma dhibsanno namana cusleeyaan.

Jacaylka iyo nacaybku waxay sii cuslaadaan marka ay kulmaan. Gooraha ay kulmaanna waxaa ka mid ah xilliyada colaadaha. Tusaale ahaan, waxaa la rumaysan yahay in jacaylka ugu daran uu yahay kan yimaada waqtiyada dagaalka, waayo jacaylka xilligaas yimaadaa aalaaba wuxuu ka tarjumayaa dareen run ah, maxaa yeelay waqtiga colaaddu ma ah waqti dareen been ah la isku maaweeliyo ee waa waqtiga beenta iyo runtu ay kala miirmaan.

Sidaa awgeedna, suugaanta dunidu –tix iyo tiraabba- waxay waarisay sheekooyin badan oo ah jacayl oo dhacay seben colaadeed. Tusaale ahaan, dhacdooyinka jacaylka ee riwaayadaha dunidu ay waariyeen waxaa ka mid ah sheekada “Hubow Nabadeey / A Farewell to arms/وداعا للسلاح” ee uu qoray Earnest Hemingway (1929), sheekada “Dabaysha Ayuu Raacay /Gone With The Wind /ذهب مع الريح” ee ay qortay Margaret Mitchell (1936), kuna dhammaanaysa erayada kooban ee xaaladda nolosha adduunyada ka tarjumaya  ee oranaya “Berri waa maalin kale/ Tomorrow is another day”, sheekada “Doctor Zhivago” ee uu qoray Boris Pasternak (1956) iyo qaar kale oo badan.

Eraybixinta ‘Jihaadka Jacaylka /Love Jihad’ oo sidoo kale loo yaqaan ‘Jihaadka Romeo/ Romeo Jihad’ waa eraybixin tobankii sano ee u danbeeyey Hindiya iyo meelo kaleba laga adeegsanayey. Eraybixintu waxay ku andacoonaysaa in ragga muslimiinta ahi ay ku dadaalaan in ay guursadaan gabdhaha diimaha kale haysta –sida Hinduusiyadda- si ay muslimiin uga dhigaan, tirada Muslimiintuna waddanka ugu badato[ii].

Isticmaalka eraybixintu waxay korodhay ka dib markii xisbiga Hinduusiga ee xagjirka ah ee “Bharatiya Janata (BJP)” uu xukunku qabtay. Xisbigaan xagjirka ahi wuxuu isku dayaa in dadweynaha Hindiya ee Hinduusta u badan uu ku soo jiito in uu yahay kan u taagan ilaalinta diinta iyo dhaqanka Hinduusta Hindiya, islaamka iyo Muslimiintana uu u muujiyo in ay yihiin cadowga koowaad ee Hindiya.

Tusaale ahaan, dabshidkii 2015, Hindiya waxaa dood ka abuuray hadal ay tiri haweenay lagu magacaabo Sadhvi Prachi oo xubin ka ah xisbiga BJP. Sadhvi Hindida waxay ugu baaqday in ay joojiyaan daawashada filimaanta “saddexda Khaan”, iyada oo tilmaamaysa jilayaasha muslimiinta ah ee Hindiya ugu magaca dheer oo magcaantooda Khaan ku jiro, waxayna kala yihiin; Shahrukh Khan, Aamir Khan iyo Salman Khan.

Sadhvi Prachi oo Hindida la hadlaysey waxay tiri: “Carruurteenna waxaa lagu khaldaa filimaanta Khaanankaan. Waxay dhiirrigeliyaan jihaadka jacaylka. Ha ku dhegsan derbigaaga sawirrada Khaananka.” Waxaa xusid mudan, in Shah Rukh Khan uu jilay filin caan ah oo lagu magacaabo “Magacaygu waa Khaan / My Name is Khan”oo ka duulaya dhacdadii 11 Sept ka dhacday dalka Maraykanka, farriinta uu gudbinayaana waa in nacaybka iyo colaadaha looga hortago jacayl iyo dulqaad, aysanna jirin bulsho fiican iyo mid xun, balse ay jiraan qof wanaagsan iyo qof xumi. Shahrukh Khan filinka dhexdiisa wuxuu ku leeyahay: “Magacaygu waa Khaan Argagixisana ma ahi/ My Name is Khan & I’m not a Terrorist”[iii].

Doodda ku saabsan jihaadka jacaylku waxay Hindiya dib uga cusboonaatay ka dib markii bilo ka hor ay dhacday sheekada loo bixiyey ‘Xaaladda Hadiya’. Hadiya oo horay magaceedu uu ahaa ‘Akhila’, waa gabar asal ahaan Hinduusiyad ah, laakiin iyada oo 24 jir ah guursatay wiil Muslim ah oo ay is jeclaadeen, diinta Islaamkana qaadatay. Hase ahaatee, waalidkeed ayaa waxay ku doodayaan in gabadha lagu qaaday jihaad jacayl, laguna dirqiyey in ay muslinto. Laakiin si taa ka duwan Hadiya waxay ku doodaysaa in ay istikhyaarkeeda ku dooratay wiilka ay guursatay iyo weliba in ay muslinto, waxayna codsatay in la ixtiraamo xaqa ay u leedahay in ay guursato qofka ay doorato iyo in ay qaadato caqiidada ay damacdo, arrimahaasina ay yihiin xuquuq dastuurka dalku uu muwaadiniinta oo dhan u dammaano qaadayo[iv]. Maxkamaddu waxay mar kale dacwada Hadiya dhegaysan doontaa toddobaadka saddexaad ee bisha Jannaayo ee nagu soo aaddan.

Toddobaadkii horena dadka Hindidu waxay baraha bulshada ka daawadeen nin Hinduusi ah oo si bahalnimo ah faas u la dhacaya, dabadeedna gubaya nin Muslim ah. Ninka dilka geystay sababta dilka keentay wuxuu ku macneeyay in ay tahay isaga oo difaacaya sharafta bulshada Hinduusta ah ee Muslimiintu ku xadgudbaan marka ay guursadaan dumarkooda, wuxuuna isku tilmaamay in uu yahay shahiid u dhimanaya difaaca dhaqanka iyo diinta Hinduusta. Ninka dilka geystay oo boolisku magaciisa ku sheegay Shambu Lal, wuxuu Muslimiinta ugu hanjabay: “Haddii aad jihaadka jacaylka ku faafiso waddankaan, sidaan bay noqonaysaa qaddartaadu (=sidaan baa kugu dhacaysa)… Jooji jihaadka jacaylka. Jihaad doonku ha ka baxeen waddaankaan / If you spread love jihad in this country, this will be your fate … Stop love jihad. Jihadis get out of this country.”

Dhacdada dilkuna waxay timid iyada oo maalmo ka hor la baajiyey in dadweynaha loo soo bandhigo filin cusub oo lagu magacaabo “Padmavati”, oo ah filin taariikhi ah oo ka hadlaya sheekada boqorad lagu magacaabo ‘Padmavati’ oo qowmiyadda Rajput ee Hindiya ay ku doodaan in ay noolayd qarniyadii 13-aad iyo 14-aad. Filinkana waxaa ka carooday xagjiriinta Hinduusta iyo qowmiyadda Rajput oo ku eedeeyey in lagu muujiyey Padmavati oo il gacaltooyo ku eegaysa boqor Muslim ahaa oo la oran jirey Calaa-udiin Khilji. Joojinta filinkaan oo samayntiisa ay ku baxday miisaaniyad dhan 38.5 malyan oo doollar, waxay welwel ku abuurtay hal-abuurka iyo guud ahaan dadweynaha Hindiya oo badankoodu joojinta filinka u arka arrin ka hor imaanaya halabuurnimada iyo xuquuqu insaanka lama huraanka u ah jiritaanka iyo horumarka dalkooda. Waxayna ku cabanayaan in Hindiya bilowday in ay dhexdeeda iska addoonsato ka dib markii ay toddobaatan dabshid ka hor ka xorowday gumeysigii Ingiriiska[v].

Xagjiriinta Hindidu waxay dooddooda ku xoojiyaan, oo dunida ku beer laxawsadaan falalka xagjiriinta Muslimka ahi ay meelo badan ka fuliyaan, sida falalka ururka Daacish ee Ciraaq iyo Shaam ay kula kacaan dumarka Kirishtanka iyo Yasiidida ah, iyo sidoo kale falalka ururka Boko Xaraam ay ku afduubaan gabdhaha. Ragga Muslimka ah oo dhanna waxay ku shaabbadeeyaan in ay ka qayb-qaataan jihaadka jacaylka.

Dhab ahaantii, waxa Hindiya iyo meelo kaleba ka socdaa ma aha ‘jihaad jacayl’, laakiin waa kala guur dhaqan, oo meel walba oo dunida ka mid ah faca cusub ayaa ka gadoodaya dhaqammadii facyaashii hore oo doonaya in ay u madaxbannaadaan go’aanka nolashooda – waxa ay rumaynayaan iyo cidda ay nolosha la qaybsanayaan[vi].

Ragga haysta diimaha kala geddisani waxay xaq u leeyihiin in ay guursadaan haween diimo kale haysta, laakiin si taa liddi ku ah wadaaddada diimuhu waxay ka siman yihiin in haweenka loo diido in ay guursadaan nin haysta diin tooda ka duwan, iyada oo lagu andacoonayo in haweenku aysan lahayn caqli ku filan oo ay go’aan kaga gaaraan cidda ay nolosha la wadaagayaan. Tusaale ahaan, dhib looma arko in wiilka Hinduusiga ahi uu guursado gabar Yahuudiyad ama Kirishtaan ama Muslim ah, laakiin si taa ka duwan gabadha Hinduusta ah looma oggola in ay guursato wiil Kirishtaan ama Muslim ah. Yahuudda, Kirishtaanka iyo Muslimiintuna waa la mid, oo raggoodu waa guursadaan dumarka diimaha kale haysta, laakiin dumarkooda looma oggola nin diin kale haysta. Xaqiiqadiina xaajada oo dhammi waa kaa xoog badni iyo masayr ina rag. Waa hab-dhaqan la diimeeyey oo salka ku haya isla weynida qabyaaladda ee ah gabdhihiinna waa geynaa, laakiin idinku kuwayaga ma geydaan. Xaaladdana waxaa ku rumoobaya meeriskii gabayga ee ahaa: Qab qab dhaafay baa labo qabiil qaran ku weydaaye!!!

Sida qura ee masayrka wadaaddada diimaha xal loogu heli karaana waa in guurka laga dhigo arrin ka madax-bannaan diimaha oo hoos yimaada qaanuunka madaniga ah ee bulshada oo dhammi ay u siman tahay. Marka labo qof ay go’aansanayaan in ay is guursadaan, waxa isu keenayaa waa jacayl iyo in ay is fahmayaan, ee ma aha diin ay ku wada abtirsadaan.

Isku soo duuboo, waxa loogu yeero jihaadka jacaylku waa dagaal ka dhan ah xaqa haweenku u leeyihiin in ay qaataan diinta ay ku qancaan ama ay nolosha la wadaagaan ninka ay doortaan. Dunidaan tuulada yar noqotay ee aadamigu sida weyn isu dhexgalay, waxaa ku xoogaysanaya guurka dhexmaraya lammaanayaasha ku kala duwan dhinacyada afka, dhaqanka, diinta iyo midabka. Hayeeshee, wadaaddada diimaha oo iska indho tiraya isbeddella dhaqan-dhaqaale ee dunida ka socda iyo in iimaanka iyo jacaylku ay yihiin arrimo qalbiga qofka ku xiran aysanna suurogal ahayn in qof lagu khasbo diinta uu qaadanayo iyo cidda uu jeclaanayo ayaa waxay isku hawlayaan in ay caqiidada iyo jacaylka isbaaro u dhigtaan. Laakiin waa isbaaro aan waarayn oo mar uun laga takhalusi doono!

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

[i]  Tusaale ahaan, eeg buugga: محمد حسن علوان، موت صغير

[ii]  Halkaan ka daawo warbixin France 24 ay arrinkaan ka diyaarisay: https://www.youtube.com/watch?v=2c86Lf0Qd-A

[iii]  Wax yar oo filinka ah halkaan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=JEpqz33vKus

[iv] Xaaladda Hadiya halkaan ka eeg: https://www.ndtv.com/india-news/hadiya-to-testify-on-marriage-as-family-alleges-love-jihad-10-facts-1780376 , sidoo kale daawo: https://www.youtube.com/watch?v=dfF4mhPeZHQ

[v]  Wax yar oo ku saabsan qisada filinka iyo dhacdooyinkii xigay halkaan ka daawo: http://indiatoday.intoday.in/story/padmavati-row-sanjay-leela-bhansali-deepika-padukone/1/1092143.html

[vi]  Xaaladda Hindiya daawo: https://www.youtube.com/watch?v=jXoBPmFIL-c

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code