Kalkageeddi
Kalkageeddi
Tixdani waxa ay curatay 23-02-2017. Ararta ka dib waxa ay tixdu ka faalloonaysaa in waxqabsiga ummadeed uu ku dhismo wada tashi iyo isbuuxin, oo haddii uu talada qaran qof keligiis ahi gaar u faashado laga dhaxlo ciribxumo. Waxa ay arrintaas tixdu tusaale uga dhiganaysaa kelitaliskii Soomaaliya 21 sano haystey in laga dhaxlay isnacayb iyo kalaguur. Waxa ay xubintaas tixdu canaananaysaa dadka weli ku dooda in uu Maxamed Siyaad dalka iyo dadka dan u ahaa, oo iska indhotira xanuunnadii uu geystey.
Xubinta labaad ee tixdu waxa ay ku nuuxnuuxsanaysaa dhibaatooyinkii dowlad la’aanta iyo dagaalladii sokeeye oo baaxadda weynaa iyo sidii loogu khasaaray. Waxa ay qaybtaasi iftiiminaysaa in haddii aysan soomaalidu wax qabsan oo isku tashan aysan dad kale wax u qabanayn, oo ay masuuliyadda noloshoodu dhammaanteed iyaga ku xiran tahay. Sida ay wax u dhistaan oo ay maskax iyo murug wax ugu la soo baxaan in uu aayaha dalkoodu ku jiro ayey caddaynaysaa.
Qaybta ku sii xigta ee tixdu waxa ay ka faalloonaysaa in dowladnimada Soomaaliya ay maanta meel fiican marayso, oo ay shacabku qabaan rajo ka wanaagsan sidii ay hadda ka hor ahaayeen. Waxa ay tixdu halkaas saadaalinaysaa in laga bixi doono nabad la’aanta iyo in dib loo helayo dowlad la isku hallayn karo.
Ugu danbayn maansadu waxa ay ka doodaysaa shacabka iyo maamulka gobolladda woqooyi ama Soomaalilaan. Waxa ay tixdu shacabkaas uga garaabaysaa tacaddiyadii uu Maxamed Siyaad u geysyey, waxa ayna si aan leexleex lahayn oo bareer ah u hogotusaalaynaysaa in midnimadu ay laga ma maarmaan tahay ama ay habboon tahay. In kasta oo uu xilligii dowladdii hore gef laga caloolxumaadaa degaankaas iyo dadkaas gaarey haddana tixdu waxa ay qeexaysaa in ay dadku mar kasta walaalo yihiin oo wixii dhacay la daweyn karo, lana furi karo bog cusub oo taariikh midnimo ah. Akhris wanaagsan oo wacan.
Gabaygii la kaynaanin jirey, kiisi noqon waaye
Kaankaansi doodeed markuu, rag isku kiilkiilo
Ciiraale keliyaa wadaan, kaalinkeed garane
Isna wuxu kutubihiisa meel, ugu la koobnaaday
Kalahaadka dhacay buu arkiyo, ceeb kalaankalane
Karaankiisu diid maanso aan, ”Kow” la oranayne
Kor u qaadi waa luuqihii, kamanku saarnaaye
Anse kayliga i dhibay haddaan, koonka maqashiiyo
Murti lagu kamiindugahayaan, idin kulaalsiine
Karti baan u leeyahay tixaha, lagu kifaaxaaye
Kordhigiyo haddaan hoosdhigiyo, kaafka ka hikaadsho
Kabtinkii fardaha weeye iyo, kaare iyo miige
Waad kuunyi doontaan markaan, kaaha weyn shido’e
Karuur baan u shubayaa dadkii, koofur iyo hawde
Kasoofeen sidiis bay u dhamin, kalaxyo waaweyne
Kicintayda caawiyo barri ah, wow kitaabdeyaye
Kasmo ina abwaan weeye iyo, roob kaliil da’aye
Konton sano nin jirey baan ahiyo, kaadir caalin ahe
Hadal kobocsan weeyoo ka weyn, kuray aqoontiise
Kama’ ku ma jiroo xeelad baa, loogu kuurgalaye
Waa sooryo lagu keyfayiyo, kuruski Maandeeqe
Ka rog oo haddana saar haddaan, kiishadda u giijo
Keligiis nin duulaa bulshuu, ka la dillaacshaaye
Kori mayso qarannimo haddaan, wadari kaalmayne
Kulanno iyo dood bay ummadi, kor ugu guurtaaye
Kibiraanni wiil ahi hadduu, koofi belo qaato
Kordhin maayo hadaf aan ahayn, kalago’ reeroode
Kelitalis abaalkiisu waa, meel xun kadalloobe
Kaad-dhalkii la wada maalayuu, ibo kuryeeyaaye
Kalagoys ma beegee laf buu, sii kirkirayaaye
Kalakaan dhireed wuxu noqdaa, kayn rabbaani ahe
Haddii geedku meel kidifsan yahay, koodda dhaladeeda
Dabayl Eebbe kooreeyey baa, kaabadda u jebine
Kiintaal culayskiisa iyo, koonbo yarideeda
Qof kastoo caqliga kaashadaa, wuu kasahayaaye
Kulligeen hadday taladu tahay, waa kataan adage
Korontada dadweynaha ninkii, kiciya waa guule
Iyagaa kafayn kara qof iyo, kaalintuu galo’e
Kabihiisi buu cunay ninkii, ka la kaxeeyaaye
Kuurkuursi ruux qur ahi waa, korasho dhiillaade
Kubbad waxa ciyaaraaba waa, kooxo iyo kooxe
Kaftan ma aha gobannimo in ay, kiil baheed tahaye
Kacaankiiba waagii nin baa, kiish yar noo sidaye
Kabaalluuna nagu raray sidii, koromo awreede
Kansar iyo xanuun buu ahaa, kaarayoo darane
Kafantuu midnimadii u tolay, lagu kexee iile
Goortuu na ka la guray qabiil, loo kalgacaltooye
Kax abaar ah iyo wuxu na tubay, meel kudaafad ahe
La ma koobi karo eeduhuu, kaasi noo dhimaye
Nin kastoo difaaci u kallahay, waa kadaab run ahe
Kadabkeedu been uu go’uu, sii kabkabayaaye
Ragga maanta koolinahayaa, wayska karantiile
Kasoobbax iyo cudur muuqday bay, koor u ruxayaane
Caqli kamas leh bay leeyihiin, iyo karriin baase
Hadday been kelyo’adaygayeen, koodadkaa jabane
War kutirikuteenana run baa, lagu karbaashaaye
Ninkii kaadidibiyeyn ogow, waad kalleetidaye
Waxa la la kadaallinahayaa, malaha koosaare
Waa kuus angagan yaabis iyo, kabaro ceebeede
Kitaab faalallow weeye iyo, tuug kalxamo dheere
Kibirkii dhib baa laga dhaxliyo, kenigi waagiiye
Kalasooca waxa noogu wacan, waa kuwii belo’e
Ragga weli u kaaldeyi dadnimo, kororsan maayaane
Kulliyaddii xumayd duul ka baxay, kariye deelqaafe
Kubadiyo calooshii bugtaa, kuusan weligeede
Ninkii been kabbaqublaynayow, waa karood cudure
Kadabjiirrayohow meel xillaa, idin kabuubyoone
Wax kacaakufkaas idin ku dhigay, waa kubkiin jabaye
Kaaftooma waa baad geyiga, keeno geliseene!
Ka rog oo haddana saar haddaan, kiishadda u giijo
Ummadyahay kulayl soo martiyo, kogid caloolyowe
Korjad iyo culays bay kurteen, kebedi saarrayde
Kadeed iyo darxumo aragte iyo, oon kurmaan badane
Kursi la isku dilo iyo xumaan, wow kaltiriseene
Kufsi foolxun iyo dhiillo waad, wada korjoogteene
Kurtumada colaaddiyo dhib baad, wada kurbooteene
Kushad iyo dadweynuhu mudduu, ciil la kuududaye
Kurkaa la iska wada gooyey oo, waad iskidifteene
Waa kalabar geerida dadkii, aakhiro u kacaye
Dhaawaca karraysaha ka jabay, kuman kun weeyaane
Kuraankuraha duul belay baa, kood kastaba yaale
Kudkudaha dalkeennii ka kacay, waysla keligeene
Kufaar meel ka soo duuley iyo, maaha kiristaane
Xabbadaha la kaynaaniyaa, koyto ma ahayne
Muslin wada Kariinkii Alliyo, qiray kalaankiisa
Ayun baa kas iyo maag bareer, sii kunbaday dhiige
Sidii maal kud helay meydku wuu, koronkorraysnaaye
Kan oo kale ma arag soojireen, boqol ka sii weyne
Kaydkeenna taariikhda iyo, kalaha sooyaalka
Colaadaha karkaray weli ma werin, ruux kabiir ahiye
Kallif gaajo iyo baahi baa, la la kadleeyaaye
Innagoo kannaal webi ah iyo, bado korkood joogna
In aan kaarad carabeed sugnaa, waa karaahiyo’e
Na ma kaafiyaan deeqo iyo, kaalo aadamiye
Karaamada dadnimo waa dadaal, kal iyo laabeede
Kalluumaysigiyo beerihiyo, kaawadaa dan ahe
Kasab iyo waxsoosaar haddaan, kicitin loo yeelan
Kalab ciyahayiyo ka ma duwanin, qaylo kobojaaye
Kordhi mayso gobannimo haddaan, koranno qeyrkeene
Kafadaha wax lagu qaybsadaa, waa kanshiyo hawle
Nin kafaaleqaadaa ma jiro, duul karkoor tubane
Kunbuyuutar baa hawl dadnimo, lagu kormeeraaye
Kudhac iyo aqoon baa ka wacan, kolayga cayreede
Kudayashaan u leenahay naflaha, koray ladiid dheere
Kimisteenna waynuu dhalaa, muruqa keenna ahe
Kaxda daalka iyo horumar waa, kabay mataano ahe
Waa sida kabriid iyo shidaal, kaadsi iyo guule
Korsaar hawl ah baa geeddisocod, lagu kawaanaaye
Kati niman ul gelin baahi way, kulansanaadaane
Kalloorado ma buuxsado nin aan, hawl karkabadoone
Kiriiri iyo dacar bay ka tahay, loogu shubay koobe
Ka rog oo haddana saar haddaan, kiishadda u giijo
Kumeelgaar ka baxe maamulkii, kaadka yuururaye
Kaawiyad la mari oo la gogol, shay kadiifad ahe
Kolmo dahab ah gabar loo suryoo, kaatun loo geliye
Kuul lagu marriin gaaridii, loo kufka ahaaye
Kunbis iyo la shiil sooryadii, kariska fiicnayde
Korreeyihiyo madaxweynihii, fuulyey karingaabe
“Waa ku ma?” la yiri doorashada, kedisadeediiye
Kalsami muuje shacabkay indhuhu, kulucsanaayeene
Ka dib waxay siyaasadu lahaan, kaawin iyo xeele
Kacdoon nabadgelyiyo ciidan baa, keebka wada hayne
Kaakiga waxaa ugu jufnaan, niman kornaylo ahe
Kaneecada waxaa lagu daweyn, jaad kiniini ahe
Kellibalow ka baxe xoolihii, kawkabka ahaaye
Kebbis loo dey meeshuu ku jirey, qawrar kalajeexe
Ka soo raa dalkii aan lahayn, wuu ka sii darine
Karreebkii irmaanaa la soof, kadimadiisiiye
Markuu dooggu kaabiga jabsaday, karinlihii qooqye
Karaar daacadaa dowladnimo, lagu kalkaalaaye
Doogaha kubbayn iyo kubbayn, lagu kifaayeeye
Jiilaal kaldhaaf looga gudub, karad gusoore ahe
Ka rog oo haddana saar haddaan, kiishadda u giijo
Koofur iyo woqooyiga istebey, maaha kalagaare
Kalgacaylna Xamar wow qabtaa, kobaha reer Laane
Kakanaan dagaal bay rag xumi, waa kakabiyeene
Kurihii Hargeysiyo Burcaad, meyd kashkaash noqoye
Kalaguurka waxa keenay waa, kahashadoodiiye
Hayeeshee kalsoonidu mar bay, dib u kabmaysaaye
Kiristaan midkeen ma aha iyo, gaal kilkilo weyne
Kacbadaan u wada jeesannaa, kol iyo goor noole
Korkiyo midabka waysaga eg nahay, kaanka oogada’e
Kalmadaha afkuna waa wax aan, kalabaxsoonayne
Kis yar weeye tiradeennu oo, kow labaan nahaye
Kal gacmeed walaalkaa hadduu, maalin kaa jebiyo
La ma kariyo cunohoo xanaaq, laysma kaanbiyo’e
Waa kiro Iblays ninan cafiga, “Kaalay” oranayne
Kirli shidan sidiisii haddii, karid la oomaaray
Isku kaabnideennii haddii, kalatag loo doortay
Ereyada kankoonka ah xanaaq, kacay hadduu beeray
Kolley iyo kolley soodhaweyn, kawraxdaan wadine
Kafaaraan ku maray in an wanaag, kugu la doodaaye
Kadinkaan fadhiyin jeer mar kale, laysku keen karo’e
Waxaan nahay mataanoo kaloo, meel ku soo koraye
Kaa raysan mahayoo midnimo, waan korsocotayne
Karbuunada waxaan shidahayaa, waayo ka la dheere
Kareen la isu mari eheladay, ka la kaxeeyeene
Waxa soo kankamin wadajiroo, maaha kalaguure
Kalkageeddi meeshaan la rabo, waan ku furayaaye
Shaafici Xasan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com