MAXAY U FASHILMEEN URUR DIIMEEDYADA? [BAADIGOOB XAQIIQ] QEYBTII 3AAD

TIJAABADII WAHAABIYADA (SALAFIYADA)

Tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaanidii Turkiya, waxaa dunida Islaamka ka curtay urur diimeedyo siyaasadeed oo fara badan, oo aragtiyo iyo madaahib kala duwan xanbaarsan. Waxayna dhammaantood tiigsanayeen inay yagleelaan dawlad Islaami ah oo balaaran sida tii Cusmaaniyiinta. Waxaa xusid mudan, ayna tahay in la bidhaamiyo in markii horaba qaar ururradaas ka mid ahi ay ka qayb qaateen dumintii dawladdii Cusmaanida. Sannadku markuu ahaa 1703dii ayuu dhashay aabbaha iyo aasaasaha urur diimeedka loogu magac daray ‘Alwahaabiya’. Wadaaddkaas oo lagu magacaabi jiray Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab[1] wuxuu ku dhashay tuulo la yiraahdo ‘Al-cuyayna’ ee dhulkii loo yiqiin ‘Al-Najdi’ oo hadda ka tirsan dalka Sacuudi Carabiya. Wadaadku wuxuu ka dhashay qabiil weyn oo la yiraahdo Banuu Tamiim.[2] Wadaadku wuxuu saaxiib dhow la ahaa gaashaanbuurna la sameystay nin la oran jiray Maxammad bin Sacuud oo ah awoowaha qoyska haatan talada dalka Sacuudiga haya ee reer Aala-Sacuud.[3] Labadaan nin waxay ku heshiiyeen in shiikh Maxammad bin Cabdulwahaab iyo raaskiisa Aala-shiikh ay madax ka noqdaan wixii ku saabsan arrimaha diinta, Maxamed bin Sacuud iyo qoyskiisuna ay masuul ka noqdaan arrimaha siyaasadda. Dawladdii Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka talinaysay dhulkaasna lala dagaallamo oo Najdi oo dhan laga xoreeyo. Sannadku markuu ahaa 1744kii ayay labadaas nin u suurtogashay inay yagleelaan maamulkii ugu horreeyay ee Sacuudiga, waxayna u bixiyeen isu-tagga Dirciyah oo aheyd gobol.[4]

Intaa kadib, Sh Maxammaed bin Cabdulwahhaab oo marakan miciyeystay wuxuu guda galay inuu la dagaallamo cid alaale iyo ciddii ka aragti duwan – isagoo u cuskanaya in ciddaan manhajkiisa heysan ay yihiin mushrikiin gaalo ah, dhiiggooda iyo maalkooduna uu xalaal yahay.[5] Wadaadku isagoo garab ka helaya dawladdii Sacuudiga ee uu wax ka yagleelay ayuu wuxuu qaaday duullaamo badan oo uu ku qaaday shacabkii Muslimiinta ahaa ee degganaa dhulka Sacudi Carabiya. Xilligaas shacabka reer Najdi waxay haysteen dariiqo ka mid ah Suufiyadda oo la yiraahdo ‘Naqshbandi’ (oo ku abtirsata Shiikh Bahaa’uddiin Maxammed Naqshbandi Bukhaari[1318–1389])[6]. Ina Cabdulwahaab wuxuu  bilaabay inuu culumada dariiqadaan birta ka also, maalkoodana soo qaniimeysto. Buugga caanka ah ee loo yaqaan ‘Aldurar alsanniyah’ oo ka kooban dhigaallo ay qoreen culumo reer Sacuudi ahi, wuxuu ina Cabdulwahaab ku xusayaa inuu duulay “qaswah’ in ka badan 300 oo duullaan, isagoo oranaya waxaan ku duulnay gaaladii degganeyd Sacuudiga – wuxuuna u xusayaa tuulo tuulo iyo qabiil qabiil, wuxuuna ku xukumayaa dhammaantood gaalnimo, wuxuuna bannaynsanayaa dhiiggooda iyo maalkooda ([1]ابن بشر. عنوان المجد في تاريخ نجد.).[7]Tusaale, isla buugga Durar ina Cabdulwahaab wuxuu ku leeyahay waxaan ku duulnay gaaladii reer Carab Shaam, waxaana ka dilnay 120, waxaan kasoo qaniimeysanay 5000 oo geel ah.[8] Sida uu ku soo warramayo taariikhyahanka lagu magacaabo Cabdulraxiim Cabdulraxmaan intaas kuma ekaan wadaadku ee wuxuu ku baxay oo jidgooyo u dhigtay dawladdii Cusmaanida ee Muslimiinta oo dhan matalaysay. Inta sida shuftada jidadka isbaaro dhigto ayuu askarta layn jirey maalkana dhici jirey.[9]

Sidoo kale taariikhyahanka Cismaan Ibnu Bishri ee wahaabiga ahaa wuxuu soo warinayaa in Maxamed bin Cabdulwahaab iyo ninkay heshiiska wada galeen ay ku duuleen magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina – iyagoo ku doodaya waxaa deggan Mushrikiin – wuxuu taariikhyahanku ku darayaa inay halkaas xerta ina Cabdulwahaab ku burburiyeen qubuuro fara badan, dadkii magaalooyinka dagganaana lagu qasbay inay qaataan manhajka ina Cabdulwahaab. Taariikhyahanka Wahaabiga ah ee Cismaan ibnu Bishri oo ah nin lagu kalsoon yahay xogta uu ka qoray taariikh nololeedka shiikhiisa Maxammed Cabdulwahaab wuxuu qirayaa in shiikhu uu aamminsanaa in dadkii xilligiisa degganaa jasiiradda carabta ey islaamnimada ka laabteen oo mushrikiin qubuuro caabuda noqdeen, ayna ka gaalnimo iyo shirki badan yihiin mushrikiintii Quraysh. Ina Bashiir wuxuu buugiisa ‘Cinwaanka Najd’ ku xusayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu Shiikh Maxamed Cabdulwahaab ku duulay tuulada la yiraahdo ‘Cuyaynah’ si ay u soo laayaan mushrikiinta deggan tuuladaas, xoolahoodana ay u soo qaniimaystaan. Taariikhyahanku wuxuu sheegayaa in markii Shiikh Maxamed uu tuulada gaaray uu ku amray raggii ciidanka u ahaa inay dilka ka bilaabaan Guddoomiyaha tuulada oo lagu magacaabi jiray Cismaan bin Mucammar oo amminkaas salaad jimce u taagnaa. Markii guddoomiyihii uu salaaddii ka baxay ayey qoorta u dheereeyeen isagoo weli ku fadhiya salligii uu ku tukaday, markaan Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab wuxuu yiri: kani waa kaafir kani waa mushrik.[10]

Isku soo wada duuboo, Maxamed bin Cabdulwahaab iyo urur diimeedkiisu waa mid lagu aasaasay gaalaysiinta dhammaan dadka aan manhajkiisa haysan, qubidda dhiiga dadka Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan iyo xalaalaysiga maalkooda. Waana isla arrinka maanta haysta dadka Muslimiinta ah oo dhashii ururkaasi ay meel walba iyo goor walba ku dooxayaan dadka Muslimiinta ah. Bal eegoo u fiirso siday isugu midka u yihiin af iyo dhaqanba, ururkii ina Cabdulwahaab iyo ururrada haatan jira oo kaas ka soo farcamay sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko-Xaaraam iyo Al-Shabaab. Ina Cabdulwahaab qofkaan isaga raacin wuxuu u ahaa Mushrik dhiiggiisa iyo maalkiisuba ay xalaal yihiin, qubuurahana colaad ba’an baa kala dhexaysay. Waxa Daacish, Al-Qaacida, Boko-xaaraam iyo Al-shabaab ay hadda sameeyaan waa isla intaas. Muslimiinta gaalaysii, dhiiggooda iyo maalkooda xalaaleyso, qubuurahoodana burburi.

Taariikhyahannada reer galbeedka qaarkood iyo kuwo Muslimiin ahba waxay soo tabiyaan, in wadaadka ina Cabdulwahaab uu xiriir adag oo dhow la lahaa boqortooyada Ingiriiska, oo iyada guluf weyn ugu jirtay iney dhidibada u siibto dawladdii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta ee fadhigeedu ahaa Turkiga.[11] Ingiriisku waa ku dhici waayeen dagaal fool-ka-fool ah inay la galaan Cusmaaniyiinta xilligaas, oo waxay ka baqayeen iney Muslimiinta mideeyaan. Waxay fursad heleen markey ogaadeen in nin la yiraahdo Maxammad bin Cabdulwahaab uu ka soo baxay dhulka Najd kaas oo mucaarad hubeysan ku ah dawladda Cusmaaniyiinta. Jaajuuskii weynaa ee u dhashay waddanka Ingiriiska ee boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsanaa sirdoonka Bariga Dhexe, oo lagu magacaabi jiray ‘Mr Hempher’ wuxuu xusuus qorkiisa ku qoray inuu la kulmay wadaadka lagu magacaabo Maxamed bin Cabdulwahaab kulana kulmay magaalada Basra. Wuxuu jaajuuskaan Ingiriisku sheegayaa in isaga oo matalaya Boqortooyada Ingiriiska uu heshiis la galay ina Cabdulwahaab si ay isaga kaalmaystaan sidii lagu ridi lahaa dawladdii Cusmaaniyinta.[12]

FASHILKA WAHABIYADA (SALAFIYADA)

Yeelkadeede, intaasi waa qayb ka mid ah taariikhda urur diimeedka ‘al-Wahaabiyah’ ee raacsan waddadii Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab. Haddaan u imaado su’aasha ah maxay u fashilmeen, ee ah cinwaanka dhigaalkaan – waxaan durbadiiba helaynaa jawaabta oo ah mid fudud, taas oo ah in wadaadkaan iyo xertiisu ay garab mareen xeerarkii Eebbe u dajiyay koonkaan iyo abuurka ku hoos nool. Xeerkaas oo ah in la aqbalo dadka kaa diin, dhaqan, af, midab, mad-hab iyo fikir duwan – xisaabtooduna aysan ahayn shaqo qof aadane ah u taal, ee ay tahay mid Allihii uuntay u taal, isagana ay khusayso sida uu ka yeelayo umaddiisa kii rumeeyay iyo mid aan rumaynba. Eebbe oo arrintaan nooga digaya wuxuu Quraanka ku yiri:

وَلَا تَطْرُدِ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَيْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن شَيْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ الظَّالِمِينَ

“ha eryin kuwa baryaya Eebbahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa waxba kaama saarna xisaabtooda iyana xisaabtaada wax kama saarna, ood erisid oodna ka mid noqotid daalimiinta”.

Eebbe wuxuu ka digayaa in dadka Muslimiinta ah ee kaa fikir ama darajo ama koox amaba mad-hab duwan la iska fogeeyo oo la eryo sababo la xiriira in qofku u arko inay ka hooseeyaan dhincyo kala duwan, iskaba daa in moorada laga saaro oo la gaalaysiiyo ama la dilo’e. Eebbe wuxuu ku tilmaamayaa qofka sidaas u dhaqma inuu ka mid yahay daalimiinta uu Eebbe ugu yaboohay ciqaab adag. Kaasi waa kan eryay oo kaliya, ka waran kan gaalaysiiyay oo ku tilmaamay inay yihiin mushrikiin, dhiiggoodana daadiyay, sharaftooda duray, maalkoodana dhacay?

  • Qofkii u fiirsada qaabka ay u dhaqmaan xerta Wahaabiyadu, wuxuu durbadiiba ogaanayaa in aysan nolosha adduun u oggolayn qofkaan iyaga raacsanayn oo ku socon manhajkooda- Muslim iyo gaal kuu doono ha ahaadee. Arrinkaasina waa midka Eebbe (SWT) uu ku dhaleeceeyay dadyowgii naga horeeyay ee Yuhuudda iyo Kirishtaanka. Eebbe wuxuu yiri:

وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَىٰ عَلَىٰ شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَىٰ لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ ۗ كَذَٰلِكَ قَالَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ ۚ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ.

“Yuhuud waxay tiri Nasaara (Kirishtaanka) waxba ma’aha. Nasaarana waxay tiri Yuhuud waxba ma’aha. Iyagoo aqrinaya kitaabka (Tooraat iyo Injiil) sidaas ayeey yiraahdeen kuwaan waxba garaneyn hadalkooda oo kale, Eebbaa kala xukumi maalinta qiyaamaha waxay isku khilaafeen”.[13]

Aayaddaan waxaa laga qaadanayaa inaan qolana la fiijin oo lagu sheegin inay baadiyeysan yihiin, xukunka iyo kala soocidda abuurkana loo daayo Allihii uuntay sida uu aayadda ku caddeeyayba. Waxaan kaloo aayaddaan ka fahmeynaa in Eebbe sheegay inay jiraan dad aan Yuhuud iyo Nasaaro toona ahayn, laakiin u dhaqmaya kuna hadaaqaya waxay labadaas qolo ku hadaaqi jireen kuna dhaqmi jireen, oo ah in firqo gooniya isu aragto inay kaligeed tahay uun kooxda badbaadaysa, wixii aan iyaga ahaynnaa ay halaagsamayaan. Allaah kuwaas wuxuu ku tilmaamay kuwii aan waxba ogeyn ‘laa yaclamuun’. Haddaan aayaddaan si dhow u eegno waxaan arkaynaa in kooxda Wahaabiyaddu ay ku dhaqmayaan dhaqanka kaligii saxsanaanta ee Eebbe ku eedeeyay inay Yuhuud iyo Nasaaro ku dhaqmi jireen.

  • Si taa la mid ah, raggaani waxay aamminsan yihiin in qofka aan manhajkooda ku dhaqmin uusan ka mid ahayn kooxda badbaadaysa ‘al-firqah al-naajiyah’ maalinta qiyaamaha.[14] Arrinkaasina waa dhaqan kale oo Eebbe uu ku dhaleeceeyay qawmamkii naga horeeyay ee Yuhuud iyo Kirishtaanba lahaa, Eebbe wuxuu yiri:

وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ

بَلَىٰ مَنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَلَهُ أَجْرُهُ عِندَ رَبِّهِ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ

“waxay dhaheen ma galayo jannada ruuxaan Yuhuud ama Kirishtaan ahayn; taasina waa yididiiladooda (beentooda) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegaysaan. Ruuxiise wajigiisa u hogaamiya Eebbe isagoo sama-fale ah wuxuu ajrigiisa kuleeyahay Alle agtiisa, kuwaasna ma cabsadaan mana walbahaaraan”.[15]

Kitaabka la yiraahdo Al-durur al-sanniyah oo sidaan horay u soo xusnay ah dhigaallo ay qoreen culumadii hore ee Wahaabiyadu oo uu ku jiro ina Cabdulwahaab mujalladka 14aad waxaa ku qoran; “suurtagal ma aha in qof dadka ka mid ahi uu ka leexdo manhajkii Aala-shiikh (yacnii Al-wahhabiyah) sababtoo ah manhajkaasu waa wadadii toosnayd – oo qofkii ka leexdaa uu jaxiimo galaayo”.[16]

In ruuxu ku riyoodo in firqadiisa oo keli ahi ay tahay firqada badbaadaysa wax cusub ma’aha, oo Yuhuud iyo Kirishtaan ayaa horay ugu riyooday in kaligood ay jannada galayaan, Eebbana (SWT) arrinkaas qolooyinkaas waa ka diiday kuwa ka danbeeyaana waa uu uga digay inay waxaas ku naaloodaan. Taa beddelkeeda ilaahay wuxuu rusushiisa faray inay dadkooda u sheegaan in ay iyagu uun yihiin digayaal ka digaya ciqaabka Eebbe – aysanna aqoon halka laftigoodu ay ku danbayn doonaan, Eebbe wuxuu yiri:

قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ

“waxaad dhahdaa ma ihi bidci rasuulada ka gooni ah, mana ogi waxa la igu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa la ii waxyoodo (oo Qur’aanka ah) mana ihi waxaan ka ahayn u dige cad (oo muuqda).[17] Aayad kale wuxuu Eebe (SWT) ku yiri:

قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا

“waxaad dhahdaa cid walba ha ku shaqeyso jidkeeda, (diinteeda) Eebbe ayaa og cidda ugu jid hanuunsan”[18]

Dadka rasuulka (SCW) la farayo inuu sidaan ula hadlo waa gaaladii Mushrikiinta reer Quraysh, ee aan gaalnimo keliya ku ekaan ee rasuulka la dagaallamay oo aad u dhibay. Haddiiba la is faray inaan xataa gaalada xabadka loo garaacin ee sidaas jajabnaanta iyo qaddarintu ka muuqdo loola hadlo, xaggee buu joogaa xaalka qofkii Muslimka ah ee uun fikir la isku khilaafay? Mise sida Wahaabiyada ayaa bidcigu mushrigga ka daran yahay???

  • Wahaabiyadu waxay in badan ka dhawaajiyaan inay xoogga saarayaan inay ummadda ka saxaan caqiidada, laakiin marka la eego habdhaqankooda waxaad mooddaa in ay khilaafsan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee towxiidka. Wahaabiyadu ma ay ogola cid ka fikir duwan, balse xaalado badan waxay gaalaysiiyaan dadka ka ra’yi duwan. Dhaqankaasina waa dhaqankii tuulooyinka ee Eebbe balanqaaday inuu halaagayo ka hor maalinta qiyaamaha. Sidaasna waxay ka hor-imaanaysa xeerka koowaad ee Ilaahay u dajiyay koonka – kaas oo ah; in Alle SWT keligii uu yahay kan sugan, ee aan is-beddelin, amarkuna uu keligii u sugnaaday. Cid allaale iyo ciddii Alle ka sokeeysaanna yihiin tiro, is-beddelaysa, kala duwan, taladoodana wadaaga. Eebbe wuxu yiri:

وَإِن مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا

“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab daran qiyaamaha ka hor, waana arrin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka)[19]. Tuulana waa sidaan horay ugu soo qeexnay ee ah: degaan ay ku noolyihiin dad isku wada fikir ah oo diiday in dad ka duwan ay ku dhex noolaadaan.

Sacuud al-Qaxtaani oo ka mid ah la taliyeyaasha boqorka Sacuudigu maqaal uu dhawaan qoray wuxuu ku sheegay in fikirka Salafiga (Wahaabiga) ah ee dowladda Sacuudigu ay muddada dheer ku tiirsanayd uu maanta caqabad ku yahay jiritaanka iyo horumarka Sacuudiga. Qaxtaani maqaalkiisa cinwaankiisu yahay “Dowlad Qaran iyo Sharciyadda Aydiloojiyadeedالأيدلوجية  الدولة الوطنية والشرعية”, wuxuu ku sheegay in wadaaddada Salafigu ay weli ku dhaggan yihiin fikraddii khilaafada iyo ummad Islaam ah, fikraddaasina ay tahay mid gabbalkeedii dhacay, waayo dowladaha casrigaan jiraa waxay ku dhisan yihiin fikradda ‘Dowlad Qaran ama Nation state’ oo aad uga duwan macnaha khilaafada iyo ummad islaam ah. Ummadda Islaamka ahi waxay kulmisaa dad isku diin ah, laakiin si taa ka duwan dowladda qaranku waxay kulmisaa dad hal dhul iyo hal calan ku wada abtirsada, si kasta oo ay ugu kala duwan yihiin dhinacyada afka, dhaqanka, diinta, midabka iyo qaar kale oo badan[20].

Isku soo wada xooriyoo, seddxdaas arrimood ee aan kor ku soo xusnay waa wax ka hor-imaanaya tacliimaadka Quraanka, waxayna ka mid yihiin arrimihii Yuhuudda iyo Kirishtaanka, iyo dhaqamadii qawmamkii naga horeeyay lagu halaagay ee Alle ku dhaleeceeyay oo ku diiday caqiidadaas faasidka ah. Waana seddexdaan sababood iyo amar ku taagleynta waxa ay la fashilmaan urur diimeedyadu guud ahaan, gaar ahaan ururka Wahaabiyadu. Sidoo kale dhigaalkaan bilowgiisa waxaan ku sheegnay in Allah balan qaaday inuu halaagayo cid Allaale iyo ciddii isku dayda kalitalisnimo oo u dhaqanta sida dhaqankii tuulooyinka halka qolo degganeyd (eeg qoraalka bilowgiisa si aad u fahanto waxaa loola jeedo dhaqanka tuulooyinka). Xilligii tuulooyinku wuu dhamaaday, waxaa lagu jiraa casrigii magaalooyinka iyo cowlamada, laakiin waxaad mooddaa in urur diimeedyadu ay weli joogaan casrigii tuulooyinka oo aysan ka soo gudbin.

Abdiaziz Arab

arababdiaziz@gmail.com

[1]Moosa, Ebrahim:  What Is a Madrasa? (2015)

[2]Nawaf E. Obaid (September 1999). “The Power of Saudi Arabia’s Islamic Leaders”Middle East Quarterly. VI (3): 51–58.

[3]A History of the Arab Peoples by Albert Hourani (1992

[4] Yaaqii iyo Shaakir: Taariikhda islaamka cuseyb iyo qadiim (2010)

[5]عنوان المجد في تاريخ نجد، تأليف: ابن بشر، ص45-46

[6] John L. Esposito (edited by), The Oxford Dictionary of IslamOxford University Press (2004), p. 296

[7]يوسف الرفاعي. نصيحة لأخواننا علماء نجد.

[8]ابن بشر. عنوان المجد في تاريخ نجد.

[9]عبد الرحيم عبد الرحمن: وثائق الدولة السعودية الأولى في عصر محمد علي باشا، مج2ص 721

[10] Ibnu Bashiir: Taariikhda Najd (pp97)

[11] The Saga of “Hempher,” Purported British Spy by Daniel Pipes, January 1996

[12]confessions of a british spy and british enmity against islam archived 9 may 2015 at the wayback machine. 8th edition, hakikat kitabevi, waqf ikhlâs

 

[13] Suurat Al-Baqarah 113

[14] http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&lang=&Option=FatwaId&Id=5408

[15] Suuarat Al-Baqarah: 111-112

[16] Al-durarul Sanniyah m14/375

[17] Suurat al-Axqaaf: 9

[18] Suurat Al-Israa’: 84

[19] Surrat Al-israa’ 58

[20] سعود عبدالله القحطاني ، الدولة الوطنية والشرعية الأيدلوجية

http://www.alriyadh.com/13827

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code