Qaanuun Dhiig Ka Da’ayo! Daacish Oo Gool Dhalisay

Hadda wixii ka danbeeya, towbad keenku cidna ka cafin maayo ciqaabta dilka ee lagu mudanayo riddada iyo wax ka sheegga diinta, sidaa waxaa caddaysay xukuumadda Muritaaniya.

Khamiistii shalay oo taariikhdu ahayd 16 Nofeembar 2017, golaha wasiirrada ee dalka Muritaaniya kulankoodii toddobaadlaha ahaa waxay soo jeediyeen mashruuc qaanuun oo wax looga beddelayo maaddada 306 ee qaanuunka hadda shaqeeya ee soo baxay sannadkii 1983dii.

Ujeeddada qaanuunka wax looga baddelayo waa in la helo sharci loo adeegsan karo dilka dadka lagu eedeeyo in ay diinta wax u dhimeen. Qodobada la soo jeediyey in qaanuunka lagu daro waxaa ka mid ah qodob oranaya:

“Muslim kasta lab iyo dheddig kuu doono ha ahaadee, oo ku jeesjeesa Eebbe, ama Rasuulkiisa (scw), ama malaa’igtiisa, ama buugtiisa, ama mid ka mid ah nebiyadiisa, waxaa la dilayaa isaga oo aan towbadkeen la weydiin, haddii uu towbadkeenana ciqaabta dilku ka dhici mayso.”

Waxaa kale oo ku jirta faqro oranaysa:

Qof kasta oo “si cad uga baxa islaamka ama dhaha ama fala wax keeni kara diin ka bax, ama inkira wax diinta ku cad, saddex maalmood baa la xirayaa, muddadaasna towbadkeen baa la weydiinayaa, haddii uusan towbad keenin gaalnimo darteed baa dil loogu xukumayaa, hantidiisuna waxay aadaysaa guriga hantida muslimiinta (=khasnadda dowladda)”

Faqro kale waxay leeyahay: “ Qof kasta oo islaam muujista, gaalnimana qarsada waxaa loo aqoonsanayaa sandiiq (=gaal) waxaana lagu ciqaabaya dil iyada oo aan la towbad weydiin, lagamana aqbalayo towbad haddii uusan towbad keenin ka hor inta aan niyaddiisa la ogaan.” Qaanuunku ma sheegin sida niyadda qofka lagu ogaanayo???

Qodobkaas waxaa lagu soo gunaanaday faqro oranaysa:

“Muslim kasta oo mukalaf ah oo diida in uu tukado isaga oo qirsan in ay waajib tahay waxaa la amrayaa in uu tukado.. Haddii uu ku adkaysto salaad la’aanta waa la dilayaa, haddii uu inkirsan yahay waajibnimada salaaddana gaalnimo ayaa loo dilayaa, duugtiisana looma diyaarinayo sida meydka muslimiinta loo diyaariyo, denbigaanna qirasho ayaa lagu caddayn karaa.”

Qodobka 2-aad ee mashruuca qaanuunka ee la doonayo in la ansaxiyo wuxuu oranayaa:

“Dhammaan qodobada qaanuunka ku jira ee ka hor imaanaya faqrooyinka kor lagu xusay waa wax kama jiraa, waana in la tirtiro.”

 

Sharcigaan oo wadaaddada Muritaaniya ay muddo u ol’olaynayeen waxaa xilligaan ku soo beegay waa iyada oo la sugayey in xabsiga laga sii daayo wiil lagu magacaabo Maxamed Walad Shiikh Walad Mukheytir oo sannadkii 2014 lagu eedeeyey in maqaal uu ka qoray nidaamka dabaqadaha ee isir sooca ku dhisan ee ka jirta dalka Muritaaniya uu ku daray erayo meel ka dhac diinta ku ah, maxkamadda darajada koowaad ee dalkaasina ay dil ku xukuntay, laakiin mar dambe maxkamadda racfaanku ay xukunkaas ka dhigtay labo sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 60.000 oo wuqiyadood ($170).

Labadii toddobaad ee u danbeeyeyna waxaa la hadal hayey in Walad Mukheytir xabsiga laga sii deynayo maadaama muddada afarta sano ku dhow ee uu xabsiga ku jirey isaga oo maxkamad suge ahi ay ka badan tahay labada sano ee maxkamadda racfaanku ay ku xukuntay. Waxaa kaloo la hadal hayey in ay lama huraan tahay in magdhow la siiyo maadaama uu xiran yahay 2 sano oo dheeraad ka ah muddada xukunka cusub.

Hase yeeshee, wadaaddada oo ol’ole xoog leh u galay in aan Mukheytir la sii deyn si uusan dhiirigelin ugu noqon bulsahda inteeda kale ayaa waxay xukuumadda cadaadis ku saareen in aan la sii deyn, balse qoorta loo dheereeyo. Waxayna masaajidda ka abaabuleen isku soo baxyo xukuumadda lagu canbaaraynayo, laguna dirqinayo in arrinkaas laga noqdo. Tusaale ahaan, Jamcadii hore waxaa la dhigay isku soo baxyo loogu magac daray “Jamcadii Carada=جمعة الغضب ” , laguna codsanayo in xadka riddada dalka dhaqso looga dhaqan geliyo.

xukuumadduna waxay cudurdaar ka dhigatay in sharciga waddanka u yaal aan laga helayn qodob loo adeegsan karo dilka dadka lagu tuhmo in ay diinta ka baxeen. Xukuumadda oo cadaadiskii wadaaddadu ka batayna waxay xal u aragtay in sharciga wax ka beddel lagu sameeyo. Tusaale ahaan, wadaad lagu magacaabo Shiikh Abuu Hureyra Cabdicasiis wuxuu sheegay in uu madaxweynaha taleefan kula hadlay una sheegay in dowladdu si ay u ciqaabto dadka lagu eedeeyo in ay diinta wax u dhimeen ay adeegsan karto qaacidada loogu yeero “ka hortagga xumaanta /سد الدريعة”, laakiin  madaxweynuhu uu u sheegay in taasi aysan u suurogalayn waayo: “Muritaaniya waxay ka tirsan tahay nidaam dowli ah oo aysan dhaafi karin, waxa keliya ee noo bannaan waa in qaanuunka la beddelo.”

Dadka xuquuqu insaanka u dooda ayaa qaanuunkaan la doonayo in la ansixiyo walwel badan ka muujiyey, iyaga oo ku eedaynaya in uu yahay qaanuun aan muwaadiniinta wax laga weydiin ee la doonayo in dusha looga keeno, isla markaana uu leeyahay daldaloolo badan oo si xun looga faa’iideysan karo, guud ahaanna uu xuquuqda aadanaha liddi ku yahay. Waa qaanuun xataa towbad keen aan oggolayn ee dhiiggu ka tif leeyahay.

Waxaa xusid mudan, in dalka Muritaaniya sanooyinkii 1982-1984 uu ka jirey isku day lagu damacsanaa in lagu dabbaqo shareecada islaamka, laakiin markii danbe lagu guuldarraystay in hirgelinteeda laga dhabeeyo.

 

https://www.youtube.com/watch?v=50K4iQqHwrQ

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code