Qiil loo heli maayo wixii soobbe ka dhacay hadday saadambe dhacaan!

Warbaahinta caalamka waxa aan ka daawaday masiibadii Muqdisho ka dhacday, madaxa Afrika ee BBC waxa uu sheegay in qaraxu ahaa kii ugu awoodda badnaa ee magaalada ka dhaca tan iyo 2007 markaa oo ay ahayd xilligii lagu dhawaaqay dhaqdhaqaaqa Alshabaab. Ma aan maqal in Alshabaab sheegatay masuuliyadda wixii dhacay, waxa aanse daawaday madaxweynaha oo Alshabaab falkaa u saariyay. Awoodda qaraxa, baxadda qasaaraha, masaafada burburka iyo waxyeeladda uu reebayba waxa ay muujinayaan fal ka duwan falalkii hore ee magaalada ka dhici jiray, sidaa darteed dhacdadan ma ahayn in eedda Alshabaab lagu degdego ee waxa ay ahayd in dhab loo wajaho oo baaritaan caalaami ah lagu sameeyo wixii dhacay. Sababtidii wixii Soobbe ka dhacay waa in la saaraa calaamad su’aal weyn, waa in wax walba sidee, sabab iyo su’aalo waaweyn la galiyaa. Waa in laga gudbo falsafadda ah “wixii xunba xaawaa leh.” Wixii dhacaba in Alshabaab iyo kooxo aan haybtooda la garan loo saariyo. falsafaddaa munaafaqnimada ah waa in meesha laga saaraa.

Taa macneheedu ma aha in aan doonayo in aan Alshaab difaaco ama tuhun ka leexiyo, waayo? Alshabaab waa denbiilayaal aan weeso u dhawrnayn, oo laga fili karo falkaan iyo kuwo ka xunba. Balse ujeeddadu waa in aan tuhun keliya wax lagu salayn, ee xaqiiqada laga gun gaaro, sababtoo ah tuhunka aan xaqiiqda ku dhisnayn wuxuu keeni karaa in dhacdada la marin habaabiyo, oo dowgii saxda ahaa laga leexiyo.

Reer muqdishow, koobkiina gunta ka duleela ee aan soddanka sano musiibooyinka iyo murugadu buuxin waa in dhiiggii shalay ee hooyooyinka iyo hablihiina ka qubtay dabada ka xiraan, illintiina iyo tiiraanyadiinuna buuxisaa oo aad “BES” tiraahdaan. Wixii dhacay ma ahayn wax laga had-hadlo oo halkaa lagu dhaafo, ma aha wax kaliya laga murugoodo oo maalmo ka dib la iska illaawo, ma aha wax tacsi iyo Alle ha u naxariisto la isku illowsiiyo, mana aha sidii caadada ahayd in QADAR loo saariyo oo samada loo xawilo. Dhibaatooyinku waa fursad ka mid ah fursadaha isbadsalka keena ee ummadaha dhanka kale u roga. Tacsida guri walba taallaa waa fursad dhanka togan looga faa’iidaysan karo, aas-wadareedka, dhaawacyada meel walba yaalla, dadka la waayay iyo kuwa la garan waayay, awoodda wixii dhacay, baaxadda burburka iyo baaba’a uu ka tagay iyo duruurta murugada sidda ee magaalada iyo guud ahaan Soomaaliya ku dul hooraysaa waa fursad qof waliba ay tahay in uu naftiisa su’aalo ku waydiiyo. Qof waliba naftiisa ha waydiiyo sababta ay waxani ugu dhacayaan? Sababta hooyadii nabad ugu shaqaysan la’dahay? Waxa diiddan in ilmihiisu nabad ku seexdaan kuna noolaadaan? Sababta uu nabad u gu noolaan kari la’yahay gurigiisa ee uu cabsida daris ula yahay? Waxa uu dowladnimo u dhisi la’yahay ee uu dullinimada u doorbiday? Waxa kala tagsanaanta keenay ee isku tiirsanaantii laalay? Waxa? , Waxa? Waxa…?

Dhacdadani ha noqoto mid soo afjarta soddon sano oo dhiig ah, soddon sano oo dagaal iyo darxumo ah, soddon sano oo dullinimo iyo liidnimo ah, soddon sano oo bahalnimo ah , saddon sano oo dadqalnimo ah, soddon sano oo munaafaqnimo ah, saddon sano oo daacaddarro ah, soddon sano oo kala qaybsanaan iyo qabyaalad ah, soddon sano oo isbaaro, burcadnimo, tuugo, umulo-doox iyo dowladnimo la’aan ah, soddon sano, saddon sano, saddon sano…

Ma jirto dhacdo ka weyn farriintan oo alaalaxnimada bulsheed looga kici karo, anigu ma garanayo dhambaal ka weyn wixii dhacay oo is badal lagu samayn karo. Marka laga yimaado xanuunka wixii dhacay, anigu waxa aan u arkaa in ay tahay fursad, fursad qof walba oo Muqdisho deggan isku waydiiyo waxa uu u noolyahay? Ma waxa uu u noolyahay dil sugid iyo naxdin ama ka welelidda xilliga la dili doono ama uu qarax ku dhiman doono mise waxa uu u noolyahay in uu nabad iyo sharaf ku noolaado?

Reer Mmuqdisho laba doorasho oo aan mid seddexaad lahayd ayaa hortaalla. 1) Maanta qaabka ay yihiin in ay doorbidaan oo maalin walba sidan foosha xun ee arxanka daran loo laayo, subax walbana dad ay jecelyihiin falalka bahalnimada ah ku waayaan oo nolashaa bahalnimada ah doortaan. 2) in ay kacdoon bulsho la yimaadaan oo dhaqanxumo walba oo jirta dhanka wanaagsan u dhigaan, sidaana dadnimo sarraysa iyo dowladnimo ugu baxaan. Qiil loo heli maayo wixii Soobbe ka dhacay hadday saadambe dhacaan oo saakuun dhacaan.

Faisal hussein.

Faisalyacni07@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code