Rajmigu: Xad Alle Iyo Xad Aadami Waa Kee?

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay wariyeen in waa waayaha ka mid ah uu xanuunsaday nin boqor ahaa, dhakhaatiirtiina ay ka quusteen in ay gartaan cudurka boqorka haya, daawo kasta oo lagula tacaalayna ay wax tari wayday. Muddo ka dib, ayaa nin lagu tuhmay in uu caafimaadka wax ka yaqaani wuxuu boqorka u sheegay in daawadiisu ku jirto sanka oo laga gooyo. Boqorka oo xanuun la ildarnaa xal kalena aan haysan wuxuu oggolaaday in sanka laga gooyo. Ayaandarro, kolkii uu xoogaa ka nafisay xanuunkii qallinka, ayuu wuxuu ku baraarugay foolxumada wejigiisa ka muuqata, kolkaasna waa baa ku baryey, oo wuxuu ka welwelay sida uu ku sii ahaan karo boqor laga heybaysto isaga oo wejigaas foosha xumi uu ku yaal.

Dabadeed, boqorku wuxuu xal u arkay in uu sanka ka wada jaro dhammaan dadka maamuuska ku leh bulshadiisa, madax iyo maalqabeen, wadaad iyo waranle, …iwm. Madaxdii iyo maalqabeenkiina caradii waxay kula dhaceen dadkii ay madaxda u ahaayeen oo iyaguna kalkooda carruurtii ay dhaleen sanka ka guray. Muddo kooban gudaheedna deegaanka oo dhan waxaa laga waayey qof san ku yaal, waxaana ka hirgalay dhaqan ah in ilmuhu marka uu dhasho xuddunta iyo sanka isku mar laga gooyo. Dhowr fac ka dibna, dadkii deegaanku waxay bilaabeen in ay sanka u arkaan cillad la la yaabo iyo cawro laga xishoodo.

Runtiina, waxaa loo badinayaa in cuquubaadka aadamigu fuliyaan badankoodu- sida xadka rajmiga, gabdhaha sharafta loo dilo (honour killing), gudniinka- ay asal ahaan qaabkaan sheeko-xariirta ah ku bilowdeen, laakiin kolkii danbe ay noqdeen curfi dadka oo dhammi ku khasban yihiin in ay u hoggaansamaan. Caado laga tagaana caro aadami bay leedahay!!!

Sida Soomaalida badankoodu ay la socdaan, maalintii Khamiista ururka Alshabaab fagaare weyn oo ku yaal magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxay xugun dhagax ku dil ah ku fuliyeen haweenay lagu eedeeyey gogoldhaaf. Haweenaydaan dhagaxa lagu dilay ayaa ahayd hooyo dhashay 10 carruur ah oo 8 ka mid ahi ay nool yihiin. Sida la sheegayna falkaan ruuxa aadamiga ah sida abeesada loogu dilay waxaa daawasho ugu yimid boqollaal qof oo la hillaadinayo in qaarkood la khasbay, halka qaar kale ay ku raaxaysanayeen daawashada falkaan dugaagnimada muujinaya.

Falkaan bahalnimada ah ee magaca diinta lagu fulinayaa waa mid tobankii sano ee u danbeeyey Soomaaliya si joogto ah looga fulinayey, aadna mooddo in bulshadu la qabsanayso, qaarkoodna ayba aamminsan yihiin inuu diin yahay, Eebbana loogu dhawaanayo. Haddaba, maxaa ka run ah in rajmiga ama dhagax ku dilka qofka guur arkay uu diin yahay?

Si akhristaha sharafta lihi uu mawduucaan fikrad uga qaato darteed ayaan waxaan jeclaysanay in aan halkaan idinkula wadaagno sharraxaad kooban oo qodobkaan la xiriirta oo aan ka soo xiganay buugga ‘Xadka Riddada Maxaa Ka Runa?’ ee akhris wacan:

Hor iyo horraan, waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado in erayga ‘xad’ uu quraanka kariimka marar badan ku soo arooray, laakiin mar qurana uusan tusinayn ciqaab dad lagu fuliyo. Hayeeshee culumada islaamka ayaa waayo danbe erayga u adeegsay si uu u muujiyo macnaha ciiqaabo ay tahay in lagu fuliyo dadka gala denbiyo go’an oo tiradoodu u dhaxayso 3-7 denbi.

Quraanka kariimku ma kala farqin xukunka lagu qaadayo doobka sinaysta/sinaysata iyo kan lagu qaadayo ruuxa guursaday hadduu sino ku dhaco. Xukunka sinada ee quraanku sheegay waa mid qura, waana in qofka sinaysta lagu dhufto boqol jeedal, oo quraanku wuxuu leeyahay: ” Saaniyadda iyo saaniga mid kasta ku dhufta boqol karbaash.”[An-Nuur: 2].

Waxaa jirta dood sheegaysa in xadka rajmiga quraan ku soo degay, laakiin gadaal danbe laga tirtiray erayadii quraanka ee sheegayey in qofka guursaday markuu sinaysto dhagax lagu dilo, balse aan la nasakhin xukunkii aayadda ee waxa qura ee la nasakhay ay yihiin erayadii. Dooddaani waxay ku qotontaa oraah la cuskiiyo Cumar bin Khaddaab (RC) oo sheegaysa inuu yiri: ” Iska jira inaad ku halaagsantaan aayadda rajmiga, oo midkiin uu yiraahdo labo xad kuma aragno kitaabka Alle, waayo waxaan aragnay rasuulkii Alle oo rajmiyey gadaashiisna waan rajminay, Allaan ku dhaartaye haddaanan ka baqayn in dadku yiraahdaan Cumar kitaabka Alle ayuu wax ku kordhiyey musxafka waxaan ku qori lahaa, aayad aan akhrinay oo ahayd: ” Shiikha iyo Shiikhaddu [= odayga iyo habartu] hadday sineystaan dhagxiya gabigoodaba[i]“.

Sidoo kale, waxaa jira xadiis Caa’isho bint Abuukar (RC) afka loogu tiray, oo sheegaya in Caa’isho tiri: ” Waxaa soo degtay aayadda rajmiga iyo tobanka nuugmo, waxayna ku qornayd warqad tiil sariirta gurigayga hoosteeda, kolkii rasuulku (SCW) xanuunsadayna waa ka mashquulnay, dabadeedna ri’ aan lahayn baa soo gashay oo cuntay.[ii]

Soomaalidu waxay isweydiiyeen su’aasha ah: War waayeel waa ayo? Jawaabtii ay heleenna waxay noqotay: Waa annaga oo aan isyeel-yeelayn. Haddaan la is-yeel-yeelaynna waa caddahay in quraan ari cunay oo aan musxafka ku ool, akhriskiisana muslimiinta loo diiday uusan ku habboonayn in loo daliishado si dad madaxa dhardhaar loogala dhaco. Sheeko-xariirtuna waxay qurux badnaan lahayd, oo dad badan ka gadmi lahayd haddii la oran lahaa ariga hala ciribtiro, waayo arigu waa gaal Alle iyo Rasuulkaba ku kufriyey, waayo haddii uusan sidaa ahayn muxuu ugu dhiirraday inuu quraan cuno.

Dhanka kale, waxaa jira xaddiis laga wariyo nin la yiraahdo Camar bin Maymuun oo oranaya: ” Sebenkii jaahiliyadda [= Islaamka ka hor] waxaan arkay daanyeerad sinaysatay oo ay isugu soo urureen daanyeerro si ay u rajmiyaan, aniguna waa la rajmiyey.[iii]” Farriinta sheekadu xanbaarsan tahayna waxa weeye in daanyeerradu muslimiinta uga horreeyeen fulinta xadka rajminta. si dadbanna muslimiinta waxaa loogu soo jeedinayaa canaan ah: war ma waxaad garan weydeen xilka daanyeerradu garteen!!.

Akhristow aan ku weydiiyee wadaaddadu xaq ma u leeyihiin in ay dhan daanyeerka kaga daydaan dad dhagax ku dilka, dhanka kalena Darwin ku maagaan inuu xiriir dhexdhigay dadka iyo daanyeerrada. Sow kuwaan Darwin baro-dheeraystay oo daanyeerrada muftiga nooga dhigay!

Fuqahada qaarkood markay qeexayaan dhawridda [= al-Ixsaan] waxay yiraahdeen: waa inuu guur xalaal ah ugu galmooday muslimad/muslim xor ah. Sida qeexidda laga garan karana ruuxa muslimka ah lama rajminayo hadduu sinaysto isaga oo guur xalaal ah ugu galmooday yuhuudiyad ama nasraaniyad xor ah, sidoo kalena la rajminmaayo hadduu u galmooday haweenay addoon ah.

Qof ahaan, ma garan waxa ay ku kala duwan yihiin muslimadda xorta ah iyo yuhuudiyadda ama masiixiyadda xorta ahi, marka laga hadlayo dhawrsiga laga helo guurka. Soo tii falaasifada iyo dhulmareennadu ay noo sheegeen in galmada ajaanibtu ay ka xiiso iyo xaraarad badan tahay tan qaraabada isku deegaanka ah. Dhanka kalena, cilmi-baarid ballaaran oo wadaaddada diimuhu sameeyeen waxaa lagu ogaaday in galmada ugu macaani ay tahay tan dhexmarta jinka iyo insiga.

Sheekaba sheekay keentaaye, waxyaabaha la yaabka leh ee wadaaddada qaarkood ay fatwoodeen waxaa ka mid ah in xukunka la siinayo ninka fuula wiil xor ah iyo kan fuula wiil addoon ah ay kala duwan yihiin, oo ninka fuula wiil xor ah waa la dilayaa, laakiin si taa ka duwan ninkaasi haddii uu fuulo wiil addoon ah oo uu isagu leeyahay lama dilayo, ee waxaa lagu qaadayaa xukun tacsiir ah, taas oo macneheedu yahay in ninka fuula wiil addoon ah ee oo uu dagaal ku qabsaday ama uu lacagtiisa ku gatay aan la dileyn balse ay ku filan tahay in qaalligu xaarxaarto ama uu ku yiraahdo duf-ku-bax iyo erayo la mid ah.

Haddaba, ikhyaarey yaan lala yaabin haddii madaxda iyo maalqabeenku ku waashaan caashaqa kurayda, sidii hadda ka horba dunida islaamka ka dhacday.

Yeelkadeede, culumada qaba in dhagax lagu dilayo qofka guursaday hadduu sinaysto[iv] waxaa ka hortimid dhibaato ah sida laga yeelayo addoonka guursaday hadduu sinaysto, waayo quraanku wuxuu sheegayaa in ciqaabta la marinayo addoonka sinaysta ay tahay kalabar tan la marinayo qofka xorta ah ee guurka arkay hadduu sinaysto, oo quraanku wuxuu leeyahay: ” Haddii la dhawro [=ay guursadaan] oo ay xumo la yimaadaan [=sinaystaan] korkooda waxaa ah kalabar ciqaabta la mariyo kuwa xorta ah.” [An-Nisaa: 25].

Haddaba, su’aasha jawaabta u baahani waxay tahay sidee loo kalabarayaa geerida, oo addoonka sinaysta loogu ciqaabayaa geeri barkeed? Laakiin si ka duwan rajminta, jeedalku wuxuu aqbalayaa in la kala nuseeyo, oo qofka xorta ah lagu dhufto 100 jeedal, addoonkana 50 jeedal. Culumada ahlu sunnada oo aad mooddo in doodda kalabaridda rajmiga addoonku ay sas ku rideyna arrinka waxay ka dhigeen “miro barde canyayuubkaa lagu cunaa”, waxayna la soo boodeen jawaab ah: addoonka sinaystaa ma mudanayo in la rajmiyo.

Run ahaantiina wareerka oo dhan waxaa keenay xadiis aa’xaad ah oo sheegaya in doobka sinaysta lagu ciqaabo boqol jeedal iyo sannad la musaafuriyo, qofka guursadayna boqol jeedal iyo dhagax lagu dilo. weydiimaha jawaabta u baahanna waxaa ka mid ah: xadiiska aaxaadku ma beddeli karaa macnaha cad ee aayadaha quraanka? Quraanka kariimka oo mar walba oo uu sinada soo qaado si cad u sheega inay fal xun tahayna sidee buu u seegay inuu kala saaro xukunka doobka iyo duqayda ee ku saabsan sinada?

Rajminta waxaa kaloo loo daliishadaa in rasuulku dad ku fuliyey ciqaabtaan, laakiin waxaa la isku khilaafay goorta rasuulku rajminta fuliyey, ma waxay ahayd intii ay soo degtay aayadda 2-aad ee suuradda An-Nuur ee sheegaysa ciqaabta sinada mise ka hor?

Culumada qaba rajmintu waxay ku adkaysanayaan in nebigu dad dhagax ku dilay intay soo degtay suuraddaani, laakiin culumada diiday rajmintu waxay rumaysan yihiin in nebigu ciqaabta rajminta fuliyey ka hor intii aysan soo degin aayadda qeexaysa ciqaabta sinadu. Culumadaanna waxay la tahay in nebigu ciqaabta rajminta ah ee uu fuliyey uu ka qaatay sharcigii ay ku dhaqmi jireen yuhuuddii deganayd magaalada Madiino. Sida la og yahayna, culumada cilmiga usuulu fiqigu waa isku khilaafeen in sharcigii ummadihii naga horreeyey haddii aan Islaamku la imaan wax sharcigaas ka duwan uu sharci noo noqonaya iyo in kale?

Laakiin dhanka kale, waxaa jira culumo aamminsan in rajmintu tahay sheeko-xariir nebiga (SCW) ka dib la allifey. Guud ahaanna, waxaa jira aqoon-yahanno qaba in xukunka dhagax ku dilidda saanigu uu yahay sharci muslimiintu ka soo dheegteen shareecada yahuudda, kana mid yahay waxyaabaha loogu yeero israa’iiliyaadka ee muslimiintu ka dhaxleen daalacashada diimihii hore, ama wadaaddadii yuhuudda ee soo islaamay ay diinta Islaamka ku barxeen.

Shir fuqahada Islaamku ay sannadkii 1972kii ku yeesheen magaalada Al-Beydaa ee dalka Liibiya waxaa fikrad sidii qunbuladda u qaraxday ka jeediyey Shiikhii weynaa ee Muxamed Abuu Suhra. Abuu Suhra fuqahadii meesha ku kulmay wuxuu ku yiri sidatan:

” Waxaa jira ra’yi fiqi ah oo aan muddo labaatan sano ah qarsanayey …  haddana waxaa la joogaa waqtigii aan sheegi lahaa ra’yigaas ka hor inta aanan Alle la kulmin, oo uusan I weydiin sababta aan cilmigaas u qariyey, oo aan dadka ugu sheegi waayey? Fikraddaasi waa mid ku saabsan xadka rajminta ruuxa guursaday hadduu sineysto. Ra’yigayguna wuxuu yahay in rajmigu ahaa sharci Yahuuddu lahaayeen, nebiguna bilowgii hore qiray, laakiin mar danbe lagu nasakhay xadka karbaashka ee lagu sheegay suuradda Al-Nuur, taana waxaan u hayaa saddex arrimood oo marag ah:  ………[v]“.  Dabadeedna, wadaaddadii meesha isugu yimid waa buuqeen, badankooduna waxay ku celceliyeen doodda taqliiddiga ah  ee ku qoran kutubta fiqiga. Shiikh Abuu Suhrana dhawr bilood ka dib ayuu xijaabtay. Waxaana la rumaysan yahay inay jiraan culumo badan oo Shiikha fikradda la wadaaga, laakiin soo bandhigidda mowqifkooda la suga goorta ajashoodu soo dhawaanayso, ama ajashooda ka dib.

Yeelkadeede, xukunka dhagax ku dilka ruuxa guursaday ee gogol-dhaafka sameeya waxaa isaguna si cad u beeniyey wadaadka reer Suudaan ee Dr. Xasan al-Turaabi.

Si taa la mid ah, fuqahada Islaamka qaarkood waxay ku doodeen  in isdheehiddii ay isdheeheen hiddaha yuhuudda iyo kan Islaamka laga dhaxlay in hiddaha yuhuuddu uu qalafsanaantii lagu yaqiin kula galgasho hiddaha Islaamka, jeer arrinku waji kale yeeshay oo loo qaatay in shareecada yuhuuddu ay ka fudayd iyo dhimrin badan tahay shareecada Islaamka oo asal ahaan lagu yaqiin fudayd iyo dhimrin, xukunka rajmintuna wuxuu tusaale u yahay saamaynta noocaas ah[vi].

Arrin mudan in qalinka lagu duugaana wuxuu yahay in falka dhagax ku dilka dadka gogol dhaafka lagu tuhmaa uusan ahayn mid ragga iyo dumarku u siman yihiin, balse caadi ahaan uu yahay mid dumarka ku kooban. Tusaale ahaan, ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch wuxuu sheegay in sannadkii 2010-kii maxkamadaha dalka Iiraan ay rideen toban xukun oo dhagax ku dil ah. Tobanka qof ee xukunku ku dhacayna ay dumar ahaayeen. Aalaabana dumarka xukunkaani ku dhacaa waa kuwa saboolka ah ee gaajada iyo saboolnimadu ku bixiyaan inay jirkooda iibiyaan.

Ugu danbayntii, waxaa in la xusuusto mudan weedhii nebi Ciise (CS) uu ku yiri qoladii ku adkaystay in dhagax lagu dilo haweeney lagu eedeeyey in ay sineysatey ee ahayd: “Haddii ay jiraan kuwo idinka mid ah oo aan denbi lahayni ha dhagxiyaan.” Sababta nebi Ciise sidaa u yirina waxay tahay isaga oo ku kalsoonaa in uusan jirin ruux bani’aadam ah oo aan denbi gelin, sidaa darteedna aan la helayn ruux ku dhiirrada inuu gabadhaas dhagxiyo.

 

[i]  Eeg: Muwadha Maalik ( al-Maktabah al-Cilmiyah, dabcadda 2-aad) B. 241. Waxaana xusid mudan in ay jiraan aayado kale oo lagu andacoodo in Cumar sheegay inay quraanka ka mid ahaayeen, waxaana ka mid ah aayadda la sheegay inay oranayso: ” War aabbayaashiin ha diidina, waayo gaalnimay idinku tahay inaad aabbayaashiin diiddaan.”

[ii]  Muxamed al-Gasaali; Taraatunaa al-Fikrii Fii Miisaan Asharci Wal-Caqli (Mac-had al-Caalamii Lilfikri al-Islaami, Daar Ashuruuq, 1991) B.147

[iii]  Al-Bukhaari; Saxiix al-Bukhaari (Baab al-Manaaqib, Tir. 3560).

[iv] Xadka rajminta muslimiintu iskuma waafaqsana, oo tusaale ahaan waxaa si buuxda u diiday Khawaarijta iyo Muctasilada.

[v]  Dhacdadaas waxaa ka faallooday shiikh Yuusuf al-Qardaawi.

[vi] Tusaale ahaan eeg: Dhaha Jaabir al-Calwaani; Laa Ikraaha Fii Diin: Ishkaaliyat Arriddah Wal-Murtadiin Min Sadri al-Islaam Ilaa al-Yoom ( al-Mac-had al-Fikri al-Islaamii al-Caalami Wa-Maktabat AShuruuq Addowliyah, al-Qaahira, 2006)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code