Ummu Kaltuum iyo wadaaddada Carabta.. dood aan dhammaad lahayn!

Toddobaadkii hore dunida carabta waxaa ka dhacay labo dhacdo oo waaweyn oo si toos ah xiriir u la leh fannaanaddii Ummu Kaltuum oo lagu naynaaso magaca ‘Xiddigii Bariga/كوكب الشرق’, geeriyootayna dabshidkii 1975 iyada oo 77 jir ah.

Labada dhacdo tan hore waa in dowladda Sacuudigu ay soddon iyo shan dabshid ka dib oggolaatay in warbaahinta dalkaas ee dowladdu maamusho- sida idaacadaha iyo taleefishinnadu- ay baahin karaan heesaha habluhu qaadaan. Heestii ugu horraysey ee  warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi ay sii daayeenna waxay ahayd heesta Ummu Kaltuum ku luuqayso ee lagu magacaabo “Indhahaaga awgood/ من أجل عينيك” (https://www.youtube.com/watch?v=noboeW5mR8w ).

Mas’uuliinta Sacuudiga qaarkood oo ka hadlay sababta keentay in xilligaan la fasaxo baahinta heesaha gabdhuhu qaadaan, waxay sheegeen in ujeeddooyinka loo fasaxay ay ka mid tahay in heesaha lagula dagaallamo xag-jirnimada. Maxaa yeelay waxaa la rumaysan yahay in qofka fanka daneeyaa uu yahay ruux nolosha jecel, oo aalaaba aan diyaar u ahayn in uu isqarxiyo.

Bulshada Sacuudigu weligeed waxay ahayd bulsho muxaafid ah, laakiin marna ma ahayn bulsho fanka neceb -( Dhab ahaantii waa adag tahay -haddiiba aan la oran suurogal ma aha- in la helo bulsho aan fan iyo heeso lahayn). Dhaqanka la dagaallanka fankuna waa dhaqan goor danbe bulshada lagu beeray. Dadka arrinkaan xog-ogaalka u ahi waxay sheegaan in canbaaraynta fanku, siiba heesaha habluhu qaadaan ay dalkaas ka dhaqangashay wixii ka danbeeyey xoogaysiga waxa loogu yeeray ‘baraarugga islaamka/الصحوة الإسلامية’, gaar ahaan wixii ka danbeeyey xoogaysigii dhaqdhaqaaqii xagjirka ahaa ee uu garwadeenka ka ahaa Juheymaan al-Cuteybi oo dalkaas ka curtay dabayaaqadii toddobaatanaadkii iyo bilowgii siddeetanaadkii qarnigii tagay (=1975-1985).

Sidaa awgeed, kolkii toddobaadkii hore ay dowladda Sacuudigu oggolaatay baahinta heesaha gabdhuhu ku luuqeeyaan, taleefishanka dalkaasna laga soo daayey Ummu Kaltuum oo heesaysa, bulshada Sacuudiga qaarkood waxay yiraahdeen: ‘Ugu danbayntii Ummu Kaltuum ayaa ka guulaysatay Juheymaan al-Cuteybi!’.

Run ahaantii, deegaanka loo yaqaan Najdi ee Sacuudiga ka tirsan la dagaallanka fanka iyo heesuhu waxay ka biloween kolkii ay soo baxeen wadaaddadii loo yaqiin ‘Ikhwaan Man Adaaca Allaah/إخوان من أطاع الله ee boqor Cabdicasiis askarta u ahaa, laguna tiriyo in ay aheeyeen nuqul hore oo Daacish iyo Alshaab ah. Ku Allahoode, waxay wariyeen in wadaadkii la oran jirey Cabdullaahi bin Xumeyd oo ahaan jirey qaalli iyo Iimaam ka tujiya Xaramka Maka- dhalayna Shiikh Saalax bin Xumeyd oo aabbihi ka dhaxlay imaamnimada Xaramka Maka- uu nin uga soo ashtakoodey nin kale oo uu ku eedeeyey in uu ku dhibo dhegaysiga heesaha Ummu Kaltuum. Shiikh Cabdullaahina ninkii dacwada ahaa wuxuu weydiiyey: Ma taqaan Ummu Kaltuum? Ninkiina uu ku jawaabay: waa dhegaystaa, dabadeed Shiikhu ninkii wuxuu ugu maahmaahay: “Kan dabran baa ka daran kan daysan/ المربوط أخبث من المنطلق” oo ah maahmaah macneheedu yahay: isma dhaanto iyo dhasheed baad tihiin! Ashtakadiisiina waxba kama uusan soo qaadin[i]!

Dhacdada labaad waxay ka dhacday dalka Masar, waana dhacdo dood badan dhalisay, waxayna timid ka dib markii wadaad As-hari ah oo lagu magacaabo ‘Iihaab Yuunis  ‘ oo ku caan ah qaadista qasiidooyinka nebi-ammaanka ahi, uu isaga oo xiran dharka As-har si toos ah taleefishinnada dalkaas midkood uga qaaday heesta Ummu kaltuum ee lagu magacaabo “Weli ma xasuusataa/لسه فاكر” (Halkaan ka eeg: https://www.youtube.com/watch?v=rCMMs6E07FA ).

Barnaamijka ka dib, qalabka warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshadu ku xiriirto waxaa ka bilowday dood iyo muran ku saabsan falka shiikhu sameeyey, dadkuna waxay u qaybsameen qaar dhaleeceeyey iyo qaar kale oo soo dhaweeyey. Arrinkaasina wuxuu keenay in wasiirka Awqaaftu uu soo saaray wareegto Shiikh Iihaab looga joojiey shaqadiisii ahayd in uu masjidka Cali bin Abii Daalib dadka ka tujiyo ugana khudbeeyo, tan iyo inta wasaaraddu ay falkaas baaritaan uga samaynayso, go’aan kama dambays ahna uga gaarayso (wasaaraddu hadda wareegtadaas waa ka noqtay, shiikhuna shaqadiisii buu ku noqday).

Wareegtada wasiirka ka dib, waxaa bilaabatay dood kale oo nuxurkeedu yahay in wax la iska weydiiyo halka wax ka khaldan yihiin iyo sababta muranka dhalisay?

Diidmadu ma waxay ka dhalatay heesaha oo xaaraan ah darteed? Laakiin idaacadaha iyo taleefishinnadu har iyo habeen waxay baahiyaan heeso iyo muusig cidna kama qayliso, mise heesuhu wadaaddada ayay xaaraan ka yihiin? Laakiin waxaa jira wadaaddo badan oo heesa oo maal, magac iyo maamuusba ku mutaystay heesaha, wadaaddadaasna waxaa tusaale u noqon kara Shiikh Ihaab qudhiisa, oo muddo caan ku ahaa qaadista heesaha magac iyo maamuusna bulshada uga dhex yeeshay, mise dhibaatadu waa cimaamadda iyo hu’ga wadaaddada oo aan loo baahnayn in heesuhu dhaawacaan?  Laakiin taariikhda fanku waxay xusaysaa in ay jiraan wadaaddo badan oo iyaga oo cimaamado xiran kaalin muuqda ka qaatay fanka iyo heesaha, cidna aysan ku eedayn in ay wax u dhimeen As-har iyo diin toona, tusaale ahaanna wadaaddadaas waxaa ka mid ah Shiikh Salaama Xijaasi, Shiikh Sayid Darwiish, Shiikh Abuu al-Calaa Muxamed, Shiikh Sakariye Axmed, Shiikh Sayid Makaawi, Shiikh Imaam, Shiikh Ihaabka hadda la haysto iyo kuwo kale oo badan.

Dhab ahaantii, Ummu Kaltuum iyo wadaaddada carabta waxaa ka dhexeeya gacalo iyo nacayb aan dhammaad lahayn, oo wadaaddo carbeed oo badan ayaa gacalo iyo qaddarin u haya Xiddiga Bariga, halka kuwo kale oo badani ay jecel yihiin in ay jahannamo u diraan. Bilmatal, dhawaan nin baa wuxuu ku dooday in uu maqlay, codna ka duubay Ummu Kaltuum oo qabriga lagu cadaabayo (halkaan ka akhri: http://elaph.com/Web/NewsPapers/2011/5/655920.html ).

Waxaana lagu dooday in suugaanta (sheekooyinka, filimada, …iwm) ay ugu xiiso badan yihiin kuwa qofku jeclaysto in uu ka bogto isaga oo keligiis ah, qolkuna hoosta uga xiran yahay. Tusaale ahaan, waxaa jira buug badan oo aan akhrinno annaga oo dadka ka qarsanayna.

Heesaha Ummu Kaltuunna qaar ka mid ah wadaaddada iyo boqorrada carabta halkaas bay ugu jiraan, oo waxaa jira boqorro iyo wadaaddo badan oo ka hela heesaha Ummu Kaltuum isla markaana aan jeclayn in lagu ogaado. Tusaale ahaan, buugga ‘Xusuus boqo/La memoire d’un roi /ذاكرة ملك’, oo ka hadla qayb ka mid ah taariikh-nololeedkii boqor Xasankii 2-aad ee Marooko, kuna salaysan waraysi wariye Faransiis ahi uu boqorka la yeeshay, waxaa la sheegaa in ay jirto sheeko yar oo ku qoran nuqulka Faransiiska ah,laakiin laga reebay tarjamada Carabiga ah oo markii ugu horraysey Sacuudiga lagu faafiyey.

Sheekada yar ee ka maqan tarjamada Carabiga ahi waa mid boqor Xasan uu ku sheegay in isaga iyo boqor Faysal bin Cabdicasiiskii Sacuudigu ay maalin waqti badan wada qaateen arrimo badan oo siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan isugu jirenya ay ka sheekaysteen. Intii ay sheekaysanayeenna ay ogaadeen in ay jirto hees ka mid ah heesaha Ummu Kaltuum oo labaduba ay ka helaan dhegaysigeeda.

Sida la sheegayna in sheekadaan yar laga tuuro tarjamada carabiga ah ee buugga waxaa ka mas’uul ah dadkii buugga daabacaadda u diyaarinayey (= Editing team), sababta ku bixisay in ay ka reebaanna waxay ku macneeyeen in ay ka cararayeen in sheekadu dhaawacdo sawirka bulshada Sacuudigu ay ka haystaan boqorka ka dib marka ay ogaadaan in boqorkoodu uu dhegaysan jirey heesaha Ummu Kaltuum (Tarjamada Carabiga ah ee buugga waxaa la daabacay sagaashanaadkii qarnigii tagey, ka dib markii fatwooyinka heesaha xaaraameeyaa ay bulshada Sacuudiga ku dhex faafeen).

Dhanka kale, waxaa la sheegay in markii dabshidkii 1946 uu boqor Cabdicasiiskii Sacuudigu uu booqashada ku tagay dalka Masar lagu soo dhaweeyey suugaan badan oo heeso iyo gabayo ay ka mid ahaayeen. Heesaha loo qaadayna ay ka mid ahayd heesta “Qalbigayga weydiiya/سلوا قلبي” oo Ummu Kaltuum ay qaadday miraheedana uu ka midka yahay meeriska caanka ah ee yiraahda “Ruux miyir qaba ayaa dhacdooyinka wax laga weydiiyaa ee horta quruxdu garasho ma u reebtay! /و يسال في الحوادث ذو صواب فهل ترك الجمال له صواب”. Dabadeed, boqor Cabdicasiis booqashada ka dib wuxuu hadiyad u diray fannaaniin ay ka mid ahaayeen Ummu Kaltuum, Maxamed Cabdiwahaab iyo Cali Maxamuud Taha (halkaan ka dhegayso heesta ‘سلوا قلبي’: https://www.youtube.com/watch?v=JPmD7XmDMME ).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira wadaaddo carbeed oo waaweyn oo qirtay in ay dhegaystaan heesaha Ummu Kaltuum, waxaana la rumaysan yahay in heesaha Ummu Kaltuum badankooda ay laxanka u sameeyeen wadaaddo. Tusaale ahaan, quraan akhriyihii caanka ahaa ee Cabdibaasid Cabdisamad wuxuu sheegay in uu dhegaysto heesaha Ummu Kaltuum wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay ‘Xiddiga Bariga iyo Galbeedka labadaba’ ( halkaan ka daawo Shiikh Cabdibaasid oo qodobkaan ka warramaya: https://www.youtube.com/watch?v=aCvRj7b1V0s ). Culumada kale ee quraan akhriska caanka ku ah ee qiray in ay u khushuucaan Ummu Kaltuum waxaa ka mid ah Shiikh Maxamed Siddiiq al-Manshaawi (1920-1969) iyo Shiikh Mustafe Ismaaciil (1905 – 1978). Waxaana xusid mudan, in la sheego in Ummu Kaltuum qudheedu ay quraanka ku akhrin jirtey cod macaan oo aad loo jeclaysto (Halkaan ka dhegayso Ummu Kaltuum oo quraan akhrinaysa: https://www.youtube.com/watch?v=d0rBvW-QqWg ).

Shiikh Cali Tantawi (1909 -1999) isaguna wuxuu sheegay in uu dhegaysto Ummu Kaltuum, wuxuuna isbarbardhig ku sameeyey Feyruus (1935- ) iyo Ummu Kaltuum. Culumada kale ee sida weyn uga qayb-galay doodaha la xiriira dhegaysiga heesaha waxaa ka mid ah Shiikh Maxamed al-Gasaali (1917- 1996). Bilmatal, waxaa la wariyey in arday ka mid ah ardaydii shiikhu uu la yaabay in shiikhu dhegaysto heesaha Ummu Kaltuum, shiikhuna uu ku yiri: waa jeclahay dhegaysiga ummu Kaltuum marka ay qaadayso qasiidada caanka ah ee Axmed Showqi ee oranaysa “ولد الهدى فالكائنات ضياء، وفم الزمان تبسم وسناء” ee ii sheeg waxa taa ku jaban? (halkaan ka dhegayso heesta Walada al-Hudaa: https://www.youtube.com/watch?v=xjpuTZu33qE ).

Dad ciiddaas ka badan oo uu ka mid yahay Shiikh Yuusuf al-Qardaawina (1926-) waxay luqunta u lu’laan qasiidada ‘Nahj Burda/نهج البردة’ee nebi-ammaanka ah ee Ummu Kaltuum ay ku luuqayso (https://www.youtube.com/watch?v=l_s4BKQk7Gg

Aan qalinka dhigo, qoraalkana ku soo afmeero dhacdadaan maqaawiirta laga wariyo. Ku Allahoode, waxay wariyeen in bishii Sibteembar ee 1929, uu magaalada Buur-Saciid ee dalka Masar uu soo maray Amiir Shakiib Arsalaan (1869-1946) oo xajka ka soo noqday, dhulkiisiina ku sii jeeda. Dabadeed waxaa booqasho ugu tagay ikhyaar ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Rashiid Ridaa (1865-1935) iyo Maxamed Cali Daahir oo ah ninkii lahaa wargeys la oran jirey ‘Ashuuraa/الشورى’. Intii sheekada iyo is waraysiga lagu jirey ayaa Maxamed cali wuxuu saaxiibbadiisii reer Masar wuxuu ku yiri: Amiir Arsalaan Masar waa joogaa,laakiin dhab ahaantii Masar ma uusan arag? Hadalkaas oo uu ka waday in uusan arag Ummu Kaltuum oo heesaysa, taa darteedna Masar wax ugu dhimman yihiin. Durbadiibana waxaa la xusay in Ummu Kaltuum ay hadda Buursaciid ku sugan tahay, caawana ay bandhig faneed samaynayso, waxaana la goostay in Shakiib Arsalaan madashaas la geeyo. Kolkii la tagay madashii Ummu Kaltuum xafladda ku qabanaysay ayaa Daahir wuxuu Shiikh Rashiid Ridaa weydiiyey su’aal ahayd: Ma bannaan tahay in la dhegaysto heesaha Ummu Kaltuum? Shiikh Rashiid Ridaana wuxuu ugu jawaabay: sidee baysan u bannaanay, soo ma aragtid in aan halkaan joogo? Kolkaasna Shakiib Arsalaan ayaa wuxuu yiri: Haddaba tani waa fatwo! Wuxuuna bilaabay in uu tiriyo gabay uu ku yiri:

رؤوس تغطّى بثلج المشيب

ولكنما النار من تحتها

تميل مع الطرب المستمر

لدى أم كلثوم مع تختها

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

[i] Sababta maahmaahdu ku baxday waxaa loo wariyey sidatan:

Waxaa la yiri: waxaa jirey beeraale sabool ah oo la oran jirey Geythaar, wuxuu lahaa dhul yar iyo labo dameer, mana lahayn tabar dhaqaale oo uu calaf ku filan dameeraha ugu helo. Marar badanna waxaa dhici jirtey in dameeraha midkood uu gaajada haysta darteed inta dabarka furto uu beerta ku mirto. Geythaarna kolka uu ogaado shilka dhacay labada dameerba isku si buu u ulayn jirey, kolka la weydiiyo sababta midka aan wax galabsan ee meeshiisa iska dabran uu u garaacayana wuxuu oran jirey, labaduba dhanka niyadda waa isaga mid oo isku bay u doonayaan in ay beerta daaqaan. Kolkaasna dadkii dooddiisa maqlay waxay yiraahdeen: “Dameeraha ina Geythaar kan dabran baa ka xun kan daysan! / حمير ابن غيثار المربوط اخبث من المطلق.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code