Weydiintii xitaa ma ka weecannay?!!

Weydiintii xitaa ma ka weecannay?!!

Boqol sano ka hor Muslimiintu waxay isweydiinayeen weydiinta ah: maxaynu udibdhacnay, iyaguna (reer Galbeedku) ay u hore mareen?

Waydiintan waxaa buugaag  iyo maqalloba ka qoray rag mufakiriin iyo wadaaddo diineed isugu jira, waxaana ugu cadcaddaa:

Shakiib Arsalaan(Lubnaan)
Rufaaca Dahdaawi(Masar)
Muxammad Cabdoo(Masar)
Cabdiraxmaan Alkawaakibi(Suuriya)
iyo Shikh Rashiid Ridaa (Masar)

Maanta weydiintaa waxa beddelay,waydiimo kale sida:
Shiicadu ma galaa mise muslim?
Dimuqraaddiyaddu ma gaalnimaa mise islaamnimo?
Gadhka qofka xiiraa ma faasiq baa mise maya?
Muusigga iyo heesuu ma xaaraanbaa mise xalaal?
Is halaagiddu ma jihaadbaa mise maya?
Habluhu xilalka sare ee qaranka (madaxweyne, ra’isuwasaare, wasiir, xildhibaan, qaalli, iqk) ma ka qayb-qaadan karaan mise maya?

Akhriste makuula muuqataa in ay waydiintii hore hagaastay?
Maxaase keenay dibunoqoshadan maanta taagan?

Waxay ilatahay dhawr waxyaabod baa u sabab ah:
1.Waydintii hore oo si qumman loogu  dhugmo yeelan
2.Diktaatooriyaddii siyaasadeed ee boqollkaa sannadood xukumaysay muslimiinta oo la dagaallantay maanka iyo isweydiintii qummanayd
3.Soo bixitaanka dhaqdhaqaaqyada islaamiyiinta sida Ikhwaanul_musliminka iyo Wahaabiyadii batroolka loo soo saaray, kuwaasoo dadka u sheegay in waxa keliya ee loo baahan yahay ay tahay in ay u noolaadaan sidii Salafku u noolaayeen, ugana digay inay ku daydaan gaalada halaagsantay ee reer Galbeed.

Qoladaan islaamiyiintu waxay ku abuureen dadka dareen islawayni aan xaqiiqo ku dhisnayn,oo ku koobaya mushkiladdaba keliya dumarka dharkooda iyo jihaadkii oo la soo nooleeyo, kaddibna si mucjisa ah udhalinaya khilaafadii luntay ee Muslimiinta.
Waxayse muslimiintu ku baraarugeen dhawaaqa miigagga USA;RUSSIA;BRITAIN IYO FRANCE oo  galaa baxaya dhulkii ugu jilbaabka, salaadda iyo jihaadka badnaa , sida; Somaaliya, Afgaanistaan,Ciraaq iyo Suuriya..mise salaadi kaama celiso,oo soon daa, habaarkiina xitaa Sudaysi waa soo karay oo beryahan sidii hore uguma luqeeyo.

Haddaba miyaanay u muuqan in mar labaad la soo nooleeyo iswaydiintaas iyo kuwa u dhigma, gaar ahaan bulshadeenna Soomaliyeed oo layska illoobo ismoodsiiska odhanaya Ilaahay baynu ka fogaannay,ee aan salaadda ku yaacno.
Salaadda, soonka iyo dharka haweenku wax cilaaqo oo gaar ah lama laha horumar adduunyo iyo dib udhac toona, waa cilaaqo ka dhexaysa qofka iyo Rabbigiis.

Maxay u hormartay Japan oo innaga halkan ina dhigay?

Waa Waydiin u baahan warcelin ee aan u baahnayn waano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code