Xaasha’e dastuur ma aha !!!

Halkudhegyada dhaqdhaqaaqyada islaamigu ay aadka u adeegsadaan waxaa ka mid ah halkudhegga yiraahda ” Dastuurkayagu waa quraanka”. Tusaale ahaan, halkudhegyada ururka Ikhwaanu Muslimiinku caanka ku yahay waxaa ka mid ah midka yiraahda: “Himiladayadu waa Alle, kaan ku dayanaynaa waa rasuulka, dastuurkayagu waa quraanka, jihaadku waa jidkayaga, jidka Alle oo loo dhintaana waa abdadayada tan u sarraysa/الله غايتنا والرسول قدوتنا والقران دستورنا والجهاد سبيلنا والموت في سبيل الله اسمى امانينا”” Sidaa awgeed, la yaab ma leh in Mundane Maxamed Mursi markii uu ol’olaha doorashada ku jirey uu cod-bixiyeyaasha ku xodxoto maqashiinta halkudhegga “Dastuurkayagu waa quraanka,… waana awoodnaa in aan hadda shareecada hirgelinno”.

Nidaamka la sheego in lagu dhaqo dalka Sacuudiga (النظام الاساسي للحكم ), qodobkiisa 1-aad wuxuu oranayaa: ” dastuurka Sacuudigu waa kitaabka iyo sunnada”, iyaga oo aad mooddo in ay illoobeen in quraanku yahay wax Muslimiinta oo dhammi ay wadaagaan, oo Sacuudigu aysan gaar u lahayn.

Quraankaa dastuur noo ah, waa halkudheg soo jiidasho badan, balse waa halkudheg aan run ka tarjumeyn, diinna ku salaysnayn. Quraanku waa diin, dastuurkuse waa siyaasad. Quraanku waa waxyi Alle oo mudan in laga dheereeyo siyaasadda iyo dabcigeeda danaysiga ku dhisan, dastuurkuse waa xeerar ku saabsan nidaamka xukunka iyo qaabka dowladdu u shaqaynayso, oo aadamigu ku heshiiyaan si ay ugu kala danbeeyaan, markii khilaaf yimaadana ugu kala baxaan. Quraanka waxaa asal u ah iimaan si xor ah loo rumeeyo, dabadeedna si xor ah loo fuliyo ka dib marka lagu qancay, laakiin dastuurku waa xeer cid waliba ku khasban tahay raaciddiisa marka la ansaxiyo ka dib. Quraanku waa aayado kooban oo leh macne aysan fududayn in mar walba dhan loo rogo, laakiin dastuurku waa wax dad ku heshiiyeen oo mar kasta lagu khasban yahay in la waafajiyo danta iyo baahida bulshada ku dhaqmaysa.

Dastuurka waxaa loo dejiyaa si khilaafaadka imaan kara loogu xalliyo. Si dastuurku ugu guuleysto xallinta khilaafaadkuna waa in uu leeyahay macne qeexan oo aan la isku qaban karin. Taa awgeedna dastuurka waa laga dhawraa sarbeebta iyo eray kasta oo mugdi keeni kara. Si taa lidkeeda ah, quraanka oo ah buug waano iyo hanuun, waxaa ku badan sarbeebta, suugaanta iyo aayadaha macnayaasha kala duwan la siin karo. Tusaale ahaan, Ikhwaan, Salafiyo al-Qaacido, al-Shabaab, ISIL, Jabhat al-Nusra, Aayatulayaasha Iiraan, Xisbu-Laahiga Lubnaan iyo ururrada kale ee diiniga ahiba waa isla oggol yihiin halkudhegga “Quraankaa dastuur noo ah”, haddana qolo waliba si gaar ah ayay u fasirtaa aayadaha quraanka, arrinkaas oo horseeda in ay isgaalaysiiyaan, dabadeedna seefaha iska aslaan. Khaliifkii 4-aad ee Cali bin Abii Daalib (RC) run buu sheegay markuu yiri oraahdiisa caanka ah ee oranaysa: “Quraanku wajiyo badan buu yeelan karaa”. Waxay kaloo ka wariyeen inuu yiri: “ Quraankaani waa khad ku qoran baalal dhexdood, carrab kuma dhawaaqo, wuxuuna u baahan yahay cid ka tarjunta, mana dhawaaqo balse rag baa ku dhawaaqa/ هَذَا اَلْقُرْآنُ إِنَّمَا هُوَ خَطٌّ مَسْطُورٌ بَيْنَ اَلدَّفَّتَيْنِ لاَ يَنْطِقُ بِلِسَانٍ وَلاَ بُدَّ لَهُ مِنْ تَرْجُمَانٍ ولا ينطق بل ينطق به الرّجال”.

Diintu dadka waxay ku qiimaysaa caqiidada ay rumaysan yihiin – oo waxay u qaybisaa Muuminiin, Munaafiqiin, Mushrikiin, Mulxidiin iyo Ahlu-kitaab, taa awgeedna xuquuq iyo waajibaad kala duwan bay siisaa Muslimka iyo gaalka, labka iyo dheddiga. Laakiin si taa ka duwan dastuurka dowladaha casriga ahi wuxuu ka duulaa fikradda muwaaddinnimada (= citizenship), sidaa darteedna bulshada kuma kala sooco caqiido ay rumaysan yihiin, iyo lab iyo dheddig midka ay yihiin.
Teeda kale, in dastuur la samaystaa ma aha arrin shareecada ka soo horjeeddaa, oo ciddii samaysaa ay noqonayso cilmaaniyiin gaalo ah, sida ay jecel yihiin in ay faafiyaan wax-ma-garadka kitaab gaablowga ahi. Balse, dhab ahaantii, dastuur la’aanta ayaa shareecada uga dhib badan dastuur la samaysto. Waxaana aragnaa ururrada Islaamka siyaasiga ah – sida Ikhwaanu Muslimiinka Masar iyo Tuunis- oo marka kuraastu u soo carafto judhiiba miyirku ku soo noqonayo, oo dastuurka beegsanaya. Waayo? Waxay garwaaqsanayaan in halkudheggu uusan ku habboonayn marxaladda talada dalka la hayo ee waxqabadka muuqda la isaga fadhiyo.

Carabtii casrigii jaahiliyadda iyo Muslimiintii hore ee noolaa sebankii rasuulku erayada xukun iyo dowlad midkoodna uma adeegsan macnaha maanta loo adeegsado ee siyaasadda iyo maamulka. Erayga waayahaas xukunka iyo maamulka loo adeegsan jirey wuxuu ahaa “Amar/ al-amr”, oo ah erayga laga qaatay eraybixinnada “Amiir iyo Imaaro”. Waxaana habboon in aan xusuusta ku hayno in erayga “Amiir” uu yahay eray waagii hore Carabtu ugu yeeri jireen ninka abaanduulaha u ah ciidanka duullaanka ah, muddada duullaanka lagu jiro. Carabta badankeeduna Islaamka ka hor ma aqoon xukun iyo nidaam dowladeed, waxayna ku faani jireen in ay yihiin dad xor ah oo aysan jirin cid yeelata ama ay yeeshaan (=cid u talisa iyo cid ay u taliyaana toona/ إن قريشا لقاح، لا تملك ولا تملك).

Taariikhda islaamku noo sheegi mayso nidaam xukun iyo dowladeed oo Islaamku la yimid ama jideeyey. Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu dhintay isaga oo aan ka hadlin nooca nidaamka xukunka ee ay tahay in Muslimiintu qaataan. Rasuulka ka dibna Khulufaa’u raashidiintii afarta ahaa ayaa qaabab kala duwan talada ku qabtay, wixii iyaga ka danbeeyeyna dunida Islaamka waxaa ka jirey boqortooyin kelitalis ah, oo seeftu hadasho. Fuqahada Islaamkuna waxay jideeyeen in ay waajib tahay in la addeeco ciddii awood sheegata, iyada oo aan la eegayn sida ciddaasi talada ku hanatay, waxayna dejiyeen qaacido oranaysa: “من قويت شوكته وجبت طاعته”. Ujeeddada ama xikmadda ka danbaysa in sidaa la yeelana waxay ku macneeyeen in ay tahay in fidno laga fogaado. Fuqahadu waxay qoreen buug ay u bixiyeen magcaan ay ka mid yihiin“Asiyaasa al-Sharciya” iyo “al-Axkaam al-Suldaaniya”, oo ay si weyn ugu sharciyeeyeen in loo baahan yahay in loo hoggaansamo madaxda kuraasta dhaxalka iyo boobka ku qabsata si kasta oo ay bulshada dhabarka uga karbaashaan, hantidana uga dhacaan ( تسمع وتطيع للأمير وإن جلد ظهرك وأخد مالك). Waana muuqataa in xeerkaas wadaaddadu jideeyeen uu diinta iyo dadnimadaba u daran yahay.

Dastuurkii ugu horreeyey ee Muslimiin qayb ka noqdaan dejintiisa, waxaa loo aqoonsanyahay inuu ahaa kii nebigu (NNKH) u dejiyey reer Madiino hijradii Nebiga ka dib. Dastuurkaas oo loo yaqaan “Warqaddii Madiino/ Saxiifat al-Madiinah”, ma ahayn mid quraan iyo xadiis laga dheegtay, balse wuxuu ahaa mid ka dhashay baahidii iyo wadaxaajoodkii bulshadii magaalada Madiino ku dhaqnayd, oo diin iyo dhaqanba ku kala duwaneyd (Ows, Khasraj, Muhaajiriin, Yahuud, Masiixi, ..). Dastuurkaas oo lagu doodi karo inuu ahaa mid madani ah, qodobadiisa waxaa ka mid ah mid oranaya: ” Yahuuddu waxay leeyihiin diintooda, Muslimiintuna waxay leeyihiin diintooda.” Muslimiinta iyo Yahuuddu danta ay wadaageen ee ay dastuurka u degsadeen waxay ahayd in ay wadajir uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka magaalada Madiino ee ay ku wada noolaayeen.

Dastuurka waxaa loo dejiyaa in lagu maareeyo khilaafaadka laamaha nolosha ee aadanaha, oo siyaasaddu ugu horrayso. Muranka iyo khilaafaadka siyaasadduna waxay la xiriiraan nolosha adduunyada oo ay aadamaha u fududdahay in ay furdaamiyaan. Laakiin si taa ka duwan, quraanka oo dastuur lagu tilmaamo waxaa ka dhalanaya in muranka iyo khilaafku uu gaaro in la isgaalaysiiyo, oo moorada diinta arrimo adduunyo dartood la isaga saaro. Haddaba sidee bay noqonaysaa xaaladda dalka siyaasiyiintiisu adeegsadaan hubka gaalaysiinta iyo aaakhiro u dirka. Sidee bayse noqonaysaa xaaladda diintu marka la siyaasadeeyo ee damac iyo dano adduunyo lagu qoofalo. Soo diintu noqonmayso mid xinif iyo xaalad-abuur u taagan, halkii ay ahayd in ay naxariis, walaalnimo iyo iskaashi ay ku salaysnaato.
Ku Allahoode, waxay wariyeen in Cabdumalik bin Marwaan oo Musxaf (=Kitaab quraan ah) oo uu akhrisanayey uu dhabta u saaran yahay, loo soo sheegay warka ku saabsan inuu khaliif (=boqor) noqday, dabadeed Cabdumalik wuxuu la hadlay Musxafkii, isaga oo ku leh: ” aniga iyo adiga maanta ayaa isugu kaayo danbaysa!”, Musxafkiina waa isku laabay. Waxay kaloo ka wariyeen in kolkii uu diley Cabdullaahi bin Subeyr ka dib, uu Muslimiinta u khudbeeyey isaga oo saaran manbarkii Nebiga (SCW) ee Madiina, uuna yiri: “Waxaan Alle ugu dhaaranayaa in ruuxii saacaddaan ka dib igu yiraahda Alle ka cabso aan luqunta u dheereeyo”. Waxaana habboon in lagu baraarugsanaado in mowqifkaani uusan ahayn mid Cabdimalik ku goonni ah, balse uu yahay mid ay wadaagaan inta badan madaxda adduunku, waayo indhaha siyaasigu ma jantaan jannada aakhiro, laakiin waxay calmadaan carshiga (=kuraasta) adduunyada. Cid ay kuraasta isaga horyimaadeenna raxmad kama fili karto. Maxaa yeelay, kuraastu rixin ma leh, raxmadna ma taqaan. Cabdimalik qudhiisana waxay ka wariyeen inuu maalin ku khudbeeyey hadal macnihiisu ahaa: Wax kasta waa cafin karaa, marka laga yimaado in xukunka la hunguriyeeyo.

Halkudhegga “dastuurkayagu waa quraanka”, oo la isku dayo in laga dhabeeyaa waxay horseedaysaa xasillooni la’aan iyo dagaallo la mid ah kuwii Jamal iyo Safayn. Waayo? cid kasta oo fikraddaas rumaysani waxay isu arkaysaa in iyadu ay Alle iyo rasuulkiisa wakiil ka tahay, oo ay carrabkooda ku hadlayso, ayna waajib tahay in loo hoggaansamo aragtideeda iyo amarradeeda.
Hayeeshee, ma jirto cid Alle iyo Rasuulka ka wakiil ahi, oo qofna shati looma siin inuu magacaas ku hadlo. Rasuulkii Allena (SCW) wuxuu dhaqan u lahaa inuu abaanduulayaasha uu dirayo uu kula dardaarmo in dadka ay u tagayaan aysan ka yeelin in ay ku kala baxaan xukunka Alle, balse ay ku kala baxaan sida iyaga wax ugu muuqdaan, erayada laga wariyey inuu ku oran jireyna waxay yihiin: ( …. وإذا حاصرت أهل حصن فأرادوك أن تنزلهم على حكم الله، فلا تنزلهم على حكم الله، ولكن أنزلهم على حكمك. فإنك لا تدري أتصيب حكم الله فيهم أم لا )

Isku soo duuboo, Muslim waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu quraanka dastuur ka dhigto, laakiin dastuurka dalku waa in uu noqdaa mid ku salaysan fikradda muwaaddinnimada oo bulshada waddanka oo dhan uu siiyaa xuquuq iyo waajibaad isku mid ah, iyada oo aan loo eegayn af, dhaqan, diin, mad-hab, midab iyo lab iyo dheddig midka uu yahay.

Kala xiriir qoraaga: sismail42@gmail.com

4 thoughts on “Xaasha’e dastuur ma aha !!!

  • May 19, 2016 at 8:00 pm
    Permalink

    Dhab ahaantii, marka hammi xasilloon jiro, qoraagu waxa uu daaha ka qaaday sooyaal jira, haddana, aan lagu been abuuran karin. Waxa uu jeexay waddo cad oo ciddii qormada dood ka qabta ku quusan karto. Waa hubaal in dad badan dhibsan doonaan marka ay been ka waayaan runta qoraagu sheegayna aysan jeclayn in bulshada loo bandhigo.

    ku hambalyo qormo wanaagga, sooyaalka bidhaaminta sida quraanka loogu duulo iyada oo siyaasad lagu lifaaqayo.

    Reply
    • August 12, 2016 at 1:35 am
      Permalink

      Muslinku maanta, Allaylehe caqlisan buu u baahan yahay. Waa a uu imanayaa. Waxaa adduunka muslimiinta ka socdaa waa in uu isbeddelaa; waa lama hurt an taasi. Waa isbbedel adag oo foolwaliilkiisu badan yahay. Wuxuu ka bilaabmayaa Majaraha fahanka diinta ee raglan uu Cabdisiciid ka mid yahay halkaa soo dhigayaan. Aakhirka wuu midtown dhali had ay noqotoba.

      Reply
  • June 5, 2016 at 7:44 pm
    Permalink

    قال الله تعالى ( ومن لم يحكم بغير ما انزل الله فاولاءك هم الفاسقون
    Qofkii Aan wax Ku xakumin kitaabka Iyo sunada Rasuulka waa faasiq
    Waa kaafir

    Reply
  • July 24, 2016 at 4:58 pm
    Permalink

    cabdulqaadir

    xukunka aayadu xustay waxaa looga jeedaa garsoorka e maahan siyaasada

    Reply

Leave a Reply to Cali Cabdigiir Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code